SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - XIGMAD

Dabeecadaha Ragga ee Dumarku Sheegeen
Sheekadii 11 Gabdhood oo Isdhaarsaday

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

Waxaa meel wada fariistey 11gabdhood ayagoo isku balansadey inaaysan dib udhigin arimaha hoose ee ragooda teeda xun iyo teeda fiicanba. Sheekadaan oo aad uxiiso leh ,waxaay aad ugu macaantahey marka ay kuqoran tahay luuqada Arabiga.

Tankale raga koley kama foga arimaha ay sheegeen gabdhahaan; sidaasi darteed iska eeg bal inaad leedahey waxyaabaha ay gabdhahaan amaaneen iyo waxa ay ku dhaliileen intaba, waayo Sheekadu waxaa kudhan inta badan waxa ay dumarku rabaan iyo waxa ay nacebyihiin, gaar ahaan goortii sheekadan dhacdey.

Waxaan kacudurdaaranaya haddii ay turjumida sheekada dhadhan yeelanweydo waayo xuruufta ay sheekadu kuqorantahey ayaa sidaas u’adag markeedii horaba. Sidoo kale waan soo gaabiyey si’aan usoo kooba qoraalka oo aan loogu cajisin.

Hada iyo Sheekadii iyo gabadhii 1aad ayaa tiri:

Ninkeyga wax loogu dhinto malaha habayaraatee. Wuxuu lamid yahey neef geel oo caato ah helibkiis oo hadana saaran buur dheer oo aan lafuulikarin. Dhib mooye dheef malaha ninkan!

2aad ayaa tiri:
Ninkeyga warkiisa sheegis malaha. Waxaay kufiicantahey inaan isaga aamuso waayo haddii aan kasheekeeyo waxaan kabaqayaa inaan waxba udhaafin oo aan ceebeeyo sidaas awgeed inaan ka aamuso ayey khayroontahey.

3aad ayaa tiri:
Ninkeygu wuxuu isku darsadey labo cudur oo aan lagu wadi karin; dherer iyo doqonimo aan garasho laheyn. Afka kalmid haddii ay iga soo baxdo waa furiin haddii aan iska aamusana sifiican ima dhaqanayo.

4aad ayaa tiri:
Ninkeygu aad ayaan ula dhacsanahey. Dabeecad tan ugu wanaagsan ee bani’aadam kudhaqmo ayuu leeyahey.Ninkulul oo aan kacabsi qabo ma’ah, nin qabow oo aan ucabsi qabo ma’aha.Waa kii layiri halanoolaado.

5aad ayaa tiri:

Ninkeyga waa nin rageed aan laheli karin. Marka uu guriga soo galo nama gaba-gabeeyo. Marka uu baxayana isagoo heybad kamuuqato ayuu guriga kabaxaa. Mana aha qor-qode guriga kahoos shaqeeya.

6aad ayaa tiri:

Ninkeygu waa xarig lama sitaan (difficult to deal with). Dhowr cudur ayuu leeyahey. Waa nin cir-weyn oo cuntada iyo cabitaanka nooma soo reebo. Haddii uu saaxdana marada ayuu madaxa iyo minjaha kutuubta. Anigana ima soo dhugto bal inaan dhibaateysanahey iyo inkale. Waxaadba mooda inuu iga faanayo sida anigoo cudur qabo.

7aad ayaa tiri:
Ninkeyga waa caniin aan kufiicneyn xaga gogasha. Waxaa udheer doqonimo. Xumaan waxaad utaqaanid oo dhan ayuu leeyahey. Inu madaxa kujebiyo, il kaa soo tuuro ama ilkaha kaa jabiyo ayuu yaqaan.

8aad ayaa tiri:

Ninkeygu waa nin xarago badan oo aan laheyn dabeecad aan dhibsado habo yaraatee. Waxaa laguyaqaan barfuun iyo maryo qurux badan. Aad ayaan uladhacsanahey sida uu kusocdo ilaa iyo hadda.

9aad ayaa tiri:

Ninkeygu waa qof deeqsi ah oo martida jecel. Wuxuu daganyahey meel udhow golaha laysugu yimaado si loogu soo doonta waxa loo bahan yahey inta shirka lafadhiyo ama cidii marti ah ee meesha soo martaba.

10aad ayaa tiri:
Ninkeygu magac miskiin lagama ahe waxaa layirahdaa Maalik. Allah haddii aad ogaan laheydeen Maalik! Waxaad sheegteen oo dhan wuu kafiicanyahey. Wuxuu leeyahey geel farabadan oo aan sidaas looga fogeyn guriga si martida loogu liso marka ay timaado. Deeqsinimadiisa geela laftiisa ayaa kamarag kacaya oo marka uu maqlo(durbaanka) martida timid ayuu ogaadaa in loo gowracayo (sooryo ahaan).

11aad ayaa tiri:

Ninkeyga waxaa layirahdaa Abu Zarcin! Maxaad kataqaan Abu Zarci!
Tin iyo cirib ayuu Dahab iiga buuxiyey. Wuu inaaxiyey markaas ayaan labo gidaar kaweynaadey. Wuxuu iga soo guursadey reer faqiir ah; wuxuuna ikeeney reer ilaahey siiyey aduunyo oo dhan. Waxaan doona ayaa la’iiyeelaa. Waxaan doona ayaan kuhadlaa oo cidi ima qoonsato. Laygama diido waxaan codsado. Sidaan doona iyo goorta aan doona ayaan hurdada kasootoosaa.
Waxaa sidoo kale xusid mudan hooyadiis oo aheyd qof cajiib ah. Waxay laheyd oo ay caan ku aheyd weelal waaweyn oo had iyo jeer buux buuxa.
Wiilkiisana hahilmaamin. Wuxuu ahaa wiil yar oo dhuuban oo qurux Ilaahey kumaneystey oo hadana aad uciryar(cunto yar).
Gabadhiisa ayaa sidoo kale aheyd qof amaanan. Waxay aheyd qof waalidkeed baariyad u’ah. Qof quruxsan oo ay dumarka kale kamaseyraan quruxdeeda iyo dabeecad wanaageeda awgeed.
Shaqaalihiisa ayaa sidoo kale xusid mudan. Sirtanada mafaafiso! Cuntada kuma cinyaarto! Guriga ayey aad ugu rooneyd.
Waxaay arin sidaas ahaataba maalintii dambe ayuu socdaaley Abu Zarcin ayadoo bari samaad lagu jiro. Wuxuu lakulmey islaan qurux badan oo 2wiil oo yaryar ciyaar siineyso.
Waa rag iyo caadadiise inta ifurey ayuu guursadey islaantii 2da wiil wadatey.

Gadaashiis ayaan guursadey nin aad uqeymo badan oo sidoo kale maal qabeen ah. Wax Allah iyo waxaan ubaahdo ayuu farta iga saarey. Waxaan kunoolaa noolal tan ugu fiican. Lakinse macadaalik haddii aan isu geeyo wuxuu isiiyey mabuuxinkaraan weelka uguyar ee Abu Zarcin.

“Waxaan kuu ahey sida Abu Zarcin uu u ahaa Ummu Zarcin lakinse kuma furaayo waligaa” Ayuu kujawaabey Nabiga Salalaahu caleyhi Wasalim oo sheekada uhaayey Caa’isha Radiyalahu Canhaa.

Karaajici sheekadan Bukhari iyo kutubta kale oo dhan.

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2003 

 QORAALADII HORE EE ALHASSANI

Akhri Siiradii Rasuulka (SCW) oo ka kooban 84 Cashar...


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afee: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD