SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

 Shaar Gaduud: Heshiis ayaan kala saxiixanay Deeroow
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 23 Oct, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

Waraysi ay idaacada iqra shalay kula yeelatay magaalada Eldoret Madaxwaynaha maamulka Koonfur galbeed Col. Xasan Maxamed Nuur Shaar gaduud ayaa waxaa uu ku sheegay in heshiis uu la saxiixday gudoomiyaha baarlamaanka TNG Cabdalla Deeroow Isaaq.

Heshiiska ay kala saxiixdeen ayaa waxaa uu dhigayaa sidii ay uga shaqayn lahaayeen midnimada Beelaha Digil iyo mirif ee gobolada soomaaliya gaar ahaan maamulka koonfur galbeed ee uu isaga madaxwaynaha ka yahay.

Heshiiskaasi si aan u xaqiijino ayaa hadana waxaanu arintaas waraysi kala yeelanay Cabdalla Deeroow isaaq oo uu wariyaha IQRA Maxamed Aden Terra kula kulmay hoteelka uu daganyahay waxaana uu sheegay  Deeroow in arintaasi ay sax tahay heshiiska ay kala saxiixdeena uu muhimadiisa yahay wada noolaanshaha nabad iyo midnimada umada Digil iyo Mirif.

Col shaar gaduud mar aanu wax ka waydiinay colaada u dhexaysa isaga iyo ku xigeenadiisii waxaa uu carabka ku dhuftay in uu doonayo wada hadal sidii loo soo afjari lahaa xiisadaas isla markaana uu diyaar u yahay.

Ergayga Kenya u qaabilsan arimaha soomaaliya Elijah Mwangale ayaa waxaa uu yiri hadii lacag ay wax tarayso way haystaan soomaalida waxayna garaacaysaa al baabada xataa waxay ku sigatay in ay soo garaacdo al baabkayga.

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Oct 23, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD