|
Muqdisho Maxaa Kugu Dhacay?
M. Maxmuud Xuseen
Igala soo xidhiidh: coombeyare@yahoo.com
|
I I D H
E H
|
|
Bismillaahi raxmaani Raxiimi
Salaamu Calaykum Waraxmatullah,
Maqaalkan la magac baxay "Muqdisho Maxaan
Kugu Dhacay"? waxaan ugu talo galay in dadka walaalahay ah ee hada Muqdisho
ku sugan iyo inta kale ee danaynaysa nabada iyo horumarka Soomaaliya aan
dareensiiyo in xaalada magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay Soomaaliya inteeda
kale oo ay tahay meel ay ku habsatay fawdo xididaysatay, lacagaysatay,
gaamurtay oo u baahan in loo fahmo sida ay tahay. Iyo waliba inaan ku daro waxa
aan xal u arko si looga baxo fawdadaas.
Muqdisho Maxaa Kugu Dhacay?
Muqdisho waxay
ahaan jirtay caasumad ka mid ah caasumadaha aduunka ugu nabadgelyada badan, ugu
nolosha jaban, ugu cimilada wacan, ugu bilicsan marka loo eego caasimadaha
wadamada inala midka ah. Waxay ahayd magaalo Soomaali oo dhami muruq iyo maal
waxay lahayd laysugu geeyey oo la oran karo waa laga eexday gobolada kale ee
Soomaaliya marka laga hadlayo arimaha horumarinta. Waxay lahayd jidad waaweyn,
suuqyo waaweyn, cusbaataalo casri ah, iskuulada iyo jaamacadaha dalka ee ugu
badan uguna fiican, xeebo nadiif ah, hoteelo waaweyn, carwooyin aad u badan,
maktabado aan lasoo koobi karin, dekad iyo airport caalami ah. Waxay ahayd
muraayada Soomaaliya inteeda kale laga daawado, xarunta awooda dawlada, xarunta
safaaradaha iyo diblomaasiyiinta caalamka, xarunta hay'adaha samafalka. waxay
arintu gaadhay heer ay dadka reer miyiga ah ee cayaarta dhaantada loo yaqaan
cayaara ku heesaan "ninkii Xamar tegey Xajj uma ! baahnee, xalwooy amba Xaaji
baan ahay".
Markii dagaalkii sokeeye dhacay Muqdisho
maadaama ay ahayd xaruntii awooda waxaa soo gaadhay khasaarihii ugu weynaa,
waxaa la bililikhaystay waxkasta oo Soomaaliyi ku tabacday ama dhisatay 30 kii
sano ee ay xorta ahayd iyo waliba wixii aynu gumeysiga ka dhaxalnay, ha noqoto
hantidii shacabka iyo tii dawladaba. Laakiin nasiibdarada burburka iyo dagaalku
Muqdisho kuma koobnayn ama gaar kuma ahayn ee waxay kala mid ahayd magaalooyin
badan oo Soomaaliyeed sida Hargeysa, Burco, Kismaanyo, Baydhabo, Beledweyne iyo
Gaalkacayo. Su'aashu hadaba waxa weeye Muqdisho maxay kaga duwan tahay
magaalooyinkaa kale ee Soomaaliyeed ee dagaalku ku habsaday? Mase la oran karaa
Muqdisho dagaalkii sokeeye wey kasoo kabatay?
Marka hore hadaba inteynaan su'aalahaas ka
jawaabin waa inaan qeexnaa ama isla fahanaa goormaa la orankaraa magaalo
dagaalkii sokeeye wey kasoo kabatay, maxaase lagu gartaa in magaalo dagaalkii
sokeeye ay ka baxday. Hadaba marka laga eego sida aduunku maanta wax u qiimeeyo
waxaa la oran karaa marka laga helo arimaha soo socda (1) waa in iska hor
imaadyadii (hostilities) istaagaan ama joogsadaan. (2) waa in kooxihii
dagaalamay heshiyaan ama kala adkaadaan. (4) waa in la abuuraa jawi nabadeed oo
dadku is dhexmari karo ama is aamini karo (5) waa in nadaamkii iyo kala
danbaytii lasoo celiyaa (6) waa in dibudhiskii la bilaabaa ama la guda galaa.
Hadaba inagoo aan ka eexanayn caasimadeenii Muqdisho lixdaas arimood midna maka
suurto gashay magaalooyinkii dagaaladu ka dheceen mise weli waa sidoodii? Sida
hadaba la wada ogyahay marka laga reebo Kismaanyo iyo Baydhabo oo aan Muqdisho
wax weyn ka duwaneyn, waxaa la orankaraa dham! aan magaalooyinkaasi iyo
degaanada ay ku yaaliin waxay sameeyeen horumar weyn oo xagga nabada ah.
