SomaliTalk
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Shirkadda Xawaaladda Amal Express Ent Oo Ku Guulaysatay Sharciyo Dheerad ah

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:
Bacda Salaan,

Bishaaro ......... Bishaaro ......... Bishaaro, Bilkhayr Dhaha Dadwaynoow

Shirkadda Xawaaladda Ee Amal Express Enterprises waxay ku guulaysatay In Hesho Sharciga Saraafka Caalamiga ah ee EXCHANGE, Sharcigan Waxay shirkadda Amal Express ka heshay dalka Kenya, waxayna ku guulaysatay in Sharcigan ay u hesho xafiisyadeeda ku kala yaal Magaaloyinka Kala ah Nairobi oo ay Amal kuleedahay xafiisyo kala duwan oo gaaraya illaa Saddex Xafiis oo waawayn, Magalada Mombasa oo shirkaddu ay kuleedahay Xafiis aad u ballaaran iyo magaalada kutaal Waqooyi Bariga Kenya ee Garrisa , dhammaan magaaloyinkan waxay shirkadda ku guulaysatay inay u hesho sharcigan, tasoo ka dhigaysa in Shirkadda Amal Express Ent ay balaarinayso adeegyada ay u hayso Bulsho Waynta Somaliyeed meelkasta oo ay joogto iyo waliba sare uqaadidda ganacsiga Somaliyeed.

I  I  D  H  E  H


Shirkadda Xawaaladda Degdega ah ee Amal Express ...GUJI...
Muddo haatan laga joogo Sanad iyo Bar ayay Shirkadda Xawaaladda ee Amal Express Ent ku guulaysatay inay ka hesho Sharciga Xawaaladda Dalka Maraykanka, gaar ahaan Gobalka MINNISOTTA, waxa kale oo taasi dheer , Shirkadda Amal Express Ent waxay dalka kenya ka hirgalisay Mashruuc loogu magacdaray AMAL PLAZA, mashruucan oo kakoban dhismo ay ku dhanyihiin Illaa 600 Oo QOL Ganacsiyeed, tasoo shirkadda ay u doorbiday inay sare ugu qaaddo ganacsiga dadka Somaliyed ee Daggan wadamada Geeska Afrika iyo Bartamaha Afrika, Arrinkan horumarineed waxa uu sababay In Dowladda dalka kenya ay u aqoonsato Amal Express Ent inay tahay Shirkad Somaliyeed oo Hanti Maguurta ahi ku yeelatay dalka kenya, Isla markana Bank'ga Dhexe ee kenya uu siiyay Amal Express Ent Aqoonsiga hantiilanimo, shirkadda Amal Express waxay nasiib u heshay inay hesho Shaqaale nabadgalyo oo ka diiwan gashan Xarunta illaalinta Ganacsiga oo afka qalaad lagu yiraahdo (Kenyan SECURITY GUARD CENTER).

Amal Express Ent waxa kale oo Laamo Lacag Bixineed ka furtay Xaafado ka durugsan xarumaha ay kuyalan xafiisyada Lacag Bixinta ee Shirkadda ay kuleedahay Xaafadda Islii, iyadoo tani ay udoorbidday Amal Express Ent in dadka deganadaas inaysan safar usoogalin ama aysan gaari usooraacin xaafadda Islii si ay u helaan adeegga ay Amal u ahayso, xaafadahan xafiisyada ay Amal kafurtay waxa kamid ah

1)Amal KOMOROK, Amal SOUTH C Iyo Amal HQ oo ah xafiis kuyaal bartamaha Magalada Nairobi, Iyo Waliba Degmada Nmanga.

Ugu danbayntii , KUDIRSO, KUNA XAFIDO, KANA QAADO Adeeggaaga Amal Express Ent in kusiman Saacad gudahed xawaaladdada, haddii aad u rabto adeeggaga si degdeg ahi, adiga oo baxshay khidmadda dheerad ah waxay Amal Express Ent kuu ballanqaadaysaa inay muddo kusiman 20 daqiiqo gudaheed kugu siiso Adeeggaaga meelkasta oo aad kajoogto Dunida dacaladeeda.

Adiga oo jooga meel aad u fog oo aad ka fakarayso inaad adeeggaaga gaarsiiso meel aad iyo aad kaga durugsan u kaalay Amal Express Ent iyadaa kaa damaanad qadaysa inay adeeggada kuu hirgaliso saacado gudaheed, adeeg hufan oo kuraaligaliya ugu kalaay Amal Express, Amal Waa Ammaano, Amal Waa Badhaadhe, Amal waa Barwaaqo, Amal waa Daruur Hoganaysa, Dacalada Somaliya , iyo Waliba Geeska Afrika , bartamaha iyo Koonfurta oo dil, Yurub, Iyo Ameerika, Khaaradda Asia, Australia Amal Ugu kaalay, Amal ayaa kaa balanqaadday inay kuu fuliso howlahaada xawaaladeed.

Mahadsanidin

Fadlan wixii faahfaahin ahi nagala sooxariir Mailalkaan hoose

Mamulka Amal Express Ent :
mamul@emirates.net.ae 

Amal Chairman : amalchair@hotmail.com 

Amal Plaza Malumadka mashruuca :
amalplazanairobi@hotmail.com

dhamaan waxad macluumadkaga oo idil ka helaysaa wixii faahfin ah oo dheraad ahi mailalkaan kor aan kugu muujiyay.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2003

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD