SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WUFUUDDA SHIRKA ELDORET OO MAANTA CUNTADII LOO DIYAARIYEY

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 27, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
somalia "XAL NOO KEENA IDINKAAN IDINKA SUGEYNAAYE"
Bannaan Baxii Taageerada heshiis lagu gaaro shirka Eldoret oo ka dhacay Minneapolis, ayna soo qaban qaabiyeen ardayda Soomaalida ee dhigta dugsiyada sare....  GUJI

 Wufuudda shirka dibu heshiisiinta soomaalida ka qayb gelaysa oo ilaa shalay aan wax cunto ah ka helin hoteelada ay deggan yihiin ayaa maanta dib loogu bilaabay in sidii caadiga ahyd cunto maalmeedkoodii loogu diyaariyo.

Arinta ah in cuntada la joojiyo ayaa ka dhalatay dadka iska leh hoteelada ay soomaalidu degan tahay oo ka mudaharaadayey inaan la siin lacagtii ay wufuudda ku qarash gareeyeen labadii todobaad ee ugu dambeeyey. 

Xubnaha Kenya ugu jira Gudiga farsamada Igad ee shirka oo maanta ka hadlay arintan ayaa muujiyey inay xaajadani ceeb iyo fool xumo ku tahay wadanka martida loo yahay ee Kenya.

Midowga Yurub oo ah hay'adda bixisa qarashaka shirka ku baxa ayaa iyaguna sheegay inay lacag shirka u hayaan laakiin ay arintu ku timid farsama xumo dib u dhac ku keentay isku xidhnaanta gudiga farsamada iyo mulkiilayaasha hoteelada. 

Soomaalida Eldoret ku sugan ayaa wel wel ka muujisay sida ay uga xun yihiin dhibaatada cunto la’aaneed ee ergooyinka ku timid. Galabta ayeey wufuuddu ka afurayaan meelaha ay degan yihiin kaddib markii mulkiilayaasha hoteelada maanta la soo gaarsiiyey lacagtii ka maqnayd.

[Maalin kasta waxaa shirka kubaxa $60,000 ... Eeg warbixintii hore...]

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk.com | Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

Liisas Iska Soo Horjeeda oo ay Beeluhu Gudbinayaan
Qabiilooyinka Soomaalida Eldoret ku shirsan ee laga sugayey inay soo gudbiyaan liisaskii gudiyadii lixda ahaa ayaa.. Ibraahim Maxameddeeq 25/11

G8 ma diidana Go'aankii Ergooyinka Qabiilka lagu saleeyey
Sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha dibedda ee isbahaysiga Dooxada Jubba (JVA) Mr. Cabdirisaaq Khaliif Ashkir oo u waramayey Ibraahim Maxameddeeq... 24/11 

Midowga Yurub oo Ku Hanjabay Joojinta Kharashka Shirka ELdoret
Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Muuse Suudi oo dalbaday in ergooyinka habka qabiil laga daayo oo habkii kooxaha lagu celiyo....  warbixintii Ibraahim Maxameddeeq... 23/11

Sifaha Siyaasiyiinta Soomaalida
iyo Siyaalaha ay u wada Hadlaan: Ibraahim Maxameddeeq oo jawaab ka bixinaya su'aal laga weydiiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed (eldoret) ayaa sheegay in.. GUJI... 23/11

DKG oo Diidey Go'aankii Shalay
iyo Safarkii C/Laahi Yuusuf oo Dib u Dhacay:... DKMG ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaa hadda arintaas diidan Warbixintii braahim Maxameddeeq 20/11

Ergooyinkii Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 19/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiilka Yar caloosha ayaa bannaanka taal -  taageero ayuu u baahanayahay -- GUJI

 

 

I I D H E H

 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

 

Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...
Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...
Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA
DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 
DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 
DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]