SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AMAL
OGaysiis Dhamaan Jaaliyadda Somaliyeed inta ay Qusayso /Danaynaysa -Amal Plaza

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:

Dhamaan Jaaliyadda Somaliyed meelkasta oo ay joogtaba waxannu ku salamaynaa Salaanta xaqa ah ee kor kuxusan, bacda Salantaas.

Waxannu Umadda Somaliyed ku wargalinaynaa, intii danaynaysa iyo intii ay qusaysaba in Mashruucii Horumarinta ganacsiga Soomaliyeed ee Amal Plaza uu joojiyay in laqabto Sharer Cusub(Saami-CUSUB) tasoo uu wax yar ka harsanaa kamid noqoshada in Sharer Cusub lagu soo darsan karo mashruuca, hasayeshee hadda aysan jirin Sharer Banaan oo uu buuxsamay .

Haddaba qofkii raba inuu share cusub kusoo darsado mashruuca Amal Plaza, waxannu ogaysiinaynaa in hadda wixii ka danbeeya uu qofku hadduu u baahdo inuu share ku yeesho Mashruuca Amal Plaza uu ka gadan karo Suuqa Caalamiga ah, jaaliyadda gudaheeda hadba qaabka isaga u fudud.

Mashruucan oo ay soo agaasintay Shirkadda Xawaaladda Amal Express Ent, ayaa waxa uu dhiiri galin wayn u noqday inuu horay u mariyo Ganacsiga Somaliyeed, gaar ahaan Ganacsiga kajira Geeska Africa, mashruuca waxaa uu hadda ka hirgalay dalka kenya, magalada Nairobi, Mashruucan oo ay ku baxday malaayin ah Lacagta adag ee maraykanka, waxa uu yahay dhisme wayn oo kakoban illaa (600)oo Qol, kuwasoo loogu talagalay inay ka faa'iidaystaan Jaaliyadda,Ganacsatada,Iyo Umadda Somaliyed.

Haddaba, markale waxan ku dhiirigalinaynaa shaqsiyadka danaynaya inuu kamid noqdo Saamilayda Mashruucan Amal Plaza, fadlan waxad ka baayacan kartaa Saamigaada oo ka'iibsan kartaa SUUQA Xorta ah ama ciddii kale ee iska iibinaysa, bahda Amal Group of Companies waxay kaa caawindoontaa oo kali ah inay kusiiso caddaynta inaad saami kuleedahay Amal Plaza, haddii aad suuqa ka soo iibsato oo caddayn latimaddid(CERTIFICATE OF SHARE HOLDER).

Mahadsanidin.

Amal Group Of Companies

Kassim Ali Jama

Project Manager.

Waxad wixii faahfaahin ah kala sooxariiri kartaa E-mailadan hoose

mamul@emirates.net.ae

amalchair@hotmail.com 


amalplazanairobi@hotmail.com


Nasiib Wanaagsan.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]