SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Ergooyinka Shirka iyo Gudiyadii Lixda ahaa oo Hab Qabiil Lagu Jaan gooyey

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 19, 2002

 
RAMADAAN KARIIM

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/11/2002, waxay guddiga farsamada Igad isugu yeedheen dhamaan hogaamiyayaasha siyaasadda ee Shirka Eldoret ka qayb gelaya waxayna u sheegeen in hadda laga bilaabo ay ergooyinka wejiga labaad ee shirka ka qayb qaadanaya lagu soo xulayo qaab qabiil, iyagoo weliba qoraalada ay soo saareen ku caddeeyey inay sidaas golaha wasiirada ee Igad ku soo heshiiyeen kaddib markii in muddo ah lagu muransanaa sida loo kala qaybsaday ergooyinka wejiga labaad. 

Shaxda cusub ee maanta la isla ogolaaday oo ka kooban afar qabiil iyo badh, waxay tahay sidan:

Qabiil Ergooyinka kooxaha siyaasadda Bulshada rayidka Tiro guud

Hawiye                                                         

56   28    84
Daarood                                                       56  28  84
Dir                                                                   56 28    84
Rahan weyn                                                 56     28     84
Jareer/banadiri                                           28     14   42
Isugayn/yar                                                 252  126     378
Discretionary (ciddii loo garto)      22

Tirada guud ee ergooyinka                        

    400

                                

Waxaa kaloo iyana hab qabiil lagu qaybiyey xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof, waxayna u qaybiyeen sidan:

 

Qabiil/  Ergooyinka kooxaha siyaasadda/  Bulshada rayidka/ Tiro guud

Hawiye                          4                                             1                    5

Daarood                        4                                             1                    5

Dir                                   4                                             1                   5

Rahanweyn                   4                                             1                   5

Minorities                       2                                             1                   3           

Guddi kasta                  18                                            5                  23

T.guud ee gudiyada   108                                         30                 138

 

I  I  D  H  E  H

Go’aankaas ayaa markii la soo bandhigay waxaa qabiilooyinka laga codsaday inay berri soo gudbiyaan liisaska ergooyinka wejiga labaad ee shirka uga qayb gelaya, dhamaana madaxda siyaasadda Soomaalidu iyagoo faraxsan ayeey ka soo dareereen hoolka shirka waxayna durba guda galeen wada tashi ku saabsan waxa ay ka yeelayaan arinka cusub ee la soo hor dhigay. 

 

Mawliid Macaane ayaa mar kale dood ka keenay in loogu yeedho magaca Minority, waxaana laga yeelay in magacaas laga bedelo. 

 

Horay ayeey madaxda kooxuhu ugu heshiin waayeen inay qaybsadaan ergooyinka shirka, haddana meesha lagama saari karo inuu is qab-qabsi hor iman doono marka ay qabiilooyinku wax qaybsanayaan.  

 

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Qaar Kamida Kooxihii G8 oo Wax Loo Kordhiyey
Mr. Elijah Mwangale kulan gaar ah oo uu la yeeshay Cismaan Caato, Qanyare, Col. Barre Hiiraale iyo Cumar Finish ayuu ugu soo ban dhigay inay qaybsadaan 24 ergey.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 18/11

Bulshada Caalamka oo Dadaal ugu Jira sidii shirka ELdoret Caqabada looga Saari lahaa: Akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 17/11

Kooxihii Shiray oo Codsaday in 38 Xubnood Lagudaro
Ergooyinka si loo siiyo kooxihii cabanayey.... shirar gooni-gooni ah oo u socda kooxaha.... Mr. Mwangale oo sheegay inuu shirku ismari waa culus wajahay .... iyo saadaal in caqabadan goor dhow laga gudbi doono .. dhammaan ka akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 14/11

Awood Qaybsiga Soomaaliya oo Laga Salayn doono hab Qabiil
 Mr. Mwangale oocaddeeyey inuu wejiga labaad ee shirku ku saabsan yahay arimo farsamo ... C/Laahi Yuusuf oo sheegay inta shirka kamaqan inay yihiin kuwa carqalad wada ... Mr. Glen Warren oo beeniyey war ay Cismaan Caato iyo Maxamed ... Qanyare u qabsadeen GUJI 10/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiil Yar oo Qaliin degdeg ah u baahan - GUJI HALKAN

 

 

I I D H E H


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD