|
ETHIOPIA MA NINBAY RASSAAS MADAXA
KAGA HAYSAA ?
Mahamud
Samatar | samatarapt@yahoo.com
|
I I D H
E H
|
|
Waxa caaddo u noqotay Somalida qaarkood ,
gaarahaan kuwa isku sheega siyaasiin ama waxa garad, in ay dhibaatada ka taagan
dhulkooda ku ceebeeyaan dal aan habayaraatee wax shaqo ah ku lahayn dhibaatada
iyo silica ay dadkooda badeen. Waxa ay Cabdul Qaasim iyo intii taageerasanayd
kooxda Carta ku cambaareeyaan Ethiopia inaanay rabin in uu qaran Somaliyeed
dhismo, taas oo sabab looga dhigo in ay Ethiopia taageerto kooxda SRRC, koodaas
oo ay ku sheegaan in ay ka dambaysay bur burkii kooxda carta. Runtii waxa sabab
u ahaa burburkii Carta sidii loo soo dhisay, ciddii dhistay iyo intii
hogaaminsay.
Ta koobaad Carta waxa soo dhisay dhawladda
Jabbbuuti oo dano gaara ka lahyd , dantaas oo ahayd , in ay Jabbuuti xidhiidh
fiican la lahayd taliskii Siaad Barre , xidhhidhkaas oo ahaa mid daqaale iyo
mid siyaasadeedba.Intii uu Siyaad Barre tala u hayay Somalia , ganacsatada
Somaliland waxa ku qasbanaynd in ay wax kala soo dagaan dakadda Jabbuti, taas
oo ay dawladda Jabuuti cashuur badani ka soo gali jirtay.
Ta labaad ee ay Jabuuti u dhistay Carta ayaa
ahayd in ay cabsi kaga timid dhaqdhaqaaqii dimoqraadiga ahaa ee sida xawaaliga
ah uga socday Somaliland oo ay istidhi , waxa uu saamayn ama kicin ururada
mucaaridka ah iyo saxaafadda xorta ah.
Waxa aynu ognahay in hogaankii Carta iyo ragga
ka muuqday ay u badnaayeen hadhaagii Siyaad Barre, waxana ka mid ahaa , Cabdul
Qaasim, Xasan Abshir iyo Galaydh, Gaani iyo saraakiil badan, oo intuba taageeri
jiray taliskii kacaanka, taas oo keentay in ay dadkii Carti u cuntomiwayday,
hanana kari waayeen kalsoonidii ummadda, inkasta oo ay dadka reer Muqdisho
taagnaayeen dawlad xun dawlad la' aan bay dhaantaa, dhibaatadii ku hobsatay
awgeed.
Arinta labaa ee ay Carti u gaabisay ayaa ahayd
, dagaaldii sookeeye ee ka dhacay Xamar kadib markii la soo dhisay dawladdii
Cali Mahdi, sababta dagaalkaa keentayna ay ahayd la tashi la'aantii iyo ka soo
qayb galin la'aantii ururkii USC ee uu Caydiid hogaaminayay, taas oo sii kala
fogaysay, jufooyinka Caydiid iyo Cali Mahdi, keentayna in ay Carti taageero ka
heliwayday jufaddii Cali Mahdi iyo jufooyin kaleba ee ka soo jeeda degaanka,
taas oo ay Carti ugu muuqatay hadhaagii Siyaad oo soo gashaday shaadh beeleed
iyo diin.
Hadaba haddii aan fiirino sida ay SRRC u
saamasy kooda Carta , waa ta koobaade waxa aynu ognahay in ay ragga ugu cadcad
SRRC ay yihiin , Xuseen Caydiid, Cabdilaahi Yusuf, Shaati Guduud iyo Morgan, oo
intuba wada ah hogaamiye beeledyo iyo hogaamiye jufo (jilib) taageero buuxdana
ka haysta beelahooda iyo jufooyinkooda,haddii aanay taas jirina ay bari hore
kooxda Carti cagta marin lahayd.Dhawr jeer ayuu Galaydh sheegay ama ku
qubadeeyay in ay ciidamada Carta ay cagta marin doonaan ciddii ka hortimaad ,
goortaas oo ahady mar ay isku dhaceen maleeshiyada Caydiid iyo kuwii carti.
Waxa ka qarsoonayd Galaydh in ay maleeshiyda Carti ahayd oo kelya jufada Cabdul
Qaasim, taas oo keentay in ay ka cadhoodaan beelwayntii Hawiye hadaladii ka soo
yeedhay Galaydh iyo dagaaldii dhexmaray jufooyinkii Caydiid iyo Cabdi Qaasim,
una arkeen in uu Galaydh yahay nin Shisheeye oo isku dilaya dad wada dhashay.
Arinta u wayn ee loo fasaxay Glaydh ayaa ahayd
cadaadis kaga yimid Qaasim xagga beeshiisa, lana yidhi haddii aad wax ka
qabanwaydo Galaydh iyo hadalada ka soo yeedhaya in ay kalsoonida kala
noqonayaan, taas keentay in ina Glaydh la fasaxo, dagaaldii jufada Qaasim
wadeena la joojiyo. Arinatani waxa ay mesha ka saaratay in la dhiso ciidamo
Somali matala, halkaana ku koobtay in uu Cabdul Qaasim lahaado maleeshiyo ka
kooban jufadiisa. Taas oo ah arinta u wayn ee Carti u jaan qaadiwayday ama uga
socon wayday Xamar , oo habayaraatee aanay Ethiopia wax shaqo ah ku lahayan, se
caado u noqotay Carta marmarsiiyo Ethiopia dusha laga saaro.
Waxa aynu ognahay in uu CabdiLaahi Yuusuf
yahay hoogaamiye beeleed ama Harti isku qariya magaca Buntlaand, Koleneelku
waxa uu taageero buuxda ka haystaa beeshiisa , carqaladda qudha ee uu keenay
Carta waxa ay hayd taageerid la'aantii uu taageeri waayay. Waxa ay Carti isku
dayday in ay xoog ku saarto Cabdilaahi dhaqaale badan way ku bixiyeen kala
qaybinta Majeerteeniya mrkii ay taageen xogagii Jaamac Cali , inkasta oo ay
suuroobi wayday. Carta ka hor ayuu Koleneelku la lahaa Ethiopia xidhiidh, kaas
oo sii xoogaystay markii Carti isku dayday in ay qasto Majeerteeniya. Hadaba
eedaynta kooxda Carta iyo taageera yaashooda ee Ethiopia ayaa ah wax aan sal
lahayn, marka la eego fara galinta Carta ee Majeerteeniya.
Ehtiopia waxa ay taageertay Carta ka hor RRA
iyo Shaati Guduud markii uu la dagaalamayay xoogaggii ku hayay dulmika dadkiisa
, dhulka RRAdana xooga haystay taas oo ah wax Ethiopia loogu garaabo. RRAdu waa
tii ka qayb gashay shirkii CARTA hase yeeshee dhibaatada iyo kala qaybinta kala
kulantay, Taas sabab u dagaalada sokeeye ka socda Baydhabo khasaare wayna
gaadhsiisay ummaddii halkaa daganayd.
Haddii aanay Caydiid, Cabdilaahi Yusuf,
Moorgan iyo markii hore Shaati Guduud aany taageero ka haysan beelahooda ama
jufooyinkooda , taageerida dhawrkan nin ee Ethiopia maxay taraysaa? Ethiopiase
ma qoribay madaxa kaga haysaa oo leedahay haddii aad sidaa yeeliwadaan waan
idin toogan? Jawaabtu waa maya , oo raggan waxa taaggeersan beelahooda iyo
jufooyinkooda, haddii aanay taageeradaa haysana aanay Ethiopia taageerideedu
waxba u ahayn. Markaa Ethiopia waxba yaan loo eed sheegan, ee bal dib iskugu
noqda.
Runtii ka hor immaanshihii SRRC ee Carta waa
wax loo garaabo , oo waxa ay ishortaageen in uu hadhaagii Siyaad wadanka iyo
nabada afduubo haddii ay Ethiopia taageertay iyo haddii ka leba, marka Moorgan
oo ku xidhan beeshiisa iyo Cabdulahii Yusuf laga reebo.
Haddii aynu nacaybka Ethiopia ku xidhayno
Somaliland ayay taageertaa, runtii Ethiopia qaybo ka mida bulshada Somaliland
markii uu xasuuqayay Siyaad Barre , waxa ay Ethiopia u qaabishay Qaxooti ahaan
oo waa la soo dhaweeyay, halka ay Jabuuti iridaha
ka xidhatay, taageero ay u hayeen Siyaad Barre
awgeed.
Mahamud
Samatar | samatarapt@yahoo.com
QORAALADII HORE EE MAXAMUD SAMATAR
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 18, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|