SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MUQDISHO
 MAXAMED QANYARE AFRAX" Ma qabo inuu yahay Shirka Nayroobi mid najxaya waayo waxbaa ku hoos qarsoon"

WQ. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | Muqdisho, Soomaaliya


Maxamed Qanyare
Waxay ahayd maalin ay qoraxdu kulushahay, waxay saacaddu ku dhawayd 11.00 Barqanimo xilliga Muqdisho, waxaa i wehliyey ilaa saddex dhallinyaro oo ka tirsan Saxafiyiinta Muqdisho, waxayna kala ahayeen Tifaftiraha Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan "Black" oo ka mid ah kuwa ugu magaca weyn Saxafiyiinta Soomaaliyeed, Cabdi Sheekhdoon Nageeye oo kamid ah Wariyeyaasha Wargeyska Ayaamaha iyo C/llaahi Maxamed Kulane "Anas" oo ah Wariye si aad ah ugu xeel dheer sameynta Sawirada si xirfadeysanna u adegsada Kaamirooyinka Digitalka, (isaga ayaana noo soo qaaday Sawirada aad arkeysaan).

Waxaan la ballansanaa Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Siyaasiyiinta Magaalada Muqdisho ugu waaweyn, waxaanu qaadannay laba gaari oo Taxi ah, waxaan afka saarnay Xaafadda Dayniile oo magaalada Muqdisho uga aaday dhinaca Waqooyi Galbeed, halkaasoo fariisin u ah Hoggaamiyahaas, waxaanu sii soconay ilaa iyo 20 daqiiqo, inkastoo ay wadadu burbursanayd haddana si raaxo leh ayaan u gaarnay halkii uu daganaa Qanyare.

Markii aan nimid xaruntiisa waxaa albaabka hore nagu istaajiyey wiilal dhallinyaro oo ku hubeysanaa qoryaha fud-fudud oo ka tirsanaa ilaalada xaruntiisa, goortii aan u muuqanay waxay nagu amreen in Gaariga la istaaajiyo si ay noo weydiiyaan Su'aalo iyaga u joogto ah, sida sababta aan u socono iyo cidda aan nahay, kolkii aan isu sheegnay in aan nahay Wariyeyaashii balanta la lahaa Qanyare ayey iriddii noo fasaxeen, waxaan sii galnay xaruntii Qanyare ee aan Safarka u soo galnay, intii aynaan gudaha sii gelin waxaa noo muuqanayey Hub aad u fara badan oo aan islahaa tolow halkan ma waxay ka mid tahay xeryaha loogu talgalay ku uruurinta Ciidamada iyo Hubkoodaba.

Waxaan tagnay isaga oo la kulansan rag odayaal ah oo uu shir kula jiray, wuxuu noo soo fariin diray in inta uu shirkiisu u dhammaanayo aan soo booqano Garoonka Diyaaradaha ee Xaafadda Dayniile, halkaas oo aan kula soo kulanay madaxa Garoonka Diyaaradaha ee Dayniile Mudane Xuseen Guutaale Raage oo aanu kula yeelanay wareysi dhinacyo badan ah oo ku saabsan Garoonka.

Muddo ku dhaw 20 daqiiqo kaddib ayaan dib ugu soo laabanay hooygii Qanyare oo goortii la gaarsiiyey soo laabashadeenii nagu sugayey mudul laga sameeyey dhis oo sidii aqal Soomaaliga loo dhisay, meesha u dambaysa ayuu ka muuqday Mudane Qanyare oo malaha na sii sugayey, aniga aragti ahaan waxaa Qanyare iigu horreysay iiguna dambaysay 1997 oo uu markaa safar ku yimid dalka Yaman isagoo xilligaas Wasiir ka ahaa Dawladii Salballaar, markii aan shalay la kulmay ima kaalmeyn aragtidaydii hore ee aan xilligaas arkay oo wuxuu iigu muuqday nin ka da'yar kana qurxan sidii hore, wuxuu labisnaa surwaal iyo shaati dhexduna waa ay u xirneyd, wuxuu gacanta ku sitay ul yar oo aad u qurxan midkeeduna aad u cad yahay, madaxa sare ee ushana waxaa ku dahaarnaa fuuq rasaaseed taasoo indhaheena soo jiidanaysay.

Salaan iyo soo dhawayn ayaan is dhaafsanay, waxay hadalo kaftan is aqooneed ah isku tuur-tuureen Tifaftiraha Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan "C/llaahi Black", kaddib waan is baranay Gudoomiyaha, waxaa u sheegay halka aan ka socdo oo ah bogga Somalitalk.Com, waxa uu i weydiiyey halka ay tahay xarunta Somalitalk.Com, waxaan ugu jawaabay dalka Kanada.

Si aan shaqadayadii u bilaabana, waxaan diyaarsaday cajaladii aan uga duubi lahaa wareysiga, markuu rikoorkii yaraa arkay ayuu yiri "aniga sideydaba ma duubo codkayga", waxaan la soo baxay qalinkii iyo warqadii aan wax ku qoran lahaa, su'ashii u horeysay waxaan uga dhigay sidatan:-

S: Shirka Nayroobi sideed u aragtaa?

J: waxaan u arkaa shir Soomaaliyeed inuusan ahayn, Soomaalina lagalama tashan, macnana keeni maayo mana u habeysna in dad diriray lagu heshiisiiyo, dadna meesha waa laga buuxin karaa, shirkuna sidiisaba ma dheelitirna,saa awgeed sinnaan iyo cadaalad ka imaan meyso.

S: Guddigii Farsamada hadaad la kulantay maxaad isku afgarateen?.

J: Guddiga Farsamada iyagaaba is haystay meel ay dhawrayaanna ma jirin, wax u diyaarsanna maba jirin, Jabuuti oo joogta C/Qaasim halaga dhigo Madaxweyne iyo Itoobiya oo SRRC wadata. Soomaalina qaseysa midna xal ma soo wadaan.

S: Haddii aadan adigu labadaanba midna xiriir la lahayn ma jiraan dowladdo kale oo aad ganacsaar la leedahay?.

J: Cidna inaan xiriir la yeesho wax igu khasbaya ma jiraan, ajnabina umaba baahni, xaan ku falaa, anigu Soomaali baan ahayn, Itoobiyana xiriir lama lihi, shirkana sir badan baa ku jirta.

S: Yaa wax qarsanaya ayaad tuhmeysaa?
"Dowladaha lagu magacaabo safka hore ee saddexda ah ayey wax u qarsoon yihiin" Qanyare

J: Dowladaha lagu magacaabo safka hore ee saddexda ah ayey wax u qarsoon yihiin, annaguna ma aqbali doono wax aan caddayn, Ilma ma nihin, annagu talo xumo uunbaa na haysa oo waxaan u baahanahay oo keliya dad gacan nagu siiya in aan xal gaarno.

S: Ma ka qayb galeysid miyaa shirka ?.

J: Kaqayb gali maayo kuma dhihin ee wax hala saxo ayaan leeyahay.

S: Sidee rabtaa adigu inuu shirku noqdo?.

J: Shir Soomaaliyeed waa in uu noqdaa, haddii uusan saa noqoneyna waa in la dhahaa waa shir looga arrinsanayo arrimaha Soomaaliya oo uu noqdaa mid Soomaali loogu shirayo.

S: Sheeko suuq waxaa baryahan ku jira in Soomaalida loo soo wado Karazaay Soomaali ah?

J: Wax aan kala socdo ma lahan, jiraana waa dhici kartaa, laakiin anigu ma maqal.

S: Dowlada K.M.G. waxay soo jeedisay in la keeno ciidamo hubka ka uruuriya Soomaalida arrintaa sideed u aragtaa?.

J: Aniga waan qabaa in hubka la ururiryo , haddiise la uruurinayo yaa loo dhiibaya illeen maamul dhaxe ma jiree, taas iska war waaye.

S: Iyadoo la adeegsanayo la dagaalanka Argagixisada ayaa waxaa badaha iyo hawada Soomaaliyaba ku gaaf wareegaya maraakiib iyo diyaarado reer Galbeedka ah, arrintaa maxaad ka leedahay?.

J: Aniga Danbiile in lala diriro waan qabaa waana in uu cad yahay danbigiisa, Soomaaliya hadda xarun Argagixiso kuma taal, xeryo ay ku tababartaana ma jiraan, way jiraan dad aaminsa mabaadi' diineed mase ahan dad awood leh oo afkeenu waa isku ammaan bey ku shaqaystaan, waxaana argagixiso lala diriri karaa markii ay Dowlad dhexe oo Soomaaliyeed timaado oo danbiyada ka ilaalisa dadka, sidaa awgeed markab Jarmal ah iyo diyaarad Ingiriis ah midna waxba kama qaban karaan arrimaha Soomaaliya waana qorshe qaldan, Soomaaliyana hadda kaalmo ayey u baahan tahay ee cirka xiin xiin xabad u noqon mayso.

S: Suu yahay xiriirka adiga iyo C/Qaasim maadama aad dawladiisa ka mid ahaan jirtay?

 
Soomaaliya Shalay iyo Maanta

DKG ee C/Qaasim hogaamiyo waxyaabaha lagu tilmaamo in aysan ku guulaysan ama aysan wax kaqaban waxaa kamida:

  1. Hanashada madaxtooyadii Qaranka oo ku dhextaal Xamar.

  2. Furitaanka dekeda Weyn ee Muqdisho ama garoonka diyaaradaha.

  3. Akhri Somalia shalay iyo maanta 

J: C/Qaasim waxba isuguma kaaya jiraan, sharcigana waa dhawri waayey, heshiis aan wada galnayna waa iiga baxay.

S: Dad u badan reer Galbeeka waxay qabaan in waxbarashada Soomaaliya ay gacanta ku hayaan ururo Islaami ah, oo markaas ay dhici karto in Daalibaan cusubi ka soo baxdo Soomaaliya taas ma qabtaa adigu?.

J: Reer Galbeedka waxay rabaan in aysan dadkana waxbarin oo aysan caawiyin, iyagaa cidleeyey dalka, ninkii fiican ayaa waxqabanaya oo dadka waxbaraya, maxaana ka galay cidda wax na baraysa, Reer Galbeedka hadday ikhtiyaarkooda uga tageen Soomaaliya kuwaana ikhtiyaarkooda ayey ku doorteen inay dadka wax baraan.

S: Haddaad tihiin Siyaasiyiinta reer Koonfur maxaad ka qabateen arrimaha bulshada sida Isbitaalada, Waxbarashada?.

J: Aniga reer Koonfur wakiil kama ahi, wixii nafteyda ah waad I weydiin kartaa.

S: Hadaan adigaba ku weydiiyo isla Su'aasha maxay tahay Jawaabtaadu?.

J: wixii tabarteyda ah oo karaankeyga ah waxbaan ka qaban, waxaa la yiri taako lama guuree tabaraa la guuraa, hadda Isbitaal ayaa ka socdaa Dayniile oo ay dadka deegaanka dhisayaan.

S: Siyaasiyiinta Soomaalida mid meesha kabaxa maxaa loo waayey? ragga cusubse maad u banaysaan booska maadama aad toban sano ka badan dadka hor joogteen?

J: Siyaasadda aniga waxaan u aaminsanahay inaysan ahayn kaalay wax qabo, dhallinyarada ayagaa laga rabaa inay wacdaro muujiyaan, oo waliba annagu soo dhawayn meynee jidka ayaan ka sii xiraneynaa, cid annaga noo yeeratay oo wax noo dhiibatay ma jiraan, marka ragga cusub iyagu jidka ha furteen, ma aragtaa qoryaha aan haysto anaa gatay waa inay lacagtooda gubaan, waa in ay soo koorseeyaan.

S: Marka sow cadaanmeyso in adinku aad shacabka hor taagan tihiin?.

J: Shacabkan Jiridiisaa xun iyagu waa wax magarato, marka Shacab xun nin xunbaa xukuma, illayn madaxdu dadkey ka dhex yimaadeen, idinka wariyaasha ah laftiina qabiilkiina ayaad la jirtaan, dadkana caqli dhexdhexaad kama jiro, Hoobiye ayuu ku ridayaa weyna u sacbinayaan, Isbaaruu u dhiganayaa inay ka hortaganna ma rabaan iyagoo awood u leh inay tuuryeeyaan, anigu isbaaro ma dhigto, Kufsi, Dhac, Boob, midna ma ogoli.

S: Haddee, ummad waliba waxaa u taliya hoggaankooda, Siyasiyiintooda, Culimadooda, Cuqaashooda. Sow adinku Caamadii ku kicin meysaan kaalaya reer hebel la dagaalama?.

J: Yaa caqli xun, markaan saas leenahay may naga diidaan, maxay u raacayaan hadalkeena, may is qabtaan, dadka iyagaa qashin ah, waagii Salballaar jirtay kuwii la socday C/Raxmaan Tuur ee lacagta u qaaday W/Galbeed inta lacagtii lagu uruursaday ayaa la xirxiray, sidaa waxaa sameeyey Shacabka, aaway hadda C/Raxmaan Tuur, bal hadda fiiri W/Galbeed waxaa xukuma Daahir Riyaale Kaahin, dadkan Qabiilkaa baabi'iyey, Shacabkan iyagaaba salaaxanee maxay dooran karaan waxba garan mayaanee.

S: Hadde, shacabkii intay wax garteen sowtay Carte isugu tageen oo ay dowlada soo dhisteen, sow adinka Siyaasiyiinta ah ma diidin,?.

J: waa inay caqli keenaan markii horeba been buu ahaa shirkaa, bilowgiisaba waxaa la yiri looma baahna Siyaasiyiinta oo Jabuuti ayaa u diiday shirka.

S: haddaba dowladii sow adinka idin kama socon la'a?.

J: maxaaba nala soo gaaraa, ninkii waday aaway dowladaan, wuxu ma dib u heshiisiinay ahayd mise dawlad ayey ahayd, C/Qaasim inta Guri afar dariishad leh inta galay ayuu yiri waa Madaxtooyadii, isaga ayaa wax socodsiin la' mooyee cid hortaagan ma jirto, lacagtii soo gashay meel lagu bixiyey lama yaqaan meelay taalana lama oga.

S: dadka dega Gobolladan maxaad u soo jeedin lahayd, maadama dhibta Soomaaliya oo dhan iyaga loo aaneynayo oo la leeyahay iyaga ayey ka degi la'dahay?.

J: waxaan soo jeedin lahaa si looga baxo dhibaatooyinka jira in Hormuudka Hawiye ee Xamar iyo gobolada ku xeeran deggan in ay isku yimaadaan oo ay la yimaadaan wax caqli ah, kana taliyaan sidii shacabku ku heshiin lahaa kuna furan lahaa Dekadda iyo Gaaroonka iyadoon Madaxweyne la sheeganeyn, shirka Nayroobi waxaan ku celinaya in aysan waxba ka soo baxayn hormuudka Hawiyana go'aan degdeg ah la yimaadaan oo shacabka ceegadu ku dhagan tahay laga furo.

S: soo ma haboonaan lahayd inaad raacisid qabashada iyo diyaarinta gogosha, kana waran hadaad adigu diyarisid?.

J: marka hore waa in fikradasi la aqbalaa oo adinka Saxafiyiinta aad fikradaas iibisaan oo aad fidisaan, angia U.N. u yeeranmaayo oo qarash weydiisanmaayo waana martigelin karaa waxgaradka iyo waayeelka deegaankan.

S: Soomaalida Dibadaha ku nool maxaad u fareysaa maadama ay akhrisanayaan wareysigaagan?.

J: dadaka banaanka ku nool wax fariin ah u farimaayo.

S: oo maxaa dhacay?

J: saas waaye.

S: waxaa la sheegaa in Soomaalida dibadda qurbaha ku nool ay lacagaha u soo diraan Hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya qaarkood?.

J: koley aniga waxba iima soo diraan dadkaas waxay ku dhaarteen inay daacad u yihiin dalka ay Basabooradoda qaateen, oo waaba dad magacii Soomaalinimada ka tagay.

<><><>

Intii aan dhex jooganay Garoonka Diyaarada ee Dayniile waxaa ii suura gashay in aan wareysto Xuseen Guutaale Raage oo ah Maamulaha Garoonka, su'aashi ugu horeysay ee aan weydiiyey waxay ahayd.

S: Goorma ayaa la furay Garoonka sideese u shaqeeyaa?.

J: Sideed Bilood ka hor ayaa xariga loo jaray, 3 ilaa 7 diyaaradood ayaa ku soo dega maalintii kuwaasoo isgu jira kuwa Qaad sida iyo kuwa Rakaabka iyo usbuucii oo ay ku soo degaan ilaa iyo Afar diyaaradood oo min laba duulimaad ah oo ay leedahay Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee U.N.C.H.R., dhamaan Dayuuradahasi Nayroobi ayey ka yimaadaan, rakaabka haddii uu ajnibi yahay waxaa laga qaadaa $25 gelid iyo bixidba, qofka Soomaaliga ahna waxaa laga qaadaa $20. oo bixid kaliya, waxaa ka dhex shaqeeya magaalada iyo Garoonkan ilaa 60 Caasi oo wax qaada, halkii Diyaarad waxaa Canshuurta Garoonka looga qaada $200. diyaradaha caadiga ah, Diyaaradaha U.N.ta waxaa laga qaada $50. maadama ay umada wax u qabanayaan.

S. Yaa gacanta ku haya Garoonkan maamul ahaan iyo ammaan ahaan?.

J: waxaa gacanta ku haya Kaabo Qanyare difaaciisana aad ayuu u adag yahay oo geesaha oo dhan ciidamo ayaa ka jira ilaa iyo xamarna waa nabadgelyo waxaana adeegsada ganacsatada.

S: maxay Ganacsatadu inteeda badan u adeegsadaan Garoonkan?.

J: ugu horeyntii waxa uu u dhaw yahay Magaalada Muqdisho taasoo faa'iido weyn u ah ganacsatada iyo isagoo amaankiisu aad u wanaagsan yahay.

S: ma is leedahay garoomada noocan ah waxay caqabad ku yihiin furida garoonka weyn ee Muqdisho?.

J: horta dhisida garoonka waa horumar anfac leh walow aan nagu kaliftay dhisidiisa xirnaanshaha garoonka muqdisho, laakiin haddii la furo garoonka weyn waxaan isleeyahay looma baahnaan doono.

Goortii aan gabagabeeyey Su'aalihii aan u baahnaa ayaan kormeer ku soo sameynay wadada weyn ee diyaaradu caga dhigtaan ee garoonka, intii aan wada sheekeysaneynay ayey igu soo dhacday in aan weydiiyo su'aal shakhsi oo ah: "ka hor inta aadan xilkan qaban maxaad ahaan jirtay" wuxuu igu jawaabay waxaan ka mid ahaa Jabhadihii la dagaalamayey dowladii Siyaad Barre, halkaas waxaa iiga soo baxday su'aal aad muhiim u ah, waxaan kula kaftamay " markii aad ahaan jirtay Jabahadihii waxaa jirtay maahi kaa maqnayd sey markaa kula ahayd hadana isbadal ayaa dhacay maxaad dareemeysaa marka?"

Hadafkeenu wuu saxnaa waxaan rabnayna wey cadaayeen laakin isla xubno ka tirsan Jabahada ayaa marinkii naga halleeyey taas ayaa keentay in xabad la isu qaato waana tan ilaa iyo hadda la xalin la' yahay.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
awfahad@yahoo.com

Qoraladii FAHAD: www.somalitalk.com/column/fahad

September 2, 2002 | SOMALITALK.COM


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

S   A   W   I   R    R   O


Maxamed Qanyare Afrax iyo fahad Yaasiin

Xuseen Guutaale Raage iyo Fahad

 C/llaahi Maxamed Xasan "Black" iyo fahad

  C/llaahi Maxamed Kulane "Anas"

Fahad Yaasiiin Xaaji Daahir


Garoonka diyaaradaha ee Dayniile

 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD