|
Go’aankii Ergada DKMG uga Qeybgaleysa Shirka
Dib-u-heshiisiinta
Soomaaliyeed
27 April 2003, Nairobi, Kenya
Shir ay Ergada DKMG ah uga qeybgaleysa Shirka Dib-u-heshiisiinta
Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maanta oo ay
taariikhdu tahay 27 April 2003 ku yeesheen hotel-ka 680, waxaa warbixin
ka bixiyey Guddoomiyaha Golaha Shacbiga KMG ah, Mudane Cabdalla Deerow Isaaq,
iyo Ra’iisul Wasaaraha DKMG ah, Mudane Xasan Abshir Faarax. Labada masuul
waxay Ergada uga warrameen halka ay mareyso dooddii beryahaan u socotay Guddiga
Hoggaamiyeyaasha ee Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, dooddaas oo u kala
baxda qeyb lagu heshiiyey iyo qaar weli dooddoodu socoto. Arrimaha aan weli lagu
heshiin waxaa ka mid ah:
-
b) Tirada guud ee baarlamaanka la dhisi doono.
-
t) Tirada haweenku ku yeelan doonaan baarlamaanka.
-
c) Qeybta ay DKMG ah ku yeelan doonto baarlamaanka.
Waxay gaar ahaan labada masuul Ergada la socodsiiyeen
mowqifka xubnaha DKMG ah uga qeybgalayey kulanka Guddiga Hoggaamiyeyaasha ee ku
saabsan arrimaha kor ku xusan kuwaasoo oo ah sida soo socota:
1) Tirada guud ee baarlamaanku inay noqoto sidii hore
loogu heshiiyey oo ah 450 xubnood.
2) Tirada haweenku ku yeelan doonaan baarlamaanku inay
noqoto boqolkiiba toban (10%).
3) Qeybta ay DKMG ah ku yeelaneyso baarlamaanku inay
noqoto 245 oo ah tirada Golaha Shacbiga ee KMG.
Sawir laga qaaday booqashadii C/Qaasim ku tegey Kuwait bishii March ee sanadkan 2003,
xilligaas oo madaxweynaha DKM uu la kulmay jaalyadda soomaaliyeed ee ku
dhaqan Kuwait.
|
Dood dheer iyo falanqeyn kadib, Ergada DKMG ah waxay ayideen
mowqifka xubnaha DKMG ah uga qeybgaleya kulanka Guddiga Hoggaamiyeyaasha sida
kor ku cad.
Waxaa kale oo Ergada DKMG ah go’aamisay in Shirka Dib-u-heshiisiinta
Soomaaliyeed ee ka socda Nairobi la keeno Hoggaamiye Dhaqameedyada Beelaha
Soomaaliyeed ee asalka ah si ay u qeybiyaan xubnaha baarlamaanka.
Waxaa kale oo ay Ergadu isku raacday in qeybta DKMG ah ay
baarlamaanka ku yeelan doonto (245) ay ka dhaxayso xubnaha labada gole.
Ugu dambeystii, waxay Ergadu isku raacday in dhaarta xubnaha
lagu soo warramay in loo dhaariyey si ay uga mid noqdaan Golaha Shacbiga KMG ah
ay tahay mid aan waafaqsaneyn Axdiga KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo
Xeer Hoosaadka Golaha Shacbiga.
Sidaas darteed, waxay Ergadu u soo jeedineysaa madaxda iyo
xubnaha Golaha Shacbiga KMG ah ee Xamar ku sugan inay dhawraan Axdiga KMG ah iyo
Xeer Hoosaadka Golaha Shacbiga.
ISHA WARKA:
Axmed Ciise Cawad
Madaxa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
ai_awad@yahoo.com
Faafin: Apr 28, 2003
Wararkii
Hore ee Axmed Cawad: PMO
... GUJI
MILICSI
KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal
waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
Gen.
Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey
xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey
USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu
Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI...
8/3
DKG
oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto
kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI
7/3
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|