SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - Faallo

ASKAR HIV/AIDS QABTA OO SOOMAALIYA LOO WADO

Muhyadin Ali Yusuf M.Ed.
University Of Minnesota
Alix0089@umn.edu
Muhyadin1@hotmail.com

Waxaa qof kasta oo soomaali ah wadnaha gooyay dhacdooyinka foosha xun ee Soomaaliya ka dhacaya, gaar ahaan Xamar. Lug haween oo cilaan marsan oo la soo gooyay iyo jirkii gabar saddex jir ah oo la googooyay oo lagu tuuray jidadka Xamar, xaalufinta degaanka dooxada Jubba lagu hayo iyo colaadda aan ka dhammaan. Baydhabo oo macaluushii raagtay ay u bedeleen dagaal aan dhinacna u dhicin iyo guud ahaanba koonfurta Somaliya oo qiiqaysa waxay qof kasta oo Soomaali ah ku reebayaan murugo aan la hilmaami karin. Dhibka Soomaliya oo aa dhammaan, gobolada nabadda helay sida Waqooyi bari iyo Waqooyi galbeed oo aan awoodin in ay u gudbiyaan walaalahooda Soomaaiyeed nabadda iyo deganaanshaha ay ku nool yihiin. Xukun la’aanta iyo dagaal oogayaasha aan waxba u soo wadin oo dadka raja dhig ku beeray iyo dhammaan masiibada ku habsatay Soomaaliya waxay qofka Soomaaliga ah ku beeraysaa in uu isku dhiibo wixii cadowgiisu ugu taliyo. Maanta waxaa ay Soomaalidu maraysaa meeshii ay cadowgoodu la doonayeen oo ah

  • In ay dagaal ku kala go’aan aan la garan ujeedadiisa.
  • In ay qabiil qabiil oggolaadaan in ay wax ku qaybsadaan oo ah Jaahilnimo tii ugu liidatay.
  • In cadowgoodu u meeriyo waxa ay samayn lahaayeen, iyagoo sida ciyaal fasal ku jira loola dhaqmo, qof kastana uu leeyahay way u qalmaan ileen ayagaa meesha is dhigayeh.
  • Iyaga oo an is aaminayn, kooda ugu xunna hogaamiye ka dhigta kuna raacaya waxa uu u sheego.
  • Dantooda guud oo ay ka door bidaan waxa uu ugu yeero kan iyaga xoogga ku haysta.
  • Bal day kuwa dekedda iyo airport xiray baa loo sacbinayaa, iyo sababo kale oo badan oo aan la soo koobi karin.

Dhibaatooyinkaas waxay sababeen in naloo taliyo oo la yiraahdo waxaa la idiin keenayaa ciidamo hubka aad is ku laynaysaan idinka dhiga. Waa sax waana u baahanahay wax hubka naga dhiga, laakin waxaa naxdin leh ciidamada Afrikaanka ee la keenayo Soomaaliya maxay yihiin, maxaase naloogu dooray.

Waxaan baaris ku sameeyay ciidamada naloo soo wado, waxaana aan ka naxay oo dawlad la’aanta ka door biday nabad naloogu bedelayo HIV/AIDS. Soomaliya waxay noqotay waddanka ugu yar ee cudurka AIDS laga helo qaaradda Afrika iyada iyo Gambia. Hadaba waxaa loo soo dhoofinayaa isagoo sharciyaysan ee bal ila daya ciidamada naloo keenayo oo badanaa laga keenaya wadamada ku yaala inta Saxaharaha ka hoosaysa sida Konfur Afrika, Botswana, Zambia, Nigeria, Kenya, Uganda iyo wax la mid ah.

Wargeyska A Journal of culture and African studies (2001), waxa uu daabacay in ciidamada

