SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
C/LLAAHI YUUSUF: “Shirku waa inuu socdaa, waa in guul la gaadhaa, ninkii diidana waa in laga takhalusaa”.

imdeeq@hotmail.com

 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Eldoret |

Janaayo 19, 2003

 
Letter to President Kibaki From Eldoret
Waa warqadii ay hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliyeed ee joogay Eldoret u direen Madaxweynaha Kenya, Kibaki,  (Janaayo 6, 2003) warqadaas oo ku qoran afka ingiriiska oo ay ku saxiixan yihiin hogaamiyayaashu.... 
ka akhri halkan...... GUJI
 
 

Madaxweynaha Dawlad goboleedda Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa galabta 3:30kii ka soo degey garoonka caalamiga ah ee magaalada Eldoret. Waxaana halkaas ku soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane. Maxamed Cabdi Xaashi oo kala ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Puntland Mr. Kulan, Wasiirka caddaaladda Puntland Cawed Casharo, Wasiirka dib u heshiisiinta Puntland Mudane Jinni Boqor. Waxaa kaloo soo dhoweeynta Col. C/llaahi Yuusuf ka qayb galay saraakiil ka socota gudiga farsamada IGAD, gudoomiye ku xigeenka ururka SPM/SRRC/NAKURU mudane Cadillaahi Cismaan Maxamuud, Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah la gudoomiyaasha isbahaysiga SRRC, Mudane. Cumar Aadan Dhebed oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Hiiraan, Gudoomiyaha RRA Mudane Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud. Haween iyo odayaal ka socda ergooyinka ka qayb gelaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret iyo dad kale oo aan yarayn.

Col. Cabdillaahi Yuusuf oo ay safarkiisa ku wehelisey marwadiisa Xaawo Cabdi Samatar ayaa markii uu saxiixay buugga marti sharafta kaddibna weriyayaasha kula kulmay qolka martida ee garoonka Moi international airport ayaan nasiib u yeeshay inaan weeydiiyo dhawr su’aalood oo ay ugu horaysey bal inuu madaxweeynuhu iiga warramo nabad gelyada guud ee Puntland, wuxuuna ku jawaabay:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Nabad gelyada guud ee Puntland aad iyo aad ayeey u wanaagsan tahay, waana meesha ugu xasiloon geyiga Soomaaliyeed maanta, Midda kale intii aan Soomaaliya jirey dalka Kenya doorashaa ka dhacday, dawlad cusub baa dhalatay, aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa madaxweeynaha cusub, golihiisa wasiirada iyo baarlamaanka intaba, dawladdii horena waan u mahad celinayaa waayo iyagaa markii hore hawsha qaban-qaabada shirka gacanta ku hayey oo waddey”.

Su’aal: Intii aad ku maqnayd Puntland waxaa kugu qabsaday dagaaladii Laascaanood iyo Dhuudo ka dhacay, dagaaladaasi hadda xagee ayeey ku dambeeyeen?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Laascaanood annagu kamaanu dagaalamine shacabkii deegaanka ayaa dagaalamay, ninkii isagoon cidna ruqso uga qaadan meesha iska soo galay iyagaa iska saaray. Puntland baa wax weerartay iyo Puntland baa wax dishey waxaasi wax jira ma aha, shacabkii baa ku kacay, shacabkii baa iska eryey. Xaq bayna u lahaayeen inay sidaas yeelaan, ninkii gar-darro ku yimaadana in sidaa loo galo waxay ila tahay inay xaq tahay. Dhinaca kale niman shufta ah ayaa kacay oo dadkii nafta u keenay, wadooyinkii isu taagey, hantidii dadweeynaha dhacay, dadkii inay laayaan bilaabay, sal dhigyo shuftanimo ah Puntland gudaheeda ka samaystay, kuwaas waanu sifaynay, wax yar oo ka hadhayna Somaliland bay galeen, Waxaanuna rejaynayanaa inay wax yar ee hadhay ay nabad qaataan, annagu nabad baanu ugu baaqnay, hubkana ay iska soo dhiibaan, nabadna qaataan, dadkoodana la mid noqdaan.

Su’aal: Arintii lacagta iyo dhibaatooyinkii ka dhashay maxay ku dambeeyeen?.

FILE: Oct 31: kabilow Bidix koofida qaba: Maxamed Cabdi Xaashi, Cabdilaahi Yuusuf, Mawliid Macaani, Xasan Qalaad, Maxamed Seyid

Col. C/llaahi Yuusuf: Arrintii lacagta waa la xaliyey, waxaanu nimankii keenay ku khasabnay inay iyagoon la khasbin si ikhtiyaar ah u soo xareeyaan, waa la soo xareeyey dawladdaana gacanta ku haysa, Bangiga dawladay taal, dhaqaalihiina wax dhibaato ah oo ay u geeysatey ma jirto, wax sicir barar ah oo dhacay ma jiraan, mana aqbalayno wax caynkaas oo kale ah oo sharci darro ah, oo dhaqaalaha wax yeelaya oo dadka noloshiisa wax yeelayaa inay dib dambe Puntland uga dhacaan.

Su’aal: Shirka Eldoret ka socda oo aad mar hore si kedis ah uga tagtay ka warran rejadiisa?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Dadka Soomaaliyeed rejo weyn bay shirkan ka qabaan, waxayna shirkan ka sugayaan inay dawlad qaran ka soo baxdo, markii aan ka tegayey shirkana si xasiloon baan ku tegey, fasax baan qaatay, ruqsaa la I siiyey, hawlo dalka ka jirey awgood baanna u tegey, waxaana halkan noo joogey ergadii Puntland iyo madaxweyne ku xigeenkii, anigana shaqooyin gudaha ah ayaa la iiga baahday, wax dhibaato ah oo kalena ma jirin, wax shirka ku saabsan oo aannu shirka saluugaynayna ma jirin, qalalaase culus oo Puntland ka jireyna ma jirin, arrimo maamul oo runtii awel iyagoo qabyo ah aannu ka soo tagnay ayaan u aaday inaanu soo xalino. Haddana arimihii muhiimka ahaa ee nalooga baahnaa waan soo dhamaynay, waxaanuna u soo noqonay shirka, waayo ergadaan ka mid ahay, inaan raga ka qayb gelaya kala shaqeeyo sidii shirka guul looga dhalin lahaa ayaan u soo noqday. Dadweeynihii aan ka imidna raalli bay ku ahaayeen, waxayna sugayaan shirkani dhamaadkiisa inay dawlad qaran Soomaaliya uga soo baxdo.

Su’aal: Haddii ay hogaamiyaasha ururadu ku guul darraysteen inay ka midho dhaliyaan 14 shir, maxaa idinla gudboon inaad shirka Eldoret la timaadaan?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Dadka shirka jooga oo dhami wada hogaamiyayaal urur ma aha, anigu Puntland ayaan ka imid, madaxweyne ku xigeenkii Puntland waa kan, annagu dawlad goboleed (Reoginal state) ayaanu nahaye urur ma nihin, waxaana laga yaabaa inay qaarkayo hogaamiyayaal kooxeed yihiin, nin kasta iyo qof kasta oo Soomaaliyeed oo masuuiliyad hayana waxaa laga rejaynayaa inuu dhibaatada Soomaaliya haysata sidii looga saari lahaa uu xoogiisa saaro, oo gacan weyn ka geeysto, niyad sami la yimaaddo, oo wixii Soomaali dan u ah lagu heshiiyo, dad khilaafaad wadaa hadday jiraanna haddee hadday gar leeyihiinna gartooda ha la eego, haddii ay gar darran yihiina waa in la yidhaahdaa wad gar-darran tihiine joojiya, bani-aadamkuna haddii marka ay khaldan yihiin la odhan waad khaldan tahay, wuxuu doonuu samaynayaa.

Su’aal: Maxaa iminka shirka ka hadhsan?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Gudiyadii haddii ay hawshoodii dhameeyeen ama soo dhamaynayaan waxaa nin kasta oo wax garanaya oo shirka ka maqan laga rejaynayaa inuu shirka yimaaddo, hawshii gudiyada in loo fadhiisto, wejiga 2aad hawshii noo tiil in la dhameeyo, dabadeedna wejiga 3aad loo gudbo.

Suaal: Sidee ayuu kuugu muuqdaa khilaafka hogaamiyaasha Soomaalida iyo Gudiga farsamada IGAD ka dhex taagani?.

Mwangale oo lagu badalay danjire aan ka ah Kenya GUJI.... 19/1

Dowlada Kenya oo magacawday ambassador Bethwell Kiplagat inuu bedelo Mwangala GUJI....

Col. C/llaahi Yuusuf: Gudiga farsamada IGAD iyo dawladaha deeqda bixiyaa shirka ha ka daayeen fara gelinta, dhibaataynta, dad aysan Soomaaliyi wakiilani inay meesha soo galaan, dano gaar ah hadday leeyihiin, dee dano gaar ah dalalkooday ku leeyihiine Soomaaliya annagaa masuul ka ah, annagaa Soomaali ah, annagay noo taal wixii Soomaaliya wanaageeda ah inaanu garano oo markaa ku tilaabsano. Soomaali wixii na diiddana way nala arkayaan, inta badani waxba diiddi mayaane wax bay hagaajinayaane, inta badan in la saacido ayaa loo baahan yahay, oo garab iyo gaashaan loo noqdo. Wax nalagu khasbaanan yeelayn, ajande nalagu khasbaanan yeelayn, wixii Soomaali dan u ahna anagaa naqaan, in annaga nalaga dambeeyo weeye.

Su’aal: Maxaa sababay bay kula tahay khilaafakaas?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Soomaalida iyo Gudiga farsamadaa is haystey, ammuuro halkan ka dhacay ayaana la isku haystey, in la xaliyey iyo in kalena kama war qabo. Waxaa loo baahan yahay dadka Soomaalida ah oo masuuliyiinta ah oo jooga, ergooyinka ay keensadeen iyo siday iyagu dadkooda iyo dalkooda u doonayaan in lagu xushmeeyo oo la dhawro hanaankii shirka ee lagu heshiiyey. Oo dadka aan cidina keensan ee la magacaabayo la joojiyo hadday dawlado ka dambeeyaan iyo haddii ay gudiga farsamada keligood tahayba, dabeeto waxaa loo baahan yahay dadku go’aankooda inay iyagu gaadhaan, inta badani go’aankii ay gaadhana waa in la socodsiiyaaye, ninkii diiddan ama doonaya inaysan waxba dhalan in la maqlo ma aha. Shirku waa inuu socdaa, waa in guul la gaadhaa, ninkii diidana waa in laga takhalusaa, wuxuu doono ha noqdee.

Ergadayadii waa joogtey, madaxweeyne ku xigeenkaa madax u ahaa, anigoo xagga joogey iyo iyagu waan isku xirnayn, wixii ay wax ka go’aamiyeenna waan waafaqsanahay, waxii ay diideenna waan ku waafaqsanahay, Soomaali inteeda badanina wanaag bay rabtaa, waxaanan qabaa intaa wanaagga rabta inaan ka mid ahay, intaasaanan la shaqaynayaa, ninkii wanaagga diidana waa la isla arki doonaa oo tuke cambaarluu noqon doonaa. Waxayna ila tahay dadka Soomaaliyeed inuusan hadda wixii ka dambeeya yeelayn dagaal sokeeye oo iska socda oo 12 sano socday in lagu sii hayo, oo wixii la doono la bi’iyo.

Su’aal: Madaxweyne ka warran ka bixidda uu Muuse Suudi shirka ka baxay?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Muuse Suudi Yalaxow inuu shirka ka tegey waan maqlay, wuxuu ku hadalyna waan maqlay, ( qosol yar) haddana u jawaabi maayo. Waxaanse ka codsanayaa annagu in danaha Soomaali la ilaaliyaan meesha u joognaaye haddii uu danaha Soomaaliyeed nala ilaalinayo, inuu dib u soo noqdo, shirka ku soo noqdo, wuxuu xaq u leeyahay hadday jirtana uu sheegto.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

.... WARARKII KALE EE DECEMBER -GUJI

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD