SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Adan Ahmed waxa uu ka mid yahay ardayda ugu derejada sareysey ee sannadkan 2003 ka qalin jebiyey Edison High School [Photo:SomaliTalk.com June 9]
Ardayda Dugsiga Sare ee Edison oo Maanta Qalin-Jebiyey

60 Soomaali ah ayaa kamid ah 122ka ugu Buundada Sareeya Edison

Qore: Maxamed Cali | SomaliTalk.com |  June 9, 2003

Dugsiga sare ee Edison High School ayey maanta u ahad maalin ballaaran maadaama ay ka qalin jebinayeen arday kor u dhaafay saddex boqol. Wajida ardaydaas waxaa ka muuqdey farxad ay ugu damaashaadayeen guusha ay ku gaareen afar-sano oo dadaal ah.

Ardayda maanta qalin jebinayey marka aad sii fiirisid waxaad arkeysaa in tiro badan ay Soomaali ahaayeen. Sida aan warbixin hore kuxusay, Dugsiga Edison 122ka arday ee ugu derejada sareeyey sannad dugsiyeedkan 2003, waxaa Soomaali ka ah 60. Taas oo weliba 30ka ugu buundada sareeya ay 19 Soomaali yihiin. 


Qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee maanta (June 9, 2003) ka qalin jebiyey Edison [Sawir: Somalitalk.com]

Adan Ahmed [sawirka sare] waxa uu kamid yahay 19ka arday ee ugu derejada sareeya ardayda Soomaaliyeed ee aan kor ku xusnay. Mar aan Aadan maanta kula kulmay dugsiga Edison asagoo isu diyaarinayey xaflada qalin jebinta waxaa wajigiisa ka muuqatey farxad iyo miisaan deganaasho ah, taas oo uu ugu diyaar garoobayo waxbarasha ka dambaysa dugsiga sare, tan oo ii xaqiijisay jawaab uu Aadan mar sii horeysey iga siiyey su'aal aan weydiiyey oo ahayd waxa uu damacsan yahay marka uu ka qalin jebiyo dugsiga sare, waxana uu markaas iigu jawaabey in uu sii wadan doono waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed.

Guud ahaan marka aad hadal gaar ah la yeelatid ardayda Soomaaliyeed ee maanta qalin jebinayey ayaad ka garaneysaa sida ay ugu soo halgameen waxbarashadoodii iyo dadaalka ay muujiyeen waqtigii ay dugsiga sare dhiganayeen.

Waxaa in badan oo ardayda Soomaaliyeed ee aan la kulmay ii sheegeen in ay mar hore dalbadeen ama dirsadeen arjiyada waxbarasho Jaamacadeed oo qaar kamid ah ay aqbalaad ka heleen jaamacadihii ay dalbadeen.

Jiilka cusub ee ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda reer Minnesota, ayaa sanadaan dambe muujiyey dadaal dheeraad ah, kan oo tusaale fiican u ah mustaqbalka dadka Soomaaliyeed oo markale soo ifaya. Waana ammaan ay mutaysteen reer Minnesota oo inkasta oo reer Ohio tartan kula jiraan xagga ganacsiga aysan ilaa hadda jirin gobol Woqooyiga Ameerika ah oo kusoo gaaray xagga waxbarashada. Sidaasna ay tusaale ku daysho leh ugu noqdeen Soomaalida ku dhaqan USA iyo Canada.

Qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee Edison oo la taagan macalin wax ka dhiga Edison [sawir: SomaliTalk.com June 9, 2003]

Dhanka kale waxaa xusid mudan in kumanaal arday Soomaaliyeed oo hadda kusugan dhulkii hooyo aysan haysan fursad ay kusii wataan tacliintooda oo xataa lagaba yaabo in ay halis kujirto waxbarashadii asaasiga ahaa ee ubadka Soomaaliyeed. Dabcan hoggaanka Soomaaliyeed ayey saarantahay mas'uuliyada inta hoos joogta meelaha ay ka taliyaan sidii ay ugu fududayn lahaayeen ubadkaas in ay helaan waxbarasho. Shacabka Soomaliyeedna waxaa la gudboon in ay mas'uuliyiintooda ku qiimeeyaan sida ay u dhisaan mustaqbalka da'yarta.

Aan u soo noqonee, Edison oo keliya ma ahan dugsiyada sare ee Minnesota ee ay ardayda Soomaaliyeed dhigtaan, laakiin ardayda Soomaalida Edison waxay sannadkaan muujiyeen dadaal dheeraad ah oo ka dhigay in magacoodu gaaro meel dheer.

Ugu dambayn, bahda SomaliTalk waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sannadkan ka qalin jebiyey qaybaha kala duwan ee wax barashada, ee daafaha dunida ku kala nool.

Qore: Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
SomaliTalk.com | Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2003


Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Warbixin: Afar arday oo ay wajiyadooda farxadi ka muuqato kaddib markii ay dhamaysteen waxbarashadoodii.. GUJI  20/5

<><><>LINKS<><><>

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AANcFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI 


 

 

Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD