SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
WAR-BIXIN KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

March 6, 2003

 

Iyadoo uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee magaalada Nairobi ka socdaa beryahan ku jirey khilaafaad u dhexeeyey gudiga farsamada IGAD iyo qaar ka mid ah madaxda siyaasadda Soomaalida ayeey maanta qaar ka mid ah ergada dawladda ku meel gaadhka ahi si toos ah ugu soo xeroodeen madasha loogu talo galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo tan iyo inta laga gaadhayo geba-gebada shirka. Ergada dawladda ku meel gaadhka ah shirka uga qayb gelaysa ayaa tan iyo intii Eldoret shirka laga soo raray ku gacan saydhay inay degaan melihii ay gudiga farsamadu u qoondeeyeen, waxayna deganaayeen Hotel 680 oo badhtamaha magaalada Nairobi ku yaal.

Warar la isla dhex marayo oo aanan caddayn adag u helin ayaa carrabaabaya inay iminka ergada TNG ku kala qaybsantay in ay ku xeroodaan madasha shirka iyo in kale, laakiin mudane ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka DKG oo lagu magacaabo Daahir Xaaji Khaliif oo aan xarunta shirka saaka kula kulmay ayaa ii sheegay inaysan kala qaybsanaantaasi jirin ee ay wufuudda intooda kalena ilaa berri soo xeroon doonaan. Waxaa kaloo iyana jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DKG ah oo saaka shir saxaafadeed ku qabtay xarunta shirka, taas oo ay ku caddeeyeen inaysan ergada shirka ka maqan la qabin figradda ay shirka kaga maqan yihiin.

Dhinaca kale gudiyadii khilaafaadka ayaa weli ku guda jira shaqooyinkoodii, waxaana lagu wadaa inay bishan dhexdeeda soo af-jaraan shaqooyinka ay ku hawlan yihiin si dabeeto loo guda galo wejigii 3aad ee shirka oo noqon doona talaabada ugu dambaysa ee shirka. Mbkathi oo ah xarunta uu guddoomiyaha cusub ee gudiga farsamada IGAD u doortay inuu shirku ka socdo ayaa ah madal aad u qurux badan oo ay wax ku bartaan ardayda doonaysa inay bartaan xirfadaha ay jecel yihiin inay mustaqbalka ku shaqaystaan, waxay leedahay hoolal waaweyn oo si casriya u qalabaysan oo aad uga wanaagsan hoolalkii Eldoret, looguna talo galay in lagu qabto shirarka waaweyn, waxaa kaloo ku yaalla hoteelo aad u heer sareeya, waxayna tahay goob ay jardiinooyin dhir waaweyni hadhaysay camimeen. Ergooyinka ayaad arkaysaa iyagoo geedaha hooska waaweyn dhex runduda oo sheekooyin kala gaar gaar ah si isku lid ah u haysta. Halkan su’aasha uu wax garadka Soomaaliyeed is weeydiinayaana waxay tahay: “Muxuu shirka ay IGAD hogaanka u haysaa ku dhamaan doonaa?.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  



HTML CD