SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
 Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?” ee Axmed F. Cali “ Idaajaa”:

Federaalka uu “Idaajaa” ka baqayo armuu noqdaa kurtinkii uu Cigaal Shiddaad Libaaxa mooday?!

Maxamed Xaaji Caddoow

London, England

Emai: mohamedadow@hotmail.com

Muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa aniga iyo rag kale oo fuushan (saaran) gaari (baabuur) ayaa waxaa si kedis ah uga soo hor baxay gaarigii aan la soconnay calaamadda (astaanta) guduudan (cas ) ee ishaarada (taraafikada) kala hagta gaadiidka. Waxaa sharci ahaan dirqi (khasab) nagu noqotay in aannu istaagno. Intii aannu sugaynay is-bedelka midabka nalka (laydhka) ayaa mid ka mid ah rakaabkii baabuurka milicsaday (dayay, jalleecay) boor (tabeello) muujinayay in ay buqcadaas (goobtaas) tahay meel soohdin (seere, xuduud) ah oo kala jarta (kala goysa, kala qaybisa) ) labo xaafadood (degmo) oo ka mid ah xaafadaha (degmooyinka) maamul (idaaro) ahaan xagga maamulka dawladaha hoose (bala! diyada, minishiimbiyada) ay u kala qaybsantahay magaalo-waynta London oo ah magaalo-madaxda (caasimadda, xarunta) Briitaaniya oo loogu yeero af- Ingiriisiga “Borough), marakaasuu ku hadaaqay “ Federaalka lagaga doodayo shirka Soomaalida uga socda Mbgathi ee Kenya waxaa loola jeedaa Soomaaliya waxay noqonaysaa sidan ookale oo degmo waliba, gobol waliba xuduud xagga maamulka ah ayuu yeelanayaa, wuuna isu talinayaa”.

Marka laga eego (fiiriyo) xagallo (geeso, dhinacyo) kala duwan hadalka kasoo yeeray ninkaas waxaa la oran (dhihi) karaa mid wuu ku saxsanyahay (toosanyahay, qummanyahay) maxaa yeelay qaybaha amaba deegaannada uu ka koobanyahay dal federeeshin (federation ) ah sida dalka Maraykanka waxaa kala qaybiya xuduud dhuleed. Tusaale ahaan dalka Maraykanka waxaa mararka qaarkood war-baahinta laga maqlaa in dembiile baxsad ah oo la baacsanayo (la cayrsanayo la eryayo) uu ka soo tallaabay soohdinta wilaayad (gobol) Maraykanka ah uuna u soo gudbay dhanka (dhinaca) gobol kale. Hase yeeshee (laakiin) wuxuu ninkan ku gefay hal qodob, kaasoo ah in uu tusaale (misaal ahaan) usoo qaatay boor kala qaybiya labo degmo-hoosaad oo ka mid ah degmooyinka caasimad dal (Briita! aniya) oo ah dal (wadan, geyi, carri) lagu dhaqo hannaanka (nidaamka, habka) awoodda urursan oo ay xudduntu (dawladda dhexe) ka sarrayso xubnaha (degmooyinka, gobollada, iwm) kale oo ay ayadu u adegaan, kuna hawl fushato oo ay awoodaha iyo siyaadada (madax-bannaanida ugu sarraysa) hal meel ku qulqulaan sida ay biyuhu ugu qulqulaan meesha godan.

Hadalka aan kor ku soo xigtay (weriyay) wuxuu tusaale iyo daliilba u yahay fahamka iyo garashada kala dhiman ee aan buuxin oo ay Soomaalida caammada ah (deedifo , caay, aflagaado, meel ka dhac qasdigu ma aha ee waa dadka aan aqoonta gaarka ah u lahayn culuumta siyaasadda) badankooda ka haystaan macnaha dhabta ah ee nidaamka federaaliga h.

Waa sabab iyo qiil la garawsan karo in dadka caadiga ah ay anfareer ama dhaygag maskaxeed iyo dhakafaar ka qaadaan dhuuxidda macnaha iyo nuxurka uu xambaarsanyahay nidaamkan oo uu fahamkoodu ku koobnaado oogada sare oo keliya, balse waxaa amakaag iyo yaab ah in shakhsi (Axmed F Cali “Idaajaa”) oo uu Ilaahay ku mannaystay (galladaystay) aqoon suugaaneed sida ayda (jiqda, duurka, kaymaha, hawdka) u baxday oo sida dhud damal ah oo daruuraha dhex joogta (damal waa geed qodaxeed; dhud waa wax toosan oo dhuuban ) uga dhex muuqday xeel-dheerayaasha suugaanta (adabka) Soomaalida uu si qalloocan oo ay eexasho ku jirto (waa e! eexasho xagga macnaha federaaliga ah oo salka ku hayn karta ku talo- gal amaba baaris aan qoto dheerayn) iyo welibana si marin- habaabis ah uu u soo bandhigo afkaar sal- cilmiyeedkoodu aan loo miidaan dayin.Wuxuu u micneeyay nidaamka federaaliga ah si qalloocan asagoon haba yaraatee xusin marjac (tix-raac) daliil ah oo uu u cuskaday qeexitaanka ama koobidda uu soo koobay waxa loola jeedo federaaliga.

Waxaa maankayga ku soo dhacay maahmaahdii Soomaalida ee oranaysay “ Maroodi aan dhulkiisa joogin sanqadha sagaarada ayuu yeeshaa”. Malaha “Idaajaa” suugaantuu maroodiga ku ahaa oo culuumta siyaasaddu dool buu ku yahay wuuna ku sagaaroobay!!

Qoraalkan uu cinwaankiisu yahay Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?” ee Axmed F. Cali “Idaajaa”:

Federaalka uu “Idaajaa” ka baqayo armuu noqdaa kurtinkii uu Cigaal Shiddaad Libaaxa mooday? waxaa duluc iyo yoolba u ah in uu diiradda saaro gefafka (khaladaadka) qoraalka “Idaajaa” ee la xiriira qeexidda hannaanka federaaliga ah iyo weliba in uu faaqidaad (qaadaa-dhig, taxliil) uu ku sameeyo haddii uu nidaamka federaaliga uu yahay nidaam munaasib (ku haboon) qaab-dhismeedka bulshadeed (ijtimaaci) ee Soomaalida. Waxaa iga afeef ah in aan si ulakac ah (kama ,kas a! h) uga booday qaybaha hore ee qoraalka “Idaajaa” oo aan u arko in aanay haba yaratee wax shuqul ah ku lahayn mowduuca nidaamka federaaliga ah, balse ay yihiin oo keliya qaybo uu asagu daliil ahaan u adeegsanayo dhacdooyin taariikhi ah si uu ugu cuskado dooddiisa ama uu u xoojiyo dooddiisa ayna ka baxsanyihiin bu’da iyo nuxurka mowduuca federaaliga ah. Sidaa aawadeed (daraadeed) wuxuu qoraalkan naqdinta ah (ha u fasirannin naqdintayda mid cambaarayn, iyo dhaleecayn ah ee waa naqdin ku aaddan qooraalka oo keliya) yoolkiisa (ujeeddadiisa, hadafkiisa) ku gaarayaa qaabkan: wuxuu iftiin iyo ilays ku meerinayaa mugdiga xagga macanaha iyo mabaadii’da federaalka ah ee uu “Idaajaa) qoraalkiisu ku garab maray. Wasiilada ! (dawga, qaabka) aan u marayo naqdinta qoraalka “Idaajaa” waa ! wasiilad xaqiiqo (run, xog ) abbaaar ah oo aan shakhsi sinna uusan bar-tilmaameed u ahayn. Marna ma aha ujeeddada qoraalkan in uu eed shakhsi ah la beegsado qoraaga. Hadii si kale aan u dhigo waxaan oran karaa, afkaarta qoraalkiisa ayaan durayaa oo asaga shakhsiyan ma durayo. Qaab-dhismeedka uu qoraalkan isugu xigana waa sida tan:

  • · Qeexiddii “Idaajaa” ee qalloocnayd
  • · Qeexitaanka Qumman ee hannaanka Federaaliga ah
  • · Fikradaha “Idaajaa” ee wax marin- habaabiya
  • · Jawaabaha su’aalihii uu “Idaajaa” soo xigtay
  • . Gunnaanad

 

Qeexiddii “Idaajaa” ee Qalloocnayd

“Idaajaa” wuxuu qeexid kooban ka bixiyay hannaanka (nidaamka) federaaliga ah, wuxuuna qoray sida tan: “federaalnimo (federaal system) waa hab dhisme-dawladeed oo 2 dawladood iyo tiro ka badani ay ku bahoobaan”.

Waa runtii, waxaa shardi ah in la helo in ka badan labo heer dawladeed (= more than one level of government). Dalalka federeeshinka ah qaarkood sida wadanka India wuxuuba dastuurkooda aqoonsaday dawlado (xukuumado) heer saddexaad ah sida dawladaha hoose (baladiyaadka, minishiimbiyada), goleyaasha tuulooyinka, iwm. Laakin sida qaalibka ah ee aalaaba ka dhacda wadamada federeeshinka ah, waxaa uu xukun-wadaag (shared rule) dhex maraa dawlad dhexe oo federaal ah iyo wilaayado (gobollo, maamul goboleedyo,iwm oo waxaa masalanba! dawladda hoose abuura dawlad goboleedyada sida dalka Australia ookale, oo dawladda federaalka ah iyo dawladaha heerka hoose sida baladiyada (minishiimbiyada) wax awood qaybsi ah kama dhexeeyo oo wixii adeegyo ah waxaa loo soo mariyaa dawlad goboleedyada. Bal u kuurgal haddaad ku nooshahay Ameerikada Waqooyi: waxaa jira dawlad dhexe oo federaali ah (level I) Wilaayad ama Province sida dalka Canada (Level II) County (Level III). Marka dastuur ahaan labada hore ayaa awoodda qaybsaday ee tan danbe waa abuurka Wilaayadda. Weligaa ma maqashay Counties Rights ? .Laakiin waad maqli kartaa marka laga hadlayo murannada la xiriira tafsiirinta dastuurka dalka Maraykanka mabd’a la yiraahdo “States Rights” ama xuquuqda willayadaha marka ay isku dhacaan dawladda dhexe ee federaaliga ah iyo gobollada oo mas’alado dastuuri ah u gudbiyaan Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka.

Tubtii toosnayd intuu ka ambaday (ka lumay, ka habaabay) ayuu “Idaajaa” wuxuu ku xijiyay oo uu qoray : “Xukuumaddaas ayaa mar walba gobannimada amaba awoodda sare iska leh (sovereignty)” . Wuxuu ula jeedaa waxaa siyaadada (Sovereignty) amaba awoodda ugu sarraysa iska leh dawladda dhexe ee federaalka. Taas waa gef wayn, waxayna burinaysaa mabda’ gun-dhig amaba aasaas u ah fikradda federaalka oo la’aantiisuna aan dal loogu yeeri karin dal federaal ah.

Mabda’an waa mabda’a dhigaya in aysan marnaba jirin wax kala hoosayn xagga maqaamka iyo darajada ah ee labada heer dawladeed (midda federaalka ee dhexe iyo tan maamul goboleedyada). Macnuhu waxaa weeye “subordination) ama kala sarrayna xagga maqaamka ah hadduu jiro dawlad federaal ma aha ee waa federaal ku- sheeg. Ma ogtahay in Midowgii Soofiyeetka, Yuguslaafiyadii Hore ay ahaayeen dalal dastuurradoodu ay ku qornaayeen (ku dhignaayeen) in ay federaal yihiin balse dhab ahaantii ay federaal ku sheeg ahaayeen?!.

Dawlad waxaa federaal loogu yeeraa marka ay labo xukuumadood sida dawlad dhexe oo federaal ah iyo dawlad goboleedyo, iwm ay si wadajir oo is barbar yaac ah ay mid waliba wixii uu dastuurkii u jideeyay ee lagu heshiiyay ama awoodihii uu dastuurku u qoondeeyay aanay sinnaba dawladda dhexe ee federaalka ah ugaga sarrayn qaybaha fedeeraalka oo haday soo fara-gelisana ay maxkamad dastuuri ah furdaaminayso oo si qaanuuni ah oo xeerka iyo sharciga dastuuriga ah waafaqsan lagu xalliyo oo dawladdii garta lehna gartu raacdo. Mabda’an waa mabda’a loo yaqaanno (coordination).

Marka waa gef in uu “Idaajaa” qoro in ay hal xukuumad gobonnimada iyo awoodda sare mar waliba ay iska leedahay.

Waxaa lagaa yaabaa in uu si khalad ah u fasirtay faqrad ka mid ah dastuurka dalka Maraykanka oo loogu yeero (Supremacy Clause) oo dhigaya in hadii sharci ay dawlad goboleed dejisay iyo sharci ku qoran dastuurka federaaliga ah ay is-burinayaan oo ay is waafiqi waayaan, in sharciga federaalka uu qaalib noqonayo oo uu ka sara marayo sharciga gobollada. Marka sarrayntu waxay ku koobantahay oo keliya sarraynta sharciga dastuuriga oo loogu yeero “Supreme Law” ee marnaba looma fasiran karo sida uu “Idaajaa” u fasirtay oo ah in xukuumadda federaaliga ah ee dhexe ay mar waliba ka sarrayso tan maamul goboleedyada, iwm. Mabda’a sarraynta sharciga federaalku waa caado badanaa ay ku dhaqmaan dalalka federeeshinka ah sida Xeerka Aasaasiga ah ee dalka Jarmalka ugu sarreeya ee loo yaqaanno (Basic Law).

Wuxuu kaluu qoray “Idaajaa” kuwa kalena waxay leeyihiin awoodo xagga sharci-dejinta iyo xagga maamulkaba isugu jira, kuse eg dhulka ay, juqraafi ahaan, ku fadhido.”.

Waa run maamullada sida wilaayadaha, iwm waxay leeyihiin awoodo ku qotoma kuna kooban deegaannada u cayiman oo ku eg dhulka ayaga hoos yimaadda. (Geographical Jurisdiction). Awoodahaas waxay u kala baxaan kuwo gaar ah (“Exclusive Jurisdiction”) ama sida dalka India looga yaqaanno ee (States List) oo haddii uu dastuurku mar oggolaado aan sinnaba loola wadaagi karin dawlad goboledyada, iwm. Tusaale ahaan hadii dastuurka lagu dhigo in awoodaha maaraynta beeraha iyo webiyada dhex butaaca gobollada iyo wax-barashada (tacliinta) ay yihiin awoodaha gaarka ah ee maamul goboleedya! da, awoodahaas waxay noqonayaan kuwo ay ka caagantahay (ka reeban) dawladda dhexe ee federaalka oo aysan sinnaba usoo fara-gelin karin, haday soo fara gelisana si dastuuri ah ayaa la iskaga cabin karaa.

Waxaa kaloo iyadana jira awoodo la wadaago oo si wadar ah uga dhexeeya dawladda dhexe ee federaalka iyo xukuumadaha maamul goboleedyada. Tusaale ahaan dembiyada (ijraamka) ayaa ka mid ah awoodaha la wadaago. Waxaa tusaale ahaan loo soo qaadan karaa Xafiiska Wax-baarista ee Federaaliga ah ee magaciisa loo soo gaabiyo FBI ee dalka Maraykanka ah. Hay’addan waa hay’ad federaali ah oo aan soohdin amaba xuduud lahayn marka ay timaaddo dembi baarista. Sidaa daraadeed dembiyada iyo wixii la halmaala waxaa ay hoos iman karaan awoodaha la wadaago ee loo yaqaanno (“Concurrent Jurisdiction”).

Qeexitaanka Qumman ee Hannaanka Federaaliga ah

KC Wheare oo ahaa caalim ku xeel-dheeraa qawaaniinta dastuuriga ah oo aadna looga danbeeyo ayaa wuxuu u qeexay hannaanka (nidaamka, habka) federaaliga ah sida tan:

Awoodaha dastuur federaali ah waxaa loo qaybiyaa dawlad dalka oo idil ka wada dhaxaysa iyo dawlado ay leeyihiin qaybo dalka ka mid ah, ayadoo dawlad waliba ay qaanuun ahaan (sharci, xeeer ahaan) ay u madax-bannaantahay deegaannadii iyo awoodihii loo qoondeeyay. Dawladda dalka oo dhan uu leeyahay waxay leedahay awoodaheeda u gaarka ah, waxayna adeegsataa awoodaheeda ayadoon haba yaraatee aysan xakamaynaynin qaybaha uu ka koobmo federaalku. Dawladaha ay leeyihiin qaybaha federaalku waxay ayaguna sidaa ookale ay leeyhiin awo! odo iyaga u gaar ah, awoodahaasoo haba yaraatee aysan xakamaynin dawladda dhexe ee federaalka ah. Golaha sharci dejinta ee dawladda dalka oo dhan ka dhexaysa wuxuu leeyahay awoodo xaddidan oo kooban. Sidaa si la mid ah, goleyaasha xeer dejinta ee dawlad gobolleedyada, ama gobolladuna waxay leeyihiin awoodo xaddidan. Midna midka kale kama darajo ama maqaam sareeyo: Labaduba (golaha sharci dejinta ee federaalka iyo goleyaasha maamul goboleedyada) si is barbar yaac ah ayay hawlahooda isugu duwaan. Dhanka kale dalalka leh hannaanka awoodda halka meel lagu mideeyo waxaa awoodda iyo darjada ugu sarraysa iska leh golaha sharci dejinta ee ka dhexeeya giddi ahaanba (gebi ahaanba, dhammaan) dalka. Golahan ayaana fasax i! yo rukhsadba hadduu doono ku bixiya in la abuuro goleyaal sha! rci dejin ama inkale iyo in ay yeelan karaan awoodo iyo inkale, balse golaha sharci dejinta ee dalka oo dhan ayaa awood iyo xaq sharciyeedba u leh in uu ku kor xukmiyo oo uu iska laalo go’aammada ay gaareen. Darajo ahaan golaha dalka oo dhan ayay ka hooseeyaan oo awaamirtiisuna fuliyaan.

KC WHEARE, Modern Constitutions   (2nd edn 1966), p 19

Fikradaha “Idaajaa” ee wax marin- habaabiya

“Idaajaa” asagoo weli dhex jibaaxaya khaladaadkiisa ayaa wuxuu qoray: “Waxa uu ka dhashaa dawlado, markaas ka horow, uu xiriir ‘konfederayshan’ ahi ka dhexeeyey, dabadeedna ku heshiiyey intii hore inay isaga soo dhowaadaan; iyaga oo taas ka filaya cudud ciidan iyo tu’ dhaqaale inuu hannaankaasi u keeno. Intii aysan isu iman, waa dawlado ay tu’ waliba lahayd maamulkeeda u gaarka ah iyo soohdimo dhuleed oo awelba qeexnaa, kuwa kalena ay la wadaagto”

Oraahdan “Idaajaa” (ma soo xigtay”) ee kor ku xusan waa mid runta ka fog. Waayo dalalka maantadan aynu joogno lagu dhaqo nidaamka federaaliga oo tiradoodu gaarayso 25 (dhammaantooda ma aha dalal madax-bannaan) marka laga reebo kuwa la isku yiraahdo Federeeshinnada Klaasiikiga ah (asalka ah) “Classic Federations” oo ay ka mid yihiin wadamada Maraykanka, Canada, Switzerland, dhammaantoodu ma ahayn kuwo markay qaadanayeen nidaamka federaaliga uu markoodii hore uu ka dhaxeeyay xiriir konfedereeshin ah Confederation). Bal u fiirso dalka Nigeria. Dalka Nigeria wuxuu federeeshin noqday sannadkii 1954-tii, lix (6) sannadood! ka hor intuusan madax-bannaanida qaadan.

Bal is waydii sida ay isu qaadi karaan bulsho uu gumaysi u taliyo oo aan xitaa gaarin taqriirul masiir (aayo ka talin) iyo erayadan: “Intii aysan isu iman, waa dawlado ay tu’ waliba lahayd maamulkeeda u gaarka ah iyo soohdimo dhuleed oo awelba qeexnaa, kuwa kalena ay la wadaagto”. Sow beentu ma qarxin?!

Gobolladii Nigeria ee fedeereeshinka noqday ma xiiriir Konfedereeshin ah baa ka dhaxayn jiray?. India wilaayadaheeda ma xiriir konfedeereeshin ah baa ka dhexeeyay?. Willaayadihii Malaysia ma xiriir konfedereeshin ah baa ka dhaxeeyay?. Jawaabtu waa maya. Dalalka kor ku xusan waxay ahaayeen kuwo uu isticmaar maamulo oo ka hor intaysan gaarin gobonnimadooda aan hore u haysanin maamul iyo xuduud ay iyagu u madax-bannaanyihiin oo wax xiriir ah oo konfedeereeshin ah haba yaraatee uusan dhex mari karin.. Dalka Germany waa loo yeelay nidaamka federaaliga ah oo quwadihii xukumayay Germany Dagaalkii Labaad ka dib ayaa u abuuray Germany nidaamka federa! aliga ah sannadku markuu ahaa 1949-kii, inkastoo gobollada Jarmalka qaarkood ay xiriir konfedereeshin ah oo aan waarin uu dhex maray sannadihii 1806, 1867 haddana Jamhuuriyaddii Federaalka ee sannadkii 1949-kii laga abuuray Germany haba yaraatee wax raad ah ama xirriir ah kuma lahayn xiriir konfedereeshin ah oo horay u jiray. Xitaa waxaa dhacda in dal leh hannaanka dawladda midaysn uu u guuro nidaam federaali ah. Tusaale ahaan dalka Belgium wuxuu ahaa dal leh awood dhexda ku urursan, balse wixii ka danbeeyay sannadkii 1971-dii wuxuu si marxalad marxlad ah (gobolaysi ayay ku billaabatay waxayna aakhirkii isugu soo biyo shubatay federaal) ama waxa loogu yeero “Devolutionary Federalism”

Macno ahaan hannaanka konfedereeshinka (Confederation) waa xirrir ka dhexeeya dalal ama gobollo kala madax bannaan oo markay doonaa kala tegi kara. Waxaa xiriirka konfedereeshinka tusaale u ah ururrada caalamiga sida ururkii ka horreeyay Qaramada Midoobay (Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa, Ummadaha Midoobay) oo la oran jiray (League of Nations), Ururka Qaramada Midoobay ee hadda jira, Midowga Yurub, Midowga Afrika, urur goboleedka magaciisa loo soo gaabiyo IGAD iyo xiriirkii ka dhaxayn jiray willaayadaha Maraykanka wixii ka horreeyay sannadkii 1789-kii oo uu dastuurka federaaliga ahi ee uu dhaqan-galay oo uu ka dhaxeeyay wixii loogu yeeri jiray “Articles of Confederation”. Waxaa kaloo taariikhiyan hannaanka Konfedereeshinku lagu tusaaleeyaa Konfede! reeshinka Switzerland (Swiss Confederation). Waxaa xusid mudan in magaca rasmiga ah ee dalka Switzerland uu weli yahay kii loogu yeeri jiray waayadii ay gobollada Switzerland uu ka dhaxeeyay xiriirka Konfedereeshinka ah.

Waxaan shaki ku jirin in tusaalaha uu “Idaajaa” adeegsaday lagu dabiqi karo ama uu ku koobanyahay oo keliya dawladaha la isku yiraahdo “Classic Federations” oo hore loo soo xusay oo markoodii hore uu ka dhaxeeyay xiiriirka Konfedereeshinka oo ayagu doortay in ay u gooraan midow kii hore ka adag ama ka sii cillad yar. Masalan aan ka tusaale qaadanno sida ku qoran araarta (hordhaca) dastuurka Maraykanka oo lagu qoray “More Perfect Union” oo loola jeedo midow kaamil ah oo cilladihiisu ay yaryihiin. Sida la wada ogsoonyahay xiriirkii Konfedereeshinka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray gobollada Maraykanka wuxuu ahaa mid cillad iyo nuqsaan wayn uu ku jiray oo ay dawladduna tamar iyo taag darnayd oo ay xitaa awoodi (tahli) kari wayday fuli! nta awoodihii ay Qodobbada Konfedereeshinku u oggolaadeen, sidaa aawadeedna ay lagama maarmaan noqotay in la abuuro midow xoog badan oo kii hore ka giigsan oo federaal ah. Marka in la yiraahdo nidaamka federaaliga ah waa mid sidan si la mid ah uga wada hirgalay dalalka federaaliga ah waa kaaf iyo kala dheeri, waana gef aan la cafin karin, illeen wixii ka dhacay Maraykanka, Switzerland iyo Canada caalamka federaalka ku dhaqma oo idil laguma sifayn karee.

Waxaa la tuhmi karaa in uu “Idaajaa” uga weecday taariikhda dhabta ah ee hannaanka federaaliga ah si uu daliil ugu helo fikraddiisa. Waxaan shaki ku jirin in uu si uu burhaan ugu helo fikraddiisa uu ku doodayo in nidaamka federaaligu ay samaystaan ookeliya bulshooyinka uu hore uga dhaxayn jiray xiriir Konfedereeshin ah oo sidaa li ajligeeda uu hannaanka federaaligu noqonayo nidaam aan ku haboonayn Soomaalida maadaama uusan hore uga dhaxayn jirin xiriir konfedereeshin ah oo aysan hore u yeelan dawlado leh xuduudo cayiman oo kala qaybiya ka hor inta aysan qaadan federaalka.

Fikraddan waa fikrad aan sal lahayn oo garab martay xaqiiqda dhabta ah ee federaalga. Waayo shardi ma aha in ka hor inta uusan dal federaal noqon in ay marka hore jiraan dawlado leh xuduud dhuleed cayiman oo uu xirir Konfedereeshin ah ka dhexeeyo sida uu soo xigatay ama uu asagu qabo “Idaaja”

waxaa sida aalaaba dhacda marka uu dal qaadanayo nidaam federaali ah la abuuraa Guddi Wayne Federaal ah (Federal Commission) oo si caqligal ah (mandiqi ah) oo ay daacadnimo iyo hufnaan ay ku jirtyo u xadayn kara qaybaha uu ka koobmayo dal federaal ah, ayadoo la tix-gelinayo juqraafi bulshadeedka dalka iyo beelaha ama mujtamacaatka dabiiciga ah (“Natural Communities”) . Masalan waa in la tix-geliyaa taabbagalnimada maamullada la is raacinayo oo xisaabta lagu daro su’aasha ah ficil ahaan deegaannada la is raacinayo hal maamul ma wadaagi karaan?. Iyo weliba shuruudihii kale ee uu guddigu u arko munaasib. Dalal ka kooban shucuub iyo qabaa’il kala isir (sinji, jinsi) ah oo ay ka dhaxayso aano iyo utun taariik! hi ah ayay guddiyada noocan ah u horseedeen nabad iyo xasillooni siyaasadeed ayadoon dhiigna ku daadan. Bal dib u xusuuso sida uu dalka Koonfur Afrika uga guuray nidaamkii midab takoorka ku dhisnaa, uuna u qaatay hannaanka federaal u yaalka ah (Semi- federal) oo aan ahayn federaal buuxa balse meel dhexaad ah. Si kale haddii loo dhigo waa hab muq-shabeel ah oo isku barxa hannaanka federaaliga iyo kan awoodda urursan.

Arrimaha ku saabsan soohdimaha u dhexeeya qaybaha uu federaalku ka koobanyahay waa mid aan ku ekayn dhibaatadeeda dalalka ku cusub qaadashada nidaamka federaaliga ah. Xitaa dalalka lagu tilmaamo federeeshinnada asalka ah ayay murannada (khilaafaadka) xuduudaha la xiriira ay ka dhacaan. Ma is waydiisay sidii ay Switzerland ay ku xallisay murankii dastuuriga ahaa ee dhacay ka dib markii sannadihii toddobaatameeyadii (70-dii) qaybo ka mid bulshadii ku hoos noolayd kaantonka Geneva (Canton waxaa loogu yeeraa qaybaha uu u qaybsanyahay federaal ahaan dalka Switzerland oo u dhiganta wilaayad) ay dalbadeen in ka go’aan Geneva (ma aha in ay dalka ka go’aan) oo ay abuurtaan Kaanton iyaga u gooni ah maadama Geneva ay ku yihiin kuwa xagga afka (luqada) lagaga tirada badanyahay si ay markaa u helaan Kaant! on iyaga u gooni ah oo ay aqlabiyad ku noqon karaan. Waxaa murankan lagu xalliyay si dastuuri ah (afti ayaa loo qaaday) waxaana halkaas ka abuurmay Kaantonka la yiraahdo Jura oo laga dhax jeexay Geneva.

Wuxuu kaluu “Idaajaa” qoray “Sidoo kale, waxay dawladdaasu yeelataa xeerar tiro badan oo awoodda u qaybiya xukuumadda federaalka ah iyo dawladaha federaalnimada isku bahaystay” . Waa run xeerar dawlad goboleedyo iyo xeerar federaali ah ayaa jiraya laakiin kuma habooona in xiriirka ka dhaxeeya qaybaha federaalku lagu sifeeyo erayga “isbahaysi” (taxaaluf, is gaashaan-buuraysi, huwan). Maxaa yeelay dawlado kala madax-bannaan oo uu ka dhaxeeyo xiriir Konfedereeshin ah ayaa samaysta isbahaysi, waana mabda’a taariikhi ah marka la eego asalka Konfedereeshinka sida (League of States, League of Nations, iwm). Marka sidaa daraadeeda luqawi ahaan laguma sifayn karo xiriirka ka dhaxeeya qaybaha uu dal federaali ah ka koobmo mid si “isbahaysi” ah ku samaysmay.

Wuxuu kaluu qoray “Idaajaa” “Federaalnimadu waa hab ka dhaqan-galay qarammo ka mid ah dunida hor-martay, ha yeeshee lagu guuldarraystay markii dalal Afrika ka tirsani ay isku dayeen inay hirgeliyaan”.

Waa run in nidaamka federaaliga uu abuuray dhibaatooyin fara-badan oo xitaa wadamada qaar uu u horseeday dagaal sokeeya. Ma is waydiisay doorka (kaalinta, qaybta) uu nidaamka federaaliga ah uu ku lahaa dagaalkii sokeeya ee dalka Maraykanka ee u dhaxeeyay Koonfurta iyo Waqooyiga ee dhacay intii uu u dhaxaysay sannadihii (1861-1865)? Murannadii la xiriiray is adoonsiga (is cabiidsiga) ka sokoow waxaa ugu waynaa sababaha dagaalka abuuray talax-tag iyo muran ka dhashay sida loo kala fasirtay qodobbadii dastuurkii federaaliga ahaa oo ay gobollada iyo xukuumadda federaaliga ahi ay ku murmeen sida loo fasirayo oo xitaa gobollada qaar ay waxba kama jiraan ka dhigeen qodobbada dastuurka qaarkood. Ma akhrisay “The! Doctrine of Nullification”?. Aakhirkii waxaa loo kala jabay gobollo federaal doon ah iyo kuwo doonaya in dib loogu noqdo xiriirkii hore ee konfedereeshinka.

Maxaa ka dhacay Nigeria? Waxaa ka dhacay dagaal sokeeye ka dib markuu dhashay tuhun ah in awoodihii dawladda dhexe ee federaalku ay qabillo gooni ah gacanta ugu jirto iyo weliba muran dastuuri ah oo ka dhashay cidda maamulaysa dakhliga dalka ka soo gala saliidda (batroolka). Ma gobollada saliidda laga qodo ee ay ceelasha saliiddu ku yaallaan ayaa dakhligaas maamulaya mise dawladda dhexe ee federaaliga ah? Taasoo aakhirkii keentay in uu gobol goonni isu taago oo uu madax bannaani ku dhawaaqo taasoo keentay in ciidamada federaalku ay fara-geliyaan oo ay xoogna ku muquuniyaan si ay u soo celiyaan gobolka goonnida isu taagay. Waa dagaalkii loogu magac daray Biafra War (1967-70).

