SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
KAAH

3 siyaabood oo magaca soomaaliya uga qeyb qaatay dagaalka Ciraaq.

W.Q: C/raxman Ceynte
Minnesota |
ceyntejournalist@attbi.com

Dagaalka Ciraaq ayaa lagu dhawaaqay inuu " xoogiisii" maanta ku ekaa. dalkii ciraaq ee awooda lahaa muddo bil ka yar baa "lagu xoreeyey". waxyaabo badan iyo magacyo badan ayaan dagaalkan ka barannay. waxaa kamid ah: Basra, Umu-Qasr, Mosil, Tikrit. dhanka magacyadana waxaan baranay : Gen. Tommy Franks, Gen.Vincet Brooks, Gen. Max'ed Siciid Al-Saxaaf oo loo bixiyey "Comical Ali" iyadoo laga wado sida uu uga qoslin jiray marka uu warbaahinta Baghdad kula hadli jiray. iyadii oo magaalada barkeed la heysto ayuu dhihi jiray " Calooshood u shaqeystayaasha waan dhameeyney. inta hartayna ha is dhiibeen" waxaan kale oo barannay Gen. Cali Al-majidi oo loo yiqiin "Chemical Ali" oo loogu magac daray markii uu 5,000 oo dadkiisa ah ku hubka chemical u isticmaal 1989-kii.

Laakiin Magaca soomaaliya ayaan intii dagaalka socday seddex siyaabood oo kala duwan u maqlay. Waa marka horee intaanuu dagaalka Ciraaq bilaaban ayeey warbaahinta mareykanku bilaabeen ineey sii odorosaan in dagaalka Ciraaq uu noqon doono sidii kii "Somalia" ama "Muqdisho" oo kale. markii askartii caalamka ugu tababarka wanaagsaneyd ee Mariniska Mareykanka lagu jiid-jiiday wadooyinka boorka badan ee Muqdisho. Odorsidani waxeey aheyd mid soo laba kacleyneysay. gaar ahaan markii uu dagaalka Ciraaq dabada la galay Magaalada Baghdad. Saddam Xuseen oo wadooyinka dadkiisa ku salaamayan TV-ga laga arkayey. Buuuq iyo walaac ayaa ka dhex bilowday maamulka wadankan. Filimkii Black Hawk Down oo sawirka ugu dhow ee Waagii Muqdisho bixinaya ayeey Pentagon-ku aad u fiirsadeen oo ka baaraandageen sida xaalku noqonayo marka Saddam Xuseen ciidankiisu dagaal xaafadeed lagalaan Mariniska Mareykanka. Sidaas xaalku ma noqone, Baghdad laba maalmood oo qura ayeey isku dhiibtay. Muqdishana laba sanadood ayeey isku dhiibi weyday. iyadoo galaafatay 18 askari oo mareykan ah. Baghdad 5 askari oo waliba duulaan Isbiimeyn ah lagu dilay ayeey galaafatay. sidaas Muqdisho wexeey baghdad uga hormartay 13 Askari. Laakiin Baghdad sida walaasheed Muqdisho maaneey is xajin. walow aadba loogu lamaaniyey inta aanuu dagaalku qarxin.

Markii labaad ee aan Magaca soomaaliya ka dhex maqlo intii uu dagaalku socday wexeey aheyd; 4 maalmood ka hor markii eey ciidamada Mareykanku galeen Magaalada saliida hodanka ka ah ee Mosul oo ku taal woqooyiga Ciraaq. sida eey Al-Jazeera Website-keeda ku qortay, wadaad kamid ah wadaadada ugu waaweyn magaalada Mosul ayaa jimcihii isagoo ka khudbeeynaya Masjid weyn oo Mosul ku yaal ayaa isagoo xanaaqsan dadkiisa ku yiri " War ilaaheey ka baqa oo joojiya bililiqada iyo boobka aad ku heysaan hantida qaranka" isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu raaciyey " Ma dooneyno inaan Somalia labaad noqono" isagoo dabcan ula jeeda bililiqadii soomaalidu eey u geysteen dhamaan hantidii qaranka. aad baa wadneheeygu u garaacay markii aan sadaradaas aqrinayey. ha yeeshee ineey runtiis aheyd shaki iigama jirin. waxaanse ka calool xumaaday sida uu wadaadku noogu cadaysanayo. isaga kaliya ma'ahane, qofkasta oo doonaya maanta inuu qas iyo dhibaato sifeeyo meesha ugu horeysa ee maskaxdiisa ku soo dheceysaa waa:Somalia.

Waxaa kale oo jirta in gabar soomaaliyeed eey iyana wiil ku dhashay cisbitaal ku yaal magaalada Baghdad habeenadii uu weerarka cirka ahi bilaabanayey. gabadhan oo iyadoo qaxooti ah soo gaadhay wadanka Jordan ayeey warbaahinta caalamku wax ka qoreen.

Rageh Omaar

Marka sedexaad ee soomaaliya mageceeda la soo hadal qaado intii uu dagaalku socday wexeey aheyd shalay. laakiin markani waa mid sharaf iyo reeyreeyn uu dareemayo qof kasta oo soomaali ah. Waxeey aheyd markii uu wariyaha BBC-da uga soo waramayey magaalada Baghdad intii uu dagaalku socday oo idil uu ku guulestay bilaad sharaf uu ku muteystay wariyanimadiisa nadiifka ah. ninkan dhalinyaradi ahi waa Raage Oomaar oo intii la socotayba si toos ah wararka uga soo tabin jiray sakxadda sare ee Hotel Palestine oo ah halka eey saxaafadi caalamiga ahi ka dagaanaayeen magaalada Baghdad. Mr Oomaar wuxuu kamid ahaa dhowr wariyeyaal Ajnabi ah, gaar ahaan reer galbeed ah oo joogay Baghdad kahore intaanuu bilaaban dagaalka Ciraaq. Rage Oomaar wuxu ku dhashay magaalada Muqdisho 19-kii July 1967. Isagoo yar ayaa UK la keenay. wuxuu wax ku bartay Cheltenham Boys College deedna Jaamacada caanka ah ee Oxford. Mr Omaar wuxuu sadaro cusub u sameeyey dheelitirnaanta saxaafada. isagoo eey korkiisa ka dhacayaan hubka ugu culculus ee dunida ka jira. Jariidada Washinton Post ayaa inta ka yaabtay Rageh Omaar ugu yeertay "Soo majeestaha Skud-ka" ! Warbaahinta waaweyn ee mareykankana wexeey bilaabeen ineey xodxotaan Mr Omaar si uu ugu shaqeeyo. sida eey u xodxoteen wariyeyaal badan oo BBC-da ah. CNN ayaa ugu cadcad kuwa sida ba'an u doonaya Mr Omaar. shalay ayuu Lodon ku soo laabtay. isagoo ku faraxsan in funaanado eey magiciisa iyo sawirkiisa ku sawiran yihiin Magaalada London aad looga xirto. Rageh Omaar waa 36 jir sey u ah Nina oo uu dhalay nin barlaamaanka ingiriiska tirsanaan jiray. Wuxu deggan yahay South Africa, gaar ahaan "Jo'berg" oo aad looga yaqaan. Laba caruur ah ayuu leeyahay. Rageh Cumar magac qaro weyn ayuu u soo hooyey umada soomaaliyeed dhowrkii maalmood ee ina dhaaftay. isagoo na halmaamsiiyey xanuunkii naga soo gaaray halheyskii eey ciidamada mareykanka iyo wadaadkii Mosul-ba soomaaliya la beegsadeen. Bahda saxaafada soomaalidana wuxuu ka mudan yahay ineey mahad gaar ah u tabiyaan.

W.Q: C/raxman Ceynte

Minnesota

ceyntejournalist@attbi.com

Faafin: April 16, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><>
BBC-da Afka Soomaaliga iyo Fikrada Dadweynaha..... GUJI. 

I  I  D  H  E  H

  MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI
 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD