SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
WEJIGII LABAAD EE SHIRKA ELDORET OO SI RASMI AH U FURMAY
WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya | Nov 30, 2002 

imdeeq@hotmail.com

 

Ergeyga gaarka ah ee uu madaxweyne Moi'ga dalka Kenya u wakiishay arrimaha Soomaaliya Mudane. Elijah Mwangale wuxuu maalintii Jimcaha ahayd si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaankii wejiga labaad ee shirka Eldoret, mar uu ka hadlayey xaflad arintaas loogu tala galayna wuxuu sheegay inay wadamada Igad iyo hayadaha caalamiga ahiba ummadda Soomaaliyeed u sahlayaan sidii ay u dhisan lahaayeen xukun qarameed ku fadhiya tiirar aan la loodin karin oo ku salaysan inay ku heshiiyaan nidaam ama dastuur u fududeeya sidii ay hanaanka dimuqraadiga ah ugu gudbi lahaayeen, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa isagoo yidhi: Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
Lixda Guddi ee Shirka Eldoret
  • 1- gudida dastuurka iyo maamul sal balaaran
  • 2- gudida dibu heshiisiinta, xuquuqda aadanaha, iyo anshaxa guud
  • 3- gudida dhismaha hayadaha iyo dumidda khayraadka
  • 4- gudida nabadaynta, hub ka dhigidda, dhaqan celinta, dib u dhiska iyo isu keenida
  • 5- gudida gobolada iyo xiriirka caalamiga ah
  • 6- gudida lahaanshaha dhulka iyo arimaha dadka laga tirada badan yahay.

Warbixintii hore ee dhismaha gudiyada....

 "Halkan waxaa la isugu kiin keenay inaad dalkiina nabad ka islaaxisaan sidaa darteed haddii aad Eldoret ku heshiin weeydaan caalamka ha eedaynina". Wuxuu ku cel-celiyey inuu adduun weynuhu Soomaalida ugu talo galay inay colaadda ka dhaxaysa shirkan ku xalliyaan, isagoo xusay inay mararka qaarkood Soomaalida ka muuqato wada shaqayn mararka qaarkoodna la arkayo iyagii oo si weyn u kala durugsan.

"Wejiga labaad ee shirku wuxuu ku saabsanaan doonaa qorista iyo habaynta tiirarkii ay dawladda Soomaaliyeed isku taagi lahayd" ayuu yidhi Mudane Mwangale oo isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray inuu wejiga saddexaad ee shirku muhiimad weyn leeyahay maadaama awoodda lagu qaybsan doono, laguna dhisi doono dawladdii Soomaaliya.

Wakiilka Madaxweyne Moi ee Soomaaliya wuxuu kaloo si gaar ah ula dardaarmay xubnaha loo doortay inay ka mid noqdaan gudiyada lixda ah wuxuuna ka codsaday inay isu xilqaamaan, kuna dadaalaan sida ugu haboon ee loo taagi karo tiirar lixaad leh oo uu qaranka Soomaaliyeed ku fadhiisan karo, waxaana khudbadiisa oo aad u dheerayd ka mid ahaa ereyadan: "Qaran Soomaaliyeed oo mid ahi wuxuu wax ku ool u yahay ummadda Soomaaliyeed iyo dawladda Kenya, dadyoowga geeska afrika ku nooli waxay u baahan yihiin wada shaqayn iyo is aamin dhex mara sidaa awgeed dhibaatada Soomaaliyeed waxay wada taabanaysaa caalamka oo dhan, waa in aynu qalbi iyo gacmo furan ku wada shaqaynaa si aynu u gaadhno buu yidhi himiladeena ah inuu qarankii Soomaaliyeed soo noqdo". Mr. Mwangale wuxuu shaaca ka qaaday inay wadamada Igad iyo kuwa la magac baxay safka hore ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ilaa iyo hadda si midnimo iyo daacadnimo leh uga wada shaqaynayaan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya.

I  I  D  H  E  H

Gudiyada lixda ah oo shaqadoodu noqon doonto inay talo bixin ku saabsan arimaha loo xil saaray u soo gudbiyaan gudiga farsamada iyo golaha hogaamiyayaasha ayeey la shaqayn doonaan khuburo ku dhex jiri doonta oo ay ku tabaruceen Bangiga adduunka, Midowga Yurub iyo wadamada deeqda bixiya ee ay Soomaaliya saaxiibka yihiin, waxayna shaqada khuburadaasi noqon doontaa inay fududeeyaan oo sahlaan hawlaha ay gudiyadaasi qaban doonaan, gudiyada iyo khuburada la shaqaynaysa ayaa shaqadooda bilaabi doonaa maalinta Isniinta ah, waxayna si xiriir ah maalin walba u shaqayn doonaan maalmaha Isniinta ilaa iyo Khamiista, iyagoo nimanka khuburada ahina Jimce kasta la kulmi doona gudiga farsamada Igad sidoo kalena maalin walba oo Saabti ah la shiri doona Golaha hogaamiyayaasha . 

Waxaa iyana jiri doona guddi hoosaad ay gudiga farsamadu yeelan doonaan oo isu duwi doona hawlaha ay gudiyadu qabtaan isla markaana u xil saaran habaynta qorshayaasha shaqo ee gudiyada, Wejiga labaad ee shirka Eldoret oo hawlaha gudiyadaas uun ku kooban, magacyada xubnaha gudiyaas ka mid noqonayana xalay la soo ban dhigay ayaa noqday talaabadii labaad ee lagu guulaystey oo ka mid ah sadexdii marxaladood ee uu shirku mari lahaa ee horay loo qorsheeyey, waxayna gudiga farsamada Igad iminka u muuqdaan kuwo ka baxsaday hanjabaaddii midowga Yurub oo todobaadkii tegey ku goodiyey inay joojinayaan qarashka tirada badan ee ay shirka ku bixiyaan haddii uusan shirku horumar deg deg ah ku talaabsan.

Dadyoow ka mid ah xeel dheerayaasha siyaasadda qasan ee Soomaaliya saadaaliya oo aan rejada shirka wax ka weeydiiyey maadaama uu hal weji oo keli ahi hadhsan yahay ayaa muujinaya unguri weyn oo ay ka qabaan dawlad ay caalamku badhi taarayaan oo shirka Eldoret laga dhex askumo.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Wufuuda Shirka ELdoret oo  Cuntadii loo diyaariyey
kaddib markii wufuudu aysan ilaa shalay wax cunto ah ka helin hoteelada ay deggan yihiin ayaa...  Ibraahim Maxameddeeq 27/11

Rajo Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»»
Ibraahim Maxameddeeq  

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD