SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
SIFAHA SIYAASIYIINTA SOOAALIDA IYO SIYAALAHA AY U WADA HADLAAN

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 23, 2002

 
RAMADAAN KARIIM

  

ka biloow bidix: Xuseen Caydiid, Muuse Suudi, Xasan Abshir iyo Deerow oo shir ka qayb qaadanaya 

 

Akristayaasha SomaliTalk waxaan had iyo jeer ka helaa waraaqo aad u qurux badan oo ay ku muujinayaan sida ay u jecel yihiin inuu shirka Eldoret u noqdo mid lagu gaadho nabad iyo dibu heshiisiin soomaaliya ka dhacda, waxayna i soo weeydiiyaan su’aalo aanan badankooda tamar iyo taag ka jawaabistooda u hayn, xaashiyahaas dadka ii soo diraa waxay u badan yihiin Rag, gabdhuhuna kuma badna marka maadaama aan rag badan codsiyadooda fuliyey bal aan maantana hir geliyo su’aal ay gabadh soomaaliyeed i soo weeydiisey oo ku saabsanayd sida ay u wada hadlaan nimanka dalka isku haysta iyo sifooyinkooda guud, si kastaba ha ahaatee in kastoo ay cabsi dhinacyo badan lihi i soo qaabishay isla markaana ay xaajadani tahay mid xasaasi ah haddana aan guda galee Siyaasiyiinta ku dooda inay siyaabo kala duwan u kala metelaan ummadda soomaaliyeed ayaa leh qaabab kala duwan oo ay isu weeraraan marka ay hoolka shirarka ku wada hadlayaan, Intuusan hadalku u furmin ee ay is hor fadhiyaan ayaad ugu horaynba fahmaysaa sida ay isaga soo hor jeedaan, kolka uu mid hadlayana waxaad arkaysaa kuwo kan hadlaya diiddan oo halkaa uga miciya lisanaya isla markaana marka uu hadalka ebyo wixii ay ugu jawaabi lahaayeen kala hororsanaya, Inta badan madaxda kooxaha soomaalidu ma ogolaadaan in qolka shirka ay saxafiyiintu ku weheliyaan laakiin tab iyo xeelad ay isticmaalaanba qaar weriyayaasha ka mid ahi ma gafaan inay goob joog ka noqdaan golaha ay sida cadawtinimada leh isugu xag xaganayaan.

Qaabka uu nin waliba u maro inuu wax iska celiyo ayaa kala duwan masalan Cismaan Caato waa nin  si qayaxan mabda’ uu diiddan yahay uga hor yimaadda, waana nin had iyo jeer xulafaysi uu waxa uu diidan yahay kaga hor tago abuuri og, waxay si aad ah isaga soo hor jeedaan ninka lagu magcaabo Xuseen Caydiid oo ah siyaasi da’ yar oo mansabka uu sheeganayo Aabihii 1996kii ka dhaxlay, markaad xarunta shirka joogto waa lama huraan inaad aragto Cismaan Caato oo nin gacanta sii jiidanaya si ay gaar ahaan ugu wada hadlaan, waana nin aad u faq badan oo haddana goodi badan.

Xuseen Caydiid waa nin dhalinyaro ah oo si qabow oo haba yaraadee uusan wax karoox ahi ku jirin u hadla isla markaana waa nin qadarin badan oo dadka xurmeeya gaar ahaan dadka waaweeyn iyo duubabka, intii aanan arag waxaan u haystey nin aan wax wanaag ah ku sifoobin laakiin taasi haddaan arkay way beenowdey. Marka uu hoolka shirarka ku jiro waa nin hoos fiiriya oo uu dhaq dhaqaaqiisu yar yahay, wuxuuna inta badan figradihiisa qotomiyaa meel dhexe oo aysan cidina ka didi Karin, umana eka qab qable markaad aragtana muuqaal ahaan waxaad xusuusanaysaa dhalinyardii soomaaliyeed ee waayo waayo.

barre ka biloow bidix: Ibraahim Maxameddeeq, Col. Barre Hiiraale, Mr. Deeq, iyo Col. Yeey. waraysigii Barre

Mawliid Macaane waa nin markuu hadal maago hadal dheer oo badiba is difaac u badan dabada qabsada, wuxuu aad u neceb yahay in dadkiisa loogu yeedho Minority, dhawr goorna dad ay afkooda ka soo yeedhay wuu ku aflagaadeeyey wuxuu rumaysan yahay inay dadkiisu yihiin qabiilka 5aad ee soomaaliya wuxuuna ugu yeedhay Jareer Weyn, waa nin aftahan ah oo waxa uu damacsan yahay dadka si sahlan ugu gudbin kara, haddaad xarunta shirka soo gasho waa lama huraan inaad la kulanto Mr. Mawliid oo qaar saxafiyiinta shisheeyaha ah uga waramaya nabad jacaylka tolkii iyo inay dadkiisu yihiin kuwii soomaaliya loogu yimid, wakhtiga wada hadalka waa nin qofkuu doono si toosa u weerara oo wax iska celin badan, tanaasulkiisuna ma badna.

Cabdillahi Yuusuf marka uu madasha shirka ku sugan yahay waa nin hadba qof jaleeca oo aysan indhihiisu marnaba is taagin , gacantiisa midigna inta badan wejigiisa iyo timihiisa ku salaaxa, waa nin hadalkiisa si kalsooni leh u marsada oo ay dhiiranaan badani wejigiisa ka muuqato marka uu la xaajoonayo madaxda kooxaha kale, waa nin hadal kulul ku weerara ninka uu ka dareemo inuu isaga ka soo hor jeedo isla markaana qosol raaciya hadalkiisa, wuxuu inta badan ku taamaa inuu saddex meeloodow meel soomaaliya ka taliyo, marka uu shirka hogaamiyayaasha soomaalida fadhiyana waxaa ka muuqata awood dheeraad ah, waana masuul aad u neceb ururada Al-islaax iyo Al-itixaad.

Maxamed Qanyare waa masuul marka la wada hadlayo hadalkiisa xaqiiqda u dhoweeya oo xigmad iyo maadba ku ladha, waa siyaasiga qudha ee aysan cidi ku haysan inuu beesha uu ka dhashay siyaasad ahaan metelo, waa nin marka wada hadalka kaftan loo bogo soo ban dhiga xitaa marka uu cida uu ugu neceb yahay la hadlayo, marka aad xarunta shirka ku sugan tahay waxaa suuragal ah inaad dhawr goor aragto Qanyare oo keligii xarunta shirka darteen la’aan dhex laafyoonaya. 

Shaati Guduud waa nin aad u hadal yar oo aamusnaan badan ayna had iyo goor u caddahay waxa uu ka odhanayo arrinka markaa laga wada hadlayo, waana nin hadduu hadal u qumo tiraabtiisa soo kooba, marka wax la weeydiiyana jawaab sugan bixin og, marka shirka la fadhiyo waa nin dhawra qofka hadlaya isla markaana waa nin aad u dhaq dhaqaaq yar, saxaafadana ma jecla.

Sheekh Aadan Madoobe waa nin kolkaad aragtidba aad garan karto inuu nin diimeed yahay, waana nin marka wada hadalka adabka diinta Islaamka hadalkiisa ku ladha, waana nin dhalinayaro ah oo dabci san isla markaana ay si weyn Shaati Guduud isaga soo hor jeedaan, wuxuuna inta badan ku doodaa inay reer Baydhaba Shaati Guddud naceen. 

Xasan Abshir waa nin goobta wada xaajoodka hadal macaan oo aan wax turxaan ah lahayn soo bandhiga, ma aha aftahan hadalka si fudud isugu xidha, mana aha nin karoox badan oo ay hadaladiisu dadka ka sasiyaan, wuxuu aad u isticmaala kelmadda Walaalayaaloow, marka wada hadalka go’aan cad sooma ban dhigo ee wuxuu talada ku soo ururiyaa inay wada tashi isugu noqonayaan, waana nin aysan wax kibir ahi ka muuqan. 

Oct 31: kabilow Bidix koofida qaba: Maxamed Cabdi Xaashi, Cabdilaahi Yuusuf, Mawliid Macaani, Xasan Qalaad, Maxamed Seyid

Muuse Suudi Yalaxow waa nin marka uu madasha shirka ka hadlayo adeegsada hadal murtiyeed micnaha ka dambeeya iyo sida uu isugu xidho lagu qoslo, wuxuu u hadlaa si qaboow oo aan qaylo lahayn xaqiiqwdana aan ka fogayn, wuxuu rumaysan yahay inay dibu heshiisiinta soomaaliya iman karto marka ay hogaamiyaaysha soomaaliya ka taliyaa wax isku af gartaan, inta badan ma jecla inuu saxafiyiinta la kulmo, wuxuuna isu haystaa nin uu  warkiisu qaali yahay.

Gen. Morgan waa nin markuu shirka fadhiyo aan hadal badnayn oo gadhkiisa dhererka badan ku mashquulsan, hadduu hadal damcana si degan ayuu hadal aan qaylo lahayn u soo ban dhigaa, wuxuu leeyahay dabeecad fur furan oo aan ka hor istaagin inuu cid kasta la istaago, wuxuu rumaysan yahay inay dibu heshiisiinta soomaalidu taabba gal noqonayso marka dhibaatada soomaaliya ka dhacday iyo dhulka la kala haysto cilmi baadhis lagu sameeyo oo la isla fahmo, marka la wada fadhiyo wuxuu dhinac fadhiistaa Col.Cabdillaahi Yuusuf oo ay iminka si weyn u wada socdaan, waana nin u dhaarsan gooray noqotaba inuu Kismaanyo gacanta ku dhigo. 

Col. Barre Hiiraale waa nin isaguna aan hadal badnayn marka uu hadal damcana siday tahay ujeedadiisa ugu arooriya, waana nin isku daya inuu cid walba qanciyo, wuxuu rumaysan yahay inay dadka Jubooyinku gudoomiyanimada u doorteen, xiliga wada hadalka waa nin waxa uu ka hadlayo si degan u tebiya In kastoo aysan intaas ku koobnayn una dhoweyn sifayaasha arbayaasha soomaaliya haddana akhristoow la soco xigamadda odhanaysa: Haddii aamus doqoniino dhalay hadalla eedoobey, Taloow yaa wax lagu eed baxoo aada garanaaya!!!.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk.com | Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

DKG oo Diidey Go'aankii Shalay
iyo Safarkii C/Laahi Yuusuf oo Dib u Dhacay:... DKMG ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaa hadda arintaas diidan Warbixintii braahim Maxameddeeq 20/11

Ergooyinkii Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 19/11

Qaar Kamida Kooxihii G8 oo Wax Loo Kordhiyey
Mr. Elijah Mwangale kulan gaar ah oo uu la yeeshay Cismaan Caato, Qanyare, Col. Barre Hiiraale iyo Cumar Finish ayuu ugu soo ban dhigay inay qaybsadaan 24 ergey.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 18/11

Bulshada Caalamka oo Dadaal ugu Jira sidii shirka ELdoret Caqabada looga Saari lahaa: Akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 17/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiil Yar oo Qaliin degdeg ah u baahan - GUJI HALKAN

 

 

I I D H E H

 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD