SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Dowlada Kenya oo magacawday ambassador Bethwell Kiplagat inuu bedelo Mwangala 

Dowlada Kenya ayaa ambassador Bethwell Kiplagat u magacawday inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee dowlada Kenya uga wakiilka ah shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. Mr. Kiplagat ayaa bedelaya Elijeh Mwangala oo ay in dhowaalaba diidanaayeen hogaamiye kooxeedyada Soomaalid.


(waatan sheekadii oo dhan
Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Sida uu qoray wargeyska The Sunday Standard daily, isbedelkan ayey dowlada kenya ula jeedaa iney dardar cusub geliso shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Mwangala oo ahaa ergeyga dowlada kenya uga wakiilka ah shirka ayaa misana hayey gudoomiyenimada gudiga farsamada ururka IGAD ( Inter-Governmental Authority on Development) ee soo abaabulay shirkan.

Shirkan oo magaalada Eldoret ka bilowday October 15keedii kal hore ayaa waxey hogaamiye kooxeedyadu saxiixeen Bishii October 27keedii ee sanadkii tegey heshiis xabad joojin ah, walow weli la arkayey dagaalo ka socday qeybo kamida gobolada Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed uu u baqoolay shirka ka socda Eldoret isagoo mudo laba bilood ah ka maqnaa madasha shirka.

I  I  D  H  E  H

 Mohamud Yusuf Garre
 yusuf22@lycos.com  

January 19, 2003 

FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka faraha badan! GUJI.. 2/1/3

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD