SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Camalka Wanaagsan

Sharmaarke c/risaaq cilmi, Qaahira
shsugulle@hotmail.com

Rasuulkeenii suubanaa wuxuu yiri n.n.k.h (haduu dhinto bini'aadamku waxaa go'aya camalkiisa sadex mooyee:- sadaqo u soconeysa, cilmi lagu intifaaco iyo ubad wanaagsan oo u duceeynaya waalidka)

Xadiiskan waxa uu ina xasuusinayaa camalo wanaagsan oo lasameeyo sawaabkooduna uu gaarayo Meyka.

Bani'adamku marka uu noolyahay waxaa uu awoodaa in uu sameeyo camalo kheyr sida tukashada Salada, sako bivinta, xajka marka, waxa san farida iyo reebida waxa xun.

Insaanku waxa uu leeyahay xoolo, saaxiibo iyo xigto marka u dhinto waxaa ka wareega Xoolaha, meeydka ehelkiisu waxay uqaadaan qabriga waana ka soo laabtaan.

Waxaa keliya ee meeydka kuharaa waa camaalkiisa, qabrigu waa beer beeraha janada kamid ah ama god godadka naarta kamid ah.

Waxaan ku tilmaami karnaa shaqsi leh sadex saaxiib mid waa ku qaali midka labaadna waa dhexdhexaad kan sadexaadna waa mid ka fog qofkaas isaga ah.

Qofku marka uu dhinto wuxuu ka tagaa saaxiibkii qaaliga ahaa aadna uu u jeclaa waa xoolaha ee ogoow.

Waxaa xoolihisa dhaxlaya caruurtiisa iyo ehelkiisa. Saaxiibka labaad waa ehelkaaga waxay ku geeynayaan qabriga. Saaxiibkii sadexaad ee kaa fogaa waa camalkaaga isagaa qabriga kula gelaya, haduu wanagsan yahay iyo haduu xunyahayba, hadaba waxaa leeyna kadoonayaa in aad aakhiro ushaqeeysano maadaama aynaan dunida ku negaaneeyn waxaynu ku nahay safar (geedi).

Waa in aynu ku dadaalnaa sameeynta waxyaabaha wanagsan, markeeynu dhimano ayeey ina anfacayan, sida barida cilmiga dhisida masaajidyada, korinta agoonta, daabacaada kutubta iyo tarbiyeeynta ama rabeeynta ilamaha si ay inoo ku soo duceeyaan markaynu dhimano.

Gabagabadii intaad doonto nooloow waad dhiman, cidaad donto jecloow waad kategin, waxaad donto samee waa lagaa abaalmarin.

Sharmaarke c/risaaq cilmi, qaahira

shsugulle@hotmail.com

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]