SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Sheikh Xasan Jaamici oo Loo Magcaabay Xubin Kanoqoshada Gudiga Latalinta Minnesota ee "United States Commission on Civil Rights"

Xassan Jaamici

Kuxigeenka ururka Islaamiga ah ee MAS-MN (Muslim American Society),Sheikh Xasan Jaamici, ayaa loo doortay in uu xubin ka noqdo gudiga la talinta Minnesota ee United States Commission on Civil Rights.

Xasan Jaamaci oo ah Qareen (Lawyer), waxa kale oo uu Imaam ka yahay Masjidka  at-Taqwa oo kuyaal magaala madaxda gobolka Minnesota ee Saint Paul. Waxa kale oo uu Xasan Jaamaci ka mid yahay hogaanka sare ee ururka Muslimiinta Minnesota ee loo yaqaan MAS, gaar ahaan qaybta Minnesota ee " Freedom Foundation" oo ah farac Muslimiinta Maraykanka u qaabilsan "civil rights".

Ururka U.S. Commission on Civil Rights, waxaa markii u horeysey asaasay Congress-ka Maraykanka sannadkii 1957dii,  waxaana mar labaad dhidiba loo taagey sannadkii 1983. Waxa uu ururukaasi u taagan yahay in uu soo ururiyo akhbaarta ku saabsan kala faquuqa dadka  (discrimination) ama diidmada qofka loo diido waxyaabaha difaaca ah ee uu dastuurka qaranku u ogol yahay iyo in baaritaan lagu sameeyo cabashooyinka la xiriira in muwaadiniinta loo diidey xaqa ay u leeyihiin in ay codeeyaan ayadoo diidmada sabab looga dhigayo jinsiyadooda, midabkooda, diintooda, da'dooda, lab iyo dhedig, curyaan-nimo ama dalka ay kasoo jeedaan.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan ka mid noqdo koox wanaagsan" ayuu yiri Xasan Jaamici, asagoo intaas ku daray "Musim ahaan, waxaa la inooga baahan yahay in aan taageero wax kasta oo wanaagsan. Waxaana rajaynayaa in aan wanaag ku biirin doono" ayuu yiri.

Xubin nimada gudigaas ee Xasan Jaamici waxay soconeysaa ilaa 2005.

Xasan Jaamici waxaa lagala xiriiri karaa Hmohamud@midmnlegal.org

Warkaas waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey xafiiska akhbaarta u qaabilsan ururka Muslimiinta Maraykanka (Minnesota MAS-Information Office), gaar ahaan Mohamed Al-Misry. 

.....English Version.....

 MAS-MN VP Appointed to United States Commission on Civil Rights

MAS-MN Vice President Sheikh Hassan Jamii was elected to serve as a member on the Minnesota Advisory Committee, a division of the United States Commission on Civil Rights. Jamii, who is a lawyer by profession, also serves as Imam of Masjid at-Taqwa in Saint Paul.

The U.S. Commission on Civil Rights, first established by Congress in 1957 and reestablished in 1983, is directed to collect information relating to discrimination or denial of equal protection of the laws under the Constitution and investigate complaints alleging that citizens are being deprived of their right to vote by reason of their race, color, religion, sex, age, disability or national origin.

"I am honored to be a part of this noble group," said Jamii. "As Muslims, we are required to support any good that is taking place. I hope that I can contribute positively." Jamii's term expires in 2005. Jamii is also heading up the MAS-MN chapter of the MAS Freedom Foundation, the civil rights arm of the Muslim American Society.

Minnesota MAS-Information Office
Mohamed Al-Misry

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD