SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
REJO QARANIMO OO SHIRKA ELDORET KA DHEX HILAACAYSA
FAALADII IBRAAHIM MAXEDDEEQ

imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya

 

 BILICDA SOOMAALIYA OO NABAD AH
Eeg Sawiro Bilicsan oo Muqdisho

Shirka Eldoret iminka ka socda ee ay dawladaha Igad ugu talo galeen inay soomaalidu kaga maydhato dhibaabaihii diihaalka badnaa iyo raadkii Hogoshii belo ee 1991kii geyiga soomaaliyeed ka curatay oo intay oogada sare ee bulsha weynta soomaaliyeed ku hoortay u gudubtay dareenka iyo maanka Ummaddeena taas oo soomaalida gaadhsiisay heer loo arko wax aan dad iyo duunyo midna lagu sheegi karin, (dusha aadmigay shaabahaan ficilla duur jooge1), shirkaas ayaa la is weeydiinayaa halka uu guul iyo guul darro ku dambayn doono, maadaama shirar ay shirkan isku ujeeddo ahaayeen soomaalida loo qabtay oo faro madow lagala hulleelay kaddib markii ay hogaamiye ku sheegyada soomaalidu awood qaybsiga xukunka dalka isku maandhaafeen, shisheeyaha qaarkoodna ku taageereen inay fuliyaan rabitaankooda dawga hagaagsan iyo danta ummad weynta soomaaliyeed weeydaarsan.

Haddaba marka aad Eldoret ku sugan tahay oo aad ficilada iyo afkaarta soomaalida halkan ku shirsan si u fiirsasho leh uga dhugsato waxaa dareenkaaga isu daba maraya sawiro kala duwan oo mar rejo wanaagsan ku soo hor dhigaya, kolna waxyaalo ku quus gelin kara docda dhanka kale kaa tusaya.

Tusaale ahaan markaad si gooni gooni ah madaxda kooxaha arrinta shirka ugala sheekaysato waxay koox waliba kuu dudubinayaan hadal dhan loo eegaba haddii ficil loo rogo noqon kara biya kama dhibcaan soo noqoshada qarankii soomaaliyeed wax weyn ka tari kara, haddana in yar kaddib markaad isha geliso kuwiiyoo hoolka shirka si cadowtinimo ka muuqato isugu xag xaganaya oo intay wax aan sidaa u sii ridnayn isku qabsadeen durba kala kacay ayuu dareen quusasho ku soo wajahayaa.

Mar kale haddaad dhegaha u raariciso sheekooyinka mustaqbalka shirka ku saabsan waxaa jira hadallo ku tiri ku teen ah oo aan wax xaqiiq ah loo hayn oo sheegaya inay jiraan rag dibedda laga keenayo oo ay caalamku wataan oo noqon doonaa Xaamid Karsayada Soomaalya, taasoo haddii xal lgu gaadhayo wanaagsan laakiin markaad qiyaasto khatarta ka iman karta hogaamiyayaasha kooxha ee jagooyinka sar sare ee dawlad dhalata heliddooda dhuunta isaga lisay oo nin aan damaca madaxnimo geedna uga soo laaban laga kor keenay waxaa kuu muuqanaya dagaal hor leh oo mar kale soomaaliya ka curtay, Magan Allah.

sanguni kismaayo Sanguuni: Dhulbaraha Soomaaliya

Waxay kaloo farxad iyo naxdini isu kaa bedelayaan markaad gocato doonista wakiilada dawladda ku meel gaadhka oo u ololaynaya in xagooda lagu soo biiro maadaama ay dawlad isu haystaan, dhinac kalena aad ka daymooto wakiilada Eldoret ka jooga kooxaha kale oo si xoogan ugu adkaysanaya inaysan wax lagu biiro iyo wax dawalad ahi jirin...Doodda arintaas ka kacdaana cirka isku shreerto, taas oo shir guulaysta iska daaye aad markaa is weeydiinaysid su'aasha ah: shirkuba ma sii socon karaa?, waxaadse yare qaboobaysaa marka ay gudiga farsamada Igad madaxda kooxaha hor yimaadaan go'aana ka gaadhaan arintii la isku hayey oo aad dabeed aragto buuqii iyo murankii oo dar Alla u damay.

Waxaa intaaba ka daran kolkaad Eldoret soo caga dhigato oo aad indhaha mariso qaar ka mid ah dadka ergo ahaan loo soo wakiishay oo u badan dad ugu horaynba laga yabaalayo, kuwaas oo aan ku rejo weynahay inaad akhristoow is weeydiin lahayd, qaranimada la baadi doonaya iyo xajmiga ay leedahay waxa maanta soomaali ka maqan qofkani ma fahmi karaa?, haddaad si degan u sii dhuuxdana waan hubaa inaad isugu jawaabi lahayd maya. Laakiin waxaa jira kuwa badan oo dhanka wadaninimada iyo dhanka aqoontaba inay heer qaran ka ergeeyaan u qalma. Intaas iyo in ka badan oo aan garmeemayaa ha jireene haddana haddii aan hadda kaddib wax is bedelin waxaa si isa soo taraysa iigu bidhaamaysa rejooyin ay ka dhex muuqato heshiis madaxda siyaasadda soomaalida dhex mara oo sahla dawlad hir gasha oo ay soomaalidu Eldoret ka unkato, taas oo aan ku xoojinayo arimahan soo socda:

Sida uu in dheer garadka soomaaliyeed yaqiinsan yahay siyaasadda dhabaqsan ee soomaaliya murginteeda waxaa lug weyn ku lahaa loolanka siyaasadeed iyo legdanka aan arxanka lagu ogayn ee ka dhexeeyey dawladaha danaha kala duwan soomaaliya ka leh, taas oo ay dawlad waliba dabada ka riixaysey koox dhabarka ku sidda weelkii ay danahooda ku shuban lahaayeen isla markaana liddi ku ah danaha dawlad kale oo ay iyada muran dhaqaale ama siyaasadeed kala dhexeeyo, iyadoo ay tan kalena dhankeeda ka soo abaabuli jirtey kooxo iyada daacad u ah oo dhanka ay is hayaan ay ku caddaadinayan.

Haddase inta ii muuqata waxaad moodda inay wax iska bedeleen oo ay shirka dhexdiisa si wada jir ah ugu shaaciyeen in la gaadhay xiligii ay soomaaliya dawladi ka dhalan lahayd, waxaan arkaa iyagii oo si siman uga wada shaqaynaya dibi heshiisiinta soomaalida, iyadoo ay hogaaminta shirkana si gaara gacanta ugu hayaan dalalka loo yaqaan safka hore Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti, kuwaas oo uu ugu xoog badan yahay Mr. Mwangale oo ah wakiilka dalka kenya ee martida loo yahay oo aysan soomaalida iyo kooxaha siyaasaddu wax cuqdad ah ka qabin, taas oo rejada sii bilaysa maadaama ay wadamada Masar iyo Itoobiya si qayaxan arrinta dibu heshiisiinta soomaalida isugu fashilin jireen waxaa jirta in hadda labadoodiiba laga fara maroojiyey oo ay xaajada soomaalida maamulayso Kenya oo aan xiligan colaadaha soomaalida godob siyaasadeed ka gelin, inta aan ka war qabana aan kooxna si gaar ah ula safan, halka ay Masar iyo Itoobiyaba mid waliba kooxaha soomaaliya isku khilaafsan la kala jireen. Ilaa iyo intii uu shirka Eldoret socdayna saraakiishooda shirka hogaanka u haysa marna lagama dareemin koox ay si gaar ah ugu xaglinayaan oo ka mid ah kooxaha is haya ee Eldoret martida ugu ah.

I  I  D  H  E  H

Waxyaabaha kale ee markaynu dhugano rajada weyn ina gelin kara ayaa iyana ah in shirka la isugu keenay dhamaan ragii in muddo ahba soomaaliya isku sabaaxadaynayey isla markaana talada iyo go'aamada kama dambaysta ah ee shirka gacanta laga geliyey, Kuwaas oo ah ragga badiba gobolada dalka xukuma, taas oo la og yahay in haddii ay wax isla ogolaadaan inay ka fulin karaan meelihii ay ka kala yimaadeen, rejada kale ee inuu shirku najaxayo inshaaraysa ayaa iyana ah bulshada caalamka oo si isdaba joog ah oo aan leex leex lahayn u qirtay inay taageersan yihiin shirka oo wixii ka soo baxana ay hiil iyo hooba la garab geli doonaan, ifafaalaha arintaasna durba wax laga arkay maadaama uu cadaadis caalami ahi shirka kor saaran yahay, badhtilmaameedka hanaanka shirku u socdana ay ka mid tahay in wixii ay madaxda kooxuhu isku diidaan uu gudiga farsamadu go'aankeeda la wareegayaan, taas oo kalena uu gudiga farsamadu dhawr jeer ku tilaabsaday sida tii in la isticmaalo magaca TNG.

Rejada kale ee weyn ee bar bar kale iiga bidhaamaysa ayaa ah inay madaxda kooxaha soomaalidu iminka si weyn u qab jabeen oo madax taagii iyo gafuurkoodii cirka ku faruur xidhnaa hadda si weyn hoos ugu dhacay oo uu khiyaaligii lagu meel mari jirey gabaabsi noqday isla markana ay runi run geydey, xeedhada salkeediina la isku wada arkay oo ninkii waayo Arbe ahaa oo madaxweynanimo soomaaliyeed buur iyo banaanba u maray hankiisii hadda sidee wasiir ku heshaa isugu soo biya shubtay, taas oo aan filayo inay keentay kaddib markii uu awooddii qabiil iyo dablaydii uu qoodha ku ahaan jirey ay malaha wax badan is weeydiiyeen ama si uun wax isaga bedeleen oo uu is arkay isagoo cidla madaxa liiliijinaya ama ay u muuqdeen mid beri hebel la odhan jirey oo hadda Bisad ka yaraaday oo markaa uu is yidhi: "armay adigana sidaasi kuu dambaysaa!".

Waxaa kaloo rejo loo muhdo kugu abuuraya inay hogaamiyayaasha maanta Eldoret ku sugan qaarkood wax isku qirayaan masalan Col. Cabdillaahi Yuusuf ayaa dhawr goor shir dhexdii ka yidhi:"Belaayada soomaaliya ka dhacday waxaan ahay ninkii bilaabay, mana bilaabeen haddaan sidan moodayo, haddana nabad baan doonayaa", ereyadaas oo makhraati u noqon kara inay madaxda soomaalidu hadda bilaabeen inay ku dhiiradaan qirashada khaladkooda iyo inay diyaar u yihiin inay wixii ka xumaaday saxaan.

Goobta ay wufuudda soomaalidu ku qadeeyaan ee Hotel Sirikwa waxaa loo galaa fayl dheer, haddaba maalin iyadoo faylkii oo aad u dheeraaday la is daba taagan yahay ayuu nin madax soomaaliya ka ahaan jirey, haddeerna weli si uun madax u ahi ka yaabay faylaka dhererkiisa oo yidhi: "war bahalku maanta dheeraa", dabadeedna nin garanayey ayaa ku yidhi: " Iska gal Hebel idinkaa noo gartaye", isagiina isagoon wax dood ah ka keenin ayuu iska dhaqaaqay oo faylkii dabada ka qabsaday, waxaan sheekadan u soo qaaday in aan muujiyo sida ay soomaalidu maanta ugu bislaatay dhibka jira ee aysan ugu murmayn halka iyo cidda uu ka yimid.

Luuq Ganaane, Somalia 1987
Bilicda Soomaaliya oo Nabad ah 

Khilaafyadii shirarkii hore guul darada u horseedi jirtey waxay ka bilaabmi jireen deegaanada la kala haysto laakiin hadda gudiga farsamada Igad waxaad mooddaa inay arintaas jid kale u qaadeen, waxay macsuumeen midkii dhulka sheeganayey in laga haysto iyo kii haystey oo mid walba la siiyey ergooyin shirka uga qayb gala, iyadoo gudiyada la dhisi doonana uu ka mid yahay mid ku saabsan xuquuqda lahaanshaha dhulka. Waxaa iyana shirkan Eldoret ammaan u noqon karta guushiisana ka qayb qaadan karta iyadoo laga reebay inay shirka ka qayb galaan dad ku andacoonaya inay Somaliland ka socdaan laakiin aan waxba ka fulin karin deegaankaas oo haddii ergo ahaan loo aqoonsado la hubo inaysan waxa lagu heshiiyo Hargeysa la tegi karin, arintuna sida muuqata ay noqonayso marka Koonfur la dejiyo in labada gobol wada hadal loo furo, taasina waxay ina tusaysaa sida ay bulshada caalamku fahanka xaqiiqda xaalka soomaaliya ka jira ugu soo dhowaanayso, waana mid iyaduna rejada shirka sii hagaajinaysa. Iyadoo aysan gudiga farsamda Igad marna meesha ka saarin inay midnimada soomaaliya muqadas tahay, Somaliland'na ay qayb ka tahay dalka Soomaaliya.

Siyaasiyiin badan ayaa ku andacoonaya in la raaco habkii iyo hanaankii ay gudiga farsamada Igad u qaydeen inuu shirku u socdo oo ahaa saddex weji oo kala dambeeya halka ay kooxaha badankooduna u dalbanayaan inaan shirka loo kala tegin ilaa inta dawlad soomaaliyeed la dhisayo. Taas ka sokoow waxaa jira xubnaha ka socda dawladda ku meel gaadhka ah oo danaynaya in aan la nasakhin dadaalkii Carta ee wax laga bedelo waxna laga qaato taas oo sidaan horayba ku soo sheegnay ay badiba kooxuhu diidan yihiin, dawladda ku meel gaadhka ah wakiilada shirka ka joogaa waxay dugsanayaan qodobka koowaad ee habka barnaamijka shirku u soconaya oo ay ku doodeen in magaca TNG loogu qoro, dood dheer ka dibna ay gudiga farsamadu u yeeleen, kooxaha kalena waxay daliishanayaan bayaankii ay dawladda ku meel gaadhka ahi saxiixday oo qodob ka mid ahi uu leeyahay: "waxaan ku dhaaranaynaa in la dhiso dawlad loo dhan yahay oo isu keenta ayna wada ogolaadaan dhamaan dhinacyada kala duwan ee isku haya siyaasadda soomaaliya", waxayna leeyihiin maadaama ay qodobkan saxiixeen iyagaa xaqiijiyey inaysan dawlad ahayn, taasina waxay shirka Eldoret ka dhigi kartaa mid dawladda ku meel gaadhka ah u dhamaynaya.

Waxaa kaloo cabsi weyn laga qabaa in la isku qardoofo sida ay kooxuhu u kala qaybsanayaan xubnaha gudida lixda ah oo loo xilsaari doono hawsha ugu muhiimsan shirka Eldoret, waxaan la is weeydiinayaa sida wax loogu qaybinayo kooxaha sii kala jajabay ee jilib, jilibka u sii kala baxay ee iyagoo isku qoys ah haddana shirka si kala gaar ah loogu marti qaaday, waxaad arkayasaa saddex nin oo isku jilib ah oo saddex urur kala hogaaminaya, guddiga hogaamiyayaasha siyaasadda soomaalida oo go'aamada shirka loo igmadayna ku wada jira, waa qodobka aan is leeyahay waxaa ka iman kara khilaafka ugu culus shirka Eldoret, laakiin gudiga farsamada Igad ee intas wada marti qaaday ayaa looga fadhiyaa sida ay u maaraynayaan.

Teendhadii Shirkii Carta

Turaanturo way dhici kartaa sida la moodayana xaajadu way iska bedeli kartaa laakiin halkan qof kasta oo aad warysataa wuxuu kuu sheegayaa inuu shirkani aad uga duwan yahay shirarkii hore ee la qaban jirey, Wuxuuna shirku u muuqdaa mid ay rejooyin aan indhaha laga lalin karini ku dahaadhan yihiin oo haddii uu sokeeyaha hagardaamaynta soomaalida u xaydan ee haddaba Eldoret qaarkood qaska la joogaan uu ka nabad galo isla markaana hawshu siday u socotay lagu sii wado, caalamkuna uu sidaa u wada socdo, ugu yaraan wuxuu noqon karaa mid soo dedejin kara xal u helida siyaasadda cakiran ee soomaaliya, waayo belaaba badane xitaa hadduu fashilmo waxaa laga kororsanayaa khibrad hadhoow loo noqdo sidii shirkii Carta’ba loogu ogaaday inaysan bulshada rayidka ahi maanta soomaaliya nidaam siyaasadeed oo ay ku xoogan yihiin ka fuli Karin, Hadal iyo dhamaantii Bad nin dhuray dhamayn waa.

FAALADII HORE: SHIRKA ELDORET, MARBA WEJI

Ibraahim Maxameddeeq

Somalitalk

Eldoret

Imdeeq@hotmail.com 

XUS TUDUC GABAY:

1- wuxuu ku jirey gabay uu Abshir Bacaadle xiligan colaadaha tiriyey

 FAALOOYINKII HORE: 2 

  

 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]