SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Guddiga Dhallinyarada Soomaaliyeed ee TALAWADAAG

BAAQ: BADBAADINTA DHULKA HOOYO

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

KU: Dhallinyarada Soomaaliyeed

Walaalayaal waxaan rajaynayaa in aad ka wada dheregsan tihiin xaaladda uu maanta wadankeenu marayo. Waxaad wada ogtihiin dhibaatada haysata maatada soomaaliyeed ee ku dayacan adduunka daafihiisa haday noqon lahayd kuwa maalin walba ku dhimana saxaraha woqooyiga Afrika ayagoo u sii qaxaya Yurub; haday noqon lahayd boqollaalka qoys ee naftu baday inay ka tuugsadaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Yemen; haday noqon lahayd gabdheheena ku silicsan xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya ee askarta Keenyaatigu iska faraxumeeyaan; ama haday noqon lahayd kumanaanka qoys ee ubadkoodii ula soo cararay wadamada reer galbeedka aanse maanta ubadkoodii gacanta ku hayn. Kuwaas waxaa ka sii daran oo aad ogtihiin dhibaatada haysata shacbiga soomaaliyeed ee dalka gudihiisa jooga: amaan la’aanta, daryeel la’aanta, dilka, dhaca, iyo baadda.

Dhibkaas 13-sano ayuu shacbigeenu kusoo jiray. Saddex iyo tobankaas sano ee qabqablayaasha dagaalku (warlords) dadka silcinayeen lama arag cid ka gilgilata dhibka oo ummadda dariiqa saxda ah tusta, taasina waa tan dhalisay quusashada iyo dulliga maanta ka muuqata umaddeena. Nasiib darradeena dadkii waxgaradka ahaa waxay noqdeen wax dalka ka qaxay iyo wax albaabkooda hoosta kasoo xirtay oo indhaha ma xirtay dhibaatada dadka iyo dalka haysata. Waxaa soo haray dhallinyaradii oo qaarna iska raacay warlords-kii markay nafta u yaabeen qaarna wadankaba iskaga carareen iyo shacabkii caamada ahaa oo noqday xoolo xaraysan oo ay ku gorgortamaan warlords-ku. Maadaama cid kale aysan muuqanba shacabku 13 kaas sano wuxuu sugayey bal in ay qabqablayaashu mar heshiiyaan oo nabad iyo dawlad ay dhisaan.

Laakiin waxaa cadaatay in rajadii shacabku ka qabeen qabqablayaasha ay noqotay hal bacaad lagu lisay maxaa yeelay iska daa inay heshiiyaan oo dawlad dhisaane sanadba sanadka ka danbeeya tirada qabqablayaashu waa sii badanaysay, way sii kala fogaanayeen, kii dhintana mid ka daran baa dhaxlayey.

Hadaba Maxaan Samaynaa? Dani ma noogu jirtaa inaanan waxba samayn ee sideena iska ahaano oo iska sugno “inta dawladi dhalanayso”? Ma xalbaa in qof walba yiraahdo anigu eheladayda Suuriya ayaan geysanayaa ama Kenya ayaan keenayaa oo sponsor ayaan u xaraynayaa? Dhibaatadeenu ma ku dhamaanaysaa inaan anagoo dhami qoxooti noqono? Dalkeenuse dhibka ma ka baxayaa haddii aanan dhibka wejihin ee aan dhibka ka cararno? Waase yaabe yaan ka sugaynaa inuu dhibkeena xaliyo oo dawlad noo dhiso?

Hadaba Soomaaliyeey ma dhulkaa dhan oo tegey baan ninna dhagax u tuureyn.

Anagoo ah WALAALAHA TALAWADAAG waxaan nahay guddi ka kooban dhallinyaro soomaaliyeed oo isku fikir ah oo ah arday wax ka barata jaamacadaha dalka maraykanka. Maadaama ay na danqinayso dhibaatada dalkeena iyo dadkeena haysata aananna arag wax raja ah oo la dhawro ayaan waxaan istusnay inay qalad tahay in dhibaatada dalka dhegaha laga furaysto oo la ismaahsiiyo. Waxaan aaminsannahay in loo baahan yahay in qof walba oo soomaali ihi uu u soo jeesto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soomaaliya.

Anagu hadaan nahay dhallinyarada ku jirta guddiga kadib baaritaan iyo daraasaad badan oo aan ku samaynay xaaladda soomaaliya waxaa noosoo baxday sababaha dhibaatada dheeraatay inay yihiin:

soomaalida oo cid khalad ah xilsaaratay oo wax ka sugaysay 13-kii sano ee lasoo dhaafay. Nimankii dalka burburiyey dhulkii iyo baddiina iibsaday, dadkiina waxay laayaan iyo waxay aag xaraystaan oo ku gorgortamaan ka dhigay ayaan sugaynay inay dawlad noo dhisaan oo nabad noo keenaan. Taasi ma waanay la mid ahayn ari dhurwaa ama waraabe ka cararay oo layiri waraabihii ayaa arigii loo dirayaa oo isagaa keenaya!

Dadka ay ahayd inay ummadda xal u raadiyaan oo ka seexday arrinta oon xilkoodii kasoo bixin. 13-kii sano cidina iskuma dayin inay dalka badbaadiso marka laga reebo ruwaayado ay dhawrkii sanoba mar dhigayeen qabqablayaashu. Tani kalsooni dheeraad ah ayay siisay qabqablayaasha.

Shacabka oo uu ku dhacay jahwareer iyo quusasho. Shacabka miskiinka ah waxaa magacooda ku hadla warlords-ka, cid kale oo dhibaatadooda ka hadasha ama warlords-ka kaga hiilisa marna may arag.

Gacan shisheeye oo meesha ku jirta. Itoobiya fursad aanay weligeed helin ayay heshay si fiican ayayna uga faa’iidaysatay. Qabqablayaasha sarkhaamiinta ah ee soomaaliya waxay Itoobiya u noqdeen aalad ay ku maamusho soomaaliya. Waxaan wada ognahay in aysan qabqablayaashu wax siyaasad ah oo ay iyagu leeyihiin aysan jirin. Waxay kaliya oo u baahan yihiin hub ay isbaarooyinkooda ku ilaashadaan iyo qaad ay siiyaan kuwa u shaqeeya, labadabana waxaa siiya Itoobiya oo kor ka maamusha.

Hadaba waxaan ugu baaqaynaa shacbiga soomaaliyeed in dib loogu noqdo arrinta dib u noolaynta.soomaaliya maadaama aan cidina inoo maqnayn ceelna inoo qodnayn. Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada inay qaadaan masuuliyadda badbaadada dalka una diyaar garoobaan halgan dib loogu soo celiyo qaranimadii soomaaliya. Maadaama ay bahal noqdeen qabqablayaasha dagaalku, Itoobiyana ay ka go’an tahay in aan soomaaliya weligeed nabadi ka dhicin waxaa lagama maarmaan ah in halgan adag oo naf iyo maalba loo huro la galo si dalka loo badbaadiyo.

Waqtigan aan joogno waxaa dalka Kenya ka socda shir wadamada deriska ah(IGAD) u qabteen qabqabyaasha soomaaliyeed. Anagoo jeclaan lahayn in ay wuxuun ka soo baxaan shirkaas hadana astaamaha ka muuqda waxaad moodaa in uusan ka gedisnayn shirarkii ka horeeyey. Haddii ay shirka wax kasoo bixi waayaan waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada soomaaliyeed in la sameeyo hogaan siyaasadeed oo midaysan oo shacbiga abaabula una halgama sidii dalka loosoo celin lahaa. Annagu haddaan nahay guddiga Dhallinyarada Talawadaag waxaan sii wadi doonnaa baaritankayaga iyo daraasaadkayaga sidii loo dhisi lahaa urur siyaasad saliim ah leh oo awood u yeelan kara inuu dalka badbaadiyo. Haddii ay wax ku heshiin waayaan hogaaamiyayaasha Nairobi ku shiraya waxaan qorsheyneynaa inaan shirweyne u qabano dhallinyarada soomaaliyeed sidii ururka dhidibada loogu aasi lahaa.

Aad baan u qadarinaynaa figradaha dadweynaha gaar ahaanna figradaha dhallinyarada soomaaliyeed. Wixii talo, tusaale, ama aragti ah fadlan nagala soo xiriir:

Guddiga2003@yahoo.com

.

Wabillaahi Towfiiq

C/Raxmaan Garad- Gudoomiye ku xigeenka Guddiga

QORAALADII HORE EE DR. SACIID

 

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

Afeef: Sawirada madaxweynayaasha waa sawiro hore.

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD