SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Minneapolis: Shirkii Ardayda Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerika oo Si Weyn Looga Soo Qaybgalay

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Aug 16

Dhegeyso Qayb kamid ah hadal xigmadeed majaajilo ah...


Qaar kamid ah Ardayda Caawa kasoo qaybgashay shirka

Shir weyne aad loo soo agaasimey oo ay ka qayb qaateen ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha ka dhigta Woqooyiga Amerika (Canada & USA) iyo UK ayaa maanta lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, USA.

Ardayda kulankaas martida u ahaa waxay ka kala yimaadeen Ohio, Wisconsin, Georgia, Oregon,  Arizona, Nashville oo ka tirsan Maraykanka, London, UK iyo Kitchener oo katirsan Gobolka Ontario ee dalka Canada. Waxayna marti u ahaayeen ardayda Jaamacadaha ka dhigta gobolka Minnesota.

Shirka oo kubilaabmay jawi aad u deggan, waxaad ardayda wajiyadooda ka arkeysey farxad ay u riyaaqsan yihiin tirada ardayda ah ee soo camirtay qol-weynaha kamid ah qolalka shirarka ee Jaamacada Minnesota.

Shirka oo socdey 10:00 subaxnimo ila 3:30 galabnimo waxaa war-bixino kasoo jeediyey arday meteleyey gobolada ay ka yimaadeen, kuwaas oo ka xog-waramay heerka wax-barasho ee ardayda Soomaaliyeed ee gobolaas kala duwan wax ka barta.

Marka la isku soo duubo hadaladii ardayda kala duwan ay soo jeedeyeen wuxuu isugu soo biyo shubanayey hadalka ah "Tirada ardayda Soomaaliyeed ee barta tacliinta sare uma dhigmaan tirada Soomaalida kunool Qurbaha". Tusaale ahaan Soomaalida ku dhaqan Nashville waxaa lagu qiyaasay 4000 qof, waxaana waxbasho heer jaamacadeed ka dhigta 40 arday. Sidoo kale Soomaalida Boston oo lagu qiyaasay 5000 waxaa heer jamacadeed ka dhigtay 60 arday. Halkaas waxaad uga tusaale qaadan kartaa in tiro aad u yar oo Soomaali ah ay sii wataan wax-barasho heer Jaamacadeed ah. Ardayda Soomaaliyeed ee kulanka joogey waxay ku niyad samaayeen in arintaas wax laga qaban karo haddii lasii wado xiriirka isku xiran ee ardayda qurbaha, isla markaasna la isweydaarsado daraasaadka iyo macluumaadka, iyo in la baaro waxa qabaqada ku ah ardayda Soomaaliyeed ee iska hor taagi kara in ay heer jaamacadeed gaaraan.


Midig: Cabdalle Yuusuf Maxamed, Maxamud Wardheere, Maxamed Yuusuf Maxamed: Waa laba arday oo kamid ah ardayda reer Portland, Oregon oo lataagan Wardheere.
Ardayda Soomaaliyeed ee Oregon waxaa lagala xiriiri karaa: www.clcbank.org

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in ardayda iyo dhallinyaradu ay Soomaalida hogaanka u qabtaan oo na ururiyaan" sidaas waxaa ii sheegay Maxamuud Nuur Wardheere oo aan si gooni ah wax uga weydiiyey sida uu arko kulankan maadaama uu kamid ahaa dadkii daawadayaasha ka ahaa sida ay ardaydu barnaamijka ku wadeen.

Qado iyo Salaadii duhurka oo loo qaatay biririf kaddib ayaa mar kale kulankii la isugu soo laabtay, waxaana markaas la soo ban dhigay filim gaaban oo ka koobnaa laba qaybood oo ku saabsanaa xaalada Soomaalida iyo qaybta kale oo ahayd aasaaskii ururka ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota iyo wax qabadkoodii.

Filimka oo muujiyey sawiro laga soo qaaday Soomaali aad u tabaalaysan, meydad dhabta lagu sido, wiilal qoryo beebe ah wata, rafaad ka muuqda ubad Soomaaliyeed (waa sawiro u muuqdey kuwii berigii dagaalak baydhabo ay ugu biirtay abaartu), iyo shimbir cad oo afka kuwadey caleen oo ay kuqoran tahay NABAD.

Hadaladii filimka waxaa kamid ahaa: Dalkeenee waa uu burburay, ummadda Soomaaliyeed waxaa soo gaarey dhacdooyin kala duwan, umadii Soomaaliyeed waxay noqotay sida tusbax la furay oo caalamka loo kala dareeriyey, dadka Soomaaliyeed waxaa qabsatay ilaa haddana haysata gaajo, dil, rafaad, nafaqo darro, cuduro iyo daaawo la'aan, waxaa taas ka sii daran tuugo, dhac iyo afduub joogto ah, waxaadna maalin kasta maqleysaa dhibaato aad isleedahay ileyn tani weli Soomaali way u harsanayd, waxaad maqleysaa dad Soomaali ah ayaa iyagoo tahriibaya bahaladu meel cidla'a ah ku cuneen, ama dooni la degtey ama biyo la'aan u dhintay ayaga oo lugaynaya.

Guud ahaan umada Soomaaliyeed waxaa haysata nabad la'aan, shaqo la'aan, caddaalad la'aan iwm oo ay usii dheer tahay rajo la'aan, ayaa filimku kusii daray. Sida aan ogsoonahay dagaalkii ahlig aahaa ka bacdi umadii Soomaaliyeed waxay u kala firdhadeen daafaha dunida, qaarna waxay weli kujiraan xeryaha qaxootiga oo ay ku haysato rafaad aysan horay u arag. Intii soo gashay qurbaha weli dhibku sidaas kagama harin, wadamada dibada ah Soomaalidu kuma laha safaarado danahooda u dooda, Soomaalidu ma haysato jaaliyad midaysan, Soomaalida qurbaha oo ubadkoodii la kulmeen dhaqamo xunxun oo Soomaalidu horay uga xishoon jireen. Waxaa xusid mudan Soomaalida oo ku faani jirtey in ay yihiin dad isku diin, af iyo dhaqan ah oo ay haatan taasi khatar ku jirto. Waxaa dhibaatada Soomaalida qurbaha haysata lagu soo koobi karaa mid-nimo la'aan iyo isku duubni la'aan. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay is weydiinayaan sidii loo soo celin lahaa mid nimadii iyo walaal tinimadii Soomaaliyeed, waxa keliya oo maanta la oran karo Soomaalida rajo ayey gelin karaan waa ardayda Soomaaliyeed oo isku duubmata meel kasta oo ay caalamka ka joogaan. Marka aan isku duubano oo midayno codkeena ayaan dadkeena iyo dalkeena wax u qaban karaa.


Waa Ceynte oo soo dhexgalay sawirka.

Filimka qaybtiisa labaad waxay xog-waran ka bixisay Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo ahaa ururkii martida loo ahaa, waxana filimka qaybtiisa labaad ku bilaabatay: Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo loo yaqaan (MSSU) waxaa la asaasay sannadkii 1998. Waxa kale oo filimku ka sheekeeyey waxyaabaha uu ururku qabto sida in uu caawimaad u fidiyo ardayda ku cusub jaamacada, iyo in uu ururku ku dadaalo sidii la isugu keeni lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka, waxa uu ururku qaban qaabiyaa shirar iyo aqoon isweydaarsiyo iyo dood cilmiyeed-yo. Waxa kale oo  filimku xaqiijiyey in ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota ay laba arday (wiil iyo gabar) deeq waxbarsho sanadkan kusiiyeen dalkii, waxana ay sheegeen in ay taageeraan Jaamacadaha Muqdisho, hargeysa, Boosaaso iyo Boorame.


Bidix: Wiil, Aabihii iyo hooyadiis oo ka doodaya waxa uu jaamacada ku baran lahaa: waa qayb kamid ah majaajilada ee halkan ka dhegeyso

Kaddib waxaa ardaydu soo ban dhigeen majaajilo ay ugu talo galeen in ay dadka Soomaaliyeed ku fahamsiiyaan sida ay muhiimka u tahay in qofka lagu qiimeeyo waxa uu baranayo. Waxa majaajiladaasi muujineysey in marka ardaygu uu waalidka u yimaado oo ku dheho waxaan baranayaa cilmi noocaan ah in laga yaabo in waalidkii ay ku diidaan in uu noocaas barto ayagoo u aanaynaya in aan kaas lacagi ku jirin. Arintan oo ay ardaydu ku muujiyeen in ay haboon tahay in ardagu ka baaraan dego waxa uu baranayo oo uu yaqaan naf ahaan tiisa waxa uu baranayo. [ Dhegeyso Qayb kamid ah majaajiladii] [Waa sheeko dhex mareysa Oday, xaaskiisa iyo wiilkooda oo jaamacada helay dhegeyso]

Waxa kale oo majaajiladu muujisay in ay jiraan dhallinyaro soomaaliyeed oo u dhaqmaya sida ciyaal "siyaha" ayagoo magacooda soo gaabinaya sida "LII" oo laga wado "LIIBAAN" (ama AB oo laga wado ABDI...). "CIYAAL SIYAHA ama ZIO" (taasi waa magacii Xamar looga aqoon jirey laakiin Maraykan waxaa looga yaqaan "ciyaal YOO" (ama YAW)". Hadaba waxaa majaajiladu muujisay in dhallintaas aysan badanaa ganayan waxa ay baranayaan ayagoo been ku faana cilmi aysan lahayn ama maadooyin aysan baran, taas oo ay yiraahdeen waxaa loo baahan yahay in qofku uu noqdo mid og xaqiiqada. Waa in qofku uu "Maskaxda buuxsadaa, isla markaana buuxsadaa warqadaha lagu dhameystiro jaamacada" sidaas waxaa yiri arday kamid ah ardaydii majaajilada matalayey.


Qayb kamid ah ardaydii majaajilada dhigtay

Waxaan majaajiladu muujin in qaar kamid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee qurbaha jooga ay ku lebistaan dharka dhaqamo shisheeye. Waxaase malaha taas kaafiday hadalkii filimka oo sheegay in Soomaalida oo ku faani jirtey hal diin, af iyo "dhaqan" ay taasi halis kujirto. Waxaa kale oo dhaqanka kasoo hor maray luqada oo dhallinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku gaarey 15 jir ay ku adag tahay in ay fahmaan luqada Soomaaliga. "malaha tani waa mowduuca dooda soo socota ee ardayda Soomaaliyeed". Waxaana xusid mudan in arday ka socdey Ardayda Soomaalida UK uu xusay laba kelmedood oo ahaa: Ku-dhex-milmidda iyo dhex-galka, taas oo uu yiri ma ahan in aan dadka ku milano anagoo ka tegeyna dhaqankeenii iyo diinteenii, balse waa in aan dhex-galaa inagoo wadana asluubteenii suubanayd, isla markaasna xafidaneyna diinteena iyo hideheena.

Waxa kale oo majaajiladu muujisay ardayga og ama yaqaan waxa uu baranayo in uu si dhaqso ah wax barashadiisa u dhamaysanayo. Taas oo ay in badan oo dadkii madasha soo camiray u riyaaqeen kaddib markii ardaygii arintaas metelayey uu yiri "anigu reer baadiye ayaan ahaanjirey oo waxaan ahay nin ad-adag oo yaqaan waxa uu rabo".

Si kastaba ha ahaatee kulanka ardayda Soomaaliyeed ee ka dhacay Minneapolis wuxuu ahaa mid tusaale fiican u noqon kara gebi ahaan ardayda da'da yar ee ku dhaqan daafaha dunida sidii ay isugu duubnaan lahaayeen, isla mar ahaantaasna u ilaashan lahaayeen dhaqankooda, afkooda iyo diintooda.

Qiyaas in aad ku laabatid Soomaaliya, oo markaas lagaaga tarjumo ayeeyadaa iyo awoowahaa, hadaba inta aysan taasi kugu dhicin hadda sii baro Af-Soomaaliga.

Shirkii oo La isugu soo Laabtay


Dr. Maxamed Diiriye

Intaas shirkii kuma dhammaan ee markii ay saacadu soo gaartey 3:30 galabnimo ayaa madashii loo sheegay in shirka la isugu soo laaban doono 7:00 galabnimo. Markii waqtigii ballanta la gaarey ayaa loo fariistay casho, markii laga soo faaruqaynay waxaa la tukadey salaadii makhrib oo ku aadan 8:30 xilliga Minneapolis. Markaas ayaa shirkii mar-kale si rasmi ah loo furay, waxaana lagu soo dhoweeyey Dr. Maxamed Diiriye oo ah dhakhtar Soomaaliyeed oo aad looga yaqaan Minneapolis.

Dr. Maxamed waxa uu durbadiiba xusay in marka uu dadka la hadlayo uu aad isaga ilaaliyo in uu luqada Soomaaliga ku barxo luqada Ingiriisiga, laakiin maadaama uu caawa la hadlayo ardaydii Soomaaliyeed oo wada garanaya luqadaas laga yaabo in uu adeegsado kelmedo laf-ingiriisiah. Afeeftaas gaaban kaddib waxa uu Dr. Maxamed sheegay in haddii qofka ay luqadiisu ka lunto uu luminaayo xiriirka jiilal ku xiriirsanaa qofkaas, halkaas oo uu ku tusaalaynayey ardaydu in aysan lumin luqadooda.

Dr. Maxamed waxa uu xusay in uu dalka Maraykanka uu yimid bishii Abriil ee sannadkii 1983dii waxana uu sheegay in waagaas ay Maraykanka joogeen lix arday oo keliya oo heer jaamacadeed ah, sidaas daraadeed ayuu yiri nasiib ayaad leedihiin maadaama aad caawa halkan tirada intaas le'eg ku fadhidaan idinkoo dhiganaya wax barasho heer jaamacadeed. Wuxuuna markaas ardaydii ku guubaabiyey in aysan fursadaas qaaliga ah lumin.


C/Risaq Cabdi: MSSU

Guuleed Cali: Boston

cabdalle Yusuf: Oregon

C/Risaaq: Xiriiriye shirka

Waxa uu Dr. Maxamed ardaydii ku guubaabiyey in ay yeeshaan yool ay higsanayaan, waxana uu yiri noloshu wax macne ah ma lahan haddii aan qofku waxba higsanayn. Taas asagoo aad ugu xeel dheeraaday waxa uu yiri "Nolol ma wadi kartid haddii aadan yool lahayn, waana in yoolkaasi uusan ahayn mid adiga kugu kooban ee uu yahay mid aad dadka wax ugu qabaneysid markaas ayaad xor noqoneysaa". Waxa uu xusuusiyey ayaada quraanka ee xustay in haddii aad qof noolaysid ay la mid tahay adigoo bini aadamka oo dhan nooleeyey. Taas oo uu ku tusayey in marka aad ku dadaashid inaad dadka wax u qabatid aad guulaysaneysid.

Dr. Maxamed waxa uu dhallinyaradii madasha xusuusiyey in cudurka ugu weyn ee Soomaalida dib u dhigay uu yahay qabyaalada, waxana uu ku adkeeyey in rasuulkeenii Muxamed (SCW) wixii u horeeyey ee uu la dagaalamay ay ahayd qabyaalada, sida qabaa'ilkii Aws iyo Khasraj iyo reer qureysh oo xataa nolol ku aasi jirey gabdhaha. Marka waa in aad ka xorowdaan qabyaalada ayuu yiri, waxana uu ku daray "Haddii maanta adigoo heer jaamacadeed ah aad weli caadifad u haysid qabyaalad, waad khasaartay".

Waxa kale oo uu markale Dr. Maxamed Diiriye ardayda tusaaleeyey qiimaha ay leedahayd wax-barashadu, asagoo taas ka hadlayana waxa uu yiri wixii ugu horeeyey ee Rasuulkeena Muxamed (SCW) loo waxyoodey waxa ay ahayd "IQRA" (akhri) - taas oo ku tusineysa in cilmigu yahay bilowga nolosha bini-aadamka, marka waa in aad wax barataan ayuu yiri, waana in aad dhegeysataan nafsadiina, "Allah amina, naftiinana aamina, wixii aad awood u leedihiin oo sharciga iyo damiirka waafaqsana qabsada" ayuu ku adkeeyey.

Hadalkii Dr.Maxamed aad ayaa loogu riyaaqay, waxaana goor dambe madasha laga sheegay in uu u guurayo Afrika taas oo ay ardaydu ayagoo guuritaanka uu ka guurayo Minnesota ka xun, maadama uu mar kasta garab taagnaa, hadana waxa ay ugu duceeyeen meel kasta oo uu maro in Allah ku badbaadiyo.

Kaddib waxaa shirkii bilaabay dooda xeer cusub oo lagu wadi doono ardayda Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerika. Ugu horayntiina waxaa xeerka ay soo dejiyeen ardayda Minnesota akhriyey madaxweynaha ururka ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota, C/Risaaq Cabdi. Kaddib waxa doodii la wareegey Guuleed Cali Shiikh-doon oo ah arday ka socdey ururka ardayda Soomaaliyeed ee Boston. Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey Cabdalle Yuusuf Maxamed oo ka socdey ardayda gobolka Oregon. Kaddib waqtiga oo gabaabsi noqday ayaa lagu balamay Axada (10:00 subaxnimo) in la isugu soo laabto, taas oo ah ballanta ardayda u qorshaysnayd in shirkani uu socdo labada maalmood ee Sabtida iyo Axada. Sidaas ayaa caawa markii ay saacadu ahayd 10:15 pm uu xiriiriyihi shirka, C/Risaaq, kusoo gabagabeeyey shirkii asagoo dhehaya "waa in aad ogaataan in ay jiraan arday Soomaaliyeed oo sannadka oo dhan Jaamacada Soomaaliya kaga dhigan kara $400 ayna sugayaan taageradiina iyo in aad qaadataan ficil aad wax ugu qabaneysaan".

Haddii aad macluumaad uga baahataan ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota waxaa lagala xiriiri karaa:
Cali Bulxan: 651.335.2594
Saafiyo Yaasiin: 651.491.1002
Cali Kofiro: 612.770.2620
Email: mssu@mssu.net

Waxaa qoraalkaan isku soo dubaridey:
Maxamed Cali
Minneapolis, MN, USA
somalitalk@hotmail.com

Shirkii hore ee Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota.... Guji... 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 



Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]