SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - Faallo

”Maandeeq meeshii loogu tashaday sow Alle ma joogin?!"

Waxaa qortay;
Ikraam Cali-kaar.

I  I  D  H  E  H

KAAH

Waxaan maqli jiray maah maah caan aheyd oo ah ”cimrigaaga dheeraada geel dhalaayana waa ku tusaa”. Dabcan taasi been maahoo taariikh-da mugdiga ah ee soomaalida xilligan baa sheegeysa in la arkey geel foolanaya ama dhalaya, taasoo dadka qaarkii kaga dhigan aaqirro samaan. (hadaanse ku qaldaneyn inaan sidaas wax ugu fasirto xaajadda murugsan ee ummadan marin habowsan). Sidaa daraadeed la filimeynse in dadka soomaalida, oo waqti aan goora aheyn ku faani jiray iney yihiin dad wadniyadu ku dheertahay, waxyaabo badana ay ugu duwanaayeen qaaradda madow iyo dadyowga kunool, ay sidan bahalo dalkoodii diirtay noqdeen amaba a yihiin.

Waxaase maanta mucjiso caalamka ku noqotay halka dadkani musiibada ay gacmahoodu ku abuurteen ka haleeshay iyo shirqooladan casriyeysan cidda soo maleegtay. Jawaabta lama hayo, haddiise si cilmeysan raad raac loogu sameeyo waxaa la helayaa cidddii ka danbeysa iyo asbaabaha ay u adeegsatay in dalkaasi uu ku danbeeyo hoog iyo halaag.

Muddo ka badan 50 sanno ayaa dalalka reer galbeedka qaarkii waxaa caqabad ku aheyd dal ku yaala qaarada Aasiya, oo markaasi lahaa awood balaaran oo aan si sahal ah lugu kala fur furi karin. Waxey dalalkaasi galbeedka ku yaala ay markaasi qorsheeyeen iyagoo kaashanaya dalalka ku dhow dhow dalka ay u arkaan cadowga, qorshe baaxad leh oo lugu bu burin karro si aaney dalkaasi qatartiisa u soo dhaafin meesheeda.

Hadaba Soomaalidu haddii lugu tirin jiray dad ay wadinayddii xoogeneyd ee gobonimada horseeday middeysay, maxaad maanta oran laheyd? Wadaniyadii iyo soomaali jeceylkii miyey maanta jiraan??.. Haddiise ay jawaabtaadu noqoto HAA, fadlan akhriste isku day inaad qeexdo macnaha aad sidaasi u tiri adigoo kaashanaya dalliilo muujinaya. Haddiise ay noqoto jawaabtu MAYA, iyadana waxaa lagaa doonayaa inaad keento sababta aad sidaasi u tiri, si markaasi la isla eeggo dowga ku haboon oo loo marikarro xal u helida dhibaataan gaamuurtay.

Dadka soomaalida ah waxaan anigu qabaa inaaney jirin wax wdaniyiin la yiraahdo ama lugu sheegi karro, kolka laga reebo in yar oo dareen wadniyad leh.

Maxaa yeelay haddii dowlad jirta dunidda ay dadkeeda garan waayaan qiimaha jaceyl uu calanka iyo ciidda leeyahay, waxaa dadkaasi lugu tirinayaa ummad aan jirin oo aan laheyn dadnimo nooca ay tahay (sida soomaali oo kale), taasina maanta uma baahna in laga doodo oo la isweydiiyo. Hase ahaatee hadaad isweydiiso ama aad riyo dhalanteed ah aad maskaxdaada geliso, waxaad taariikh-da dib u eegtaa halgankii dheeree ee Sayid Maxamed C/lle Xasan iyo sidduu uga soo horjeeday gumstahii foosha xummaa, hadana ay feer roorayeen dad soomaali ah oo weligoodba jeclaa in aanan gumeystaha ka bixin dhulka soomaalida. (sida maanta ay dad badani ugu kala dhuumanayaan cadowga).

Hadaba marka aad dib u soo dhaafto dhacdooyinkaasi ay taariikda madow ee soomaalida ee ay qarnigii tagay kaga xasuustaan, waxaa bartanka kaga dhaceydaa soomaalidii qiiireysneyd ee dagaalka ku qaaday dhulkii soomaali galbeed si looga xorreeyo gumeystaha madow ee casriga, misne waxaa calool xumaaneysaa kolka aad ogaato ciddii maleegtay in ciiidankii caqiidada iyo wadniyada ku dagaalamayey ée hadafkoodii ahaa soo celinta dhulalka maqan uu calooshiis u shaqeyte soomaali ah iyo gumeystaha qarsooni ay ciribtireen.

Hadal badani haan ma buuxiyee, hadaba 13-kii shir ee dagaal oogayaalka soomaalida loo qabtay marka laga reebo kii Jabuuti ee DKM aheyd ka dhalatay, shirkaasi mooyee intooda kale waxaa weligii dhex maquuranyey fikraddo iyo danno fog ay lahaayeen dalal shisheeyo ee iyagu marti gelinaayey shirarkaasi waqti dhumiska ahaa.

Waxaase shartiisa ay durba ay faaftay kan iminka ka socda dalka Keenya oo halkaasi lugu shiriyey habar dugaagii hashii Maandeeq liqay, hadana doonaya iney markale u soo dhalato si ay lafaheeda u feentaan.

Shirkana waxaa majaraha u haysa dowlada Itoobiya oo iyadu waligeed caan ku aheyd cadaaawad soo jireen ah, iyey ka faa’iiday dhibaatadda Soomaalida heysata ummadda, waxaana ay dhowr jeer ku cel celisay in soomaalida wanaageeda ka shaqeyneyso islamarkaasina ay jeceshay iney aragto dowlad soomaaliyeed markale curata. Taasina ay tahay Qawda maqshii waxna u qaban.

Hadaba shirkaasi ka socda duleedka magaalada Nairobi ee habar dugaagta kuwooda ugu caqliga iyo aqoonta liito ay ku shirsa yihiin ayaan marnaba looga fadhin iney kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah oo ay ummad musiibooyinka rabaaniga ahi aafeeyeen kaga baxdo.

Tan iyo bishii julaay 5-teedii markii lala soo shirtagay nuqulo lagu sheegay Axdi Qarameed iyo magaca Fedraal oo, dhab ahaan fikrad laga soo minguuriyey Itoobiya, ayaa waxey abuurtay jahawareer siyaadeed iyo dood ka aloolsantay soomaalidii awalba qowlasatada u badneyd.

Waxaa hadaba markaasi doodu noqotay mid la xirriirta waxa uu yahay Fedraal iyo qaabka soomaalida loogu dhaqi doono, iyadoo durba dadka aqoonta dheer u leh ay sheegeen inaanu soomaalida xilligan iyo xilli dhowba ku dhaqmi karin Fedraalka iyo macnaha uu xambaarsan yahay, sababo jirra oo ay ku micneeyeen. Xitaa waxaa gaashaanka ku dhiftay hogaamiyaal siyaasadeed oo weligooba la dhaleeceyn jiray sida Muuse Suudi oo isagu gebi ahaanba gaashanka ku dhiftay, isagoo xitaa codsaday iney aqoonyahanada Soomaaliyeed soo qoraan mid guud ahaan ka talinaya aayaha ummadda.

Sidaa daraadeed waxaa muuqata xaashiyaha qalinka lugu jiiday ee lugu sheegay Axdi qarameed, ineysan aheyny dadkii qoray aqoonyahano soomaaliyeed ee ay yihiin qubaro shisheeye sida Itoobiya oo iyadu cadeysatay ujeedada fog ee ay leedahay, taasoo durba ku tusineysa qodobada qaar ee axdigan ee ay ka dhaa dhacsiisay qowleysatada qaar inaaney soomaalidu isku af iyo isku dhaqanba aheyn.

Afka la sheegay in soomaalidu wadaagin ayaa ah afka maay-ga oo labo gobol oo kamid ah gobolada dalka looga hadlo, taasina ay noqotay daliilasha keliya ee cadowga soo jireenka ah adeegsaday, ummaddana doonayaan iney ku af duubaan.

Hadaba su’aasha waxey tahay waa maxay macnaha dahsoon ee ku jira nuqulada lugu sheegay Axdi Qarameed-ka iyo dowlad ku sheega Fedraalka ah ee qowleysatadu doonayaan?? Afkan Maay-gase ee laga dhigay af soomaalidu wada aqoon, ma waxaa uu yahay luqad kale oo dalka looga hadlo, miyeyse ka qiimo badan yahay afkii rasmiga ahaa ee dalka looga hadli jiray, ”mise waxaa la doonayaa in 1% lahajad oo labo gobol looga hadlo laga dhigo afka rasmiga ah ee soomaali kastaa uu ku qasban yahay inuu barto??”.

Haddiiba ay dhacdo in afka Maay-ga uu noqodo afka rasmiga ah ee dowladaasi reer Habar dugaag dhalato waanba la hubin iney dhalaneyso, sidee ayey noqneysa arintu?? Koley su’aasha jawaabteeda waxaan u daayey aqristayaasha.

Balse taasi waxey muujineysa in hogaamiyalka siyaasada ka sidbatay ee kasoo jeeda goboladaasi, laga xaday caqliga, kadib markii laga dhaa dhacsiiyey in afkoodu kamid ahaan doono afafka rasmiga ah ee dowlada habar dugaag dooneyso iney dalka oo dhan ku . Balanqaadkii ugu horeeyey ee loo sameeyeyna ay arintaasi noqotay.

Hadaba arinta cakiran ee Soomaaliya maahan mid faallo lugu qoro wargeys ay ku iman karto xalka ummada Soomaaliyeed ee waa mid u baahan si wadaniyad ku jirto loogu xusul duubto.

Muddo aad fog markii xukunka hayey dhiigmiirtihii hore ee Itoobiya Mingisto Xeylo Maryan ayaa sheegay in ”soomaalidu tahay dad yar oo hadana dhib badan qorshaha uu soomaalida iyo jiritaankeeda uga taqalusayana ay tahay mid caalamku isweydiin doono in dal la yiraahdo Soomaaliya mar uun ka imid ahaa dalalka gumeystaha ka xoorabay” ee Afrikada bari kuyaala.

Fikrada ama mab’daaasi ujeedada fog lehi waxey ina tusinayaan in qorshan fulinteeda bilowdeen mudda aanba hada aheyn. Hadaba maamul ku sheegyada dalka ka jira ee Puntlad iyo jamhuuriyada la magac baxday Somaliland, sow kama mid aha qorshaha uu sheegay Mengisto inuu la damacsan yahay Soomaaliya. Hadana magacii jamhuuriyada Soomaaliya maxaa keenay in lugu lamaano magaca ”Fedraal” oo sida muuqata la doonayo inaaney ummada Soomaaliyeed magac islaanimo laga dhowro, maadama ummaddu tahay ummad adeegsata qaar kamid ah xuruufta carabiga.

Ugu danbeyntii waxaan ku soo koobayaa , in ay tahay ayaan darro tii ugu weyneyd kolkii ay Amxaaro arimisay aayaheeda danbe.

Ikraam Cali-kaar

Gothenburg, Sweden

ikraam@journalist.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003

Updated

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]