SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - COPYRIGHT
XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]

ISHA  WWW.SOMALITALK.COM
Qore: Eng. Maxamed Cali  Aadan | Minneapolis,  USA | June 18, 2003

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

A R A R :
www.SomaliTalk.com/copyright

Qoraalkan aan cinwaanka uga dhignay "Xuquuqda Qoraalka [Copyright]" waxa uu ka kooban yahay afar qaybood oo xiriir ah, waana mid aan ugu talo-galay wacyi gelin guud ee shacabkeena, gaar ahaan qorayaasha Soomaaliyeed. Waxaa sababay qoraalkaan in aan soo qoro waa kaddib markii qorayaal badan oo Soomaaliyeed ay soo bandhigeen wadada ay hadda kusocoto saxaafada Soomaaliyeed oo u janjeerta in xadgudub weyn lagu sameeyo qoraalada, iyo in ay haboon tahay in arinaas wax laga qabto inta ayasan faraha ka bixin. Waxaana qoraalkan kaga hadli doonaa qodobada ay kamid yihiin:

  • Qiimaha iyo waxtarka Qoraalada
  • Kuxadgudbida iyo Tuugaysiga Qoraalada
  • Bililiqada Qoraalada
  • Copyright iyo Islaamku wuxuu ka qabo
  • Xeerarka Xuquuqda Qoraalada
  • Noocyada Minguurinta 

MAHAD CELIN

Mahad oo dhan waxaa leh Allaah oo noo fududeeyey in qoraalkani idin soo gaaro, Allah oo inoo fududeeyey in aan qoraal ku xiriirno. Waxaa kale oo mahad u jeedinayaa intii igala qayb qaadatay cilmi baaristan ama aan qoraladooda wax kasoo xigtey oo ay kamid yihiin: Cabdulfatah M. Cabdulle (Canada), M.M. Ciise (Soomaaliya), C/Raxaan Ceynte (USA), Faysal ciise (Kenya), Yuusuf Cali (Soomaaliya), Ibraahim Saalax (Denmark), Fahad Yaasiin (Kenya), Ciise Dhollowaa (Australia), Cusmaan Bilaad (USA), Maxamuud Y. Garre (UK) iyo Maxamuud Wardheere (USA). Waxaan kale oo u mahadcelinaya akhristayaasha SomaliTalk.com oo in badan noosoo tebiya talooyin wax ku ool ah. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa bahda SomaliTalk.com oo gacan weyn iga siiyey soo saaridda qoraalkan.

QIIMAHA QORAALKA:

Waxaan inbadan ka dahsoonayn faa'iidada uu leeyahay qoraalku, haddaba haddii aan inyar ka xusno faa'iidooyinka qoraalka waa:

  • Qoraalada waxaa laysku gaarsiiyaa cilmiga kuwaas oo qofka faa'iido u yeelan kara.
  • Waxaa qoraalada laysku gaarsiiyaa wararka, taas oo qofka uga digi karta halis ama u sheegeysa war farxad leh.
  • Qoraaladu waxay noqon karaa dhaxal loo gudbin karo jiilasha soo socda, si ay uga qaataan taariikh iyo cilmi dhaxal gal ah.

Qiyaas in qof ehel-kaaga ah uu kuusoo diro warqad, laakiin aadan garanayn sida loo akhriyo, markaasna aad u baahatid qof kuu akhriya isla mar ahaantaana kuu qora jawaabta, qiyaas hadaba qofka warqadii laguu soo diray kuu akhrinaya in uu nuxurkii ku qornaa warqada ogaanayo inta adigii ay kusocotey aadan ogaan.... Taas waxay kuu muujineysa qiimaha ay kuu yeelan karto in aad baratid sida wax loo qoro loona akhriyo, maalinta aad baratid ayaad dareemi kartaa qiimaha rasmiga ah ee qoraalka.

Dhanka kale qoraalku waa maal, tusaale haddaan taas ka bixino: Marka la bilaabayo ganacsi waxaa lagu bilaabaa in la dejiyo qorshihii ganacsigaas oo qoraal ah, kaddibna inta ganacsigaas shirkada ku ah ayaa qoraalka kala saxiixda, qoraalkaasi waxa uu noqonayaa qaybta ugu muhiimsan ee maalka, waayo qoraalkaas ayaa ah kan wax lagu kala qaybsanayo, isla markaana lagu salaynayo saamiga uu qofkasta oo saxiixay warqadaas kuleeyahay shirkada la asaasayo.

Mar haddii aan isla fahamney qiimaha qoraalka iyo in qoraalku yahay maal, kawaran haddii qoraalka lagu xad-gudbo ama la xado adigoo aan wax talo ah lagaa weydiin.

XADGUDBIDA & TUUGAYSIGA QORAALADA

Xadgudub waxaa noqon kara in qoraalka aad qortay laguu gacan dhaafo oo adiga oo aan wax lagaa weydiin qoraalkaagii la xado, isla mar ahaan taana lagu qoranayo magac qof kale oo aan shaqo kulahayn qoraalka.

Tuugaysi waxaa ah in qoraalada aad kusoo saartid joornaal-kaaga [waraaq ama Internet] ee ay soo qoraan qorayaal adiga kuu soo diray uu wargeys kale [oo kusoo baxa waraaq ama Internet] uu qaato qoraalkii asagoo lagayaabo in uu sheego qoraagii laakin uu qariyo in uu joornaal-kaaga kasoo xigtey.

Arimahaasi waxay soo hoos-gelayaan:

  • Xaqiraad la xaqirayo qofkii asal ahaan qoraalka lahaa.
  • Xasad laxasdayo wargeyskii qoraalku kusoo baxay.
  • Kibir la iska kibrinayo xaqa.
  • Deyn la qaatay oo qofkii laga qaatay uusan ogeyn.

Dhammaan erayaas sare waxay isugu soo biyo shubanayaan kelmeda Afsoomaaliga ee "Bililiqo".

BILILIQAYSIGA QORAALADA
[Waxaa ka qayb qaatay: Faysal Ciise - Kenya]

Qoraalada oo xaquuqdooda qoraaga laga xayuubiyo waxay u dhacaan dhawr siyaabood oo kala ah:

  1. Qoraalkii oo isagoo dhan laga sii daayo idaacad ama lagu daabaco wargeys iyadoo la xusayo ama aan la xuseyn magaca qoraaga, laakiin aan laxusayn wargeyskii ama buugii ama CD-gii uu asal ahaan qoraalkaasi kusoo baxay.

  2. Qaybo muhiim ah oo qoraalka ah oo la soo minguuriyo iyadoo la dhex galinayo qoraal kale oo tiro badan iyadoo dadka lagu qaldo, laakiin aanba laxusayn qoraagii asalka ahaa.

  3. Dhawr qoraal oo isku mawduuc ah ayna kala qoreen qorayaal kala duwan oo caasha la isu galayo  oo kadib magac kale lagu qorto.

  4. Buug suugaaneed ama taariikheed sidiisa loo soo raro oo cutub cutub loogu soo qoro jariirad iyadoo marna aan la xuseyn qoraagii buuga. 

Waxaa dhacday in buug la qoray waqti hore hadda la daabaco (sidii asalka ahaa ama wax laga bedelo), taas oo lagayaabo in qoraagii buugga magaciisa la qoro,  laakiin qofka hadda daabacayaana uusan wax ogolaansho ah ka haysan qoraagii buugaas, kaddiban uu sidaas suuqa ugu iibgeeyo, dakhliga ka soo baxana uu toos ugu dhaco qoraaga dambe.

Waxa kale oo dhacda in siweyn loo bililiqaysto hal-abuurka suugaanta, sida gabayada, kaddibna gabaygii la bacrimiyo ama sidii uu ahaa loo tiriyo, taas oo aan la sheegayn in qof hore sidaas u tiriyey.

QORAALADA OO SI BAREER AH LOO BILILIQAYSTO
[waxaa ka qayb qaatay: Yuusuf Cali - Soomaaliya]

Beryahaan, marka aad wargeys ka fiirisid dhowr bog waxaad arkeysaa qoraal aad ka aqrisay Internet, marka aad hoos fiirisidna kuma arkeysid meel laga soo xigtay [adigoo og waayo qoraalka waxaad ka soo akhriday Internetka], waxaad ku arkeysaa oo kaliya qofka Computerka ku qoray qoraalka kadibna wargayskiisa ku daabacay!.

Waxaa layaab noqotay, fajiciso badana reebtay, Markii qaar ka mid ah rakaab saarnaa baabuur ay darawalka ka dalbadeen in idaacad la shido. Darawalka markiiba wuxuu shiday idaacad ka mid ah idaacada magaalada, markiiba waxaan dhaguhu qabteen Qoraal horay ugu soo baxay Internetka oo cinwaankiisa ahaa; "Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil-Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?." Xaqiiqdii wariyuhu wuxuu u aqriyay si qof isaga soo diyaariyay. Qalad ayaa dhacay inta uu warbixinta akhrinayay, taas oo dadkii dhegeysaney ku qosleen. Qaladka wuxuu ahaa, mar uu marsiinayay qoraalka; "Qoraalkan ugama jeedo in aan dadka ka hor istaago barashada afka ingiriisiga iyo qaadashada wixii fiican ee waxaan ku dhiiri gelinayaa in uu qof kasta miisaan isa saaro." waa qoraalkii Wardheere. Lakiin wariyaha mar uu marsiinayo, "Qoraalkan ugama jeedo in aan dadka ka hor istaago.....halkaas ayuu ku hakiyay kadib dib ayuu u soo bilaabay oo wuxuu ka bixiyay ama u muujiyay in qoraalkan uusan cid aan iyaga ahayn soo qorin!.

Halkaas waxaad ka garan kartaa sida ay waji gabax iyo fadeexad ugu tahay idaacadaas iyo weriyeheeda, waayo waxa aysan u war hayn in dadka dhegeysanayaa ay kamid yihiin dadkii asalka u lahaa qoraalka, sidaasna idaacadaasi ay ku noqon karto "Beensheeg". Waxaa kale oo idaacada ka dahsoonaa in hadal-kooda laduubi karo isla markaana idaacad kale laga siideyn karo si dadka xaqiiqada loogu sheego. Waxaa keliya oo weriyahaas la gudboonaa in uu sheego website-kii uu warka kasoo xigtey iyo qofkii qoraalka qoray.

Haddaba maxaa Islaamku ka qabaa ku xadgudbi xuquuqda qoraalada, jawaabta waxaan ku faah-faahinay bogga xiga ee Copyright iyo Islaamku wuxuu ka qabo.... AKHRI.HALKAN.

... AKHRI QAYBTA 2aad.... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2003


Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay. 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Ardayda Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD