SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kufsi iyo isbaaro!

Ali Shire jama
 sharmaake@hotmail.com

Ka dib markii la khaarajiyey madaxwenihii sharciga ahaa, ee Soomaaliya Cabdirshiid Cali Sharmaake waxay Soomaalidii u kala miirantay qabaa’illo. Waxaa laga yaabaa in dadka meesha dheer wax ka arkaa ay la yaabaan marka aan leeyahay waxaa kala miirmay Soomaalida, iyaga oo leh:

”Oo soo awalba ma kala soocneyn, yaa isku daray?.”

Maku khilaafsani culumada qabta in ay soomaalidu waligeedba kala qoqobneyd, ee waxaan cuskanayaa taariikhiidii qarankii soomaalida lagu hodey iyaga oo aan dhaqan iyo cilmi midna ula hayn. Waa hubaal in labadii ”miskiin”( Aaden -Cadde iyo Cabdirshiid) aysan waxba ka qaban siyaasadii guracneyd, ee gumeystuhu korka ka saysaamay si ay ugu hoobtaan soomaalida diiday in ay reer yurub xukumaan. Laakiin labada ”miskiin” ma ay geysan kufsi iyo xasuuq sida Siyaad Barre iyo kuwii ka soo baxay Soomaaliya meelaha aan ka ahayn Puntland iyo Somaliland sanadahaan danbe.”Miskiimadu” cidna xoog kuma aysan qabsan ee waxay hor boodayeen soomaali xadrayneysa oo aan aqoon meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaanba, laakiin Siyaad Barre ayaa xoog gardara ah ula yimid qabaa’iladii soomaaliyeed, oo waligoodba xorta ahaa.

Xoogshiigadkiisii waxaa lagaga jawaabay ”qaniiyo qaniinyaa kaa fujisa” oo reer waliba waxuu soo aruursaday waxuu awood uu heli karey si ay uga takhalusaan, ninka horarkaa, oo maalkoodii iyo awoodoodiiba maalin cad ka marooqsaday.

Dagaalkii lala galay kacaanka waxuu ku bilowday labo nooc oo kala ahaa sidaan:

1: Qabiil la rabey la gumaado oo ka dibna buntukh u qaatay kacaankii.

2: Qabaa’ilka kale oo kacaanka xulufo lahaa, laakiin kolkii danbe ay kiciyeen tolkaas la rabey in la ciribtiro.

Sida ku xusan qodobka labaad waxaa dhamaan loo adeegsadey tol weynihii kale ee soomaaliyeed in ay fuliyaan gumaadka hal qabiil oo iyaga awalba dhulka la wadaagey. Reerkaas la isugu tagey waxay waxgarad

koodii u guntadeen in ay meesha ka saaraan isbahaysiga qabiillada kale ay xaqdarada dartood isugu kaashadeen. Taasna waxay ka gaareen guulo waaweyn, ka dib markii ay soo baxeen ururo badan oo dhaaranaya kacaankii u dhashay in uu meesha ka sooro hal tol oo aan midab,af iyo caqiido mid kaga duwaneyn kuwa ay dariska la yihiin.

Tolalkii soomaaliyeed ee dariska ahaa kama aysan gaarin, mana loo ogoolaan in ay aayahooda ka tashadaan, ka dib geeridii Sharmaake. Tashigaas oo lagu macneyn karo in uu ku saabsanaa in qabaa’illada soomaaliyeed qarankii la isku hodey ”miskiin” kale u dhiibtaan amase lagu kala tago, oo reer walbaa ayaayihiisa gaarkaa ka tashado

Markii tolkii soomaaliyeed ka guuleysteen Siyaad Barre oo loo hanweynaa in lugu dhaqaaqo wadatashigii Barre qulqulatada galiyey, ayaa qabaa’ilkii qaar mid ah waxay u ban baxeen wax ka yaabiyey xataa kacaankii Alle xishoodka ka qaaday, arinkaas oo ahaa in kufsiga kooras loo galo, in bililiqada iyo isbaarado u noqdeen ayaayihii ay higsanayeen.

Cawimo kor loogu qaadayo tayada dilka, isbaarada, bililiqada iyo kufsigu waxaa ku yaboohay Ismaaciil Cumar Geelle oo soo abaabuley kooxdii Carta oo ka nasri darneyd Barre iyo saaxiibadiisii kufsiga iyo xasuuqa ka dhaxalay. Geelle kali kuma ahayn dhiiri galinta kufsiga iyo isbaarada, ee waxaa xoolo badan ku khasirey wadamada carabta. Waxaa kale oo barnaamij dhiiri galinta kufsiga mid ahayd faaniin uu hogaaminayey Maxmed Ibraahim ”Hadraawi” booqasho ku soo kala bixiyay goobaha ay ka socdaan dilka iyo kufsigu. BBC:na waxaa si toos looga xayeesiiyey in tuugtu iyo kufsadayaashu u tilaabaan xuduuda shabeelaha hoose iyo jubbooyinka. Kolkii Cabdiqaasim iyo saaxiibadood ay kufsiga iyo bililiqada ka wadeen Somaliland Hadraawi waxuu buur dheer u foolay in uu ka dalfiyo daqaradii ku foorarey reer tolkiis, laakiin waxaa arin laga xishooda ah in markii ay xumaantii uu kula dagaalay u wareejiyeen koonfurta Soomaaliya uu Hadraawi booqashu kal iyo laab ah ugu tagey kuna soo soo dhiiri galiyey in ay halkaas shaqada ka sii wadaan ka dibna uu kuwa laga roon yahay ugu sheekeeyey:

”Waxaan wadaa barnaamij nabad gelyo ah.”.

Kuwa kufsiga wadaa awlaba waxay ahaayeen gacantii midig ee kacaanku wax ku goosan jirey, laakiin kolkii ay arkeen in uu geeriyoodey ay cuneen sidii waraabihii intii hooyadiis jiratey cunista ugu dhaqaaqay.

Kooxda kufsiga iyo isbaarada oo ay waayahaan danbe Cabdiqaasim kooxdiisu hogaanka u haysey waxaa hubaal ah in ay yihiin kacaankii oo aan haysan ciidamo rigli ah oo ka amar qaata, laakiin su’aashu waxay tahay kooxda Cabdiqaasim ma rabeen in ay helaan ciidamo nabada suga? Shaki kuma jiro in waxmagaratadu ay “haa” la soo boodi lahaayeen, laakiin runtu waxay tahay in muraadkoodo ahaa lacago la soo baryo iyo in jigooyin been ah la sheegto, ciidamadii booliska loo qori lahaana waxaa lagu sii dhiiri galiyey kufsigoodii iyo isbaaradooda si aysan iyaga ugu soo jeesan. Xoogaagii ciidanka ahaa oo loogu talo galay in carabta lagu khaldo si inta loo tuso si lacaga looga qaato waxay u huleeleen guryahoodii inta ay qoryahoodii suuqa ka sii gateen ka dib kolkiii mushaar la siin waayey.

Kooxda Carta go’aankooda ugu weyn waxuu ahaa in laga bilaabo kufsiga iyo bililiqa Puntland iyo Somaliland. Taas waa ay ku guul dareysteen, laakiin waxay daradii si fiican ula heleen koonfurta dalka oo ay dib ugu soo cesheen dhibtii ay meelaha qaarkood ka baxeen wax yar ka hor intaan Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dhambaallo casumaad ah dirin kuwii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre silingaha kaga siibey shaqsiyada.

Waxii ugu darnaa ee ka dhacay dhulka nabadaa ee Soomaaliya waxay ahayd kolkii qaar ka mid ah shacabka reer puntland kooxdii Carta ay ka yaboohsadeen in dhulkooda laga hirgaliyo kufsiga iyo isbaarada.Waa yaabe xaggee lagu arkay ummad u heelan kufsi iyo isbaaro?.Laakiin reer somaliland dhabarka ay u jeediyeen, waxaana qofkii caqli leh oran lahaa: ”Maxaa laga helayaa in koox burcad ah oo Ilaahay ka furatay loogu geeyo canshuuraha Puntland iyo Somaliland Mogadishu?.”

Lacagahii laga soo tuugsaday carabahaba waxuu Cabdiqaasim ku dhistay xaafad loo yaqaan Tuulo- Cabdiqaasim waxuuna diidey in lagu dayactiro dhismayaashii qarankii Somaaliya, laakiin waxaa jira hal guri la dayactiray oo xarun u ahaan jirtey ciidamadii N.S-ta ee soomaalida Siyaad ku caddaabi jirey, sartaas oo ka dib uu bililiqastay hogaamihaya cadiifada badan ee Muuse Suudi Yalaxow.

Ninkii faaliyahaa waxuu yiri:

”Hashu maankeygii gadaye ma masaar bay liqday” Haddaba soomaalida koonfurtu maankayagii gadee maxay liqeen? Ilaa qiyaamaha maxaa lagu jiraayaa kufsi, bililiqo, isbaaro-dhigasho iyo madaxweyne been ah oo guriga uu dagen yahay xataa aan xukumin? Maxaase tolka go’ay ee Somaliland loogu yeerayaa ma waxaa la leeyahay kufsiga ka soo qaybgala maxayse reer Puntland ka sugayaan ummad ay ugu badiso isbaaro iyo kufsi may ayaayahooda ka tashadaan oo sida tolka dariska la ah ku dhawaaqaan in ay yihiin dal madaxbanaan.? Runtii waxaa amaan mudan dadka reer Puntland iyo Somaliland si ay dadkooda ugu badbaadiyeen dilka kufsiga, dhaca,bililiqada, afduubka, madaxweyne been iyo isbaarada. Laakiin waxaa haboon si loogu waaro nabadaas in laga dheeraado isku dhac ka dhex dhaca labada maamul, taas oo ay wadaan reer Somaliland. Sidaan horeyba u sheegey ummada soomaaliyeed waa qabaa’il midba iskiis u madaxbanaan yahay, haddaan wax isku darsiga lagu hishiina reerna reer dawlad uma noqon karo xiligaan. Waxaan runtii shaki ku jirin in aan ab iyo isir ka dhaxayn tolka Waqooyi-Galbeed, Saaxil iyo Togdheer iyo tolka Sool Saanaag iyo Cayn aan ka ahayn hablo mar mar lakal mehersado. In tolku indho u yahay soomaalida waxaad ka garan kartaa koonfurta Mudug kama tirsana Puntland, reer puntland ma sheegtaan dhul aysan isir ahaan u la hayn sida reer somaliland isugu dhajiyaan Sool, Sanaag iyo Cayn si aysan noolaan karin gobolladaas la’aantood. Maahan in aan ka wado in ay soomaalidu dab kala qaadan, laakiin waxaad moodaa in wali la dabakhayo falasfadii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd ha la xabaalo qabiilka misana isagu ahaa midka ugu horeeya ee ku dhaqma. Dooda ugu weyn oo reer somaliland cuskadaan waa niman ingiriis ah baa halkaan hilib uga qaadan jirey askartoodii Yemen fadhidey iyo xiddid baan nahay, laakiin reer puntland doodoodu waa dhulka anngaa leh. Maxmed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariistee wareysi uu BBC siiyey waxuu yiri:

”Dad la iskuma haysto ee waxaa la isku khilaafsan yahay dhul.”.

Cigaal waxuu halmaamay in dadka iyo dhulku is leeyihiin, laakiin waxaa laga yaabaa in doodiisu ahayd sidii tii Joma Kenyatahii Kenya madaxda ka ahaan jirey oo ahayd::

Reer NFD (Norhtern frontier District) ha loo qaxiyo dhanka Soomaaliya haddii ay Soomaaliya deyn weydo sheegashada gobolka soomaalida ee waqooyiga Kenya.”

Waxaa dhacda in xilliyada qaarkood uu geeljirihu geela isku darsado, kolkii ay waayo badan wada socdaana dib ay ukala soocdaan mar labaad geelii, laakiin kala soocidaas waxaysan farxad galin kuwa aan isku kalsooneyn oo u qaata nin raggii saaxiibada ahaa kala tageen waxaana loogu laab qaboojiyaa:

”Raggu sidaas kuma kala tagine is dajiya.”

Haddaba reer somaliland ha xaqiiqsadeen in aan sidaas lagu kala tagin ee macnuhu yahay in tolku dhulkii kala soocday sida geeljiruhuba geela ulka soocday.

Guul waxaa lagu gaari karaa in tol kastaa aamino dhulkiisa ama ha u yaraado ama ha u weynaadee. Ismaaciil Cumar Geellaha dhamaan soomaali mooraduugeyba dhulka uu xukumaa ma weyna. Arinka la yaabka leh waxaa waaye in maantay soomaalida joogta qof ku doodayo reer kale dhulkiis, taasna waxaa ka imaan kara oo kaliya kufsiga ka jira koonfurta Soomaaliya.

Sanadahaan waxaa soo ifbaxaya doodo ku saabasan dhulka lama kalalaha, waxaa doodaas aad buunbuuninayey Cabdiqaasim Salaad Xassan oo ka murugeysan in magaalada reerkiisu xoogga ku haysto ee Marka laga saaro.Waxaa kaloo jira rag ay ka mid yihiin Cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo waxgaradka soomaaliyeed ku maadsadaan meesha uu wax ka cuquuleynayaan. Maantey waxuu Cabdirisaaq u joogaa shirka Nairobi in uu rati duruf ah diro.Hadda ka horna waxuu kala ahaa idaacadaha adduunka:

”Waxaa i doortey raggayaga maxaddaada” Oo uu ka wadey kooxdii tuugada ahayd ee Ina Cumar Geelle soomaalida ku haligey. Waxuu ahaa Cabdirisaaq kii ka qaatay Cabdiqaasim jigadii bahdilka ahayd.oo lagu magacaabay hanti isu celinta. Cabdirisaaq ma fahamin in Carta loo dhisay in lagu xalaaleysto hantidda dad weynaha soomaaliyeed mid kalana lagu helo.

Sanadkaan 2003 waxaa lagu diirsaday doodo wanaagsan oo soo karaar qaatay, doodahaas oo ku saabsan in federaalka lagu dhaqo Soomaaliya. Federaalku waxuu tiir adag ka noqon karaa waxyaabaha looga bixi karo kala shakiga iyo is aamin xumida ku gaamurtay gayiga soomaalida.Kuwa ku doodaya federaalku waxuu keenayaa halagaag waxaa ka hoos baxday in soomaalidu dabeecad ahaanba federaal u sameysan yihiin, marka laga eego qaabka ay u fakarayaan iyo juquraafi ahaanba. Haddaba waa in dhamaan qabaa’ilka soomaaliyeed loo raraa hilaaca ka billig yiri dhanka federaalka, tolkii aan u guuri karina waa in loo gaadiid celiyaa,waase hadduu ku qanacsan yahay sahanka federaaka soo arkay.Federaalku waxuu kaloo ka mid noqon karaa waxyaabha looga bix karo kufsiga iyo isbaarada. Kuwa moodaya in ay ku khasaarayaan federaalka waxay ku mar marsiinyo ka dhigtaan in ay dhib badan tahay sidii federaalka loo samameyn lahaa. Madaxa Carta Cabdiqaasim Salaad Xassan waxuuba aaminsan yahay arin layaab leh oo ah in haddii federaal la sheego uu macnihiisu yahay isku dir qabaa’il iyo in aan dhulka lakala lahayn..

Qaabka loo sameynayo federaalka waxaad moodaa in uuba iska cabiran yahay waana sidaan:

1: Puntland oo ka kooban:

  • Sool,
  • Sanaag
  • Nugaal
  • Cayn
  • Bari
  • Mudug
  • Galbeedka -Galgaduud

2: Somaliland oo ka kooban:

  • Waqooyi-Galbeed
  • Awdal
  • Togdheer.
  • Saaxil

3: Midland oo ka kooban:

  • Banaadir
  • Hiiraan
  • Shabeellaha Dhexe
  • Galgaduud
  • Koonfurta Mudug.

4: Riverland oo ka kooban:

  • Bay
  • Bakool
  • Shabeelaha Hoose

5: Jubbaland oo ka kooban:

  • Gedo
  • Jubbada Dhexe
  • Jubbada Hoose.

Tolkii raba in soomaalidu wada noolaato waan in uu aaminaa in ay jiraan tol ay daris yihiin ka dibna uu xuduuda xaqdhawro, kufsiga iyo isbaarada ka fogaado.

Ali Shire jama
 sharmaake@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2003   


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afee: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]