Dadaaladii Hore
Laakiin baadhitaan iyo u kuurgal kadib waxaan
soo ogaaday in aanay arimahaas iyo wax u dhow toona weli ka hirgelin magaalada
Muqdisho marka laga reebo arimaha soo socda:
(1) maxkamad islaami ah oo laga sameeyey
qaybta Waqooyi ee uu waqtigaa xukumi jiray Cali Mahdi, maxkamadaas oo uu madax
ka ahaa sh. Cali Dheere. Maxkamadaasi markii danbe wey iska baaba'day kadib
markii dad badani ku kaceen oo khilaaf soo kala dhexgalay Sh. Cali iyo Cali
Mahdi. (2) Dabayaaqadii sanadkii 1997 iyo horaantii 1998 shirkii Qaahira ka hor
iyo kadib dawladaha Carabta oo ay hogaaminayso Masar waxay aad isugu dayeen bal
iney mar uun Muqdisho maamul u sameeyaan, waxayna keeneen qalab boolis oo casri
ah iyo kharashkii maamulkaasi u baahnaa oo ay balan qaadeen. Maamulkaasi wuu
suurtoobi waayey kadib markii kooxaha muqdisho ku heshiin waayeey. (3)
maxkamadihii Islaamiga ahaa ee meelo badan oo Muqdisho ka mid ah laga sameeyey
sanadihii 1999 iyo 2000 oo runtii meelo badan oo magaalada ka mid ah aad loogu
badbaaday, tuugo iyo budhcad badana umada ka qabtay. Maxkamadahaasi waxay
shaqadii joojiyeen markii lasoo dhisay DKMG ee Car! ta lagu soo dhisay xilkii
maxkamadahana dawladay ku wareejiyeen. (4) isku daygii u danbeeyey ee Muqdisho
maamul loogu samaynayey wuxuu ahaa kii ay wadey dawladii Carta lagu soo dhisay.
Waa lagu kala fekrad duwanaan karaa sababta maamulkani Xamar uga hirgeli waayey,
waxaanse anigu u arkaa iney fashiliyeen dadka reer Muqdisho oo aad moodo iney
fawdadii la qabsadeen oo aan dawladii si fiican ula shaqayn iyo weliba madaxda
dawlada ka tirsan ee reer Muqdisho iyo hugaamiye kooxeedyada reer Muqdisho oo
aan midna si dhab ah tixgelin weyn u siin arinta maamul u samaynta Muqdisho.
Hadaba waxaa qofkastaa isweydiin karaa maxaa ka khaldan Muqdisho oo waxba uga
shaqayn la'yihiin? Maxaase xal ah?
Sababaha Fawdada
Markaan u kuurgalay waxaan u arkaa in sabaha lagu soo koobi
karo todobada arimood ee soo socda iney sabab u yihiin fawdada Muqdisho:
1) Marka hore sida Illaahay kor ahaaye uu Qu'aankiisa ku
sheegay waxkasta oo inagu dhaca waxaa sabab u ah denbi iyo cisyaan iyo
amarkiisa oo la khilaafay, taasina uma gaar aha Muqdisho ee waa bani Aadamka oo
dhan.
2) Muqdisho waa magaalo weyn, xalkeeduna wuu ka adag yahay
magaalooyinka yar yar oo deg deg lagu kala qabsan karo.
3) Muqdisho maaha magaalo qabiil gaari leeyahay ee waa
caasimadii Soomaaliya, markaa majiro qabiil si gaar ah u daryeelaya ama u
dhaqaaleynaya oo goofafka oo dhan iska leh.
4) Magaaladan waxay gacanta u gashay malayshiyooyin hubaysan
oo isku qabiil ah laakiin aan meelkeliya amarka ka qaadan ama aan lahayn urur
siyaasadeed oo midaysan oo ka danbeeya.
5) Inta badan hugaamiye kooxeedyada Muqdisho maaha
siyaasiyiintii caadiga ahaa ee la arki jirey ee waa shakhsiyaad iska caadi ah
oo magac ku yeeshay beeshooda dhexdeeda intii dagaalka sokeeye socday, dabadeed
isu bedelay hugaamiye kooxeed aan cidina dooran cidina bedeli karin.
6) Kaalintii hogaanka dhaqanka oo meesha ka maqan, waayo
Soomaaliya inteeda nabada ah waxaa suurto geliyey hogaanka dhaqanka (isimada
ama duubabka). Laakiin beelaha hubaysan ee Muqdisho ama markii horeba ma lahayn
hogaan dhaqan oo ay ictiraafsan yihiin ama waxaa awoodii ka qaaday hugaamiye
kooxeedyada.
7) Dad ka faa'iiday fawdada ama u arka iney ka faa'iideen oo
aan ogolayn in nadaam soo noqdo. Dadbadani waxay aaminsanyihiin in hugaamiye
kooxeedyada laftoodu aanay rabin in nadaam soo noqdo iyo waliba ganacsata
lacagaha faalsada ah, dadka haysta hantida aanay lahayn IMW.
Xalka
Ugu danbayntii waxaan xal u arkaa oo aan kula talinayaa
walaalahayga reer Muqdisho gaar ahaan beelaha hubaysan:
1) Iney illaahay u toobad keenaan cafisna weydiistaan, kana
baryaan inuu dhibka ka feydo dabadeed isku xukumaan shareecada Islaamka
2) Iney bilaabaan wacyi gelin xoogleh oo dadka loo sheego in
wax weyni ka maqan yihiin oo ay ku jiraan fawdo khatar gelin karta
mustaqbalkooda iyo kan Soomaaliya oo dhan.
3) Iney qabtaan shir dastuuri ah oo si casri ah loo soo
agaasimey, Sidii shirarkii beelaha waqooyi iyo waqooyi bari (Somaliland &
Puntland) ee sanadihii tegey oo leh qoraalo, shirgudoon, xoghayn, tixraac iyo
kala danbayn. Dabadeed yaan lagu kala tegin ilaa go'aan laga soo saaro sidii
fawdada looga bixi lahaa.
4) In cidii nabada diida meel looga soo wada jeesto oo lala
dagaalamo dhamaan.
5) Hadii arimahaa waxba ka hirgeli waayaan, arinta Muqdisho
lagu wareejiyo Soomaalida kale oo la keeno shirarka nabada ee Soomaalida si ay
go'aan uga gaadhaan.
Illaahay baa mahad iska leh
M. Maxmuud Xuseen
Igala soo xidhiidh:
coombeyare@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|