  • Zimbabwe ay qabaan 90% HIV/AIDS.
  • Kongo iyo Angola ay qabaan 50% HIV/AIDS.
  • Konfur Afrika ay qabaan 50% HIV/AIDS
  • Uganda lama huba laakin hoos bay u dhacday oo waxay maraysaa 40-60% inta qabta HIV/AIDS
  • Nozizwe Madlala-Rontledge, ku xigeenka wasiirka gashaandhigga Konfur Afrika waxa uu sheegay in ciidamadu ay yihiin kuwa ugu badan oo sababa faafinta HIV/AIDS qaaraddan. Cudurada galmada lagu kala qaado 2-5 jeer ayay ka sareeyaan askartu shacabka caadiga ah. Waxaana cilmi baaris la sameeyay lagu xaqiijiyay in cudurkan ay badanaa keenaan ciidamada iyo dalxiisayaasha. Warbixinta ururka samafalka ee Ururka Qaramada Midoobay (United nations International relief agencies) waxay ku sheegtay in marka ciidamdu ay u safraan wadan kale ay ku xad gudbaan shacabka aan hubaysnayn ee ay u tageen iyagoo isticmaalaya kufsi cabsi galin iyo xoogid ku slaysan. Waxaa caadi ah in ay aad wax u kufsadaan ee ayan ku ekaan kuwa jirkooda gata.

    Grace Michelle oo ah haweenaydii uu qabay Nelson Mandella oo Ururka Qaramada Midoobay u warbixisa , waxay tiri waxaan noqonay isgoyskii (Crossroad) HIV/AIDS. Botswana dadka waaweyn waxaa qaba in ka badan 35%, Nigeria 4 Malyan oo qof ayaa qaba iyo 8000 caruur yar yar ah, waxaana u dhintay dadkii qabay 6.5%.

    Waxaa Interpol laga soo wariyay in Konfur Afrika ay tahay waddanka ugu sareeya kufsiga adduunka, isla markaana waana waddanka ugu sareeya HIV adduunka. Kuwa kufsiga ka badbaada waxaa in ka badan 40% inta la soo sheegay ku dhaca HIV.

    Konfur Afrika waxaa bishiiba ku dhasha 5,800 cunug oo qaba HIV. Waxaana Afrika daqiiqadii dhasha 4 cunug oo qaba. Nus malyan cunug ayaa manta waalid la’aan uu cudurkaasu dhigay waddanka Konfur Afrika. Hadaba waxaa naxdin leh in Soomaaliya oo hadda adduunka laga daawado sidi ciidamada Talyaaniga, Belgium, Kanada, Maraykanka, Australia iyo kuwii kaleba sida wuxuushnimada ah ee bani aadanimada ka baxsan ay u galeen carruurtii, haweenkii iyo dadkii kale Soomaliyeed ee ay dhaheen waxaan ugu tegeynaa in aannu u naxariisano. Mid dadka sola (duba), mid kufsada, mid dal dala, mid inta laba dible u xira gari dabada ugu xira mid suu u garaacayo nafta ka qaada, mid ceejo ku dila iyo wax ka sii daran ayay sameeyeen. Waxaase ka sii naxdin badan dadka aan wali garan iyagu in ay xalistaan dhibkooda inta aan lagu saladin cadow aan u naxayn kana xoog badan.

    Ciidamo waannu u baahanahay na kala qabta laakin uma baahnin in naloo soo dhoofiyo HIV/AIDS. Hadaba wax garadka Soomalaiyeed waa in ay codkooda u mideeyaan siddi nalogu keeni lahaa ciidamo laga kenay wadamada AIDsku ku yaryahay sida wadamada Muslimiinta ah ama xataa kuwa waqooyiga Afrika ee muslimka ee cuduradaas ku yaryihiin isla markaasna aannu diin ahaan is fahmi karno oo u naxaya walaalahooda muslimka ah.

    Si kasta oo ay u xun yihiin wa ay dhaamaan kuwan diin ahaan aan noogu naxayn, cudurna kuugu ridaya si khasab iyo xaasidnimo ah. Waxaa loo baahan yahay in la iska kaashado. Haddii loo baahdo ciidamadii Soomaaliya ee aan ka qayb qaadan dagaaladii sokeeye, ciidamada habaysan ee Puntland ee hadda diyaarka u ah in ay kaalmeeyaan kuwa imaanaya iyo kuwii kale ee aan ahayn kuwa wax boobabaya ama dhacaya oo ay kaalmeeyaan cidamo yar oo ku kalmeeya kuwa Soomaalida ee dawladda cusub ee la dhisi doono qalabka ciidanku u baahan yahay (Logistics) iyo fikradii kale ee dhaanta in la keeno ciidamo Afrika laga keeno oo ka tegaya dhibaato aan xal loo hayn.

    Muhyadin Ali Yusuf M.Ed.
    University Of Minnesota
    Alix0089@umn.edu
    Muhyadin1@hotmail.com

     


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
     

     Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003

     .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

     

     

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis
    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD