SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Koleey Waarimeyside Wadnahaagu Yuu Nixin

Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
USA.


Taariikhdu waa wax weyn oo qaaliya waxeyse waxtartaa cidii wax ku qaadaneysa waayoaragnimadii la soo maray. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan dagaalkii uu la galay gumeysiga Ingriiska ayaa dhaliyey gobonimadii gobolada waqooyi, nasiibdarro qabaa'ilada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed mid walba waa ka hiiliyey geesigaas u dagaalamay gobonimada ay maanta heystaan.

Gobanimadoonkii leegada ee SYL oo dad badan oo Soomaaliya ay dhiigooda u daadiyeen waxaa dagaalka uga soo horjeedey qabiilo Soomaaliyeed oo aan weligood doonayn dowladnimo Soomaaliyeed oo xalaala. Dadka qabiiladaas Soomaaliyeed hogaaminayey madaxbanaanida dalkooda waxaa kala qiimo badnaatay xaaraanta ay ku haysteen shisheeyaha ay dalkooda u milkinayeen.

Xoriyadii ka dib dadkii dalkooda dembiyada ka galay iyo dadkii gobonimadoonka ahaa labaduba waxey ka heleen xuquuq siman jamhuuriyadii dhalatay, waxeyna wada noqdeen madax siman iyo mudanayaal ka wakiila dadka iyo dalka. Inkasto xuquuqda wadanka loo wada siman yahay, haddana munaasab ma aysan ahayn dadkii taariikhda madooba iney dalka wax ka hogaamiyaan. Niyadsami ay qabeen iyo qiiradii gobonimada ayaa keentay in odayaashi dhaliyey gobonimada oo siyaasadu aysan ku lahayn miisaan culus iney u arkeen dadkii gumeysiga shisheeyaha watey inaan ummadda inteeda kale laga takoorin ama aan lagu sumadin taariikhdoodii madoobeyd. Arrinkaasna wuxuu ahaa khalad weyn oo la kowsadey siyaasadii Soomaaliyeed.

Dal walba wuxuu leeyahay dad xun oo taariikhda dalkaas ay takoorto iyo dad wanaagsan oo ay huwiso maamuus iyo sharaf. Xiligii dalka Mareykanka uu hogaaminayey Madaxweynihii Abraham Lincoln wuxuu dalkaas geliyey dagaal sokeeye qiyaasta 1886. Qiyaasta dagaalkaas waxaa ku dhintay 640 kun oo Mareykan ah. Guushii uu madaxweynahaas kaga adkaadey dadkii diidanaa midnimada dalkaas waxey isaga iyo intii raacdeyba huwisey xurmad, kuwii dalkooda la dagaalameyna waxey ku reebtay taariikh xumo diiwaanka dalka u gashay, taas oo sababtay jiil ka jiil dadka ka soo jeeda dadkaas xun ineysan haweysan hogaanka dalka iyo wakiilada golayaasha ummadda.

Maanta dalkii Soomaaliyeed waxaa siyaasadiisa meel kasta xusul duub ugu jira dadkii ka soo tacliin qaatay odayaashii danaysigu mariin habaabiyey, kuwaas oo siyaasada u heysta qiyaamo iyo laba wajileyn ama axdi beena oo wacad lagu galo.

Dalka Mareykanka ayaa wuxuu leeyahay caado siyaasadeed oo ah in dalka uusan jecleyn maamulka ka jira in uusan la gelin heshiis gaarsiisan heerka magaca dowlada, laakiin wuxuu u gacan baneeyaa dalkaas CIAda oo leh dhaqaale badan oo loo adeegsan karo si aan waafaqsaneyn xurmada nidaamka dowlada, arrintaas waxaa tusaale cad u ahaa fadeexadii la magac baxday Irangate ee Korneyl North lagu soo oogey maxkamad xiligii Madaxweyne Reagan uu ka talinayey dalka Mareykanka. Maalgelintaas heyadaha sirdoonka ujeedadoodu waa iney abuuraan siyaasiyiin qiyaama dalkooda una adeega danaha ay ka leeyihiin dalkaas.
Dalkanaga waxaa tusaale u ah Janaraal Maxamed Abshir Hamaan oo gobonimada ka dib wakhti dheer la lahaa xiriir iskaashi dhinaca sirdoonka dalka Mareykanka ilaa iyo waqtigii dagaalkii Soomaalida iyo Mareykanka ee 1993. Janankaas oo ah maanta nin da'diisu weyn tahay, una soo jeestey islaannimadiisa, kana hor yimid fikrada Ethiopia ay ku baabineyso dalka Soomaalida ayaa warbixinada Korneyl Cabdulaahi Yusuf iyo Ethiopia ay ka soo direen waxey ka dhigtay waxba kama jiraan xiriirkii 40 sanno uu la lahaa dhinaca Mareykanka. Janankaas waxaa dhawaan dalka Mareykanka looga diidey isaga iyo wiil jiran oo uu wadey in taakuleyn bani'aadaminimo la siiyo. Siyaasada Mareykanka oo isbedeshey awgeed waxaa isaga maanta loo arkaa cadowga Mareykanka maadaama jananku uu hadda u jeestey dhinaca diinta.

Inkasto saaxiibadiis dowlada kmg ay ku dheceen dabin ay wakhti badan ka warwareegteen, waxbadana aysan uga dambeyneyn jidka ay mariyeen saaxiibkood, haddana Madaxweynaha Dowlada kmg Dr. Qaasim wuxuu qaatay go'aan ku habooneyd inuu mar hore la yimaado si uu dalka uga difaaco siyaasiyiinta cadowga dalka u ah buundada uu ugu soo gudbi dalka Soomaaliyeed. Waxaan qabaa in go'aankaas uu qaatay uu yahay mid xaqa oo taariikhda Soomaaliyeed ay xurmeyn doonto. Siyaasada dalkaagii inaad marti uga noqotid talo shisheeye ay soo qorsheeyeen, Haddana aad ka noqoto marqaati u sacabatuma waa dacayeyn aan qarsooneyn. Masuul dan Soomaaliyeed ka wakiila marna kama suurtowdo inuu heeryadaas qaato oo indhaha kebed saarto. Waxaan shaki lahayn in dalka Soomaaliya uu gelayo wejigii ugu dambeeyey ee dagaalka sokeeye, kaas oo ah kii lagu kala bixi lahaa, dhiiga ugu badana uu ku daadan lahaa.

Mar haddii ay dhamaatay siyaasadii naxariista lahayd oo ay dhacday kala dhimasho, kolley waarimeyside wadnahaagu yuu nixin. Sida Abraham Lincoln waa iney kuu cadaato inuu kuu furan yahay oo keliya hal wado oo wax la isaga celiyo dhamaadkeeduna uu yahay guul laakiin mariinkeedu uu qaraar yahay. Waxaad heli doontaa dad badan oo xaqa aad wadankaaga ku difaaceysid kugu garab istaaga iyo ilaahay oo kaaga gargaara qiyaamada ay maleegeen kuwa qaba wacadka oo u go'ay hirgelinta danaha shisheeye. Waxaa hubaala iney taariikhdu xusi doonto dadka isku sheegaya siyaasiyiinta oo shisheeyuhu ku gaaraan danta ay ka rabaan, nasiibdarrase ay ku dhambeeyaan inaan dhinacna abaal looga heyn sida haddaba heysata Janaraal M. A. Haamaan.

Ciidan shisheeye oo loo adeegsado in hubka looga dhigo dadka aan taageersaneyn qorshaha lagu ilaalinayo danaha shisheeyaha waa mid si gaara u xambaarsan ujeedooyin ka duwan mid nabad ilaalineed. Hadda ka hor wuxuu ciidankii nabad ilaalinta uu burburiyey hubkii yaaley Xamar, waxaana xigey dagaal iyo in qabiilada qaar la hubeeyo. Ma dhicin xataa in gobolada si siman hubka looga wada qaado, taasna waxey dunida dhaqso ugu muujisay ujeedooyinkii gaar ahaaneed ee ciidanka loo keensaday Soomaaliya.

Tijaabadan labaad ee lagu doonayo in Soomaliya lagu keeno ciidan shisheeye ma aha mid ku yimid kalgacaltooyo ee waa mid wata dareen qarsoon inuu dhaqan geliyo. Cunaqabateynta lagu soo rogey Soomaaliya wuxuu ahaa dabin loo qorsheeyey Soomaalida ineysan dibeda ka helin iskaashi ciidan oo aan ahayn kan Ethiopia ay ku majaxaabineyso midnimada dalka Soomaaliyeed. Ujeedada federaalkuna wuxuu daba socdaa qorshaha qarsoon ee ah in ciidan milateri oo xoogan uusan dib dambe Soomaaliya uga dhismin iyo odaayasha dhaqanka oo laga saxiixdo in dadkoodu ay ku ekaadaan degaanka qabiilkooda iyo arrimaha la xiriira maamul u sameyntooda. Ethiopia waxey ugu deeqeysaa codsiga madaxweynaha loo sameynayo Soomaaliya ciidan dhan 80 kun oo xoojiya ciidamada maleeshiyooyinka oo loo diyaarinayo qaab ilaalo habqana. Korneyl Cabdulaahi Yusuf iyo Xuseen Caydiid waxey saxiixeen qoraalo qarsoodiya oo aysan Soomaalidu ogeyn waxa laga saxiixday iyo waxa lagu abaalmarinayo oo ay bedel ahaan ku doorsadeen. Waxaad moodaa qeybo qorshahaas ka mida iney damaanad qaadayaan in hogaamiyeyaasha jabhaduhu aan lagu soo taageyn dembiyadooda maxkamad caalamiya, waana tilmaantaas mida muujineysa in hogaamiyeyaasha kooxaha qaarkood ay hal mar u indho taagaan hindisayaasha qarsoon oo Ethiopia ay ka tahay garwadeen. Waxaan arrintaas ka marneyn in Xuseen caydiid uu gudoonsiiyey Ethiopia sirtii uu aabihis keyd ahaan u hayey iyo dukumentiyadii ay ku cadaayeen dadkii ay kala dhexeysey wada shaqeynta. Si kastaba ha ahaate waxa aysan wax badan ka muuqan heshiisyada qarsoodiga ee laga saxiixday nimankaas qowleysatadaa.

Waxaa haboon guddiyo isku dhafa oo ka kooban aqoonyahano, ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin dhaba ineey si wada tashi leh ay u soo xulaan wakiilada dadweynaha iyagoo masuuliyad iska saaraya danta guud ee Soomaaliyeed. Waxaan inaba meesha ku jirin in hadda laga hadlo nidaam federaala, maxaa yeelay marka hore waa in la sameeyo dowlad dibuhesiineeyd, laguna socdo qaabkii dowladnimadeed ee ka jirey Jamhuuriyada Soomaalida. Iyadoo aan hal shey lagu heshiis ahayn in waxyaabo badan oo la abaabulayo la is dhexgeliyo oo la ishoosgeliyo waa wax ujeedo gaara leh. Soomaaliya maanta uma baahna nidaam loo sameeyo ee waxey u baahan tahay isku keenid iyo iney iyagu ka tashadaan barlamaan iyo dowlad kooban oo awood leh, taas oo aan ahayn mid xoolo looga doonayo si loogu qanciyo dowladaha shisheeye sida Ethiopia, Carabta iyo reer galbeedka. Intuba ma wadaan danaha Soomaalida ee waxgaradka Soomaaliyeed yeysan isaga dhumin wakhti siyaasada beenta oo ay wadamadaas la wadaaan. Saddexduba waxey talada kama dambeystaa u doontaan dalka Mareykanka oo aan Soomaaliya ka lahyn wakhti dhow muraad iyo dan midna. Haddii dalka Soomaaliyeed ilaahey ka badbaadiyey marmarsiyihii Mareykanku uu ku maagsanaa inuu bambaanooyin la dhaco Soomaalida ayaa ah garasho weyn, iskaba daa kalcaltooyo iyo iskaashi deeqeed oo dalkaas laga helo.

Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
USA.

QORAALADII HORE EE DR. SACIID

 

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

Afeef: Sawirada madaxweynayaasha waa sawiro hore.

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]