SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA
Max’ed Cali Max’uud (Kooshin) “Marka waxaan is iri si looga gudbo arrintan ku taxaluqda qabiilka armey fiicnaan laheyd in qabaa’ilka waaweyn in la yiraa iska nasta”

Su’aal. Ka waran xaalada uu haatan shirku marayo.?

Kooshin: Shirka sidda aad la socotid wuxuu marayaa heer gabogabo ah, waadna iska garaneysaa arrini marka ay timaado meesha ugu dambeysa, waxyaabo badan oo caqabada ahi waa ay iska imaan karaan waxaanse qabaa shirku in uu guuleysan doono Insha ALLAAH, rajada aan ka qabo in uu shirku guuleystana aad bey u weyn tahay oo waa 100%.

Su’aal. Waa maxay sababaha shirka loo hakiyay baad isleedahay.?

Kooshin: Sababta loo hakiyay waxaa weeyaan xubno ka tirsan qeybaha loo baahan yahay in ay nabada ka wada qeybgalaan ayaa in yar ka biyo diiday qodobo ka mid ah dastuurka, kadibna waxaa la isku afgartay oo nimankaan International community la yiraa ay qolada IGAD u soo gudbisay kadibna IGAD ay soo marisay hoggaamiyayaasha siyaasada & ergada in nimankaa la siiyo waqti gaaban oo 10 berri ka yar si dadkii shirka ka baxay oo uu C/qaasim ka mid ahaana wafdi loogu diro, looguna qanciyo oo laga codsado in uu shirka ka soo qeybgalo, sidoo kalena rag kale oo uu ka mid yahay Muuse Suudi oo iyagana wax ka biyo didsan in ay shirka ku soo noqdaan, wixii ay tabanayaana ay shirka dhexdiisa kaga hadlaan, dhibaatada ummada Soomaaliyeed haysatana ay u arkaan sidda ummada kale ee Soomaaliyeed u arkeyso taas oo ah wax ay kooxi dooneyso in laga hormariyo dantii guud.

Su’aal. Ma fileysaa in hakadkan shirka loo soo galay loogag gudbi karo si sahal ah.?

Kooshin: In shirka ilaa guul laga gaaro aan lagu kala tegeyn hadduu ALLE idmo waxaa balanqaadkaa bixiyay dowladaha shirka maamulaya, waayo sidda aad la socoto Soomaali gogosha ma aysan dhigin oo waxaa gogosha dhigay dowladaha Afrika oo u xilsaaray arrinta Soomaaliya ururka la yiraa IGAD isla markaana ay IGAD u xilsaartay seddexda dowladood oo la yiraa safka hore (front line states) waxa shirka maalgelintiisa bixinayay-na waxey ahaayeen International community-ga oo ay ka mid yihiin dowladha yurubta midowday J/Carabta, Mareykanka & dowlado gaar gaar ah, hadaba nimanka shirkan dhigay & kuwo qarashka ku bixiyay waxey balanqaadeen in aan lagu kala tegeyn ilaa shirkani guul laga gaaro, laakiin arrin baa rahman taas oo ah in beesha caalamku arrintii ay u arkaan in ay gar tahay ileyn Soomaalidii iyaga ayaa u gar qaadayee aaqirka waxey noqon doontaa in markaasi loo bandhigo Soomaalida in ay cod (Vote) qaadaan oo dhicii loo badan yahay la raaco, beesha caalamkuna uu ku qanco in ay arrintaasi Legitimacy leedahay, dee markaa intii laga bato waxey ku qasbanaan doontaa sidda adduunyada caado ka ah in ay u hoggaansamaan dhinaca inta badan.

I  I  D  H  E  H

KAAH

Su’aal: Waxaad sheegtay in aad tahay musharax jagada madaxweynenimada shirka marka waa maxay qorshaha aad sidatid ee lagugu dooranayo.?

Kooshin: Anigu waxaan isku dayayaa haddii ILLAAHEY idmo in aan jagadaasi u istaago, waana ku jira liiska ragga tirada badan oo sharaxan, igamana ah anigu dad baa is sharaxaye adiguna is sharax qorshe xooggan oo waqti dheer ah oo haddii ILLAAHEY idmo mira dhal noqon kara hadduu fulo ayaan anigu wataa, marka ugu horeysa sidda aad la socotaan dadkii Soomaaliyeed waxaa lagu fujin waayay oo dhibaato ku noqday qabiil oo qabiilkaas baa loo qeybiyay ummadii Soomaaliyeed oo waxaa la yiri afar qabiil oo waaweyn &bar ayaa wax lagu qeybsanayaa, marka 4-ta qabiil oo waaweyn mid ka mid ah haddii uu xukunka qabto kuwii kale ee seddexda ahaa oran mayaan mid ka mid ah ayaa xukunkii qabtaye aan gacan siino oo waxey u qaadanayaan in laga adkaaday waxeyna galayaan is adkeyn, waxaana dhacda in si dabacsan oo lilaahi ay ula shaqeyn waayaan, isla markaana qabiilka xukunka qabta waxa jira dad badan oo dagaaladii sokeeye ay saameeyeen oo waxaad arkeysaa in nin waliba ay daba socdaan dad tiro badan kuwaasoo leh haddii aad xukunka qabatid dhibaatadii na gaartay ayaan ka soo kabaneynaa, wixii aanmudanay intii aan u dagaalameynay in aan jagadaa ku saarnana waa dushaada halkaana waxaa ku lumaya wixii ummada Soomaaliyeed u dhexeeyay in ay dhibaato noqoto in ummada loo qeybiyo ama loo xaqsooro, marka waxaan ku fekeray aniga oo marka Soomaali la eego ka dhashay qabiilka la siiyay qoondada 5-ta ah marka waxaan is iri si looga gudbo arrintan ku taxaluqda qabiilka armey fiicnaan laheyd in qabaa’ilka waaweyn la yiraa iska nasta oo dad waxgarad ah oo caalamka la socon kara oo cadaalad sameyn kara, Islaam ah oo aan qabiil ku fekereyn isla markaana aaney daba yaaceyn ummado tiro badan armey xukunka qabtaan oo ummadii la kala fadhiisiyaa oo duruus la baraa dadka kani sidda ay ku hagaagi lahaayeen adduunyadana ula mid noqon lahaayeen wadankoodana uga howl geli lahaayeen, marka haddii ILLAAHEY igu guuleeyo jagadaasi waxaan qorsheynayaa in aan isugu yeero ciidamadii Soomaaliya madaxdeedii sida jananadii & saraakiishii sare ee ciidamada oo dhan kadibna aanu degno meel magaalada ka baxsan, waxaana markaa kadib saraakiisha aanu weydiin doonaa suuratagalnimada sidda dalka lagu qaban karo, talaabada xigta-na waxey noqon doontaa in aan diyaarino ciidan Soomaali oo dhan ka kooban oo isku dheelitiran resource-ga la helayana aan xagaa xooga saarno, haddii aan ciidamadaa sameyntooda la xaqiijina waxaa la sameynayo oo dhan hadal bey noqneysaa, markaa kadib ayaanu codsan doonaa ciidamo caalami ah oo nagala qeyb qaata siddii aan dadka hubka ugu dhigi laheyn, waxaana ciidankaasi aan u diyaarin doonaa una howlgelin doonaa si ka hufan qabiil & nin jeceleysi sharciga keliyana uu na kala hagayo, waxaan kaloo hirgelin doonaa dastuur halka laga aqriyo, anaga oo u hirgelin doona sidda uu yahay ciddii uu dembi saarayana lagu qaado ciddii kale-na sidda uu qabo looga tixraaco, waxaan kaloo dooneynaa in 18-kii gobol ee ay dowladdii hore ka tagtay in qeyraadkii dalka soo gala wixii ka soo hara dowladda dhexe & ciidamada oo ah wax la isla ogyahay in gobolada 18-ka ah ee dalka in si siman loogu qeybiyo oo lala kaashado dib u dhiska & soo nooleynta hay’adihii dowliga isla markaana aan lacag cadaan ah nina loo gelin oo waxa la sameynaya ay noqoto projects aad looga taxadaray.

Su’aal: Rajadaada in aad guuleysato intee bey la egtahay.?

Kooshin: ILLAAHEY baa ku shaqo leh taa oo ciddii uu is yiraa waa u garatay weeyaan, dad badan baanu is aragnay oo badidood ay u riyaaqeen barnaamijkeyga, wax aniga kuleyl ah ama dhibaato ah oo aan aheyn dalkaaga u gargaar oo u shaqee, burrito ILLAAHEY hortiisa awooda shaqsiga ah ee ILLAAHEY ku siiyay maxaad ummadaada muslimkaa oo siddaa u baaba’san ugu adeegi weyday weeye aniga moltibeyshinka ugu weyn ee aan wataa haddii aanan markaa helina wax dhibaal ahi ma ahan, waxaana balanqaadayaa in cid kasta oo ku guuleysata si sharci ah in aan la shaqeynayo

Waxaa waraysiga qaaday:
Mr.Adam (Howle)

adabdulle@hotmail.com
Canada

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]