SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
LIISAS ISKA SOO HOR JEEDA OO AY BEELUHU GUDBINAYAAN

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 25, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
somalia "XAL NOO KEENA IDINKAAN IDINKA SUGEYNAAYE"
Bannaan Baxii Taageerada heshiis lagu gaaro shirka Eldoret oo ka dhacay Minneapolis, ayna soo qaban qaabiyeen ardayda Soomaalida ee dhigta dugsiyada sare....  GUJI

 Qabiilooyinka Soomaalida Eldoret ku shirsan ee laga sugayey inay soo gudbiyaan liisaskii gudiyadii lixda ahaa ayaa weli ku mashquulsan sidii ay hawshaas u soo afjari lahaayeen, waxayna qabiilooyinku si kala gaar gaar ah oo isku liddi ah u leeyihiin shirar ay arintaas kaga wada hadlayaan iyadoo ay koox waliba muujinayso figradda ay ku doonayso in loo qaybiyo xubnaha gudiyadaa uga qayb qaadanaya.

Qabiilooyinka ay gudiga farsamada Igad ku magacowday Minority ayaa ku hawlan sidii ay magacaas isaga bedeli lahaayeen iyagoo gudiga farsamada ka sugaya inay magacaas ugu soo bedelaan Jareerweyn iyo Banaadiri, waxaa kaloo jira dad ka mid ah dadyoowga Minority’ga ah oo doonaya inay talada iyo sida loo qaybinayo ergooyinka Minority’ga kaalintooda ku yeeshaan, taas oo aysan banaadiriga iyo Jareer weyntu ogolayn.

Gudoomiyaha ururka Banaadiriga (SANU) oo ka soo noqday aaskii Allaha u naxariistee AVV. Raajis ayaa ii sheegay inaysan waxba qaybsanayn ilaa iyo inta magaca ay naceen ee Minority laga bedelayo, waxayna qolyaha Banaadiriga iyo Jareerweyntu ii sheegeen inaysan liiska gudbinayn ilaa magaca Minority laga bedelayo.

Lixda Guddi ee Shirka Eldoret
  • 1- gudida dastuurka iyo maamul sal balaaran
  • 2- gudida dibu heshiisiinta, xuquuqda aadanaha, iyo anshaxa guud
  • 3- gudida dhismaha hayadaha iyo dumidda khayraadka
  • 4- gudida nabadaynta, hub ka dhigidda, dhaqan celinta, dib u dhiska iyo isu keenida
  • 5- gudida gobolada iyo xiriirka caalamiga ah
  • 6- gudida lahaanshaha dhulka iyo arimaha dadka laga tirada badan yahay.

Warbixintii dhismaha gudiyada.... 

Qabiilooyinka Hawiyaha ayaa iyaguna badanaa ku heshiiyey sida loo qaybinayo xubnaha ku soo hagaagay, waxaase jira qolyo ka mid ah qabiilkaas oo dacwo ka qaba habka wax loo qaybiyey oo isugu jira kuwo aan tirada lagu soo darin iyo kuwo siyaabo kale u cabanaya. 

Qabiilka Digil iyo Mirifle ayaa iyaguna badanaa ku heshiiyey hab qaybta xubnahooda iyagoo weli ku jira dhamaystir balse ay arintu u dhow dhow dahay. 

Qabiilka Dir ayaa iyaguna guda galay hab qaybta ergooyinkooda laakiin qabiilooyinka Dir waqooyi ayaa durba walaac ka muujiyey habka wax loo qaybiyey oo ay sheegeen inaysan Dirta koonfureed siin qaybtii ay xaqa u lahaayeen.

Qabiilka Daarood ayaan si rasmi ah weli ugu heshiin hab qaybta ergooyinka gudiyada lixda ah uga qayb qaadanaya, waxaana jira shirar aan iska war hayn oo ay siyaabo gaara ugu kala jiraan dadka qabiilkaas shirka ka jooga, waxaa jira liisas is khilaafsan oo ka soo kala baxaya shirarkaas is diiddan ee Eldoret ka socda, waxaana jira inay bessha Absame iyo Harti samaysteen guddi wax u qaybisa ayna soo saareen shax ay wax ku qaybiyeen oo ah: Harti 8, Absame 6, Mareexaan 6, Laylkase 2, Awrtable 2, taas oo ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen qaybo ka tirsan qabiilka Mareexaanka, Jaamac Cali jaamac, Col. Axcmed Cumar Jees iyo gudiyo ay samaysteen dadyoow iskood u yimid Eldoret oo ka tirsan beesha Harti, waxaana jira khilaaf aad u weyn oo u dhexeeya beesha Daarood dhexdeeda, waxayna qolo waliba si gaar ah u gudbisey liis aysdan kuwa kale la ogolayn.

Dhaqaaqa shirka Eldoret iyo inuu horumar sameeyo ayaa ku xidhan liiska xubnaha lixda gudi ka qayb qaadanaya oo ay beeluhu gudbiyaan, haddii liisaskan lagu guulaystana waxay qabiilooyinku guda geli doonaan inay gudbiyaan liisaska ergooyinka wejiga labaad ee shirka uga qayb qaadanaya oo in badan loo xayiraa.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk.com | Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

G8 ma diidana Go'aankii Ergooyinka Qabiilka lagu saleeyey
Sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha dibedda ee isbahaysiga Dooxada Jubba (JVA) Mr. Cabdirisaaq Khaliif Ashkir oo u waramayey Ibraahim Maxameddeeq... 24/11 

Midowga Yurub oo Ku Hanjabay Joojinta Kharashka Shirka ELdoret
Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Muuse Suudi oo dalbaday in ergooyinka habka qabiil laga daayo oo habkii kooxaha lagu celiyo....  warbixintii Ibraahim Maxameddeeq... 23/11

Sifaha Siyaasiyiinta Soomaalida
iyo Siyaalaha ay u wada Hadlaan: Ibraahim Maxameddeeq oo jawaab ka bixinaya su'aal laga weydiiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed (eldoret) ayaa sheegay in.. GUJI... 23/11

DKG oo Diidey Go'aankii Shalay
iyo Safarkii C/Laahi Yuusuf oo Dib u Dhacay:... DKMG ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaa hadda arintaas diidan Warbixintii braahim Maxameddeeq 20/11

Ergooyinkii Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 19/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiilka Yar caloosha ayaa bannaanka taal -  taageero ayuu u baahanayahay -- GUJI

 

 

I I D H E H

 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

 

Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...
Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...
Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA
DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 
DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 
DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD