SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Maxaad ka Taqaanaa Raadyow Laascaanood

Qore:

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

August 8, 2003

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Raadyow laascaanood oo isagu ka hadla mawjada FMka waxaa la aasaasay taariikhdu markay ahayd 10-10-2000, Xilligaas oo haatan sadex sannadood laga joogo , waxaana aasaasay rag dhallinyaro ah oo u dhashay deegaan Sool, Sanaag iyo Hawd, dhalin yaradan oo ka bilawday hawshan meel aad u hoosaysa ,haatana gaadhsiiyey idaacada meel aad u saraysa waxay aad ugu dadaaleen sidii ay deegaankan horumarkiisa qayb wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen. Islamarkaana aqoonta dadkooda kor ugu qaadilahaayeen.

Waxaana dhalin yaradan hogaaminayey Faysal Jaamac Aadan oo isagu haatan ah Agaasimaha idaacada iyo rag kale oo badan, waxaana aasaasayaashii ka mid ahaa. Jaamac Maxmed Nuur Jeele,Cabdirashiid Caydiid Dirir, Faysa Cabdi Dhalac ,Hodan Cali Shube, Faarax Max’muud Sugule, Maxmed Ducaale Gaadh, Jamaal Farjar, Cabdisamad Maxamuud Siciid, Kayse Jaamac Aadan, Cali Yuusuf Hadhiye,iyo rag kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Waxaa qayb weyn isaguna ka qaatay sidii idaacada loo kobcin lahaa dhinacyada kala duwan ee idaacada haday noqon lahayd farsamada iyo dhaqaalahaba halyeyga dhalinta yar Ismaaciil Ibraahim Ducaale Aftaag , oo isagu ku degan cariga Ingiriiska gaar ahaana magaalada kaardif, waxakale oo iyaguna qayb weyn ka qaatay sidoo kale jaaliyada deegaankan Sool,Sanaag iyo Hawd eek u nool daafaha aduunka.

Raadyow laascaanood waxa uu hawada ku jiraa sadex saacadood iyo badh, oo u qaybsama laba xilli oo kala ah maalintii 1:00-2:00 duhurnnimo, iyo fiidkii oo ay idaacadu hawada soo gasho 6:30 – 8:45.

Idaacada laascaanood waxaa ka baxa barnaamijyo kala gedisan, waxaana ka mid ah:

1. Cashar Diini ah.
2. Tafsiirka Quraanka
3. Bandhiga raadyaha oo joogta ah, habeen iyo maalinba
4. Taariikhda Daraawiishta
5. Waxbarashada.
6. Cawayska Sabtida
7. Sahan
8. Deegaanka
9. Caafimaadka
10. Korodhso Aqoontaada
11. Dhanbaalka Dhegaystaha.
12. Maandhiska Dhalaanka.
13. Martida Todobaadka.
14. Ciyaaraha
15. Sheeko Gaaban
16. Fanka iyo Suugaanta
17. Todobaadka iyo Caalamka
intaas ayaa waxa dheer warka oo joogta oo laba jeer la siidaayo.

Shaqaalaha idaacada ayaa waxa ay haatan ka kooban yihiin sadex iyo toban xubnood
oo kala ah.

• Faysal Jamac Adam ………. Agaasimaha idaacada
• Faarax Maxmud Sugule …….. K/x/ Agaasimaha. Iyo g: waaxda barnaamijyada
• Faysa Cabdi Dhalac ………… Waaxda DHaqaalaha .
• Hodan Cali Shube ………… Qorshaynta
• Asad Cadaani Ibraahim ……….. Waaxda wararka
• Saynab Cabdi Warsame ……… Waaxda Farsamada
• C/rashiid Caydiid Dirir………. Wararka & Filimqaade.
• Maxamed Cali Cilmi Wararka
• C/casiis Saleebaan Axmed. Wararka
• Jaamac Maxmed Nuur (jeele) …… farsamada.
• Cali Yuusuf Axmed .................. Farsamada
• Shiine Jamac Salax .................. farasamada
• Kayse Jamac Aadam..................... filimqaade

Idaacada Lascaanood waxa ay qayb weyn ka qaadataa sidii loo kobcin lahaa wacyiga dadweynaha ku nool deegaanka Sool, Sanaag iyo Hawd, waxa kale oo ay ka qayb qaadataa sidii dadweynaha loola socodsiinlahaa dhacdooyinka dalka gudihiisa iyo aduunkaba markaa ku soo kordha, idaacadan ayaa iyadu ah mid madaxbanaan oo aan cidna hoostegin ,hasayeeshee aaminsan midnimada ummadda Soomaaliyeed. Idaacada laascaanood ayaa waxa ay wariyaal ku leedahay ,gobolada Soomaaliya intooda badan, iyo waliba dalka dibadiisa.

waxaa soo diyaariyey
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

Qoraalkii hore ee Caddaani.... Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD