SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUSHARAX
 Murashaxnnimo Madaxtooyadda Somaaliya
"Al Haji Mohamed Yassin"

Bis.Rax.Raxiim

Ku: Dhammaan Shacabka Somaaliyeed - Guddaha iyo dibeddaba

1. Inkastoo laga fiican yahay inuu qof laf ahaatiisu isu sharaxo mansab, haddana markaan eegay wadciga adag ee lagu jiro iyo musiibadda ummadda ku habsatay 42kii sanno intii xoriyadda la qaatay.

2. Markaan arkay kooxdii afduubatay qarannimadda Soomaaliyeed ee sababtay burburka, dilka iyo colaadda xalka loo waayey, inay u hanqal taagayaan in loo sharciyeeyo afduub labaad,

3. Markaan ka mid noqday (nasiibdarro) asaasayaashii SSDF ee 1978 ee u horseeday qabiil qori loo qaado, inakstoo aan ka toobatkeenay 20 sanno ka hor hadddana waxaan dareemay in aan u horseedo la dagaalanka kuwa wali ku faanaya diktaatoriyadda,dilka dadwaynaha,xarigga iyo waxay maalmahaan ku magacaabaan "MAQUUNNIN",

3. Markaan yaqiinsaday in qarannimo,barwaaqo iyo horumar bulshadeed lagu gaari karo oo kaliya marka la helo seddexda qodob ee hoos ku xusan:

a) Hoggaan Toosab oo Daacad u ah dalka iyo dadka, si loo sugo sinnaan iyo CADDAALAD oo ah udub dhexaadka dawladnnimdda

b) In la soo celiyo kalsooniddii dadwaynaha ee luntay in muddo ahba. Kalsooni la'ntaasu waxay sababtay in la dhisi waayo dawlad qaran ee loo dhan yahay,

c) Marka la helo labada qodob ee kor ku xusan, ayey suuragal noqon kartaa NABAD. Nabaddaas oo sida la ogyahay ceelka ku dhacday muddo 13 sanno ah,

4. Sidaa awgeed, anoo ka ambaqaadaya arrimahaas oo idil ayaan si kooban waxaan jeclahay inaan ku baraarujiyo dadwaynaha Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Horumarka jecel inay u midoowbaan dib u hanashada sharafkooda iyo qarannimadooda iyagoo aan ku halayn masiirka ummadda rag masiiba ah oo aan Rabigoodna ka baqqin ummaddana u naxariissan.

5. Anigoo ah ganacsadde, Haji Mohamed Yassin Ismaciil, oo ku dhashay kuna barbaaray gobolka Banaadir, sannadkii 1951kii, isir ahaana ka soo jeeda gobolada PUNTLAND, waxaan ku soo kordhinayaa magacayga liiska dheer ee tartamayaasha Madaxwaynaha Somaaliya, ama jagadda Raisal wasaaraha hadba sida Rabbi idmo oo adduun iyo aakhiraba khairku ku jiro.

6. Haddii Rabbi idmo waxaan jeclahay maalmaha soo socda inaan imaado magaaladda Nairiobi, Kenya.

7. Anoo aaminsan qaddarta Rabbi, waxaan Illaahay ka baryayaa Tawfiiqda iyo xaqqa inuu na waafajiyo si aanu uuga baxno masiibada ummad ahaan nagu habsatay.

Guulaysta adduun iyo aakhiraba,

Walaalkiin,

Al Haji Mohamed Yassin
email: yassiin4sompres@hotmail.com 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD