SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Federalka iyo walaalaha Galgaduud

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

”Hubdhigis” iyo ”federal” waa labo erey oo uu mid af soomaali yahay, midna uu luqad qalaad yahay, hase ahaato ee waa kalmado qofkii aan tuugnimo iyo burcadnimo jeclayni uu maqalkooda iyo macnahooda aad ugu farxayo.

Labada erey waxaynu ku hormaraynaa ”federal” waayo af soomaali ma aha oo waa erey ummado badan ka dhexeeya, isla markaas waxaa maalmihii danbe lala xuurtaysnaa jariiban iyo gunuunuc ay horseed ka yihiin labada nin oo la baxay ”Walaalaha Galgaduud” iyo taageereyaal xoogaa ah, oo ayaga oo aan macnaha iyo nuxurka federalka fahmin ay caadifadi qaadday.

Sida federalka loola dhacsan yahay, oo ay soomaalidu ugu riyaaqeen waxay gaarsiisan tahay heer ay shacabka badankoodu markii ay ereygaas maqlaan ugu qiiroodaan sidii ayaga oo gabay guubaabo ah ama hees waddani ah dhegaysanaya. Waxaa laga yaabaa in uu ereygu sidiisaba yahay kalmad dhawaaq macaan, oo maqalkeedu uu xallad iyo bilic farshaxan ah huwan yahay, isla markaas waxaa dhici karta in macnihiisu uu xanbaarsan yahay nuxur iyo narsi ay ummaddu ereyga ka dhedheminayaan uu nabad iyo naallo waara u soo jiidi doono.

Soomaalida badankooda siiba dadkii ku dhaqnaa ”labadii magaalomadax oo hore” markii ay arrin fahmi waayaan waxaa alaaba loo soo qaataa tusaale cunto ku saabsan, si ay sharraxaadda ugu dhegonuglaadaan. Sidaas darteed waxaa hadda beegtoon in aynu dadka federalka ku fahamsiinno kalmad ay dadka makhaayadaha gada iyo kuwii inta laanguruusarrada la carraaba makhayadaha galoobixi jirey ku fahmi karaan macnaha iyo waxdheefka federalka.

Labada nin oo la baxay ”Walaalaha Galgaduud” cidina kama ay badsan in federayshin laga dalbado makhaayadihii ay dabadeed ayaga iyo saaxiibbadood taloxumida ku dumiyeen, oo ku yiil magaalomadaxdii hore ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Gadaal ayeynu ka sheegi doonna labada nin oo walaalnimada gaarka ah sheegtay, isuna bahaystay ceebaynta iyo masabbididda arrimaha federalka iyo waxyaalo kale, hase yeesho ee waxaynu hortii caddaynaynaa in uu federalka macnihiisu yahay ”Isku dar” ee uusan ahayn ”Kala jarid”. Taas waxaa daliil culus u ah in ”Walaalaha galgaduud” markii ay makhaayad caasimaddii hore ee dalkeenna ku taal horteeda baabuur hanti ay boobeen laga bixiyey ku baakingareeyaan ay dalabkooda ka bilaabi jireen ”Faderayshin ii keen”, taas oo ay ka wadeen in cuntooyin weelal kala duwan ku jirey isku saxan looga buuxiyo.

Faalladaas cuntada ku saabsani waxay gashaanka ku dhufanaysaa madalhufinaha iyo macangagnimada aan murtiyaysnayn ee ay ”Walaalaha Galgaduud” iyo taageereyaashoodu ku mabeen tan iyo intii la bilaabay in loo ololeeyo arrimaha ”federalka” iyo ”hubdhigista”. Markii cunto la dalbanayo in federal la jecel yahay oo “Isku dar” loo yaqaan, haddana markii ummadda soomaaliyeed in nadaamka federalka lagu dhaqo oo hubka laga dhigo la rabo in indhaha xanjo la soo marsado oo federalka iyo dawlado deris ah la iska caayaa waxay inoo muujinaysaa in ay ”Walaalaha Galgaduud” gardaran yihiin, oo ay u angaxayaan in aan shacabka iyo kooxaha hubka laga dhigin iyo in aan ummaddii kala tagtay oo colaadaha ku kala fogaatey habka federalka la isugu soo jiidin.

Ikhyaarta mihiiggaanka ah oo federalka xiisaynaya, oo ogsoon baahida loo qabo iyo sida uu u midayn karo ummadda iyo sida uu kalsooni u siin karo bulshada kala shakisan waxay og yihiin in uu federalku yahay baraf lagu daminayo qaxanka qabyaaladda, ee uusan ahayn in ummadda qabiilooyin loo kala jarjaro.

Waxaa la wada og yahay in ay bushada soomaalidu beelo u kala miirantay, laakiin su’aasha ugu weyni waxay tahay ma federal baa markii ay kala miirmayeen la haystey? Waxaa iska cad in uusan jirin qof oranaya: ”Waxaa soomaalida qabyaaladda baray habka federalka oo ah in wax la isku daro”.

Hadda ayeynu soo gaarney markii aynu sheegi lahayn kuwa ay yihiin “Walaalaha Galgaduud”, waana Cabdiqaasim iyo Barre Hiiraale. Qof kasta oo federaalka caaya ama ama dawladda Itoobiya masabbidaa wuxuu taageersan yahay labadaas shakhsi, oo ka tirsanaa maamulkii ummadda oo midaysan xoogga ku qabsaday oo shacabkii oo qabyaalad isu laynaya uu cimrigiisu go’ay.

Cabdiqaasim iyo Barre Hiiraale waxay macagacaas (Walaalaha Galgaduud) ku dhawaaqeen oo la baxeen intii aan Carta durbaankii iyo halaasigii lagu qaban. Sida ay dadka qaarkood sheegaan waxaa magaca ”Walaalaha Galgaduud” laga dhaxlay jaalle Maxamed Siyaad Barre, oo ku beerdulucsan jirey Cabdiqaasim, oo uu ka jeclaa carruurtiisa iyo aqalladiisa.

Ama jaalle Siyaad ha laga soo xigto ama Ismaaciil Cumar Geelle ee kolley waxaa Carta durbaan laga garaacay markii uu magacu ka hirgalay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, wuxuuna macagu shaqeeyey intii aysan ganacsatada Jibuuti qaarkood iyo ganacsatada Banaadir qaarkood ku heshiin in shir qof kasta u furan laga bilaabo dalka Jibuuti.

Dadkii ugu badnaa oo shirkaas iska xaadiriyey waxay ahaayeen danyar horay Jibuuti ugu noolaa, oo markii ay ogaadeen in uu furmay shir laga helayo cunto iyo jiif bilaash ahi isku qoray in ay yihiin ergooyin laga soo xulay gobollada Soomaaliya. Runtii waxaa la oran karaa faa’iidada keli ah oo Carta laga helay waxay ahayd in soomaali baahani ay ka heleen cunto ay ku noolaadeen halkii sano oo uu shirkaasi socdey.

Arrintii riwaayaddaas ugu xiisaha badnayd waxay ahayd in ay shirka isku qoreen dad dalka Jibuuti u dhashay, oo kaga qaybgalay in laga soo diray soomaaliya, waxaan fursaddaas u sahley in ay dadka reer Jibuuti qaarkood ku hadlaan af soomaali iyo in dadka shirka ka qaybgelayey aysan ahayn dad aqoonsi dhiibanayey oo aysan soomaaliya ka jirin wax baasaboor iyo teesare ahi, isla markaas dadku kama ay socon maamullada iyo kooxaha dalka haystey, ee waxay ahaayeen dad af soomaali ku hadlaya oo aan badankooda cidina garanayn.

Waxaa la garaney wadaaddada qaarkood iyo rag kacaankii u shaqayn jirey, oo ay ka mid ahaayeen shiikh Cumar-Faaruuq, jeneraal Gaanni, kornayl Ahmed Cumar Jees iyo mudane Cabdiqaasim. Waxaa sidaas oo kale la garaney qoraagii caanka ahaa oo asaga oo yar ku soo caanbaxay in uu diyaariyo sheekooyin xallad leh. Waa Maxamed Daahir Afrax! Qoraagaasi wuxuu mar danbe qoray buug yar, oo uu isku deyey in uu bixiyo sawir aan macquul ahayn oo ah in ay shirkii Carta iyo Ismaaciil Cumar Geelle fiicnaayeen, laakiin ay xun yihiin Cabdiqaasim iyo Xassan Abshir oo uusan shirku mufashil ahayn ee ay nimankaasi masuuliyad la saaray ku gaboodfaleen. Buuggaasi wuxuu ahaa mid aan misaan weyn lahayn, oo uu mudane Afrax moodey in uu kaga bixi karo ceebihii uu soo jidey shirkii ay ganacsatadu wateen oo lagu xoolaystay, waase haddii uu helo cid ka akhrisata! Run ahaantii Maxamed Daahir Afrax waa nin ay dadka sheekooyinka jeceli aad u qaddariyaan, oo aannu ka caloolxumaannay in meelaha qaarkood lagu arkay iyo in uu ammaanay wax aan in la ammaano astaahilin.

Qoraagaas caanka ahi waa ninka keli ah oo intii ay dawladokusheeggu jireen diyaariyey sheekooyin xagga farshaxanka u dhigmi kara sheekooyinka casriga ah oo ay bulshooyinka horamay qoraan, wuxuuna ka mid ahaa dadka farakuriska ah oo aqoonta ka lahaa dadkii hugunkaas Carta lagu hodey ama ayagu wax ku hodey.

Waxaa shacab aan xog’ogaal ahayn maskaxda loogu shubay in ay shirkii Carta isugu yimaadeen dad badan oo aqoon sare lihi, warkaasina waa been riqiis ah oo in lagu qoslo mudan. Run ahaantii dadkii isugu tegey shirkaas waa uu ku yaraa qof haysta shahaadada Ph.D (doctor of philosophy), oo wax tacliin heerkaas ah leh waxaa ka joogey qof ama labo uu Maxamed Daahir Afrax ka mid yahay. Waxaa caaqnimo weyn ah in markii magacyada Cabdiqaasin iyo Xassan Abshir la qorayo lagu horqoro Dr! Dadka soomaalida ahi waxay qabaan cudur magacjacayl ah, oo faraya in ay sheegtaan jagooyin been ah iyo tacliin been ah. Dhab ahaantii waxaa Dr loo qori karaa ruux haysta shaadada Ph.D (doctor of philosophy). Xaggee bay labadaas nin ka qaateen shahaadada loo qorayo, goorma ayeyse qaateen?!

Askartii xilligii kacaanka sida fudud loo dallacsiin jirey iyo dadkii meelaha hanuuninta ku soo caanbaxay ayuu mid kastaa markii uu goobtii uu bulaanku ka socdey gaarey wuxuu magaciisa ku horqoray Dr, waxaana shacabkii masaakiinta ahaa laga dhaadhiciyey in ay Carta joogeen dad aqoonta ”yahamiin” ku ahi. Waa kuma ninka tacliinta sare lahaa oo shirkaas joogey oo aan ahayn dadka farakutiriska ah oo aynu sheegnay, aqoontuse ma in uu qof kastaa Dr iska qorto ayaa mase waa wax loo dhibaatoodu oo dadaal dheer iyo karti weyn u baahan?!

Wadaaddada laftooda dadka soomaalida ahi ma ay kala yaqaanniin in ay aqoon macquul ah leeyihiin iyo in ay masalogaabyo yihiin, waayo bulshoweyntu inta ay diinta uga baahan tahay waa wacdi yar iyo in looga jawaabo masalooyin yaryar.

Tusaale yaab badan ayaan idinku qancinayaa in ay xagga diinta aqoondarro weyni ka jirto. Mar aannu joogney magaalomadaxdii hore ee dalka ayaannu u baahannay culumo wax naga bara labo cilmi oo xagga diinta aad u waaweyn, oo uusan qofku ilaa uu ayaga fahmo diinta fahmi karin. Labadaas cilmi mid waa ”Usuulul fiqhi” midna waa ”Musdalixul xaddiis”.

Midka hore waxaa lagu daraaseeyaa sida qur’aanka iyo xaddiiska loo daliishado iyo sida ujeeddada daliishiga loo abbaaro oo xeerar guud oo wax loo daliishan karo ama wixii iswaafiqi waaya xal loogu heli karo ayaa lagu bartaa. Midka labaad waxaa lagu bartaa sidii xaddiisyada loo kala weriyey iyo dadkii kala weriyey. Arrintaas ayey ka abuurantaa in ay xaddiisyada qaarkood wax fiican oo diin ah yihiin, qaarna ay yihiin wax aan diin ahayn oo aan la daliishan karin. Runtii waa cilmi ballaaran oo lagu fahmo dhibaatooyinka iyo halisaha xagga xaddiiska ka jira.

Labadaas cilmi midka hore wax habayaaraato ee garanaya waxaa jamhuuriyaddii Soomaaliya joogey labo nin oo soomaali ah iyo nin oromo ah. Labadii soomaalida ahaa mid wuxuu ku dhintay dalka Uganda oo magaciisa waxaa la oran jirey Nuur Cali-Colow Axmed midka dalka sucuudiga ayuu joogaa oo waa ninka la yiraahdo Shariif Cabdinuur. Ninkii oromada ahaa meel uu ku danbeeyey ma aqaan, laakiin cilmiga danbe waxaa mar gadaale la helay nin dhallinyaro ah oo dalka Ciraaq ku soo bartay oo magaciisa la yiraahdo Ahmed-Dheere. Ninkaas ayaa xagga ”Musdalixul xaddiiska” afar ku ahaa raggii aynu sheegnay.

Haddaba waxaa su’aal ah maxay yaqaaniin wadaaddada faraha badan oo ay dadka caamada ahi u yaqaanniin caalimiinta. Waxay garanayaan in ay xafideen xaddiisyo aysan sida loo kala weriyey iyo cilladahooda aqoon iyo tafsiir ay iska dulmaraan, ee aysan sida loo daliishado aqoon, oo ay isaga kaaftoomaan sidii ay u macneeyeen dadkii hore. Waxay dadka jaamacadaha diinta ka soo baxay samayn karaan in ay jeediyaan wacdi iyo in ay duruuruxiyaan kitaab aysan xaddiiska ku qoran cilladihiisa xal u samayn karin iyo aayado aysan sida macnohooda shishe loola soo baxo aqoon. Intaas waxaa dheer kutubo hadal ahaan shareecada looga qoray, oo ay ku uruursan yihiin aragtiyo ay wadaaddo hore ka qabeen nusuusta, kuwaas oo aysan wadaaddadeenu sheegi karin sababta ay wadaaddadii hore u qaateen, ee ay iska xafidaan oo fidiyaan, waayo ma ay yaqaanniin aqoontii ay ku garan lahaayeen sidii ay u fakarayeen raggaas hore oo ajnebiga ahaa.

Haddaba waa kuma ninka aqoomahaas waaweyn lahaa oo shirkii Carta ka soo qaybgalay?! Mase ninkii tafsiirka qur’aanka laqbadiisa ka qalalabsiin karaaba waa shiikh caalim ah?!

Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu hadda isleeyahay hal-abuurrada ayaa aqoon u lahaa maaddadooda ah maansada, oo sidaas ayuu shirkii Carta ku fiicnaa! Haddaba xagga maansada lafteeda ummadda waxaa laga dhaadhiciyaa oo maskaxda uga buuxa aragtiyo liita oo been ah. Maansadu waxay leedahay ”Qaabin” iyo ”Doojin”. Qaabintu waa farshaxanka loo bilaabo, loo daadihiyo oo loo gunaanado. Doojin waxaa la yiraahdaa kartida miraheeda loo xoojiyo, loo cabbeeyo oo loo feento. Shirkii Carta qof aan maansadiisa xagga qaabka ku qancay kama uu soo qaybgelin, laakiin xagga doojinta waxaa dhegahayga xoogaa soo jiitey nin aanan magaciisa aqoon. Asagana waxay ceebtiisu xagga doojinta noqotay in uu gabaygii labo mir oo deelqaaf leh ku daray. Darajada ugu hoosaysa oo uu qofku maansada ka gaaraa waa in uu maansadiisa deelqaaf ka dhawri karo, waxaana yaab leh ninkii keli ahaa oo wax ku guuleystey in uu deelqaaf la soo dhex-istaagey meel ay dad waxwalbaale ahi ka bulaamayeen, oo haddana laga daawaday meelo badan. Gabaygu wuxuu ku socdey xarafka ”kaaf”, waxayna labada mir oo uu deelqaafku halakeeyey ahaayeen:

Kas midnimo haddaad yeelataan, hadal ma joogeene

Kaafina kolkiisii wuxuu, turubka dhawraaba

”Hadal ma joogeene” iyo ”turubka dhawraaba” midna laguma darin erey ka bilowda xarafkii uu gabaygu ku socdey oo ahaa ”Kaaf”! Akhri buuggayga Danyarkalkaal haddii aad faallo dheer oo maansada ku saabsan rabtid!

Haddaba dadkii Carta dhoobtay badankoodu saddex arrimood ayey yaqiinneen, oo ay fahmi kareen. Saddexdaas waxyaaloodna waxay ahaayeen ”Quraac”, ”Qado” iyo ”Casho”!

Shirkii ugu horreeyey oo si deggan looga wada hadlay labada arrimood oo aadka u waaweyn ee kala ah ”Federal” iyo ”hubdhigis” waa shirweynaha hadda loo fadhiyo dalka Kenya. Waxaa halkaas fadhiya dad badan oo aqoon sare leh, oo ay ilaa dhawr iyo toban ka mid ahi haystaan shahaadada ugu sarraysa ee jaamacad laga qaato, Ph.D, isla markaas ay boqollaal ka mid ahi haystaan shahaadooyin heerar kala duwan ah oo jaamacadood. Aqoonyannadaasi waxay ku soo kala takhasuseen sharciyada, dhaqaalaha, maamulka, xalladda, cilminafsiga, sayniska lamihiisa kala duwan iyo diinta islaamka.

Shirkaas waxaa fadhiya siyaasiyiin waaweyn, oo horay Soomaaliya jagooyin kala duwan uga soo qabtay, oo tusaale ahaan waxaa jooga intii ka nool kooxdii uu Aadan-Cadde hoggaamiyaha u ahaa iyo wixii ka haray dawladdii uu Cabdirashiid ka dhintay. Kacaankii xataa waxaa ka joogaa dad badan, laakiin kacaanku khayr ma uu lahayn oo in aysan joogin baa shirka u fiicnaan lahayd.

Kooxihii dhawr iyo tobankii sano oo la soo dhaafay dalka ku hardamayey, oo u kala qaybsan kuwo maamullo soo wakiisheen, kuwo beelo ka socda iyo kuwo kooxo maafiyo ah, sida Carta, ka socda dhammaantood waxaa ka maqan reer Hargaysa oo sidii ay Maxamed Siyaad Barre uga xanaqeen weli furka tuursan. Waxay reer Hargaysa cuskadaan maahmaah ah ”Nin aan talin jirini haddii uu taliyo, nin aan tegi jiri baa taga” oo ay ula jeedaan in uu Maxamed Siyaad ahaa nin taloxun, oo ay tegayaan ayaga oo horay uga mid ahaa beelihii badnaa calanka baluugga ah wada samaystay.

Waxaa jirta maahmaah oranaysaa ”Dhibtii lagula qabo, catowgeeda laguma degdego”. Haddaba dhibtii kacaanka oo beelaha oo dhan wada taabatay haddii uu qabiil keli ahi aad uga cataabo, oo uu ”federal” iyo ”hubdhigis” midna diido, isla markaas beelaha kale oo walaalaha ah afka loo buuro waxay noqonaysaa wax aan la hafmi karin.

Hargaysa, Berbera iyo Burco haddii Alle idmo ”federalka” iyo ”hubdhigista” ay asaaggood u heellan yihiin marna ka ay harimayaan, oo dadkooda ayey wax la qabi doonaan, hase ahaato ee ”Walaalaha Galgaduud” ayaa waxay cuqdad xun ka qabaan ”federalka” iyo ”hubdhigista”, isla markaas maqaalku mowduucaas ayuu ku saabsan yahay.

Cabdiqaasim oo ah ninka sarreeya labada nin oo isu baxshey ”Walaalaha Galgaduud” ayaa markii uu shirka lagu heshiinayo ka baxay afka iska furtay. Wuxuu sheegay in uusan afka ”May” oo lagaga hadlo gobollo dhan oo dalka ka mid ahi astaahilin in axdiga lagu qoro in uu luqad jirta oo wax lagu baran doono yahay. Wuxuu arrintaas ku xumaynayaa shacabka afkaas ku hadla, oo uu og yahay in ay baahi weyn u qabaan ”federalka” iyo ”hubdhigista”. Markii ay bahweyta gobolladaas degaa wax ka qaateen go’aanka ”federalka” iyo ”hubdhigista” ayuu guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaduud” mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan wuxuu kula dhacay xanaaq uu gaarey ilaa uu afkooda iyo dhaqankooda u gaarka ah caayo. Xataa markii uu afka ”May” ku xadgudbayey wuxuu sheegay in uu afka soomaaligu carabiga yahay! Waxaa yaab leh in aan hadda ka hor fiirsaday Cabdiqaasim oo carabi lagu waraysanayey oo si ”Gaja’ Gaja’” ah ugu hadlaya. Haddaba haddii uu afkiisii yahay muxuu u gaja’ gaja’ lahaa muu sida uu afka soomaaliga u duruurixiyo ugu hadlo?! Xataa haddii Axdiga qaranka lagu qoro in uu afkeennu carabi yahay waa been, waayo kunkii qof oo soomaali ah mid baa kalmado yaryar sida Cabdiqaasim tuuran kara ee waxay hooyooyinkeen yaqaanniin afka magaciisa la yiraahdo ”Soomaali”. Luqadda carabigu waa af qalaad, taasna macneheedu ma aha in aynu gaalo nahay! Luqad diinta laguma galo lagamana baxo, ee waxaa lagu galaa rumayn Rabbi, Rasusha, Aaakhiro, Malaa’igaha, Jinniga kw.

Dhibaatooyin waaweyn baa laga dhaxli karaa haddii ummadda luqad aan tooda ahayn axdiga loogu qoro in ay tahay luqaddooda rasmiga ah, waxaase yaab leh uu hoggaamihaya ”Walaalaha Galgaduud” dhawaan sheegay in ay dadka soomaaliyeed oo Nayroobi ku shirsani dhammaantood gaalo yihiin, ayna dooran doonaan madaxweyne gaal ah, waayo waxay isku raaceen ”federal” iyo ”hubdhigis”! Wuxuu kale oo si anshax darro ah u caayey labada ismaamul oo gacanta ku haya dalka Soomaaliya barkiis, kuwaas oo uu ku sheegay tuulooyin madaxbannaani raadinaya!

Keligiis ma aha dadka ”Walaalaha Galgaduud” iyo taageerayaashooda ah oo ”federalka” iyo ”hubkadhigista” intay ka caroodeen maryaha xooray, oo ninka ay walaaloobeen ee Barre Hiiraale la yiraahdaa xataa wuxuu diidey in uu yimaado shirka weyn oo ay ummadda guud ku guddoonsadeen arrimo ay ka mid yihiin ”federal” iyo ”hubdhigis”. Awalba waa la iska ogaa in haddii uu Cabdiqaasim caroodo uu Barrena toos ula caroonayo waayo waa walaalkiis ka weyn sida ay isku magacaabeen. ”Labadii walaalo ah, kii lacag leh baa weyn” waa oraah caan ah.

Soomaalidu waxay ku maahmaahaan ”Naag wacal dhashay inta ay baaqsatayna badan”. ”Baaqsi” waxaa la yiraahdaa in tulud geel ah oo abaahootay aysan rimin. Sidaas awgeed nabadda iyo federalka haddii ay ”Walaalaha Galgaduud” sidaas xun uga xanaaqsan yihiin, oo ay dadkii muslihiinta ahaa oo shiraya gaalo ku sheegeen sidee bay u hadlaan, maxayse ku hadlaan ama sameeyaan markii ay keligood yihiin?!

Waxaa kale oo jira nin ka mid ah taageerayaasha labada nin oo walaaloobey (Walaalaha Galgaduud), oo magaciisa la yiraahdo Idaajaa, kaas oo dhawaan qoray maqaal yar oo uu ”federalka”, ”hubdhigista” iyo shirkaba ku caayey. Waxaa qosol leh in uu xanaaqa Idaajaa gaarey heer uu qoray in uu federalku yahay arrin ay Itoobiya ku lugoynayso Soomaaliya. Hadalkaas wuxuu ka maqlay Cabdiqaasim, waxaase su’aal ah ”Haddii ay Itoobiya u aragto in uu federalku lugooyo yahay maxay ayada lafteedu ugu dhaqantaa nadaamka federalka, ma ayada ayaa islugoynaysa?!”.

”Federalka” iyo ”hubdhigista” labadaba waxaa ku jirta nabadda dalka iyo horumarka mustaqbalka, waxaana diiddan dad yar oo aan isku kalsoonayn, waayo haddii uu guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaguud” naftiisa iyo ummadda soomaaliyeed kalsooni ka haysto wuxuu ku biiri lahaa liiska musharrixiinta si uu u galo tartan xaq ah oo u furan nin kasta oo rajayn kara in ay ergooyinka shirweynaha joogaa doortaan.

Ummadda Soomaaliyeed iyo ummadaha caalamku waxay maanta u midaysan yihiin in uu shirkaani yahay mid aan asaga oo kale horay loo soo qaban, marka laga eego aqoonyahannada jooga tayadooda, hoggaamiyeyaasha ka soo qaybgalay tiradooda iyo tabartooda, siyaasiyiinta iyo ururrada rayidka ah oo jooga iyo sida ay ugu soo qulqulayaan odayaasha beelaha u bokhrani. Sida uu caalamku u eegayo shirka iyo taageerooyinka waaweyn oo dawladda federalka ah loo ballanqaaday waa mid aan weligeed Soomaaliya soo marin.

Lacagihii ay ”Walaalaha Galgaduud” dalalka carabta ka heli jireen waxaa ugu danbaysa maalinta lagu dhawaaqo dawladda federalka ah, oo hubka ka dhigi doonta beelaha iyo kooxaha dhibaataysan, oo xilli aan fogayn madaxweynihii hoggaamin lahaa lagu dooran doono shirweynaha qaran ee muddada dheer loo fadhiyey, oo lagu heshiisiiyey ummadda Soomaaliyeed oo soddon iyo dhawrka sannadood ay belaayadu isku diraysey oo la boobayey.

Sababaha nabadda iyo federalka loo diidayaa waa ay iska cad yihiin, oo waxaa jirta maahmaah oranaysa: ”Ninkii in la qadiyo ka baqayaa qaybta ayuu ka naxaa”! Wuxuuse guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaduud” moog yahay in uusan federalka macnihiisu ahayn in uusan markii hubka la dhigo Marka iyo Kismaanyo midkood fillo ka dhisan karin ama uusan Hargaysa ka hiraysan karin qol yar oo uu ku qayilo! Dadku iimaanka ayey iska qaadayaan ee wax ”nabad” iyo ”federal” lagu waayey miyaa boob iyo tuugo lagu helayaa?! Hubka uu Cabdiqaasim in laga dhigi doono ka naxsan yahay muxuu ku helay oo aan godob iyo ceeb ahayn, muxuuse ku falayaa in dawladda ”federalka” ah oo la dooran doono uu dagaal qabiil kala horyimaado oo markaas malaysiyadiisa hubka xoog lagaga dhigo, asagana maxkamad millateri la saaro?! Sow uma fiicna in uu si sharaf ah haddeer inta ay goori goor tahay u aamuso, oo uu ummaddiisa federalka ah dhinac ka raaco?! Ciidamada ajnebiga ah iyo ciidamada ay dawladda ”federalka” ahi isku dubbaridan doonto oo la isku dhafi doonaase ma waxay u daahayaan ninka miskiinka ah oo haddeer cayda iyo habaarka nafta ka dhiganaya?!

”Neef la gawracay geedo kama waabto” waa maahmaah loo daliishan karo in ay ”Walaalaha Galgaduud” ku andacoonayaan in uu shirku xun yahay oo ay ugu wacan tahay in uu maamulka Hargaysa ka maqan yahay! Midkii Carta oo uu Ismaaciil Cumar Geelle ayaga ku soo caleemosaaray waxaa ka maqnaa dhammaan kooxaha dalka kala haysta iyo dawladgobolleedda ka talisa saddexmeelood oo meel dalka Soomaaliya, isla markaas maamulkii Alle ha u naxariistee Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal iridaha ayuu ka xirtay, oo waa uu quursaday caqlixumada uu Ismaaciil soomaalida ku hodayey. Dabadeedna waxay ”Walaalaha Galgaduud” sheegan jireen in ay ayagu madax ka yihiin geyiga uu ka taliyo maamulka Hargaysa iyo Burco lagu nabadeeyey, waxayna dagaallo cadownimo ah ka sameeyeen koofurta fog ee Soomaaliya iyo gobollo ka mid ah Puntland.

Diiddada uu maamulkii Cigaal laga dumaaley ka cagajiidayo shirkaan loo dhan yahay waxay ku xiran tahay in uusan Maxamed Ibraahim Cigaal maamulkaas uga dhiman dad la lugqaadi kara isbddellada siyaasadeed ee Soomaaliya. Alle ha u naxariisto ee Cigaal wuxuu qabtay shaqooyin macquul ahaa. Arrimihii ugu horreeyey ee uu ku tillaabsaday waxay ahaayeen in uu hubka ka dhigay jafiyihii beeshiisa oo ay SNM dagaallada ka dhex-alooseen, isla markaas wuxuu xukuumadda ka fogeeyey xubnihii SNM si aysan mar danbe degaanka iyo beesha dhibaatooyin ugu soo jiidin.

Wuxuu Cigaal siyaadda soo dhexgalay xilli ay SNM ku guulaysteen in ay beeshu aamminto in ay beelaha kale ee soomaaliyeed cadowgooda yihiin, oo sidaas darteed ay noqdaan dal cusub oo Soomaaliya ka go’a, kaas oo magaciisa la yiraahdo Soomaaliland. Arrimahaas beesha lagu kiciyey waxay markii uu Cigaal cayaarta soo galay marayeen heerka ugu sarreeya ee ay dad la kiciyey gaari karaan. Sidaas awgeed ayuu Cigaal wuxuu cayaaray labo kaar oo siyaasadeed. Mid wuxuu tusi jirey beesha la kiciyey oo wuxuu ahaa in ay noqon doonaan dalkii ay SNM u sheegeen ee Soomaaliland. Kaarka labaad wuxuu ahaa in aysan jirin soomaali beelohooda iyo degaannadooda nabadeeyey oo wax lagu darsan karaa, arrintaas oo uu ula jeedey in haddii ay beelaha kale oo dhami nabad iyo federal caam ah diyaar u yihiin uu beeshiisa ku darsan doono, haddii kalena uu meeshooda ku sii maaweelin doono ilaa laga gaarayo xilli la isugu yeer shir loo dhan yahay oo ”hubdhigis” iyo ”federal” hirgala dhidibbada loogu aasayo.

”Meel aar fariisan jirey atoor fariisey” waa maahmaah ku habboon in loo soo qaato Alle ha u naxariisto ee Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Riyaale Kaahin. Markii uu marxuunkii allaystay wuxuu hoggaamihii cusbaa noqday nin aan kaararkii odayga haysan oo iska xiimaya. Wuxuu xukunkii u dhawaadey in uu mar kale gacanta u galo SNM, oo ay dadka iyo degaankuba burburkii iyo halaaggii dib u dabaashaan. Dagaallo aan loo baahnayn ayuu wuxuu la galay derisyadii, oo magaalada Laasocaanood ayuu subax kula waabbariistey dabley geystey khasaarooyin lama illaawaan ah oo naf iyo maalba lahaa.

Ha la rooro ayuu Riyaale run moodey, oo shirka weyn oo federal iyo aayo hillaacaya leh ayuu dadkii aaminey ka hor taagan tahay. Cid reer Hargaysa federal uga baahi badani ma ay jirto, haddii uu maanta Cigaal noolaan lahaan wuxuu ogaan lahaa in la gaarey xilligii la isku dari lahaa beelihii uu kacaanku kala firdhiyey.

Runtii ummadda oo dhan ayey u fiican tahay in hubka laga dhigaa, waxaana hadda diyaar ah boqollaal sarkaal oo soomaali iyo ajnebi isugu jira, kuwaas oo qorshaynaya sidii kooxaha iyo shacabka hubka looga dhigi lahaa, dabadeedna shidaalka dalka ka buuxa loo qodi lahaa, waxaana dadka dhaca iyo tuugada u angaxaya u roon in ay nabadda si fudud u yeelaan, oo ay markii macdanta iyo shidaalka la soo saaro risiq xalaal ah dalkooda oo nabad ah ka shaqaystaan. Maxaa laga dheefay hantidii horay loo boobay oo aan in lagu sii gubtey oo lagu ceeboobey ahayn?!

”Hanqaraarac lug uma dhutiyo” ayey soomaalidu ku maahmaahaan, oo ummadda 90% israacay xooggooda qof iyo labo keli ahi ma ay hakin karaan. In Cabdiqaasim iyo Barre Hiiraale ay u dhammaatay oo aysan ”federalka” iyo ”hubdhigistu” dartood u dhutinayn waxaa caddaynaya in ay mar hore siyaalo fooloxun u baroorteen, oo ay jillaafo u waayeen heshiiskaan caamka ah, iyo in ay dadkii ayaga hoosjoogey oo dhami ka kala yaaceen Xassan Abshirna Alle ha ka dhigee!

 

Waxaa xigtaan iyo shantii maqaal oo dhawaan la baahiyey oo kala ahaa ”Itixaad iyo ilma Yuusuf”, ”Nefis iyo Naxdin”, “Afar gafane iyo gun gaajaysan”, “Qoraal caddilan iyo qori cabbaysan”, ”Jagooyin been ah iyo jeebab buuxa”, iyo weliba afar buug horay loo daabacay oo kala ahaa “Danyarkalkaal”, “Hooyooyin iyo hablo kadeedan”, “Sirmaqabe” iyo “Guur iyo geeri”, iyo “Naakhuude” iyo qabyooyin kale diyaariyey:

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2003

Idaajaa oo Qoraal Taariikhi ah Kasoo Saaray Federaalnimada Soomaaliya
Axmed Faarax Cali "Idaajaa" ayaa qoraal kasoo saaray ujeedada Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]