SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Soomaalida Sweden iyo u coddeynta lacagta EURO-da. I

C/risaaq Maxamed Xuseen
University of Gävle -Sweden
habdirisak@hotmail.com 

KAAH

Hordhac

Sida inta badan sommalida ku nool wadanka Sweden ay ogsoon yihiin, waxaa 14-ka bisha september ee sanadkan 2003-da loo coddeyn doonaa in lacagta kroonka ee wadankan laga isticmaalo lagu bedelo lacagta EURO. Lacagtaas oo laga isticmaalo inta badan wadamada midowga yurub kolkii laga reebo Sweden, Danmark iyo Ingiriiska. Haddaba codbixintaas waxaa looga arkaa guud ahaan wadanka Sweden mid aad muhiim u ah. Dadka ku dhaqan wadankana waxay u kala qaybsameen laba qaybood, oo kala ah kuwo doonaya in lacagtaas EURO-da la qaato iyo kuwo doonaya in kroonka la sii haysto. Qolo welibana waxaa ay cuskanayaan qoddobo iyo xaqiiqooyin taageerayo mowqifkooda. Haddaba maadaama ay saameyn ku yeelan doonto arintaasi cid walba oo Sweden ku nool waxaan door bidey inaan maqaalkan kaga faaloodo qodobadda ugu muhiimsan ee ay labada dhinac isku hayaan.

Waxaan kaloo jeclahay inaan xuso in laga yaabo fahamka qadobada aan ka hadli doono qaarkood iney ku adkaato qofkii aan cilmiga dhaqaalaha aad u aqoon. Waxaanse isku dayayaa inaan sida ugu sahlan u sharaxo si dadku ay u wada fahmaan.

Maxaa laysku mari la`yahay?

Guud ahaan kolkii laga doodayo dhibta iyo dheefta ay keeni karto ku biirista lacagta Euro-ga, waxaa ay dooda badankeedu ku saleysan tahay laba dhinac. Kuwaasoo kala ah dhinaca siyaasada ( political argumentations) iyo dhinaca dhaqaalaha ( Economical argumentations).

Kolkii laga hadlaayo dhinaca siyaasada, labada qayboodba ( waa kuwa diidan lacagta euro-da iyo kuwa kaleba è ) waa isku raacsan yihiin in ay faaìido badan leedahay in yurub laga mid ahaado, lagana qaybqaato dhisitaanka mustaqbalka yurub. Balse meesha laysku mari la`yahay waa dhinaca dhaqaalaha. Suàasha maalin walba taagan waxaa weeye: Lacagta Euro-da oo laga dhigo lacagta wadanka laga isticmaalo ma keeni kartaa faaìdo dhaqaale?

Arintaasi waxaa ay ka dhex dhalisay doodo aad u kulul dhamaan xisbiyada wadanka iyo dadweynaha caadiga ahba. Qodobkaas dooda dhaqaalaha ayey faaladu u badnaan doontaa.

Doorka Bangiga dhexe ee Sweden

Qodobka ugu weyn ee ay cuskadaan, dadka aadka u diidan in lagu biiro wadamada isticmaala lacagta Euro-da, waxaa weeyaan kaalinta uu yeelan doono bangiga dhexe ee Sweden. Bangigaas oo maanta ah mid u madaxbanan inuu dhaqdhaqaaqa lacagaha si xor ah uga qayb qaadto. Taas oo macnaheedu yahay inuu caddadka lacagta wadanka ku dhex jirta marna kordhin karo marna dhimi karo. Dadka diidan lacagta Euro-da waxaa ay leeyihiin:

Hadii aan ku biiro lacagta Euroda awood ma lahaan doono bangiga dhexe ee Sweden. Taasoo dhalineysa in doorkii uu bangiga dhexe ka qaadan jirey ilaalinta iyo korjoogiska dhaqaalaha ay dhunto. Maxaa yeelay waxaa howshaas la wareegi doonaa bangiga dhexe ee yurub, kaasoo masuul ka noqon doona la socoshada dhaqdhaqaaqa lacagta Euro-da.

Sida uu bangiga dhexe ee Sweden uga qayb qaato hawsha dhaqaalaha

Sida aan kor ku xusnayba howsha ugu weyn ee bangiga dhexe qabtaa waxaa weeye isagoo aad ula socda wareega lacagta wadanka iyo kuwa qalaadba. Waxaa uu masuul ka yahay waxa ay dhaqaale yahanadu ugu yeeraan:( Monetary policy) ama siyaasada ku wajahan wareeega lacagaha. Bangigu wuxuu eegaa oo dersaa hadba sida xaalada dhaqaale ee wadanku yahay,taas ayaana saldhig u ah hadba goàankii uu gaari lahaa.

Waxyaalaha kuu sahli karo inaad soo jeediso khudbad wanaagsan
Akhri halkan..GUJI

Tusaale ahaan haddii lagu jiro dhaqaale xumo ama hoos u dhac dhaqaale, wuxuu bangigu ka shaqeeyaa sidii uu dhaqaaluhu mar labaad kor ugu soo kici lahaa. Waxaana jira xirfado kala duwan oo uu adeegsado. Xirfadahaas waxaa ka mid ah inuu dhimo lacagaha dulsaarka ah ee la saaro kolkii lacag la deynsanayo. Taasi waxay dhalisaa in bangiyada yar-yar , shirkadaha iyo dadweynuhuba ay bilaabaan iney deynsadaan lacag, maadaama dulsaarkii la dhimay. Lacagahaas la deysadey waxay gelayaan wareega dhaqaalaha, taasoo mustaqbalka keeneysa in dhaqaaluhu fiicnaado. Maxaa yeelay shirkadii lacagihii ay deynsadeen waxay ku sameynayaan maal gelin, waxay qorayaan shaqaale cusub, kuwaasoo iyana bixin doona canshuur. Lacagtii u soo harteyna waxay ku isticmaali doonaan howl maalmeedkooda kale.Dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee caynkaas ah wuxuu kordhin karaa waxsoosaarka guud ee wadanka. Taasi waxa ay ahayd doorka bangiga kolkii dhaqaaluhu xun yahay. Haddaba kolkii dhaqaaluhu fiican yahayna wuxuu bangigu sameeyaa cagsiga arinta aan kor kaga soo hadalay, si uu u xanibo in uu sicir barar yimaado. Xaalada dhaqaaale kolka ay fiican tahay oo laga baqo in sicir barar dhaco waxa uu bangigu kordhiyaa lacagta dulsaarka ah si dhaqdhaqaaqa dhaqaaluhu u yaraado.

Haddaba qodobkan kaalinta bangiga dhexe ee dhumeysa hadii Sweden ay ku biirto lacagta Euro-da waa mid xaqiiq ah. Maxaa yeelay siyaasada xaga lacagaha waxaa la wareegi doona bangiga dhexe ee yurub. Bangiga yurubna ma eegi doono sida dhaqaalaha wadan kastaa yahay balse wuxuu fiirin doonaa celceliska dhaqaalaha wadamada ku bahoobey lacagtan Euro-da. Si kastaba ha ahaatee ,kolkii labada dhinac ee arintan ku biirista lacagta Eugo-da dood laysku wajahey, waa ay qirteen qolooyinka u ololeeya qaadashada lacagta Euro-da in kaalintii bangiga dhexe uu lahaa ay meesha ka baxayso. Balse waxaa ay ku doodeen in doorkii bangiga dhexe ee xaga dhaqaalaha ay buuxin doonto Dowlada iyo barlamaanku. Waxana la adeegsan doonaa aalada kale ee la yiraahdo: ( fiscal policy) ama siyaasada cashuuraha iyo waxii la hal maala. Sida ay arintaasi u shaqeyso waxaan kaga hadli doonaa qaybta labaad ee maqaalkan, hadii alaha awdooda lihi uu raali ka noqdo.

Qoraalkii hore ee C/Risaaq Maxamed....GUJI

Mahadsanidin

C/risaaq Maxamed Xuseen
University of Gävle -Sweden
habdirisak@hotmail.com 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 1, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD