SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
WARARKA SHIRKA ELDORET- 02/12/2002

imdeeq@hotmail.com

MR. MWANGALE OO MAANTA LA HADLAY XUBNAHA GUDIYADA
WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya |Dec 2, 2002  

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha loo xulay inay ka mid noqdaan gudiyada lixda ah ayaa waxaa ka hadlay ergayga Kenya ugu qaybsan arimaha soomaaliya wuxuuna sheegay inay hawsha gudiyada ay waxyaabo ka mid ah soo diyaariyeen khuburada la shaqayn doonta,Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
Lixda Guddi ee Shirka Eldoret
  • 1- gudida dastuurka iyo maamul sal balaaran
  • 2- gudida dibu heshiisiinta, xuquuqda aadanaha, iyo anshaxa guud
  • 3- gudida dhismaha hayadaha iyo dumidda khayraadka
  • 4- gudida nabadaynta, hub ka dhigidda, dhaqan celinta, dib u dhiska iyo isu keenida
  • 5- gudida gobolada iyo xiriirka caalamiga ah
  • 6- gudida lahaanshaha dhulka iyo arimaha dadka laga tirada badan yahay.

Warbixintii hore ee dhismaha gudiyada....

xubnaha gudiyada ayaa isla maanta loo bilaabay in la diiwaan geliyo iyadoo loo sameeyey kaarar ay is ticmaali doonaan marka ay shaqaynayaan, waxaana manta xubnaha soomaaliyeed ee gudiyada la baray qaar ka mid ah khuburada la shaqayn doonta oo uu ku jirey nin soomaaliyeed oo shirka u soo diray bangiga adduunka oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabdi Nuur, waxaa kaloo gudiyada la shaqayn doona xubno xoghayn noqon doona oo uu Mr. Mwangale sheegay inay golaha wasiirada Igad ansixiyeen inay Kenyan ahaadaan iyo turjubaano soomaali noqoN doona.

<><><>

BAAQ AY HOGAAMIYAASHA MUQDISHO KA SOO SAAREEN ELDORET

Hagaamiyaasha Muqdisho ayaa maanta xarunta shirka ka soo saaray baaq ka kooban saddex qodob oo kal ah:

1- In la joojiyo dhamaan colaadaha iyo wax kasta oo hurin karanabad gelyo xumo

2- In si wada jir ah looga hor tago kooxaha burcadda ah ee caadaystey dilka, Afduubka, dhaca gaadiidka, burcadnimada iyo wixii la mid ah

3- In wixii khilaafad ah ee jira laghu xaliyo wada hadaliyo walaaltinimo.

Baaqan oo ay saxeexeen siyaasiyiinta kala ah: Xasan Abshir faarax, Cabdalle Deerow Isaaq, Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Xuseen Maxamed Caydiid, Cismaan Xasan Cali caato & Cumar Maxamuud Maxamed (finish) ayeey raga taageeray dadka reer Muqdisho kaga codsadeen inay taageeraan baaqan, waxay kaloo warqadda baaqooda ku xuseen inay aad uga xun yihiin qaraxii ka dhacay magaalada Mombasa oo ay ku tilamaameen fal; argagixiso, waxayna si xooggan u cambaareeyeen wax ay ku tilmaameen fal kasta oo argagixiso.

I  I  D  H  E  H

Xaflada baaqaas looga hadlayey oo ay ka soo qayb galeen Mr.Mwangale, wakiilka Jabuuti ee shirka, ergayga Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, wakiilka soomaaliya ee jaamacadda Carabta, safirka Masar ee Soomaaliyawakiilka ka socda xafiiska wakiilka qaramada midoobey ee soomaaliya, safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Suldaan Axmed Jaamac ayeey madaxdii halkaa ka hadashay si isku mid ah u muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin baaqa nabadeed ee madaxda reer Muqdisho ka soo baxay. Ninka wakiilka uga ahaa shirakaas wakiilka qaramada Midoobey ayaana sheegay in arintani inay dhab ka tahay hogamiyayaasha muqdisho lagu ogaan doono dekadda iyo Garoonka diyaarada Muqdisho oo la furo.

HALKAN KA AKHRI WARAYSIGII MAWLIID MACAANE EE SOMALITALK ... GUJI

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Wajigii Labaad ee Shirka Eldoret oo si rasmi ah u Furmay
"Wejiga labaad ee shirku wuxuu ku saabsanaan doonaa qorista iyo habaynta tiirarkii ay dawladda Soomaaliyeed isku taagi lahayd" sidaas waxaa yiri Mwangale oo ah...  Ibraahim Maxameddeeq 30/11

Wufuuda Shirka ELdoret oo  Cuntadii loo diyaariyey
kaddib markii wufuudu aysan ilaa shalay wax cunto ah ka helin hoteelada ay deggan yihiin ayaa...  Ibraahim Maxameddeeq 27/11

Rajo Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»»
Ibraahim Maxameddeeq  

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD