SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
 Hormuudka Machadka SIMAD oo la kulmay qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed ee Karachi

Taqi Bashiir Xasan

taqibashiir@hotmail.com

Hormuudka Machadka Maareynta iyo Horumarinta Maamulka (SIMAD) ee Muqdisho oo haatan booqasho-howleed ku jooga dalka Pakistan ayaa Axaddii la soo dhaafay kulan la yeeshay ardeydii horay uga qalin jebisay machadkaasi ee ku sugan magaalada Karachi ee dalka Pakistan. Kulankaasi waxaa lagu qabtay hoteelka weyn ee Avari Towers.

Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay Cali Axmed Cusmaan oo ku hadlayay magaca ardeyda SIMAD ee Pakistan, wuxuuna ka warbixiyay xaaladdooda guud ahaan. Mudane Cali wuxuu sheegay in ardeyda SIMAD ee Pakistan oo tiro ahaan gaaraya illaa 10 ardey ay ku taallaabsadeen waxqabad muuqda tan iyo markii ay dalka Pakistan yimaadeen sanadkii la soo dhaafay ardeydii. Mudane Cali wuxuu intaasi ku daray in waxqabadka ay ku tallaabsadeen ay ka mid yihiin sameynta web site gaar u ah ardeyda SIMAD oo loogu talo galay in loogu faa’iideeyo ardeyda wax ka barata Machadka iyo aasaasidda koox kubadda cagta ah oo ku cayaarta magaca machadka, kuwaasoo ka qeyb gala tartamada loo qabto kooxaha Soomaalida ee magaalada Karachi xilliyada fasaxa, iyadoo kooxdu ay kaalinta 2aad ka gashay tartan dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Karachi oo lagu xusayay maalmaha gobannimada Soomaaliyeed.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Mudaneyaasha kala ah Xasan Hilowle iyo C/qaadir Xuseen (Xaasow) oo ku hadlayay magaca odayaasha Soomaaliyeed ee magaalada Karachi, waxayna labadooduba mahad ballaaran u soo jeediyeen Hormuudka SIMAD, Dr. Xasan Sheekh iyo inta la shaqeeysaba, iyagoo uga mahad celiyay sida ay bulashada Soomaaliyeed ugu adeegayaan iyadoo duruufo adag ay dalka kataagan yihiin. Mudane Xasan Hilowle wuxuu aad ugu ammaanay ardeyda SIMAD ka soo baxday inay wax weyn ku soo kordhiyeen jawiga magaalada Karachi, iyadoo ay yihiin dad isku duuban oo dhinac iska dhigay waxyaabaha Soomaalida kala irdheeyay.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Hormuudka Machadka SIMAD, Dr. Xasan Sheekh oo isagoo ay farxadi ka muuqato sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta arkayo ardeydii ka soo qalin jebisay Machadka oo aqoontoodii sii wata. Dr. Xasan wuxuu si faahfaahsan uga warbixiyay waxyaabihii machadku ku tallaabsaday intii ay soo moogganaayeen. Wuxuu sheegay in machadka lagu soo kordhiyay hal sano oo waxbarasho ah, kadibna ardeygu muddo 3 sano ah ku qaadan karo shahaadada Bachelor-ta, iyadoo sidoo kale diploma aqoon-darsi ah oo hal sano ahna uu machadku bixiyo, taasoo loogu talo galay dadka shaqeeya oo aan goobaha waxbarashada soo haleeli karin. Sidoo kale wuxuu Dr-ku sheegay in machadka lagu soo kordhiyay waxbarashada maamulka (Business Administration), iyadoo dhisme gaar ahna loo sameeyay kulliyaddaas. Dr. Xasan Sheekh oo ka warramayay koorsooyinka ay machadka ku soo kordhiyeen, ayaa sheegay in hal semester lagu qaadan doono oo kaliya luqadda Ingiriiska iyo xisaabta aasaasiga ah, taasoo ka timid kadib markii ay dareemeen baahida weyn ee ardeyda Soomaaliyeed ka haysata dhinacyadaas.

Dr. Xasan Sheekh oo ka hadlayay kaalinta ay ka doonayaan ardeyda SIMAD ee Karachi ayaa wuxuu sheegay in machadku uu iyaga sugayo inay hormariyaan, una soo qaadaan waayo-aragnimada ay ka soo kororsadaan dalka Pakistan. Isagoo arrintaasi sii faahfaahinayay wuxuu sheegay in Daahir Xasan Carab oo horay uga qalinjebiyay machadka, kadibna Pakistan ka dhameystirtay daraasaddiisa, inuu haatan shaqo ka billaabay machadka, isbeddel weyna uu ku soo kordhiyay, sidaasi si la mid ahna laga doonayo ardeyda kale ee haatan wax ka baraneysa dalka Pakistan.

Jawiga kulankasi oo dhammaan ardeyda iyo maamulaha soo xusuusiyay maalmihii ay wada joogeen Machadka SIMAD ayaa dhammaan intii ka qeyb gashay kulankaasi ay ku tilmaameen inuu ahaa mid taariikhi ah, oo xusuus weyn ku reebay noloshooda. "Waxay ii ahayd maalin weyn oo waxayba nala ahayd sidii anagoo joogna machadkeena" sidaasi waxaa yiri Maxamed Ibraahim Nuur oo ah guddoomiyaha ardeyda SIMAD ee Karachi. Taqi Bashiir Xasan oo isagu ahaa xiriiriyaha xafladdaasi ayaa hadalkii ku soo gabagabeeyay "waan dadaali doonnaa, waxaana iskutirineynaa inaan u maqanahay ummada Soomaaliyeed, machadkii ina soo ababiyayna waxba kala hagran doono hadduu Alle idmo."

War-saxafaadeedkan waxaa soo saaray

Taqi Bashiir Xasan

taqibashiir@hotmail.com

Xiriiriyaha Xafladda

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2003

Idaajaa oo Qoraal Taariikhi ah Kasoo Saaray Federaalnimada Soomaaliya
Axmed Faarax Cali "Idaajaa" ayaa qoraal kasoo saaray ujeedada Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD