SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
C/LAAHI SHEEKH ISMAACIIL: "Cabdillaahi Yuusuf waa nin aan jagadaas madaxweynanimo u jeclaan lahaa".

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 13, 2002

imdeeq@hotmail.com

Maalinimadii Isniinta ee ay bisha Disember sagaalka ahayd waxaan magaalada Eldoret ee uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socdo kula kulmay siyaasiga la yidhaahdo Abassador. Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil oo ka mid ah la gudoomiyayaasha is bahaysiga SRRC, waxaana ii hir galay inaan waraysi la yeesho, ugu horaynna waxaan weeydiiyey bal inuu Cabdillaahi iiga waramo sida uu wakhtigan xaadirka ah shirku u socdo, wuxuuna ku jawaabay:

Hoos Akhri

Bidix:Cabdillaahi Sheekh iyo ergayga Itoobiya Cabdicasiis Axmed

"Ugu horayn waxaan kaaga mahad celinayaa xog waraysigan aynu wada yeelanay, marka xiga shirku si wanaagsan ayuu ku furmay, si wanaagsana wuu ku socdaa, caqabado hor yiiley oo xagga tirada iyo xagga isu dheeli tirka wufuudda ku saabsanaa waa laga soo gudbey, hadda marxaladdii koowaad wuu ka soo gudbey oo tii labaad ayuu marayaa, gudiyadiina hawshoodii way bilaabeen, gudiyadu waa gudiyo lix ah oo waxyaabaha saldhiga u ah khilaafadka soomaaliya ka soo talo bixinaya, hadday tahay xagga dastuurka, hadday tahay xagga dhaqan celinta, hadday tahay xagga hub uruurinta, hadday tahay xagga dhulalka la isku haysto, hadday tahay habkii khilaafka loo dhamayn lahaa, waxaas oo dhan bay ka soo talo bixinayaan, marka anigu rejada waxaan u arkaa mid aad yididiilo fiican u leh, arimuhuna guul ayeey ku dhaman doonaan".

SomaliTalk: Goor dhoweyd oo aan hotel Sirikwa soo maray yooyaal baa ka kacsanaa, dadkuna badiba waxay dhaleecaynayeen habka ay gudiga farsamadu hawlaha shirka u wadaan, adigu ma ku jirtaa siyaasiyiinta maamulka gudiga farsamada saluugsan?.

Cabdillaahi Shiikh: yooyaalka maanta shirka ka taagani wuu I soo gaadhay waana arimo lug ku leh sidii loo dhimi lahaa tirooyinka wufuudda halkan timid, xaqiiqaduna waxa weeye meeshan tiraa la gooyey oo afarta qabiil ee waaweyn lagu saleeyey iyo qaybta shanaad ee soo raacda, marka waxaa jira reero ku yimid tirada loo qoondeeyey in ka badan, waana la sheegay inaan meesha dhaqaalo loo hayn, marka aniga waxay ila tahay haddii dadka waa la dhimayaa la leeyahay oo dhaqaalo la'aan baa loo dhimayaa, haddee in loo hogaansamo oo loo daayo sida ay madaxdu hawsha u waddo, gudiyada iyo madaxda wufuudda in loo daayo inay hawsha wadaan, dadka kalena ay dadka martida loo yahay culayska ka fududeeyaan khaasatan gudiga farsamada.

SomaliTalk: marka taladu ma gudiyadaa soo hadhaya oo wejiga saddexaad baa ergooyinka kale loo yeedhayaa baa?

Cabdillaahi Shiikh: haa ergooyinka wejiga sadexaad baa loo yeedhayaatalada socotaa intaa weeye, tasna haddee haddii aan la is xambaari karindhaqaalo xumo awgeed in qaylo laga kiciyaa iima muuqato.

SomaliTalk: haddii aan hadda la sii habayn ergooyinka hadhow loo yeedhayo sow sidii hore la iska wada iman maayo?.

Cabdillaahi Shiikh: ergooyinka waa la qaybiyayoo qolo walba 84 ergey baa la siiyey, marka wixii iska yimaaddaa tirada rasmiga ah ee loo gooyey kuma jiraan.

SomaliTalk: Beryahan waxa la leeyahay SRRC bur bur baa ku dhacay, maxaa sababay bay kula tahay bur burkaas?

Cabdillaahi Shiikh: walaahay aniga bur bur SRRC ku dhacay ma arko, markii meesha la yimid SRRC iy waxaa lagu yimid ururo madax banaan, iyo wax TNG la yidhaahdo oo aanan anagu dawlad u aqoonsanayn, iyo ergooyin ka socda bulshada rayidka ah, arimihii markii hore qaabab ababulan oo siyaasadeed ku qotomey baa qabiil loo rogey, marka dadku taas ayeey bur bur u malaynayaan, ee hadday SRRC qabiil tahayna way jirtaa, hadday ururo ahydna way jirtaa, hadday dawlad guud ahydna way jirtaa, sida ay kuwa kaleba arintu ugu dhacdaybay u qabsatay, wax kala bur burayna ma arko anigu.

SomaliTalk: lakiin markaad dhugato Muuse Suudi iyo Xuseen Caydiid oo ka mid ahaa ragii SRRC ugu xooga badnaa oo wax la saxeexaya ama ay is bahaysanayaan TNG oo aad horay si weyn isaga soo hor jeeddeen mayaadan indhaha ku dhufanayn iyagii oo idinka faquuqmay?.

Cabdillaahi Shiikh: Horta TNG awooday horay Xamar ugu weeydey oo ay shirkan ku heshay anigu uma jeedo, raggana hadday wax la saxiixeen sidii Xamar gudaheeda nabadda loo xasilin lahaa ayuun bay aragtidu ka tahay ee inay tahay ictiraaf ay ula tageen anigu uma arko.

SomaliTalk: Wakhtigan Cismaan Caati iyo Xuseen Caydiid aad bay isugu dhow yihiin, raggana ay hadda wax la saxeexeena waxaa muuqata inay si weyn SRRC uga soo hor jeedaan, dhinaca kalena magaaladii xarunta u ahyd SRRC ee Baydhaba uu Sheekh Aadan Madoobe oo idinka soo hoir jeedaa gacanta ku hayo, marka sidaad u inkiri kartaa inay guul darro badani SRRC u soo hoyatey?

Cabdillaahi Shiikh: arimuhu laba heer weeye waa kuwo guud iyo kuwo hoose oo dad u gaar ah,masalan haddii aniga manta la igu yidhaahdo, Marka iyo Shabeelada Hoose ayaa nabad laga xasilinayaa waan ku khasbanahay inaan wixii haysta la fadhiisto oo aan kala sheekaysto, taasina markaa ma noqonayso inaan SRRC ka baxay, sida aan u arko arinta Xamar jirtana sidaa weeye, ragga iska soo hor jeeda ee meesha joogana waa la yaqaan, hadday wada fadhiistaan oo is weeydiiyaan sida ay Xamar nabad uga dhalin lahaayeen oo ay arintaa wada tashi ka yeeshaan, anigu mid dareen leh uma arko, arinta kale ee aad taabatay ee Baydhabana iyo sida ay RRA u qaybsameena khilaaf siyaasadeed baan u arkaa mooyaane dagaalka maanta adihgaa meel haysta berrina waa lagaa qabsan karaa, inay is rogi doonto iyo in kalena Illaah baa yaqaan, taasi wax weyn oo ay muujinayso ma arko, liciifnimo SRRC la soo deristeyna anigu maba arko.alkarama

SomaliTalk: soomaalidu Itoobiya waxay ku tilmaamaan cadow weyn oo aan ogolayn dawlad adag oo soomaaliya ka dhalata, haddaad SRRC tihiina aad ayaad siyaasadda Itoobiya ugu xaglisaan, iyaguna ay idiin taageeraan, marka haddaad hogaamiyayaasha SRRC tihiin miyeeysan cadowtinimadaasi idiin muuqan?.

Cabdillaahi Shiikh: walaahay ragga cadowtinimada Itoobiya ku halqabsanayo had iyo jeer waan la yaabanahay, oo meeshay cadowtinimadas kala yimaadeen baan la yaabanahay, waayo soomaalida maanta jirtaa tii shalay ee dhul doonka ahayd maaha, Itoobiyada hadda jirtaana mid jiritaanka soomaaliyeed colaad u qabta maaha, hogaamiyayaashii labada dhinacba way is bedeleen....madaxda soomaalida ee maanta jiraa maaha kuwii lixdankii iyo todobaatameeyadii, madaxda Itoobiyana maaha kuwii afartameedyadii iyo kontomeeyadii iyo lixdameeyadii iyo todobaatameeyadii, marka meesha ay colaadda ka eegayaan oo ay Itoobiiiya u nisbaynayaan, anigu garan maayo, runta markaynu ka hadlayno colaaddda maanta soomaaliya haysata ilaheeda waaweyn waa soomaali dhexdeeda dad, dad ku duulaya dad meel kale ka imanaya oo gobolo kale qabsanaya, kuwaas ayaa maanta soomaaliya bur burinaya ee cid kale oo maanta bur burinaysaa ma jirto, dhibkuna soomaali dhexdeeduu ka socdaa, marka anigu cadowga soomaaliya ugu weyn soomaali baan u arkaa.

SomaliTalk: laakiin Ambasador Cabdillaahi, waxaa la leeyahay, aadna mooddaa inay muuqato inaysan Itoobiya doonayn dawlad xooggan oo soomaaliya ka dhalata, bedelka arinkaasna waxay soomaaliya ka rabtaa dawlad itaal daran, adigu miyaad doonaysaa inay soomaliya dawlad aan awood lahayni ka dhalato.

Cabdillaahi Shiikh: soomaalidu dawladdii dhexe ee awoodda badnayd iyada dumisey, haddana iyagaa doonaya is xukun goboleedama federaal, marka dunidu waxaad ula tagto ayeey kula qaadanayaan, dawladda xoogga badani marka nabad la helo iyadaa iska dhalanaysa, laakiin haddii nabad la waayo oo qaab la isu xukumo la waayo, wax dhibka lagaga baxaa la raadinayaa, aniguna ninka ugu horeeya ee inay dawlad fedaraal ahi soomaaliya ka dhalato hor boodayaan ahay.

SomaliTalk: maxay tahay danta aad dawlad fedraalka ah ka dhex aragtaa?

Cabdillaahi Shiikh: duulaanka qabiilka ayaan uga hor tegaynaa iyo dhulalka la kala qabsanayo, iyo inuu reer waliba meeshuu dego yeesho oo aan kor looga iman.

SomaliTalk:  ma kula tahay inay taasi imanayso haddii dawlad federaal ah la helo, armuuse qabiilku sii xoogaystaa?

Cabdillaahi Shiikh: khasab qabiilka awood dhexe oo xakamaysaa loo adeegsanayaa si uusan u xoogaysan.

SomaliTalk: shirka Eldoiret ee rejada wanaagsan ka muujisay abshir Allaha ka dhigee dastuur caynkee ah baad is leedahay waa lagu dejin doonaa?

Cabdillaahi Shiikh: waxaa la goostay dastuurku inuu noqdo mid fedraali ah, ka shaqayntiisa uun baa dhiman waana lagu guda jiraa?

SomaliTalk: dad baa qaba in dastuurkaba horay Itoobiya loogu soo diyaariyey, taas maxad xog ka haysaa adigu?

Cabdillaahi Shiikh: kaasi waa mid caqliga soomaaliyeed cay ku ah.

SomaliTalk: haddaan u gudbo dhinaca magaalada Marka iyo deegaanka aad ka soo jeeddo, bal xaalkeeda iiga waran?

C/llaahi Shiikh: maleeshiyadii haysatey oo boqol jeer midab rogatey ayaa joogta, taas oo marna SNA ahayd, marna maxkamad isku sheegtay, haddana uu C/qaasim la wareegay oo ciidan ku tilmaamo, waana iska burcad dadka boobta oo dhacda, kufsata, iyagaana colaadda gobolka ka jirta saldhig u ah oo hurinaysa, marka xaaladaasi wax is bedel ah ma leh, haddii halkan heshiis lagu gaadho oo ay maleeshiyooyinkii si nidaam ah uga baxaan waa tii la doonayey, haddii la waayana dadku xuquuqdooda way u halgamayaan kuwo iska ilooba ma noqonayaan, ma noqonayaa.
Waraysiyadii Ibraaim Maxameddeeq

SomaliTalk: marka ma waxaad leedahay dadkii reer Marka way joogaane cadaadis baa ku dul gawdiida?.

Cabdillaahi Shiikh: dadku ma dhamaado, ciidduna ma guurto waxa wax cadaadiya uun baa baaba'a, taas bayna ku dambaynaysaa.

SomaliTalk: adiga goormaa Marka kuugu dambaysey?

Cabdillaahi Shiikh: markii la iga soo caydhiyey 1994kii bishii April ee meesha la qabsaday meesha kuma laaban.

SomaliTalk:  ma waxaad tahay siyaasiga qudha ee reer Marka metela mise waxaa jira siyaasiyiin kale oo jira.

C/llaahi Shiikh: gobolku waa gobol Digil iyo Biyamaal ka dhexeeya, dhinac RRA baa ka metesha, dhinacna anagaa ka metela, dhinacna waxaa ka metela ree Banaadirka nimanka la yidhaahdo laakiin xaaladdgobolka haysataa waa mid isku mid ah.

SomaliTalk: Banaadirigu waxay yidhaahdeen annagu Digil iyo Mirifle ma nihin, Otheres iyo minority'na ma nihin, qaar ka mid ahina waxay ii shegeen inay iyagu reer Marka tirsanayaan, maxaad hal dhinac isugu luga duwan weeydeen?

Cabdillaahi Shiikh: qowmiyadaha waa lagu kala duwanaan karaa, meelna waa la wada degi karaa, marka arintu taas uun weeyee nin meesha laga riixayaa ma jiro.

SomaliTalk: madaxtinimada Eldoret la filayo inay ka dhalanayso adigu ma ku talo jirtaa inaad jagada madaxweynanimada isu taagto?

Cabdillaahi Shiikh: inaan is qaddimo ma doonayo, intaan wax riixi karo waan ku dadaalayaa, haddii ay I qabsatose ka carari mayo.

SomaliTalk: wararka ay soomaalidu isu tebinaysey bilahan waxaa ka mid ahaa inuu saaxiibkaa C/llaahi Yuusuf oo aad isugu dhowdihiin u dhow yahay inuu ku soo baxayo jagada madaxweynanimada, taasna bal ka waran?.

Cabdillaahi Shiikh: walaahay anigu wax xog ah kama hayo laakiin Cabdillaahi Yuusuf waa nin aan jagadaas madaxweynanimo u jeclaan lahaa.

SomaliTalk: ma waxaad ula jeclaatay karti iyo caddaalad aad ku tuhunsan tahay mise isbahysiga siyaasadeed ee idinka dhexeeya?

Cabdillaahi Shiikh:Cabdillaahi Yuussuf inuu yahay dadka ugu hurmuudsan halgamayaasha isbedelka soomaaliyeed waa la og yahay, nin keliyihina wax ma noqdee dad baa wax ka dhiga, marka haddan soo wada halganay oo aan kartidiisa ku kalsoonahay, hormuudyadii halgankana uu ka mid yahay sabab aan ku dhaliilaa meesha ma taallo.

SomaliTalk: haddaan u soo noqdo saxiixii madaxda Muqdisho ee baaqii nabadda, waxaa jira hogaamiyaal ka hor yimid oo kuba tilmaamay talaabo lagu doonayo in shirka Eldoret lagu fashiliyo, adigu sidee heshiiskaas u argtaa?

Cabdillaahi Shiikh: markaan arinta Xamar ka hadlayno waa caasimadda wadanka soomaaliyeed oo dhan, shacbiga soomaaliyeed haybihiisa kala duwan oo dhan baa ku nool oo waa magaalo qaran, qabiilna keligiis waxba kuma xalin karo, qaranka iyo qabiilka kooda booda ee xaqiiqda ka tagaana waxba ma xalin karo, marka in labadii wejiba la is waafajiyo oo la isu duwo baa loo bahan yahay, marka anigu inay rag talo bilaabaan waxba kama qabo, inay soomaali weyn ku biirtana waxba kama qabo, wayo haybaha soomaaliyeed oo dhan baa meesha ku dhan

SomaliTalk:  waxayaabaha dawladdii Carta fashiliyey had iyo jeer waxa lagu tilmaama inay kala qaybsanaanta siyasadeed Muqdisho koow ka ahayd sidaa darteed miyaad qabtaa haddii halkan dawlad soomaaliyeed lagu dhiso in Muqdisho oo sidaas ah la geeyo?

Cabdillaahi Shiikh: xaaladda haddaan loo gogol xadhin ma noqonayso miduu wanaag ka imanayo, hubka meesha jira waa in laga uruuriyaa, waa in maleeshiyooyinka la xareeyaa, waa inay magaalo qaynuun gaara leh noqotaa, waa inay taladeeda soomaali oo dhami u dhamaataa, arimaahaas oo dhan waa in laga heshiiyaa, loona sameeyaa qaab hsehiiskaas loo fuliyo, markaas uun baa Xamar caasimad lagu tilmaami karaa oo ay dadkuna ku soo wada hiran karaan, haddiise taas la waayomeeshii Tuulo'ba ha noqotee wa lagu sii wadi karo loo wada dhuran doonaa.

I  I  D  H  E  H

SomaliTalk: laakiin hor iyo horaanba madaxda soomaalidu ma isla ogoshahayba in laga wad hadlo magaalo madaxnimada Muqdisho?

Cabdillaahi Shiikh: haa boqol jeer baa la isla soo qaaday waana ka mid arimaha laga wada hadlayo.

SomaliTalk: Mudane sidee u argtaa socdaalkii dhiigu ku daatay ee uu Daahir Riyaale magaalada Laas-caanood ku tegey?

Cabdillaahi Shiikh: dhulka soomaaliyeed wuu isu furan yahay, waxaan qabaa inaan Hargeysa tegi karo, Daahir Riyaale Xamar iman karo, cid kastaana ay meeshay doonaan tegi karaan, marka booqashada Riyaale hadday ahaan lahayd mid soomaalinimo ku fadhida waxaan ku diidaaba ma jiraan, hadday tahayse meesha colaad ha laga sii abuuro tasi waa mid nabaddii guud ee la raadinayey wax u dhimaysa.

SomaliTalk: laakiin daahir Riyaale wuxuu laascaanood tegey isagoo sheeganaya madaxweyne dal madax banaan oo ay Laascaanoodna dhulkiisa ka mid tahay, sidee taas u argtaa?

Cabdillaahi Shiikh: wakhtigii la is khasbi jirey waa la soo dhaafay, dadkuna halkay rabaan iyaga dooranaya, meesha ay ka tirsan yihiin siday xor ugu yihiin bay halka ay raacayaana xor ugu yihiin, sidoo kale lama odhan karo haddii ay Sool iyo Sanaag doonayaan inay Puntland maamul la qaybsadaankhasabbaad Hargaysa ku raacaysaan.

SomaliTalk: waxaa igu maqaala ah inaad shirkii Carta ilaa dhamaadkii joogtey, mar dambese aad ka boodey, maxaad markii dambe kaga biyo diiddey?

Cabdillaahi Shiikh:waxaan u arkayey xukun kor laga dhoodhoobay oo aan hoos waxba ka fuli karinoo raggii wax ka fulin lahaana laga yureeyey oo jalaafooyin loo dhigay, waxaan arkay inan nabaddiiba laga shaqaynine xukun doon la yahay, markaasaan idhi anigu xukun doon ma ahiye, nabad-doon baan ahay, markii nabaddii la isla fahmi wayeyna dib ayaan uga istaagey.

SomaliTalk: Gobolka aad ka soo jeeddo maleeshiyooyinka aad sheegtay inay ku sugan yihiin wax dhibaato ah ma ku hayaan dadkaaga?

Cabdillaahi Shiikh:dhibaatooyinku waa badan yihiin, isbaarooyin dadka lagu baado, waxaa la gaaray heer dadka xoolo dhaqatada ah biyaha webiga laga iibiyo, daaqii in xoolihii laga gato, marka beeraha la tabco waxa la gaadhayin dadka dalaga soo go'a laga dhoco, fara xumayntuna iayduna xisaabba ma laha, marka dadkaasi waa dad la dul fadhiyo oo iyaga iyo hantidoodaba la leeyahay.

SomaliTalk: kuwa la kor fadhiyo iyo kuwa dul fadhiya iyo soomaalida kaleba maanta maxaad odhan lahayd?

Cabdillaahi Shiikh: soomaaliya nabadeeeda ha laga shaqeeyo, inta dulmana in garab la siiyo sida kuwayaga oo kale, xaq bay ku tahay, waajib bay ku tahay, inaan laga xishoon oo garab nalagu siiyo, maxaa yeelay shabeelada hoose oo la haysto, dadka shabeelada hoose oo la haysto, hadday yihiin reer Banaadiri, hadday yihiin Biyamaa iyo Digil iyo Mirifle oo la haystaa cad ka mid ah soomaali oo dhibaataysan weeye, caddaaladina ma iman karto ilaa qof dhibaataysani uu jiro, sidaas oo kale ayaan xaaladda Kismaanyo iyo Jubooyinka ka jirta aan u arkaa, dadka soomaaliyeed nabadbna ha ka shaqeeyaanokuwa dhibaataysana gar gaar iyo hiilloha u fidiyeen, intaasaan odhan lahaa.

Waxaa Eldoret ku waraystay 

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD