SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA

somalitalkHABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA
WQ. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Dec 22,  2002
Sawiradii shirka halkan ka eeg

"Jid ma ahan in aan inagu is-basaasno, laakiin waxaa la inaka rabaa inaan noqono muwaadiniin wanaagsan (good citizens)." Prof. Cali Khaliif Galayr.

"wadankani waa codkaaga" Maxamuud Shaafi

"yeynaanba madax yeelane bal aan isu nimaadno" Siciid Faahiye.

"xalku waa in diinta loo noqdo, markaas ayaan walaaloobeynaa" Xasan Jaamici.

Habeenimadii Sabtidu soo geleysey (Dec 21) waxay Soomaalida Minneapolis u ahayd habeen muddo laga sugayey, taas oo ka dambeysey kaddib markii gole guud oo u dhexeeya qaybaha kala duwan ee Soomaalida lagu casumay in ay isugu yimaadaan xarun kutaal faras-magaalaha Minneapolis si ay uga showraan arimaha horyaal gebi ahaanba jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Ajandaha golahan lasoo hordhigay waxa uu ka koobnaa saddex qodob, kuwaas oo kala ahaa:

  1. Xaaladeenu waa sidee?
    - Waxbarasho k-12
    - Waxbarasho Sare
    - U doodista xuquuqda Soomaalida
    - Immigration-ka
    - Ganacsiga
    - Siyaasadda
  2. Maxaan talo u siin karnaa dadka u hadla xuquuqda Soomaalida Minnesota
  3. Markii Unites States of Ameerica la soo weeraray wixii nasoo gaarey waan ogeyn, haddii markale wax dhacaan maxaa dadkeena u talo ah.

somalitalk.comSaddexdaas qodob ayaa golahan showrka Soomaalidu gebi ahaanba kaga xaajoodeen, qaabka uu shirkani u dhacay oo noqday hab cajaa'ib badnaa maadaam uu ahaa shir aan lahayn qof gaar ah oo khudbada jeedinaya ee madasha lasiinayey qofkii aqoon cilmiyeed u leh waxa markaas laga hadlayo, ama qofkii khibrad gaar ah leh oo talo waafi ah ka bixinkara qodobka markaas madasha horyaal. Habkani wuxuu ahaa hab la is orankaro waa kii ugu wanaagsanaa ee kulan noocaan ah loo qaban lahaa maadaama habeenimaas halkaas lagu soo bandhigay hab qofkasta oo goobta yimid uu ka faa'iidey aragti. Hadaba SomaliTalk.com oo madasha lagu casumay waxay fursadan idiinku soo bandhigayaan wixii habeenimaad halkaas ka dhacay.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Intii aan showrku bilaabmin ayaan soo beegsaday madashii kulanka, inkasta oo goobtii hore ee kulanka labedeley oo daqiiqado nagu qaadatay in aan helo goobta cusub, hadana markii aan halkaas soo galay waxaan la kulanay miis ay gabdho Soomaaliyeed oo xiran khimaarkii calaamada Islaamka ay kuu dhiibayaan warqada ajandaha shirka oo ay ku qoranyihiin qodobada aan kor ku xusay, halkaasna qofkasta oo madasha gala lagaga saxiixayo warqad tirokoob ahaan inta qof ee halkaas timid.

Horay ayaan u siigalay qolkii madasha, mase waxaa halkaas la safay kuraas lagu soo wareejiyey qofka oo iska soo horjeed ah, waa qaabka shirarka caalamaiga ah loo qabto, xagaa geeska ahna waxaa ka muudey cabitaan safan oo sida ku cad warqada ajandaha ay ku deeqday makhaayad Soomaaliyeed oo lagu magcaabo "Chicago Subs" taas oo waagii hore loo aqoonjirey Taleex. Horay ayaad halkaas uga sii qabsan kartaa buskud iyo cabitaan, kurisgii aad doontidna waad fariisankartaa.

Waxyaabihii kulanka laga soo jeediyey waxaan kusoo koobi karaa qodobadan:

  • Hadal yididiilo leh

  • Hadal naxdin leh

  • Hadal dhiilo leh

  • Hadal Qiiro leh

  • Hadal Dhiiri gelin ah

Qiimaha Dadka

somaliaUgu horaynta madashii waxaa ka hadlay sheekh C/Raxmaan Sh. Cumar oo kamid ah culimda magaalada Minneapolis, waxana uu halkaas dadka ku xusuusiyey in aan ku dhalanay diinta Islaamka, ayna tahay in aan raacno kuna dhaqano diintaas suuban. Waxana uu shiikhu xusay qiimaha ay leedahay mas'uuliyaddu iyo in qofka la weydiinayo inta xukunkiisa hoos yimaada, taas oo uu weliba xusuusiyey qisadii "haddii faras ku kufo shaam, Allah wuxuu i weydiinayaa muxuu faraskaasi u kufay". Waxa kale oo shiikhu dadka ku adkeeyey kelmedaha macruufka ah ee "ninkii na khiyaameeyaa naga mid ma ahan". Waxana uu hadalkiisa ku soo xiray in nin lala tashaday uu yahay nin la aaminey. Waano iyo wacdi kama marnayd hadalkii shiikha. somalitalk

Waxaa hadal qaybiyaha shirka oo ahaa Xuseen garabyare uu magarafoonka u dhiibey Maxamuud Nuur Wardheere oo ah qabanqaabiyaashii madashan caawa. Wardheere waxa uu yiri "Qiimaha ugu weyn ee qofku heli karo waa dadkiisa". Kaftan gaaban oo loo dhiibey oo ahaa oraahda Shoorka oo ahayd cinwaanka ajandaha in loo qori lahaa showrka ayuu Wardheere ku warceliyey waa kelmed laga isticmaalo Jubada Hoose, taas oo lagual kaftamay in ay katimid B/Qooqaani. Wardheere oo haalkiisa sii wata waxa uu halkaas ka cadeeyey in qiimaha dadkiisa uu bartay doorashadii uu u galay duqa magaalada Minneapolis ka bacdi. Wardheere waxa kale oo madashii u sheegay in Soomaalida reer Minnesota haystaan furad qaali ah oo aan jaaliyad kale oo Soomaaliyeed aysan haysan, sidaas darteedna ay tahay in aan ka faa'iidaysano. "Aan caqliga isu geyno" ayuu yiri wardheere, waxana uu hadalkiisa kusoo xiray "ma tashanaa, mase isma qarinkaree sidaas ayaan ahaanaa" isagoo halkaas ku muujinayey tirada badan ee Soomaalida ah ee kunool Minnesota, oo lagu tilmaamo Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan Maraykanka.

Waxbarashada

soomaalWaxbarashada markii laga hadlayey waxaa hadal yididiilo ah muujiyey Cabdiraxmaan oo sheegay in 4000 ilaa 5000 arday Soomaaliyeed ay dhigtaan dugsiyada Minnesota, gaar ahaan dugsiyada dadka u dhexeeya (public schools), halka ilaa 200 ay dhigtaan dugsiyada khaaska ah (charter schools). C/Raxmaan oo hadalka sii wata waxa uu sheegay in aan leenahay rajo fiican haddii ardaydeenu ay sidaas wax u baranayaan.

somaliMaxamed Xasan Maxamuud oo ah bare Soomaaliyeed ayaa isagu muujiyey hadal dhiilo leh, waxa uu sheegay in sannadkaan 2002 qiyaastii la sameeyey 12% (boqolkiiba 12) ardayda Soomaaliyeed ay dugsiyada ka haraan (drop-out),  qiyaastaas oo uu sheegay in lafilayo in ay dhowaan gaarto ilaa 25%. Waa tiro aad u xanuun badan hadii arintu noqoto sida la qiyaasay. Taas waxaa Maxamed Xasan sabab uga dhigay in aan carruurta Soomaaliyeed Iskuulka waalidkood kaga daba iman, ama ku imtixaamin waxa ay baranayaan, waxaa sabataas sii xoojiyey, ayuu yiri maxamed Xasan, waa qoysaska Soomaaliyeed oo u badan hal hooyo oo carruurta keligeed korineysa kuwaas oo ingiriiska lagu yiraahdo (Single Mom).  Waxa kale oo uu sabab ka dhigay in carruurta Soomaalida la baro waxa loogu yeero "Somali Math", taas oo marka ay waxbarashada sare raadsanayaan loo arko in muqararka ay soo barteen uu ka hooseeyo kii fasalada kale. Si aan la qiyaasi karin ayaa Maxamed Xasan intii goobta fadhidey ugu adkeeyey oraaahda ah "Carruurtu waxay u baahantahay in iskoolka looga daba yimaado".

soomaaliyaIntii waxbarashada laga hadlayey goobtii madasha ayaa shariif dadkii u soo qadimey wiil dhallinyaro ah oo caawinaad u baahan. Wiilkii dhallinyarada ahaa [sawirka midig] oo kamid ah dhallinta Iskuulkiisa  looga xushay in loo tababaro hogaamiyaasha [leadership], kan oo ah ardaygii Soomaaliyeed ee u horeeyey ee habkaas lagu xusho, ayaa madasha horyimid, isagoo dadkii isaga waramaya, taas oo sida uu wiilkaasi sheegay uu u baahnaa $1145 oo safar iyo tababar kaga baxaya, lacagtaasna goobtii ayaa intii madasha fadhidey isugu qoreen in ay bixinayaan. Tan oo lagu tilmaamay guushii u horeysey ee kasoo baxday kulamka.

Qoyska

somalitalkCaddaani ayuu haa qofkii u horreeyey ee ka hadla arimaha bulshada, waxa uuna si qiiro leh u sheegay in dhibaatooyin badan ay haystaan dadkeena. Caddaani waxa uu yiri "Xaaladda dadkeenu kujiro waa mid oohin leh". Mar uu la hadlayey dadka u adeega jaaliyadda waxa uu yiri "Haddaad Soomaali u hadleysid waa in aad Soomaalida taqaan". Waxana uu dadkii madasha joogey ku adkeeyey in loo baahanyahay "Qalbi daacad ah iyo dadkaaga oo aad la tashatid". Isagoo markale la hadlaya dadka Soomaalida u dooda waxa uu yiri "mararka qaarkood inagaa dhibaatada dadkeena u keeneyna inagoo abuukaatayaal iska dhigeyna", waxana uu cadaani hadalka kusoo gabagabeeyey isagoo u sheegay inta Soomaali wax u qabatay in abaal loogu hayo. hayeeshee caddaaani hadalkiisii ma dhamaysan isagoo aad u qiirooday awgeed ayuuna codkiisii is-bedeley. Isku xirihii shirka ayaana qiiradaas ku ammaanay.

Weli arimihii qoyska ayaan ku dhejiraaya waxaa qisadii ugu yaabka, naxdinta iyo mucjisada badnayd madasha ka soo jeediyey C/Risaaq Lafoole, qisadaas oo dadkii meesha fadhiyey ka yaabisay, taas oo ah in uu sheegay in Soomaali badan loo diray dhaqan celin kaddib markii dumar caddaan ah oo iska soo dhigay kuwo jirkooda ka ganacsada ay gorgortan la  galeen, markii ay qiimaha isla meel dhigaana boolis meel ugu qarsooni hareeraynayo, halkaasna loo dirayo dhaqan celinta loo diro dadka dhaqan xumada ku dhaqaaqa. Waxaa taas ka sii yaab badnaa markii uu C/Risaaq sheegay in nin Soommaaliyeed oo xaas iyo toddoba carruur ah leh ay Boolisku arintaas u qabteen oo u direen dhaqan celinta. Waxa qisadan inteeda badani ka dhacdaa wadada Frankline iyo agagaarka wadada Chicago ee magaalada Minneapolis, sida uu sheegay C/Risaaq. Waxana uu goobtii ka cadeeyey in uu isaga qudhiisu la kulmay gabdhahaas, oo ay kula gorgortameen arnitaas dhaqan xumida ah. Digniin ayuu C/Risaaq halkaas uga soo jeediyey Soomaalidu in ay ka taxadaraan gabdhahaas jirkooda ka ganacsada ama iska soo dhigaya in ay ka ganacsadaan si ay kuu loogaan. Taas oo aanba ku banaanayn diinta Islaamka.

somaliaNin dhallinyaro ah  ayaa goobta kasoo jeediyey hadalkii ugu dhiilada badnaa, waxana uu yiri "16% (boqolkiiba 16) dadka Afrikaanka ah ee Minnesota kunool waxay qabaan cudurka AIDS-ka". Marka qiyaas hadalkaas lagu sameeyo waxaa kaaga soo baxaya dadka Afrikaanka ah ee kunool Minnesota in ay Soomaalidu ugu tiro badanyihiin, sidaas darteedna uu cudurkaasi noqonaya mid halis ku noqon doona qowmiyadda Soomaalida.  Maxamuud Nuur waxa uu ka socdey daryeelka dadka iyo qorshayntooda, waxana uu hayaa akhbaar muhiimad weyn u leh qiyaasta lagaga hortigi karo cudurada faafa. Waxa kale oo halkaas laga xusay in 75% dumarka carruurta ku koriya wadankaan ee Soomaalida ah ay yihiin hooyo keligeed ah (single Mom). Waxaa kale oo halkaas laga xusay habka loo yaqaan "Welfare" oo soomaalidu ugu yeerto lacagta cayrta, taas oo la sheegay in ay tahay in si qumaati ah loo fahmo.

Mar uu Xasan Jaamici arimaha Qoyska ka hadlayey waxa uu sheegay in dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Maraykanka qiyaastii 60% ay ku dambeeyaan furiin ama qoysaska kala taga. 

somalitalkQaadka ayaan la ilaawin in laga hadlo, kaas oo Maxamed Xaaji Xuseen uu sheegay in qadku dembi ka yahay carigan, waxana uu ku booriyey madasha sidii looga hortegilahaa imaanshaha qaadka. Waxa uu Maxamed Xaaji dadka ku guubaabiyey in "ka hortaggu uu ka fiican yahay dawaynta" taas oo uu ku sheegay in ay tahay in dadka la waaniyo, gaar ahaan carruurta si aysan ugu biirin kooxaha loo yaqaan gangs-ka.

Ganacsiga

somalitalk.comGanacsiga Soomaaliyeed ee magaalada Minnesota dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa maamulaha suuq-weynaha Alkarama, Maxamed Keynaan, oo sheegay in 70% macaamiishiisu ay yihiin dumar Soomaaliyeed kuwaas oo ka ganacsada waxa loo yaqaan bacadlayaasha. Waxana uu Maxamed xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dejiyo qorshe ganacsi, si ay u kobcaan ganacsiga Soomaaliyeed. Waxa uu Keynaan xusay bangi kuyaal magaalada oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid aad ugu fiican ganacsatada yaryar. Alkarama Somali Mall waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal xaafada Cedar oo ah xaafada ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan Minneapolis. Suuqa waxaa ku dhexyaal adeegyo badan oo Soomaali leedahay.

somalitalkXuseen Samatar ayaa sidoo kale ka hadlay ganacsiga Soomaalida, waxana uu sheegay in qorshe la'aata ganacsigu ay keeni karto khasaare, isagoo Xuseen arintaas tusaale u soo qaadaanaya waxa uu sheegay qiso kusaabsan Makhaayad ay dad lacag isku darsadeen, taas oo ugu kacday $100,000, kaddibna lasoo ogaadey in ayba adagtahay in makhaayadaas la furo.  Weliba waxa uu Xuseen sheegay in qiimaha ku baxay makhaayadaas uu hada sii cagacagaynayo ilaa $350,000. Waxaana sahlanayd in inta aan waxaas oo kharash ah la gelin hal telefoon loo diro minishiibayada magaalada oo la weydiiyo shuruudaha makhaayad halkaas laga furidoono. Waxa kale oo Xuseen digniin ka bisiyey in aan la saxiixin qandaraas (lease) aan la garanayn waxa ku qoran. Taas isagoo sii akaynayana waxa uu yiri "intaadan falin ka fiirso".

Ganacsiyadii kale ee halkaas laga xusay waxaa kamid ahaa suuqa Karameel,  suuq oo kuyaal St.Paul, iyo suuq kale oo al furidoono, iyo  dukaanka Durdur. Mar aan si gooni ah ula sheekaystay ganacsade Soomaaliyeed oo madasha joogey waxa uu xusay ganacsade Axamed Cirday oo uu yiri waa qofkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee Minnesota Keenay Hilibka geela, kaas oo maanta haddii aad u baahatid hilib geel aad meelkasta oo hilib xalaal lagu gado oo kuyaal Minnesota ka helikartid, waxana ganacsadahaasi xusay in lasoo wado in Minnesota la keeno caano geel. Dabcan intaas oo dhami waxay ku tuseysaa koboca ganacsiga yaryar ee Soomaalida Minnesota oo aan u malaynayo in ay tartan kula jiraan Soomaalida Columbus, Ohio oo mar aan sannadkan bartamihiisii booqday i farxad gelisey sida ganacsigoodu u fidayo.

Immigration-ka

somaliaSiciid Faahiye ayaa aad ugu dheeraaday arimaha ku xeeran Immigration-ka iyo sidii dadka aan dhulkan ugu nimid ula macaamili lahayn. Siciid oo hadalkiisa fure uga dhigay oraahdan "Waa lay xirxiraye ma reerkaygaa shiraysanaya" , asagoo qiyaas ahaan uga hadlaya dadka dhulkaan degganna, waxan uu yiri:

  • 10-20% waa dad jecel dadka laajiyiinta ah (immigrants)

  • 10-20% waa dad haddii Immigrat-igu wanaagsanaad raaca

  • 10-20% waa qayb neceb Immigrants

  • 10-20% waa kuwo sooba jeediya in lala dagaalami Immigrants

Halkaas isagoo Siciid tusaalihiisa ku celinaya ayuu yiri "Allah aan ka barino in aan dhibkale wadankan ka dhicin" waxana uu yiri waxaa dhankeena marwalba looga baahanyahay midnimo, qorshe iyo iska warqabid. Siciid oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri waa in aan baranaa deriska lagu kalsoonaan karo, waa in aan is ixtiraamnaa, oo yeynaanba madax yeelane bal aan isu nimaadno. tankale ayuu yiri Siciid waa in aan ogaanaa waxa aan ku hadleyno, waan in hadalkeenu is waafaqaa, wa in aan xog haynaa, haddii aadan wax ogeyn waxba ma qabsan kartid, waana in aan helaa meel aan wararka saxda ah ka helikarno. Waxaa jira ayuu yiri dad aan isku dan nahay sida dadka Islaamka ah, madowga, iyo dadka dhulkaan asal ahaan u dhashay, waa in aan la soconaa taas. Yeynaan isla qumanaan ee aan wada tashano ayuu Siciid Faahiye hadalkiisii kusoo xiray.

somalitalkXasan Jaamici ayaa si ballaaran uga hadlay arimaha Soomaalida ku xirxiran dalka Maraykanka, isagoo sheegay in qaar la isugu keenay Louisiana, kuwo kalena ay ku xiran yihiin Seattle iyo Minnesota, waxana uu ka waramay nidaamka Immigrationka. Sharaxaad asagoo ka bixiyey nidaamka tarxiilka Soomaalida xirxiran oo uu sheegay in ay u badan tahay in aan la fulin maadaama uu ka hor imanayo qawaaniinta caalamiga ah isla markaana aysan Soomaaliya ka jirin dawlad dhexe oo dadkaas kafaala qaadeysa, hadiiba ay ka jirto aan Maraykanku xiriir la lahayn. Waxa uu Xasan sheegay in ay booqdeen 7 xabsi kuwaas oo ay ka agaasimeen nidaam ay dadka Muslimiinta ah ku helayaan masaajido ay ku tukadaan xabsiga dhexdiisa. Waxa kale oo goobta Xasan ka sheegay in la qiyaasay in Soomaalidu kusoo badanayaan xabsiyada maraykanka, sidaas darteedna, ayuu yiri, waxaa la tababarayaa dad dhaqankooda fahmaya oo ilaalin doona, halkii dhaqan celis looga samayn lahaa si aysanba dembi u gelin. Waxa uu yiri "taxadar, laakiin xuquuqdaada ilaali". Arimaha kale ee uu Xasan ka hadlay waxaa kamid ahaa arinta bedelida cinwaanka (address change) oo uu sheegay in uu ahaa qaanuun la dejiyey 50 sano kahor, uuna akhuseeyo dad gaara. Sidaas darteed ayuu yiri marwalba arimaha Immigration-ka khuseeya kala tashada qareen. Xasan Jaamici arimahaas oo dhan waxa uu ku bilaabay hadalkan "Dhibaatada nahaysata inagaa isu keenay, jawaabtana quraankaa bixiyey" asagoo hadalkaas sii watana waxa uu yiri "inagaa wadankeenii iska soo saaray, wadankii aan sharafta ku lahayn, xalkuna waa in diinta loo noqdo, markaas ayaan walaaloobeynaa".

Dadkii kale ee ka hadlay arimaha u doodista xuquuqda Soomaalida waxaa kamid ahaa Jamaal oo ka sheekeeyey guri xafiis laga siiyey oo uu yiri waxaa ku nool Soomaali aad u tirabadan taas oo uu sheegay in lagu wareerayo sida aysan nidaamka u ilaalinayn. Taas oo uu ku muujinayey in ay tahay inaan qawaaniinta iyo nidaamka dhawrno.

Siyaasadda

somalitalkMaxamuud Shaafi ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay arimaha siyaasada la xiriira, wixii ugu horeeyey ee uu xusayna waxay ahayd guushii ay Soomaalida Minnesota ka gaareen doorashooyinkii dhowaa iyo kulankii aadka loo soo agaasimey ee 19kii October 2002 ay Soomaalidu kula kulmeen labadii siyaasi ee markaas ugu horeeyey tartankii aqalka Odayaasha Maraykanka. Shaafi oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri "wadankani waa codkaaga", hadii la midaysan yahayna codka wuxuu noqonayaa mid lagu gorgortamikaro. Siyaasad ahaana waxaa cadaatay in Soomaalidu aysan hal xisbi isku xirayn ee ay fiirsanayaan xisbigii dantooda wada, kaasna ay codka ku biirindoonaan. Shaafi oo tilmaamayey meelaha dhaliishu Soomaalida ka haysato waxa uu yiri "Tusaale ahaan maalin ayaa guri ay Soomaalidu u badan yihiin dadkii gurigaas deganaa la isigu yeeray, markaas ayaa waxaa shirkii yimid oo keliya islaamo qowmiyad kale ah intii ka deganaa guriga, kuwaas oo aanba rabin in cidkale guriga soo gasho, markaas ayaa gurigii waxaa lagu soo rogey in aqoonsi la isweydiiyo" hadii Soomaalida inta degan ay kulankaas iman lahaayeen cod ayaa la qaadi lahaa in aan  aqoonsi la isweydiin karin, inta tirada badan ayaa codka leh, hadase waxaa halkaas xukunkii ku dhacay intii badnayn oo faraskoodii ka somalitalk gaabshey, waa maahmaahdii Soomaalida ee ahayd Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay. Shaafi waxa uu hadalkiisii kusoo xiray in aan xoojino sidii aan uga qayb qaadan lahayn arimaha siyaasada ee saamaynta inaku yeelan kara, isla markaana aan xoojino waxbarashada.

Cabdisalaan ayaa isaguna guubaabiyey Soomaalida isagoo dhahaya "Waddankaan dadkaan la leenahay, kawarama haddaan cabsano, xagee aadeynaa". Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri "Haddaad keligaa tahay waad cabsaneysaa" sidaas dateed waa in aan midownaa, waa in aan isku cod ahaanaa, waa in aan nafteena qadarinaa, waa in aan is qiimaynaa,  ayuu yiri c/salaan.

galaydhWaxaa ugu dambayntii cod tebiyihii madasha lagu soo dhoweeyey Professor Cali Khaliif Galayr oo markiiba tilmaamay in dadkii hore khibradooda wax laga faa'iidi karo. waxana uu si kaftan ah u yiri "bahashu yeysan noqon xiniinyaa i-shidayee, ha noqoto xagee wax ka qabanaa". Isagoo shirkii caawa sifaynayeyna waxa uu yiri "gorayo ayaa tiri meesha hal lug ayaan gashanayaa, hadii ay fiicnaatona tan kale ayaan ku darayaa, haddii ay xumaatona waan kala soo baxayaa lugta" taas oo uu ku sifeeyey in madashani ahayd mid faa'iido leh.

Prof. Cali Khaliif oo hadal murtiyeed soo jeedinayey ayaa yiri " islaan (ayeeyaday ah) ayaa shaaha aad u jeclayd xiligii uu soconayey dagaalkii labaad ee adduunku, waxaa is dagaalay talyaanigii iyo Ingiriiskii, markaasaa waxa dhacay bad-xiran, sidaas waxaa ku dhacday shaah la'aan, wiigag markii ay kasoo waregtey ayey tiri yaa is dilaya, markaas ayaa la yiri talyaani iyo ingiriis, markaas ayey tiri war nimanku miyaanay odayaal lahayn heshiisiiya, anaguna aan shaahanagii helee".

Prof. Cali Khaliif oo tilmaamayey Soomaalida waxa uu yiri waa dad firfircoon laakiin aan lahayn hab-agaasin (organization), iyagaana isku habsaamay. Waxana uu yiri kuwa qallada qaba waa in aan la qarin. Halkaas isagoo cadaynaya waxa uu yiri "Jid ma ahan in aan inagu is-basaasno, laakiin waxaa la inaka rabaa inaan noqono muwaadiniin wanaagsan (good citizens)." Mar uu ka hadlayey qaadkana waxa uu yiri "Qaadka ma awoodno".

Prof. Cali Khaliif waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey isagoo dhahaya "Waa maxay tallaabada inooku xigta, aan samaynyo qoraal kooban" oo kusaabsan wixii aan kawada hadalay, marka dambe oo la isu yimaado si meeshii hore looga siiwado. "wixii aan isla aragno in uu wanaagsan yahay ajarbaanba ka heleynaa" ayuu yiri. 

Kulankaas oo socdey muddo saddex saacadood ah waxay ka muuqatey wajiyada dadka soo qayb galay farxad, waxaana muuqatey in qaybaha jaaliyadaha kala duwan ee Soomaalida Minnesota ay goobta ku dhammaayeen, ayagoo dhammaantood ka qayb qaadanayey talo soojeedinta. Ammaan ayey u badnaayeen hadaladii halkaas laga soo jeedeyey marka laga reebo dhalliil loo soo jeediyey wadaada oo layiri gaabis weeye, waxaase taas difaacey Xasan Jaamici oo sheegay in ay wadaadu booqdeen Xabsiyada oo ay u diyaariyeen dad imaamyo ah oo ku dhetujiya xabsiga, iyo kuwo diinta bara. Dhaliisha kale ee qaar dadkii madasha ay soo jeediyeen waxay ahayd waqtiga uu bilaabmay shirka oo dib uga dhacay saacadii lagu balamay, taas oo la is tusay arin u baahan guud ahaan Soomaalidu in ay dhawraan waqtiyada Ballanta, diinta Islaamkuna aad ayey u adkaysay ballanta.

Isku soo xooryoo, waxaa amaanta ugu badan halkaas ku helay ganacsada Soomaaliyeed iyo ardayda wax ka barta dugsiyada hoose/dhexe/sare ee gobolka Minnesota. Waxaana digniin laga muujiyey in laga taxadaro sidii ardaydaasi aysan iskuulada uga harilahayn, digniinta labaadna waa in laga taxadaro cudurka AIDS-ka oo looga cabsi qabo Soomaalida Minnesota. Arinta ugu qalafsana waa in ragga Soomaaliyeed ee Minnesota looga digo dumarka wareega.

I  I  D  H  E  H

Showrka oo socdey qiyaastii saddex saacadood iyo bar, laakiin u muuqdey wax ka yar hal-saac in uu dhamaaday, xiisihii awgeed, ayaa ahaa mid xigmado badan laga kororsaday, taas oo lagu tilmaamay tallaabo ay Soomaalida reer Minnesota hore u qaadeen, sii wadideedana looga fadhiyo. Mid kamida aqoonyahanka Soomaaliyeed oo aan telefoon ku xiriiray kadib madashii ayaa igu yiri "Soomaalida Minnesota aad ayey isu bedeleen, waxaana ka muuqatay kulankaan dhexdiisa sida ay isu qadarinayaan, isug xiran yihiin, ugana midaysan yihiin danta guud".

 Sawiradii shirka halkan ka eeg

Qore: Maxamed Cali
SomaliTalk.com Editor-in-chief
Email: webmaster@somalitalk.com

 Faafin: SomaliTalk.com

Xusuuqda qoraalkan waxaa leh SomaliTalk.com

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]