SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Nairobi: Casho Sharaftii Barmaamijka Horumarinta Puntland

Casho Sharaf Lagu qabtay Magalada Nairobi oo Laxariirta -TAAR AIRPORT- GARACAD

I  I  D  H  E  H

KAAH

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:

Waxa Caasimadda Dalka kenya ee Magalada Nairobi ka dhacay xaflad wayn oo aad loosoo agaasimay, xafladdan oo loogu magacdaray (Casho Sharaftii Barmaamijka Horumarinta Puntland), waxaa soo agaasimay Mudane Cabdi -Wali Cali Taar, oo ah Guddomiyaha Illaalinta Xeebaha Puntland, isla markana ah mas'uulkii dhagax dhigay Garoonka Wayn ee Diyaaradaha ee TAAR AIR PORT, GARACAD.

Casho Sharaftan oo ka dhacaysa Hoteelka Wayn ee Inter-Continental oo Kuyaal bartamaha Magalada Nairobi, kasoo horjeedka Aqalka Barlamanka ee looga arrimiyo Dowladda Kenya, Casho Sharaftan oo saldhig looga dhigay martiqaad uu'u sameeyay Mudane C/Wali Cali Taar, waxaa kasoo qayb galaya Dhamaan Hay'adaha Qaramada Midoobay(UN), Hay'adaha ka howlgala Dhammaan Somaliya oo idil, Hay'adaha NGO's ka ah ee Governmental and Non Governmental Organizationka, Martisharaf ka socota Safaaradaha arrimaha somaliya ku howlan, Inter-national Commnity'ga, Siyaasiin Somaliyeed oo ay hor kacayan mas'uuliyinta Puntland,TNG'da, Odayaal Dhaqameed, iyo Shacadwaynaha Somaliyeed badankiis oo ku sugan Nairobi.

Casho Sharaftan waxa ay tahay mid looga mahad celinayo dhammaan hay'adihii ka qaybqaatay dhismaha Garoonka Diyaarahada Ee Taar AIR PORT, UN'ka ayaa xiili hadda laga joogo 1Sano Iyo Bar waxa ay wafdi xaqiiqa raadis ahi usoo direen Magaalada Garacad, iyaga oo daba socday in Garoonka Cusub ee Taar AIR PORT uu yahay Garoon ku habbon inay dagaan kana duulan Diyaaradaha Caalamiga ah, waxa Wafdigan hor kacayay Mas'uul ka tirsan Hay'adda Abniga ee UN'ka isla markana ay dhalashadiisu tahay SRILANKAN waxa uu soo caddeeyay in TAAR AIR PORT uu yahay Garoon ISTIRAATIIJIYA oo ay Diyaaradaha ka qaadan karan Shiidalkooda, kuna kuna nasan karaan , isla markanasargaalkasi sare waxa uu garoonkaas mas'uuliyinta ku howlanaa dhismihiisa guddonsiiyay shaahadooyin Abaal Marineed.

si kastaba arrintu ha'ahaatee Casho Sharaftan aya waxay dhiirigalin u tahay dhamaan Shacabka Puntland, iyo guud ahaan Somaliya oo Idil , tani waxay ka turjumaysaa in Horumarka dalka aysan ku xirnayn Dowlad ama Company ee ay tahay mid ku xiran shaqsiyaadka muwaadinka ah ee Somaliyeed.

Qudbadaha iyo Abaalmarinada la'is guddonsiiyo dibbaan idinkaga soo gudbindoonaa illaah idiankiis.

Mahadsanidin

NB: Habayndanbe , Haddii rabbi idmo waxa jiridoonta Casho Sharaf kale, oo ay soo agasimeen Ra;isul Wasaraha TNG Xassan Abshir Faarax iyo Guddomiyaha Parlamanka Mudane C/lle Deerow Isaaq, casho sharaftan oo xiiso badan waxan kusuu gudbindoonaa maqaaladeena danbe oo noqonaya 48saac eedanbe oo soosocda.

Shiike

faaraxbotan@hotmail.com

QORAALADII HORE EE Shiike


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]