SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
IDI AMMIN OO GEERIYOODAY

Qore: XagarYare | SomaliTalk | Germany
Email: xagar91@hotmail.com  | Aug 16


Idi Amiin

Madaxweynihii hore ee dalka UGANDA Alxaaji Marshal Idi Amin Dada ayaa ku Geeriyooday dhaqtar lagu daweynaayay ee dalka Saudi-Arabia, isagoo dhowrkii maalmood ee noloshiisa ugu danbaysay uu Miyir la'aa.

Waxaa ay dadiisu ahayd 80 jir.

Idi Amin waxaa lagu tilmaamaa maamuladii afrika soo mara Ragga ugu Gacanta kululaa.

Idi Amin waxaa uu ku soo caan baxay isagoo ahaa intii aanu siyaasada galin Feedhyahan lagaga Danbeeyo feedhka Qaybta "miisaanka culus".

Waxaa uu iyadana mar ahaa Askari ka tirsan ciidamadii gumaysiga Ingiriiska.

waxaa uu si lama filaan ah Jagada madaxweynenimada u qabsaday sanadakii 1971.

hay'adaha Xuquuqda aadamaha u dooda ayaa ku qiyaasay in sideedii sano ee uu xukunka hayay ay dalkaasi yugaandha ku dhinteen illaa 100,000 qof.

sanadkii 1979 ayay ciidamada dalkaasi taanzaaniya iyagoo garabsiinaayay mucaaradkii Idi Amin ku kacsanaa xoog ku afganbiyeen maamulkiisii, taasoo keentay in cararkii uu jaanta wadhay dalka dibada uga boxo.

waxaa xaajiga la baxsaday saraakiil farabadan oo uu ka mid ahaa ninka haatan jagada madaxweynenimada dalka UGANDA Mr yuweri Museveni.

Alle naxariistii jano hakawaraabiyee ninkaas oo ay soomaalida saaxiib gaar ah ahaayeen waxaa uu magangalyo siyaasadeed ku joogay dalka saudi-arebia, waxaanu ahaa nin aanay nabadgalyadiisu khatar ku jirin, isagoo aad mar mar kula kulmaysid suuqyada caadiga ah iyo SUPERMARKETyada isgoo kaligii iska laafyoonayay oo dareen cabsiyeed ka madhanyahay.

Wararka ka imanaya Uganda ayaa sheegaya in madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay in meydka Idi Amiin la keeni karo Uganda si loogu aaso.

WORLD NEWS: GUJI ENGLISH VERSION

XagarYare
xagar91@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD