SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Naqdin: Jawaab Maxaad ku garankartaa doqonka?

Abdirizak Musanaf
musanaf@hotmail.com

Shalay oo taariikh-du ahayd August 26, waxaa ku soo baxay safxada hore ee Somalitalk warqad uu qorey nin magaciisa ku sheegey Ismail A. Hassan (Khaliil) warqadaan oo sida uu sheegtey uu kaga jawaabayo qoraal aan anigu diyaariyey oo cinwaankiisu ahaa Maxaad Ku Garan Kartaa Doqonka?.

Hadaba halku-dhaga soomaaliyeed ayaa oranayey gar nimaan aqooni indhuhuu ka ridaa qofku hadduu galo faalleeyo wax uusan aqoon u lahayn waa wasakhaynayaa ninkaani asagoo aan aqoon u lahayn uu ugu kuurgali karo waxa aan ka hadlayey ayuu xukun dusha ka saarey.

Hadalkiisa meesha ugu dambeysa wuxuu ku yiri qofku hadduusan waxa uu qorayo aqoon u lahayn waa inuu baaritaan sameeyaa haddii kale arrinta waa ku galgalanayaa.

Waa sax hadalkaani laakiin waxaa lamida hadduusan aqoon u lahayn inuusan kajawaabin dabagal ku samayn qoraallada ay qoreen dadka waxa ay sheegayaan aqoonta u leh, ereyadaan uu hadalkiisa ku gunaanadey qoraagu isagaa dhafoorka iskaga dhuftey taasina waxay kaaga caddaan toontaa jawaabtaan soo socota oo ku habboon inay qofkaan oo kale xadkiisa ku joojiso.

Intaanan jawaabteyda bilaabin waxaan qoraaga waydiinayaa su’aalahaan halka maqaal ah oo aad hore ugu qortey Somalitalk.com oo wata cinwaankaan GUULDARADA DAWLADDA KMG AH IYO DOORKII C/QAASIM wuxuu ahaa dhambaal ah nooca loo yaqaan fadhi ku dirir oo aad gacmahaaga ku dhooqaysey siyaasadda soomalida maanta ee ceeryoon adigoo waliba garab kaga soo horjeeda marka maxaa ku galiyey arrimaha diinta iyo qoraalada ka hadlaya cilmiga barashada insaanka?.

Tankale adigoo qoraalkaaga ku yiri sidan “INKASTOONAN AHAYN DHAQTAR CABEECADAHA BAI’AADANKA, (bani aadanka) HAB DHAQANKOODA IYO HEERKA GARAADKOODA WAX KA BARTEY” oo aad isku caddeysey inaadan aqoon u lahayn cilmigaan maxaa hadana lugta kuu galiyey? Miyaadan ogayn qoraalkaaga marka la qaymeeyo (falsify test) inuu soo baxayo nooca loo yaqaan mutanaaqid iska-horjeede (contradictory)?. Waxaa la yiri xan ninkaan ka dhawrsan hadalkiisa hore kiisa dambuu beeniyaa.

Marka aad sheegtey in akhyaar badan oo qoraalladooda internet-ka lagu faafiyo inaysan macno ku fadhiyin ama u qalmin in waqti lagu lumiyo haddey taasi jirto maxaad kaga saari kartaa qoraalkaaga fadhi-ku dirirka ah (Argumentative) ee aad kagasoo horjeedo garabada qabiilka mid kamida? Mise arrintu waa halkii laga yiri seef khaa’in gacantiis gashaa hadba dhanbey wax u goysaa.

Haddaan marka usoo jeesado jawaabta qoraalkaaga waxaan khaladaadkaaga kusoo koobayaa labo arrimood.

Tan koowaad inaad igu eedeysey inaan fara-gashadey abuurista alle.

Tan labaad inaad fahmi waydey nooca qaraalkeygu ahaa oo markaa aad dusha kaga dhacdey naafada (mental and physical disables).

Arrinta koowaad wuxuu qoraagu yiri qof kastoo wax garad ahi waxa uu dareemi karayaa in qoraalka ninkaasi uu gef wayn ku yahay abuurista eebbe.

Hadaba halkaan qoraaga waxaa ka keeney wuxuusan wali kala baran farqiga u dhexeeya macluumaad bixin iyo xukun saarid.

Macluumaad bixin waxaa laga wadaa in laga warbixiyo xaqiiqada shayga laga hadlayo iyo jaangooyadiisa oo la caddeeyo laftiisa iyo ludiisaba.

Xukun saarid waxaa laga wadaa in shaygaas xukun lakor saaro sida in la ammaano ama in la caayo sida in khayr lagu tilmaamo ama shar lagu tilmaamo sida in xumaan lagu sheego ama wanaag lagu sheego.

Qaacidada islaamiga ah ee wayn waxay oraneysaa (al xukmu cala shay farcun can tasawurihi) xukunka shayga la kor saaraa wuxuu ka dhashaa baarista macluumaadkiisa, marka waa labo kala duwan macluumaad bixin iyo xukun saarid.

Macluumaad bixinta diinta alle nagama xaaraan-tinimayn in uunka alle laga sheekeeyo sifooyinkooda muuqaaladooda ama dhibkooda iyo dheeftooda sidoo kale in macluumaadkaas laga faa’iideyso lagana fahmo qudrada iyo awooda allaha abuurey.

Macluumaadkaan iyo fiirfiirintooda diinta alle aad ayey noogu dhiiri galisey hadaba qoraaga waxaan leeyahay haddaad wali taas iska moog tahay fiiri aayadahaan soo socda.

Suurat yuunus aayada (100-101) waxaa allah nabigiisa amrayaa “Waxaad ku dhahdaa (kuwa ku beeninaya) fiiriya waxa ku dhexjira samaawaadka iyo dhulka(aragti fakar xambaarsan) maxayse katarayaan mucjisaadka iyo digniinuhu duul aan rumaynayn.

Suuratun-naxli aayada (47-48) Allah wuxuu yiri “miyeysan fiirinayn (dadku) waxa allah abuurey oo shay ah (dhamaantood)

Suuratul-acraaf aayada (184-185) allah waxa uu yiri “miyeysan fiirinayn mulkiyadaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa allah abuurey oo shay ah (makhluuqoo dhan).

Waxaad halkaan ka ogaatey in quraanku nagu dhiiri galinayo inaan shay walba oo abuurka alle kamida fiirino oo ka cibro qaadano makhluuqa alle oo badiica ah dhamaantiis si aan soo kala reebid lahayn, dhamaan uunka oo dhamina waa u qalmaa in aayadahaan daliilkooda lamarsiiyo quraanka sidaan oo kale u hadlayaana aad ayuu u badan yahay.

Waxaan ku leeyahay doqomadu waxay kamid yihiin abuurka alle ee badiica ah sida sharka iyo khayr-kuba uga mid yihiin adiga iyo cidkasta oo kalena kama saari karto.

Sidaa darteed waxaa nalaga doonayaan inaan fiirfiirino abuurista alle ee ku saabsan doqomada.

Nabiga alle salatullahi wasalaamuhu calayhi wuxuu yiri “ku fakara makhluuqa alle oo haku fakarina allah daatadiisa (tafakaruu fii makhluuqaati laahi walaa tafakaruu fillaahi).

Xadiith-kaan waxaa soo saarey imaamul xaakim iyo culumo kale oo badan albaani wuxuu ku saxiixiyey kitaabkiisa caanka ee silsiladda saxiixa loo yaqaan iyo saxiixul jaamic as-saqiir.

Waxaan ka faa’iidaysanaynaa macnihiii aadayaha oo kale.

Arrina labaad oo xukun saarista ah qoraalkeyga haba yaraatee kuma aanan sheegin, in qoraalkaygu ahaa macluumaad bixinna waxaad ka ogaatey afeefteyda markaan iri “tan koowaad qoraalkaan kaliya waa kawaramid tilmaamahan sida loo arkey” hadaba xaggee ku jirtaa meesha aan xukunka ku saarey doqomada?

Miyaadan noqonnayn dadka marka ladhoho waxaani waa cad yihiin mooda in layiri waa madow yihiin? Oo hadalku labo shubka ugu dhoco.

Haddaan xukun kor saari lahaa garbaad u lahaan lahayd inaad tiraahdo abuurista alle ayuu fara gashanayaa.

Xujada kale oo aan ku hordhigayo oo aadan wali ogaanin waxa ay tahay miyaadan ogayn astaamahaan aan anigu soo qorey oo ku saabsan doqomada inay yihiin waxaan kasoo qaatey kitaabaha qaarka mida culumada islaamka kuwa ugu waawayn?

Haddaad taas iska moog tahay akhri kitaabahaan soo socda.

1- Akhbaarul xumqaa wal mactuuhiin (wararka doqomada iyo dadka dhiman) kitaabkaan waxaa ku yaal dhamaan astaamihii aan sheegay kuligood, kuligood waxaan kasoo qaatey kitaabkaas waxaa iska leh imaamka wayn oo loo yaqaan Al-imaam ibnul jowzi.

2- Al-mustadraf fii kuli fanin mustadraf (Kan koobay fanni kasta oo layaableh) Waxaa iska leh kitaakaan imaan wayn oo noolaa casriyadii dhexe waxaa ku yaal waraaqo badan oo uu kaga hadlayo macluumaadkaan.

3- Kitaabka loo yaqaan Cajaaibul axyaa (mucjizaadka noolaha) waxaa leh imaam wayn waxaa ku yaal sifaadka dadka oo dhan.

4- Kitaabaha uu leeyahay imaamka wayn ee Al-jaaxith waxaa uu leeyahay kitaabo badan oo kaga waramayo sifaadka dadka doqomaduna ay kamid yihiin.

5- Silsiladda Axlaa daraaif wanawaadir waxaa kamida kitaab loo yaqaan Al-xumqaa wal muqafaliin oo aan isagana hayo sifaadka aan sheegey kuligood waa ku yaaliin waxaa iska leh nin dictoor ah oo loo yaqaan Dr. Ameelii yacquub.

Sidoo kale waxaan kuu hayaa hadalada koox dhan oo saxaaba ah ay ku hadleen sifaadkaan qaarkood sida.

Mucaawiya ibnu abiii sufyaan ninbaa canaantey markaasuu ku yiri waxaa markhaati noogu filan doqonnimadaada iyo caqli xumadaada garkaaga dhererkiisa aan arko.

Axnaf ibnu qays wuxuu yiri. Haddaad aragto ninka asagoo madax wayn ku xukun caqli xumo xattaa hadduu rabo hanoqdo Ummaya ibnu cabdi shamsi (umaya waa nin caqli badnaa) .

Sidoo kale waxaan hayaa hadalada Al-imaamu shaafici iyo Maxamed ibnu siiriin taabiciga wayn.

Sidoo kale akhri buuga MAHURAAN bogaggiisa 120-121 wuxuu ku soo ururiyey murtida soomaaliyeed uu ku saabsan astaamaha doqonka, buuga waxaa leh qoraaga soomaaliyeed ee caanka ah Abdulkadir F. Bootaan.

Marka khaladka aad moodey inaan galey ogow cidda khaldani inay adiga tahay ee waxa aan sheegey intaasoo culuma ah iyo qaar kaloo badan ay hore u yiraahdeen laakiin aadan wali ogaannin.

Waxaan ku waydiiyey hadaba xaggee ay ku jirtaa fara galinta abuurista eebbe haddaanse iraahdo tusaale ahaan.

Bakhaylku waa dadka hantida ku adag waxaa lagu gartaa markii wax lawaydiiyo ayuu isku naxaa garasho iyo garaacasho midna malahan.

Xishoodku wuxuu iska saraan yahay cabsi iyo kajoogid inuu qofku shayga kacabsado kadibna kajoogo waxaa lagu gartaa xumaanta kuma dhiirrado qofka xishoodka lihi.

Fulaynimadu waa sifooyinka dadka qaarkiis waxaa lagu gartaa marka ladagaallamo ayuu cararaa.

Hadalkaan oo kale ma waxaad u haysataa fara galin lagu sameeyey abuurista alle? Mise waxaadan kala fahmin macluumaad bixin iyo xukun saarid.

Tankale cudurdaar keyga waa maxay principles-ka aasaasiyaadka aad ku diiddey kasoo saar qoraalkeyga meesha aan ku jabiyey qaanuunka aan hore u dajiyey.

Haddii aad soo saari waydo waxaad noqoysaa nooca qoraayaasha ah oo aad sheegtey inay xargaha goosteen ayagoo aan waxba ogayn ama kan loo yaqaan iska xukume daliil laawe.

Markaad tiri qofkastoo akhriya wuxuu dareemi karaa!!! Dareenku waa qaloocnaan karaa sidoo kale wuxuu noqon karaa mid caadifadeed marka marnaba xujo ma noqon karo dareenka iyo ismoodsiiska midna xujo ma galo halkaan waxaa laga garan karaa oo iska muuqata inaadan wali fahmin qawaacidda wax lagu naqdiyo lagu diido marka cid dambe dareenkaaga ha u daliishan.

Arrinta labaad oo aan khaladaadkaaga ku soo koobayo waxa weeye fahan la’aantaada aadan fahmin qoraalkeyga nooca uu ahaa oo markaa aad ku galgalatey naafada.

Waxay tanna lamid tahay halkii uu ninka carbeed ka yiri (aquulu zaydan wayasmacu camran wayaktubu khaalidan) Waxaan leeyahay war zayd qor wuxuu maqlayaa camar wuxuuna qorayaa khaalid, waxa ishaadu qabatey iyo waxa maskaxdaada ku jirey ayaa kala duwanaa gacantaaduna malaha wax kale oo sadexaad ayey qortey.

Sidaa daraadeed nooca qoraalkeygu ma ahayn sababo iyo musababaadkooda amase dhacdooyin iyo wixii ka dhashey (cause and effect) qoraalkeygu wuxuu ahaa macluumaad bixin sharax (definition).

Sidaa darteed waxaan ka hadley wuxuu ahaa dhaqanka doqonnimada iyo calaamadaheeda maxaa dusha kaaga ridey sababa? Sababaha maba aanan ka hadline.

Marka saaxiib sabaha keena dhaqanka doqonnimada waxay noqon karaan ku dhalasho qofku ku dhasho (mentally and physically disable) dhimanaansho xagga jirka ama maskaxda ah waxay kaloo noqon karaan qof caadi ah wax uu ku dhaqmo.

Xaggee aan ku diidey dhimanaanshaha ku dhalashada ah ee xaga maskaxda ama jirka xaggeese aan ku diiday in qof caadi ah uu sidaan yeeli karo?

Qoraalkayga laynka ugu dambeeya waxaan ku iri “sidaa darteed waligaa ha u caroon waa qof dhiman” Hadalkaan miyaadan arag malaha waa kaa hoos baxay.

Cinwaaka ah CALAAMAAD GUUD OO DOQONNIMO waxaan hoostiisa ku iri “calaamadahaan waa calaamado doqon laakiin dadka caadiga ahna ku badan” hadalkaan miyeysan ku caddayn in qof loo dhamays tirey qofnimadiisa ay calaamadahaan ka muuqan karaan?.

Marka waxaan ka hadlayaa waa dhaqanka loo yaqaan doqonnimada ee waadan fahmin sababaha keeni karana waxba kama aanan taaban.

Markaad tiri qofka aan sharaftiisa ama tan qoyskiisa dhawrin amase aan waajibaadka allah gudan maxay tahay doqonnimada u dhiman? Of course U are right hadalkaan waa sax laakiin marka aan soo qorey qofka aan xishoon ama faajir ka ah ama isla wayn ama kibirka badan ama khaainka ah noocyahaan miyaadan u aqoon kuwa waajibaadkii allah gudan waayey soo kuma aanan darin sifaadka doqomada?

Marka wixii anigu aan sheegey ayaad dooneysaa dadka inaad si kale ugu muujiso sidii nin asagu soo ikhtiraacay.

Waa mushkilo wayn qofku inuu jawaab ka bixiyo wax uusan wali fahmin hore ayey culumadu u dheheen (fahmu su’aali nisful jawaab) fahanka su’aashu waa jawaabta barkeed waaba kuligeed sababtoo ah qofkaan waxba fahmin muxuu ka jawaabayaa.

Waxaan kusoo gabagabeynayaa shucuubta hore u marey way caawiyaan dadka liita laakiin macluumaadka ku saabsan dhimanaanshaha ma qariyaan ee waa ka faa’iideystaan sidaa darteed waxaa lagu daraa tirada dadka dhiman ama da’doodu heerkii shaqada dhaaftey oo badata masiibooyin dabiiciga ah ee shucuubta ku habsata (natural disasters) taasoo in badan oo dalalka hore u maray maanta la ciirsan yihiin.

Malaha waad ogtahay arrintaan sidaa darteed don’t be foolish magaaladaan Minneapolis ee aan joogo waxaan marwalba aragnaa filimo ka sheekeynaya doqomada ama comeediyaan ama si kale ha noqdaan.

Ugu dambeytii haddaan kula kaftamo ragbaa waxay dheheen malaha Ismail sifaadkii ayaa ku batayoo markaasuu caro isla madax marey waa kaftan ka raalli noqo.

By Abdirizak Musanaf.

Send your comments to musanaf@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE MUSANAF

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]