Federeeshinka Malaysia waxa ka go’ay Singapore. Sidaa daraadeed murannada dastuuriga ah iyo isku dhacyada uu keeni karo nidaamka federaalka waa mid aan dahsoonayn oo la wada yaqaanno. Bal u fiirso taariikhda federeeshinka ee India iyo sida ay sanadihii toddobaatameeyadii (1970-dii ay haweenaydii Ra’isul wasaaraha xilligaas ahayd ay u laashay (si ku meel gaar ah u joojisay) awoodihii wilaayadaha uu dastuurku siiyay oo ay dalkuna ku soo rogtay xukun xaalad deg deg ah oo ay awoodihii willaayaduhuna ku wareejisay dawladda midowga (Union Government). Waa waxa ay Hindidu ugu yeerto “President’s Rule)- Xukunka Madaxweynaha oo sida uu dhigayo qodob ka mid dastuurka India, in haddii wilaayadaha (gobollada) ay ku xad-gudbaan ama ay soo if baxdo xaalad deg deg ah si ku meel gaar ah nidaamka federaaliga ! ihi loo laalayo oo awoodihii gobolladu uu madax-weynuhu la wareegayo ilaa ay xaaladdu caadi ku soo nqoto. Inkastoo ay arrintan jirto haddana Hindidu marna kuma fekerin in ay hannaanka federeeshinka ah ka guuraan.

Marka waxaa cad oo aan daliil u baahnayn in dal waliba uu leeyahay wadci (xaalad) u gooni ah oo aan si guud cillad dusha looga wada tuuri karin nidaamka federaaliga ah. Dhacdooyin ka dhacay dalal fog fog in laga tusaalo qaato mooyaane marnaba ma noqon karaan caqabado ku hor gudban dal waliba oo raba in uu qaato nidaam federaali ah oo casri ah oo si miisaaman oo loo miidaan dayay lagu dhisay ayadoo la tix-gelinayo qaab-dhismeedka bulshada markaas qaadanaysa hanaanka federaalka ah. Isku soo wada duuboo federaal dalalka qaar way ku guul-darraysteen qaarna way ku liibaaneen oo nimco iyo naruuro xagga xasilloonida siyaasadeed ah ayay ku heleen taasoo ay weli ku naalloonayaan. Meel haday masiibo ka dhacdo, taa! s macnaheedu ma aha meel kasta ayay masiibo ku habsanaysaa. Weligaa ma is tiri horaa la isu furaye weligaa ha guursan?! Federaal hadii hore loogu hoogay taas micnaheedu ma aha Soomaalidu way ku hoogaysaa! Xaashaa Lillaah waxaa laga yaabaa in uu Soomaaliya u horseedo xasillooni, baraare iyo is aamin heer qaran ah iyo gacaltooyo dabiici ah oo loo hayo qaran Soomaaliyeed, illeen qaran gacan ku rimis ah oo macmal ah waa kii bulma oo baduugmee.

Bal eeg dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ka kooban Imaarado xukun wadaag federaali ah oo gaaraya 7 imaaradood sida uu ugu horumaray xagga ganacsiga (tijaarada, baayac mushtariga), heerka nolosha marka loo barbar-dhigo dalalka kale ee Jasiirad u yaasha Carbeed (Arabian Peninsula) ee saliidda hodanka ku ah. Waxaa horumrkaas loo nisbayn karaa saliidda ka sokoow madax-bannanida xagga siyaasadda iyo maamulkuba isugu jira ee ay imaarad waliba haysato, kaasoo saamaxaya (oggolaanaya) in uu Imaaradaha dhex maro baratan (tartan, loollan) fayo-qab ah (caafimaad qaba). Ka tusaalo qaado sida Imaaradaha Dubai iyo Imaaradda Abu Dabi ay ugu tartamaan xagga ganacsiga iyo maal-gashiga.

Marka la eego qaab-dhismeedka bulshadeed ee dalka Imaraaradka Carbeed, waa mid dhinacyo badan ka shaabaha qaab-dhismeedka bulshadeed ee Soomaaliya.

Waa bulsho qabali ah (ahaan jirtay?); waa bulsho isku diin ah; waa bulsho isku af ah; waa dal juqraafi ahaan baaxad yar oo dadka ku noolna Soomaalida aad uga tiro yar; waa bulsho isku isir ah (ha xisaabin muhaajiriinta); waa bulsho isku dhaqan ah; waa bulsho reer guuraa-nnimo ka soo unkatay.

Marka laga reebo saliidda waxaaba la orn karaa waa bulsho leh qaab-dhismeedka bulshada Soomaalida.

Haddaan sii wado faagidda gefafka qoraalka “Idaaja” waxaan iminka la tacaalayaa qaybtan uu sidan u qoray: “Waa hannaan ay bulshooyinka aqoonta lihi hirgelin karaan, una baahan garaad siyaasadeed oo ilaalin kara soohdimaha qaanuuniga ah ee ku qeexan xeerarka dawladaha federaalka xubnaha ka ahi ay ku heshiiyeen. Dhinaca kale, waxaa loo baahan yahay inay noqdaan, dhaqaale ahaan, dawlado isu dhowdhow oo mid waliba ay baahideeda dabooli karto, welibana xukuumadda federaalka ah wax ku biiran karto”.

Yaa yiri bulshooyinka soo koraya yaysan soo waaridin (soo dhoofsanin-(import) mu’assasaadka (institutions) kaaba qaab- dhismeedka dawladeed sida nidaamka federaaliga ah ee loogu yeero “Mu’assasaadka la soo Waarido” (“Institutional Imports)?.

Imisa hay’adood ee la xiriira qaab-dhismeedka dawladnimo ayaaa laga soo waariday dunida hore u martay, laguna dabaqay dunida soo koraysa?

Sow marka laga reebo mu’assasaadka xagga dhaqanka iyo caadada (traditional institutions) sida Boqor, Malaaq, Ugaas, Webar, Imaam, Suldaan, Garaad iyo wixii la halmaala, mu’assasaadka ay ka midyihiin dawlad qaran, baarlamaan, madax-weyne, raisul wasaare ma aha mua’ssasaad dunida hore u martay laga soo waariday?. Dawlad Qaran (Nation State) ma Soomaali baa hal abuurkeeda lahayd? Sow fikradda dawladda qaran kama unkan Yurub ayadoo bedeshay dawladihii imbaraatuuriyadda ku dhisnaa (Empire States) iyo Dawlad Magaaleed (City States) ? Sow fikradda dawlad qaran Soomaalidu kama soo waaridin adduunka hore u maray si ay Soomaalidu ula jaan-qaaddo ummadaha adduunka oo ay qaab beeleedkii uga guurto uguna gudubto marxalad cusub si ay adduunka intiisa kale ula simanto? Bal idinkuba qiyaasa hadii aasaasayaashi dhidibbada u aasay qarannimada Soomaaliya ay wagii qaranka la unkaya! y ka biyo- diidi lahaayeen qaadashada hannaanka dawladnimada qaraanka ku dhisan ayagoo dooddooda ku saleeynaya in aysan Soomaalidu hiddo iyo dhaqan toona u lahayn dawladda qaranka (isirka) ku dhisan balse ay yihiin beelo iska xoolo dhaqato ah (raacto, reer guuraa ah) oo aan lahayn garaadka iyo aqoonta ku haboon nidaamkan ama ay tahay wax shisheeye (ajnabi) laga soo waariday oo dunida hore u martay lagu dhaqo?!

Marka maxaa ku jaban haddii fikradda federaalka la soo waarido oo lagu dabaqo Soomaaliya illeen fikradda dawladda qaranba waa la soo waaridee!? Waxaaba laga yaabaa in haddii la soo waarido habka federaalku uu noqdo dawo lagu dabiibo cudurka siyaasadeed ee Soomaalida haya. Haddaan sii bidhaamiyo oo aan sii tusaaleeyo soo waarididda nidaamka federaaliga ah waxaan xusayaa misaal (tusaale) aan hubo in uusan ku cusbayn “idaajaa”.

Sannadihii toddobaatameeyadii (1970-dii) markii farta lagu qorayo Af-Soomaaligu la rabay in la go’aamiyo ayaa waxaa ay dood ka taagnayd farta Laatiinka iyo farta Carbeed midda xuruufaheeda loo isticmaalayo af-Soomaaliga. Dood iyo is maan-diid dheer ka dib waxaa aakhirkii la qaatay in xuruurfaha Laatiinka loo adeegsado qorista af-Soomaaliga. Mar “idaajaa) wax laga waydiiyay in ay haboonayd in xuruufaha Laatiinku loo adeegsado qorista af-Soomaaligu “idaajaa) wuxuu jawaabtiisa ku tusaaleey sidan: “waxaan u isticmaalaynaa farta Laatiinka sida korontada” oo uu ula jeedo isticmaalka xuruufaha Laatiinku ma wiiqayso (ma dhaawacayso) dhaqanka iyo diinta sida ay tuhmayeen dadkii raacsanaa isticmaalka xuruufaha Carbeed oo diinta loo dhaweey! nayay.

Waxaa la yaab leh in uu “idaajaa” yiraahdo farta Laatiinka waxaan u adeegsanaynaa sida korontada oo uu nidaamka federaaligana la yahay wax qariib ah oo aan ku haboonayn Soomaalida asagoo u cuskanaya ku haboonaan la’aanta Soomaalida ee federaaliyadda sababo aan cilmi iyo madiq toona ku dhisnayn oo laab la-kac iyo caadifad ku salaysan.

Wuxuu kaluu “idaajaa” ku doodaya in “Dhinaca kale, waxaa loo baahan yahay inay noqdaan, dhaqaale ahaan, dawlado isu dhowdhow oo mid waliba ay baahideeda dabooli karto, welibana xukuumadda federaalka ah wax ku biiran karto”.

Run ahaantii ma jiro dal xitaa hadduu yahayh mid awooddu meel ku wada urursantahay ay deegaannada iyo qaybaha uu ka koobmo ay isku khayraad iyo dhaqaale yihiin. Marka shardi ma aha in qaybaha uu ka koobmo federaalka ay dhaqaale ahaan isla sinnaadaan. Dhibaatada la xiriirta farqiqa heerka dhaqaalaha waxaa sid caadada ah ay dawladaha federaalka ihi ay kula tacaalaan waxa loogu yeero “Deeqda Federaalig ah” (Federal Grant) si loo kabo qaybaha dhaqaale ahaan dhutinaya ee federaalka ku jira si ay ula saan qaadaan qaybaha dhaqaale ahaan isku filan.

Xitaa waxaa jira wax loogu yeero “Federaaliyad kala Daraf Dheer” “Asymmetric Federalism” oo loola jeedo federal awood qaybsigiisu aan isku saami ahayn oo gobollada, iwm si aan isla sinnayn awoodaha loogu qaybiyo oo masalan haddii gobol uusan dhaqaale ahaan amaba siyaasad ahaan aysan ku haboonayn awoodda aan la siinaynin awooddaas. Tusaale ahaan federaallada adduunka ma jiro mid tirada dadka ku nool qaybihiisa ay isla egyihiin, marka haddii gobol ay ku noolyihiin dad aad u badan ayaa ayadoo aan laga weecanaynin mab’da’a sinnaanta qaybaha federaalka ayaa haddana la tix-geliyaa xaaladaha dhaqaale, bulshadeed iyo siyaasadeed ee gobolka. Bal u fiirso wilaayadaha Jamu iyo Kashmir ee India amaba magaalooyinka Bonn iyo Bremen ee Germany.

Jawaabaha Su’aalahii uu “idaajaa soo Xigtay

“Maxaa diidaya dawlad federaal ahi inay Soomaaliya ka dhisanto?”

Jawaabta su’aashan oo “idaajaa” ka soo xigtay marxuumka uu xusay waxaa uu nuxurkeedu yahay in uusan nidaamka federaaliga ihi ka hirgeli karin Soomaaliya oo uusan miro-dhal noqonayn haddii lagu jujuubo mooyaane maadaama ay Soomaalidu ay qabaa’il yihiin oo haddii xiriir qabiil lagu dhisana magac kale oo aan federaal ahayn loo raadiyo, waa sida uu u dhigaye.

Run ahaantii oraahdan waa mid aan loo aabba-yeelin. Waayo waxaa is waydiin mudan federaaalku sidiisaaba yuu ka dhaxeeya? Ma wuxuu ka dhaxeeya dhulal maran oo aan beni-aadanba ku noolayn oo leh soohdimo dhuleed oo keliya mise wuxuu ka dhaxeeyaa dadka ku nool dhulka oo noqon kara dad ku kala duwan xagga isirka, afka, diinta amaba qaab-dhismeedka buslhadeed oo qabiil iyo reer-reer ku dhisan? .

Federaalka Switzerland iyo Belgium sow kama dhaxeeyo beelo luqad ku dhisan (Linguistic Communities)?

Sow dastuurkii Federaalka ee Maraykanka araar (hor-dhac) loogama dhigin “Annaga oo ah shacb-weynaha Willaayadaha Midoobay “We the People of the United States of America). Maxaa loo oran waayay (We the United States Of America)?. Jawaabtu waxa weeye, axdiga federaalka ah (The Federal Covenant) wuxuu dhex marayaa shacab oo ma dhex maro gobollo juqraafi oo lama degaan ah.

Qodobka koowaad ee dastuurka dalka Belguim sow sida tan uma qorna? “Belgium is a federal State, composed of Communities and Regions" oo marka la Soomaaliyeeyo noqonaysa: Belgium waa dawlad federaal ah oo ka kooban beelo (mujtamacaad) iyo gobollo.

Qaabka Federaalka ee Belgium wuxuu ku salaysanyahay beelo iyo gobollo. Beeluhu waxaa awood loo siiyay in ay maamulaan arrimaha la xiriira hiddaha iyo dhaqanka sida afka iyo tacliinta (wax-barashada). Halka gobolladuna awood loo siiyay maaraynta arrimaha la xiriira horumarinta dhaqaalaha, dalx-iiska,iwm iyo wixii arrin dhuleed ah.

Weligaa ma eegtay baasaboorka (dal ku galka) qof u dhashay dalka Switzerland?. Waxaa ku shaabadaysan beesha uu ka soo jeedo (waa beel afeed ee ma aha beel abtirsi) ee uu dhalashada ka haysto ee loogu yeero “Commune of Origin”. Haddii qof shisheeye ah oo in muddo ah degganaa dalka Switzerland uu damco in uu codsado dhalashada (jinsiyadda) Switzerland waxaa shardi ah in marka hore uu dhalasho ka soo qaato beesha uu dhex degganyahay , marka ay beesha uu dhex deggenyahay u oggolaato dhalashada ayunbuu jinsiyadda Switzerland qaadan karaa.

Marka federaalku dhul keliya kuma dhisna ee waa mid beelo iyo mujtamacaad ku dhisan. (“Guri ninkii dhisay baa ka wayn”)

Marka uu leeyahay “maxaa yeelay federaalisimku ma aha fikrad antarabooloji (anthropological thought) oo dhalasho iyo abtirsiinyo ku socda. Waa fikri qaanuuni ah oo degaan ku salaysan”. ‘ Maa qaanuunkii cuf-is-jiidadka (Gravity) ee “Newton Law” baa? Jawaabtu waa maya federaalku ma laha xeer cilmiyeed la mid ah xeerka fiisikada (Law of Physics) ee wuxuu leeyahay sharci qiyaaseed ama “Criteria” sida in ay jiraan in ka badan labo heer xukuumadeed; in uusan jirin kala maqaam sarrayn; in ay jirto madax-bannaani siyaasadeed iyo mid xagga maaliyaddaba ah oo ay qayb waliba ku fuliso awoodaha uu dastuurku u qoondeeyay.

Marka uu soo xiganayo in nidaamka federaaliga ah uusan ahayn mid fikrad antarabooloji ku salaysan. Ma is waydiiyay federaalka sinjiga iyo isirka ku dhisan (Ethnic Federalism)?. Sow cilmiga daraasaadka bulshooyinka (anthropology) gundhig uma aha daraasaadka jinsiyadaha.

Waa khalad in uu “idaaja” xoogga saaro oo uu ku nuux-nuuxsado in deegaan keliya uu gundhig u yahay nidaamka federaaliga ah oo uu iska indha-saabayo qaab-dhismeedka bulshooyinka ku nool deegaannada, kuwaasoo noqon kara shacab qabali ah oo beelo abtirsi ku dhisan ah (Soomaaliya) ama beelo af ku dhisan (Switzerland iyo Belguim). Si kale haddii loo dhigo federaalku wuxuu ku saleeysanyahay beel qaran (National Community).

Haddaba marka la eego qaab-dhismeedka bulshada Soomaalida iyo xaaladda cakiran ee ay maanta Soomaalidu ku jirto waxaa la oran karaa federaalku waa uu ku haboonyahay in ay tijaabiso oo lagu bilkeedo. Teeda kale qaran-dhisku hoosta ayuu ka soo aasaasmaa oo ma aha in dawlad dhexe Soomaalidu mar kale lagu juujuubo.Waa tan Soomaalidu ku maahmaahdo “Haani guntay ka tolantaa”. Waxaa haboon in marka hore dib loo soo nooleeyo kalsoonida mujtamaca Soomaalida oo la abuuro nidaam kalsooni dhisi kara. Waxaa kaloo xusid mudan in nidaam kasta oo uu dal ku dhaqmo dib loo eegi karo oo waxna laga bedeli karo, waxna lagu dari karo, illeen ma jiro adduunku dastuur qodobbadiisa aan sinnaba wax looga bedeli Karin marka laga reebo faqradaha loo yaqaanno faqradaha waara (Eternity Clause) ! ama faqradaha wax xadeeya (Limitation Clause) oo laga helo dastuurrada dalaka Jarmalka iyo India oo dhigaya in hannanka federaaligu aan sinnaba loo bedeli karin ama in mabaadii’da dimuqraadiyadda aan laga tallaabsan karin, iwm.

“arrinta federaalnimada Soomaaliya waa maxay danaha uu shisheeyuhu ka leeyahay”?

Su’aashan labaad ee uu “idaajaa” ka soo xigtay isla marxuumka waxaa la oran karaa waa mid xilligeedii laga soo gudbay. Waayo, Soomaalida maanta ma aha tii waayadii “Dagaalkii Qaboobaa”. Soomaaliya mar bay ahayd buqcad (goob) istraatiiji ah oo ay labadii quwadood ee Midowgii Soofiyeetka iyo Maraykanka ay ku loollamaan (ku baratamaan, ku tartamaan) Laakiin wixii ka danbeeyay dumiddii uu dumay Midowgii Soofiyeetka ee soo af-jaray Dagaalkii Qaboobaa Soomaliyaa way wayday istraatiijyaddii ay lahayd. Ma is tiri dagaalka sokeeye ee Soomaaliya sidan uma daba dheeraadeen ama maba dhaceen hadduu weli socon lahaa Dagaalkii Qaboobaa?!. Ma ogtahay in Soomaaliya loogu naanayso “Agoonkii Dagaalkii Qaboobaa (“Orphan of Cold War”) maadaama ay gursadeen naasihii ay jaqaysay (waa deeqihii nooc waliba lahaa e! e dalka ku soo qulqulayay).

Haddii la yiraahdo waxaa Soomaaliya dano dhaqaale oo istraatiiji ah ka leh Itoobiya oraah been ah ma aha. Shaki kuma jiro in ay Itoobiya dano dhaqaale oo istraatiiji ah ka leedahay Soomaliya siiba wixii ka danbeeyay goosashadii Eritrea oo ka dhigay Itoobiya dal bad-laawe ah. Waana wax la fahmi karo. Balse sinna looma oran karo Itoobiya waxay isku qarinaysaa muraayad qiiq ah waxayna adeegsanaysaa nidaamka federaaliga ah si qaybaha federaalka Soomaalida ay u noqdaan kuwo awaamirteeda fuliya. Waayo halista noocaas ah (haddayba jirto!) waxaa lagaga gaashaaman karaa qaab dastuuri ah.

Waa waalli iyo dhimir beel oo marnaba lama qaadan karo in awoodaha dastuuriga ee la siinayo gobollada, maamul goboleedyada,iwm la iska siiyo qaybaha federaalka ayadoon laa abba-yeelin oo aan loo miidaan dayin cawaaqibka ka iman kara. Waa in laga digtoonaada oo laga taxaddiraa dul-duleellada dastuuriga ee laga huluulan karo. Tusaale ahaa sinnaba u uma qummanaan karto in maamul goboleedyada awood loo siiyo in ay mucaahado (heshiis) ama xiriir ganacsi la galaan dal shishiiye. Masalan maamul goboleed bad iyo deked leh sinna sax uma aha inuu heshiis ganacsi dal shisheeye. Sidaa aawadeed waxaa lama huraan ah in awoodaha keenaya in uu maamul goboleed xiriir gooni ah oo noqon kara mid siyaasadeed iyo mid gana! csiba uu la galo dal shisheeya. Waayo waa awoodo xasaasi ah oo dhaawacaya wada jirka qarannimada oo aan marnaba gacanta loo gelin karin maamul goboleedyada. Waayo waxaa jira awoodo markaad eegto wadamada ku dhaqma federaaliyadda aan lagu aamini karin qaybaha federaalka. (“waraabe lud laguma raro”).

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa dastuurka maraykanka oo awoodda nidaaminta iyo sharciyaynta ganacsiga ka dhaxeeya gobollada ay iska leedahay dawladda dhexe ee federaaliga ah oo aan lagu amini karin gobollada .

“Kooxda soomaalida ah ee federaalnimada wadwaddaa waa tuma, maxayse uga jeeddaa?”

Su’aashan jawaabteedu ma fududa. Ileen waxaa meesha ku jirta yaa shicibka Soomalida afti shacbi ah ka wada qaaday oo waydiiyay nidaamka federaaliga raalli maka tiiin?. Ma idinku haboonyahay?. Balse waxaa hubanti ah in uusan ahayn nidaamka federaaliga ihi mid ay shakhsiyaad xukun-doon ah oo keliya ay hal-abuurkiisu leeyhiin. Waayo waxaa is waydiin mudan shakhsiyaadka uu qoraalku sarbeebay halkay ku hooyadaan? Waxay ku hooyadaan beelo ay xoog, juujuub iyo sharciyad waxay ku hogaamiyaanba ay talo ku leeyhiin. Marka sow meesha kuma jirta in bulshada uu hogaamiye koxeedka iyo wixii la halmaalaba ay ku hooyadaan ay u arkaan hannaanka federaaliga ihi in uu yahay qaabka keliya ee ay ay kaga samatax-bbixi karaan awood dhexe oo hal gacan ku urrsan oo laga Wada dheregsanyahay cawaaqibkii ay reebtay oo haddii qaabkaas la waayana ay ka door-bidiya! an in ay beelahooda iskaga hoos noolaadaan sidii ay weligoodaba ay ugu hoos noolaayeen ka hor curashada dawladda qaran ee Soomalida?. Marka aad eegtid kala googo’a Soomaalida ee maanta taagan iyo sida ay Soomalida u kala didday waxaaba la oran karaa habka federaaliga ah waa habka keliya ee dib u soo noolayn kara qarannimadii burburtay ahana kan keliya ee lagu soo xero gelin karo qabaa’il aad mooddid in ay yihiin duur-joog marka ay timaaddo u hogaansamidda awood dhexe oo ay adagtahay in la rabaayadeeyo. Marka waxaa lagu doodi karaa in ay gef tahay in lagu sifeeyo nidaamka federaaliga ah mid ku kooban hogaamiyeyaasha Soomaalida si ay jago iyo mansab u abuurtaan. Waxaa laga yaabaa in dadka fikraddan qaba ay tuhmayaan cilladaha lagu sifeeyo nidaamka federaaliga ee loo yaqaanno laban-laabmidda xukuumadda “Duplication of Government) oo xafiisyo iyo jagooyin dawlad! eed oo is-barbar yaacaya ay dalalka federaaliga ihi ay ka soo fufaan. Masalan, madaxwayne (mid federaali ah, mid maamul goboleed). Gole baarlamaan oo federaali ah (gole sharci dejin ee heer maamul goboleed). Gole wasirrro maamul goboleed (gole wasiirro oo federaali ah (federal cabinet). Cilladaha noocan ah haba yaraatee wax caqabad ah oo sidaa u buuran kuma ah nidaamka federaaliga ah ee waa wax kallifaya habsami u socodka maamulka.

“Waa maxay hab-dhismeedka dawladeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay?”

Waxaa hubaal ah in wadamada logu dhaqo nidaamka federaaliga ihi ay yihiin dalal juqraafi ahaan aad u baaxad wayn. Waxaaba la oran karaa sababihii uga waa-waynaa ee keenay unkashada iyo hal abuurka nidaamka federaaliga ah waa kuwo salka ku haya kala fogaanshaha xagga masaafada juqraafi ee qaybaha federaalku. Federaaligu waxaa la hal abuuray xilli ay is gaarsiinta adduunku heer hoose maraysay. (Baabur, dayaarad, telefoon ma jirin). Waana sababta keentay in federaalka casriga ah uu ka soo hanaqaado dalal aad u baaxad wayn Sida Maraykanka, Canada, Australia oo sababo siyaasadeed ka sokoow wadciga juqraafi ee dalalkan uu door ku lahaa qaadashada ay qaateen qaab-xukunka federaaliga ah maadaama ay mujtamacaadku doonayeen dawlad ayaga u dhow oo ay taladeedu leeyihiin. Doorka ay masaafada juqraafi k! u leedahay nidaamka federaaliga ihi waxaa lagu tusaalayn karaa jasiirad ka baxsan dhul-waynaha Malaysiya ayaa waxaa loo oggolaaday awoodo ka badan kuwa la siiyay qaybaha kale ee federaalka Malaysiya maadaama ay gooni u go’antahay ayadoo la tix-gelinayo xaaladda juqraafi ee jasiiraddaas.

Hase yeeshee waxaa iyadana aan marnaba meesha laga saari karin in uu federaalku yahay wax siyaasad salka ku haya ee an ku salaysnayn oo keliya juqraafi iyo kala fogaanshaha deegaannada ee waxaa xitaa qaatta dalal aad u baaxad yar oo tirada dadka ku noolina ay yaryihiin sida Switzerland, Usu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Belguim. Marka waxaa la oran karaa nidaamka federaaligu waa mid ku haboon dal baaxad yar oo dadka ku noolina ay yaryihiin sida Soomaaliya haddiiba qaab-dhismeedka bulshadiisu aanu u cuntamayn nidaamka awooddu halka meel ay ku urursantahay.

Waa marag ma doonto in ay soomaalidu wadaagto waxyaalo badan oo ma-guuraan ah oo ka dhigaya qarannimadeeda mid dabiici ah. Soomaalidu ma aha bulsho aan is qaadi karin oo sida Soomaalidu tiraahdo “dab iyo dhagax ah” isku ah. (“Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraa”). Xaashaa Lilaahi! Soomaaliidu waa beel qaran oo dabiici ah hal meel ka soo wada unkatay si kastaba ha isku kala qayb-qaybiyeenne. Balse federaalku laguma sifayn karo mid suulinaya wada dhalashada ma-guuraanka ah ee Soomalida. Bil-caks Soomaalidu waa kuwo lagu tilmaami karo federaaliyiin dabiici ah (Natural Federalists). Waayo waa bulsho ka hor isticmaarka (gumaysiaga) aan awood dhexe ee guud ku hoos noolaan jirin oo madax-bannaani beeleedku ku dheeryahay. Waa bulsho madax-bannaanida iyo qab-way! nida shakhsiga ihi ku sifoowday oo awood ka baxsan tan reerkooda ayba la tahay wax qariib ah oo amar-diidayaal u badan.

Haddii lagu doodo Soomaaliya waxaa xal u ah isu-talis ama is-maamul hoosaad ku dhisan maamulka (Administrative Autonomy)ee aan siyaasad ku dhisnayn, waxaa aan daliil u baahnayn in maamul noocaas ah uusan waxba ka duwanayn (ka geddisnayn) maamulladii xukuumadihii ka horreeyay dagaalka sokeeye. Waayo is-maamul hoosaad waa qaab awood bixin ah ( xukun-wadaag) oo aan lahayn damaanad dastuuri ah oo markii uu doono dib ula noqon karo baarlamaanka dawladda dhexe, illeen awoodda ugu sarraysa ee siyaadada waaxa mar waliba yeelanaya dawladda dhexe, awoodaha gobolladuna waxay noqonayaan awoodo la soo dawarsaday (la soo baryay, la soo tuugsaday) oo markay doonto dawladda dhexe diidi karto in ay bixiso ama hadday doonto ceshan karto kuway hore u bixisay. Si kale haddii loo dhigo awoodaha is-maamul goboleedyada waa kuwo g! obollada lagu amaanaystay oo ay dawladda dhexe xaq sharciyeed u leedahay halka hannaanka federaalkuna yahay xukun-wadaah dhex mara labo libaax oo uu mid waliba qayb libaax qaadanayo.

In lagu misaalo xukun-wadaag federaali ah qaran-dumis ama ay ka dhigantahay “qaabil raalii gelin” waa mid xaqiiqda dhabta ah ka fog oo iska indha-tiraysa muxtawiyaadka (ingredients) ay bulshada Soomaalidu ka koobantahay. Maxaa yeelay dal haddii dadka ku nooli ay yihiin dad xagga isirka, diinta,iwm ku kala duwan sida dalka Koonfur Afrika sinnaba dabool uma saari karo waaqica bulshadiisa, waana in uu tix-geliyaa wadcigisa gaarka ah. Marka yaa dafiri kara (inkiri kara) in ay Soomaalidu ka koobantahay qabaa’il oo aan sinanaba loola bar-bar dhigi karin bulshooyinka ka gudbay marxaladda reer-reerka ee loogu yeero “bulsho baahsan” (“Mass Society”)?. Haddaba ayadoo la tix-gelinayo wadciga gaarka ah ee Soomaalida ayaa waxaa roon in ay Soomaalidu abuurtaan dawlad googol-wa! yn oo aanay qolana dareemayn in la xusulinayo. Haddii taa la waayana waxaa hubaal ah in dawladdii la abuura ay noqonayso mid gogol yar (dawlad awooddu hal meel isugu urursantahay) oo aysan dawladdaasu noqonayn mid wada deeqda oo ku filan beelaha oo ay dhacayso-wayba dhacday- in beel waliba u hanqal-taagto hanashada awoodda urursan (dawladda dhexe) oo sida gogol laga sameeyay haragga (maqaarka) sagaarada ookale ay noqonayso (wayba noqotay) oo in la iska kacsado mooyaane aan la kala durki karin (federaal waa lagu kala durkaa). Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gogol harag sagaaro laga sameeyay iiga kac mooyaanne, iga durug ma laha”. waana runtii waxa ka dhacay Soomaaliya oo markii awooddii qaranku laha lagu tagri-falay oo ay gogashu yaraatay ay beelihii wax tabanayay abaabushteen ciidan jabhadeed beel ku dhisan si ay gogasha uga kacsadaan qolooyinkii loo tiirinayay in ay sed-bursadeen xukunka. Isku soo wada-duubo, waxaa lagu doodi karaa i! n nidaamka fedederaaliga yahay googol-wayntii ay Soomalidu ku! kala durki lahayd, illeen awoodda iyo xukunka ayuu firdhiyaa hannaanka federaaliga ah, wuxuuna ka hortag u yahay in ay beeluhu ku qamaamaan hanashada iyo ku fariisiga gogoshan yar (awoodda dhexe ee urursan).

Gunnaanad

Qoraalkan wuxuu soo faagay oo uu iftiimiyay gefaf xagga macnaha iyo mabaadii’duba la xiriira ee nidaamka federaaliga ah oo uu sababay qoraalka “idaajaa” oo salka ku hayn karta ku talo- gal ama ku qotomi karta nuqsaan la xiriira aqoon siyaasadeed aan muggeeda waynayn. Waa qoraal aan qabo in hal-ku-dhegga (cinwaanka) uu u bixiyay iyo dulucda qoraalka aysan is burinayaan oo aysan is waafaqayn. Waayo bar (nus ) ka mid ah qoraalkiisa wuxuu ka koobnaa dhacdoooyin caadifad iyo laab lakac ku dhisan oo uu ku faagayay cadaawad wakhtigeedii laga soo gudbay. Waxaa ku haboonayd in uu xoogga saaro qaadaa-dhig iyo faaqidaad uu ku sameeyo nidaamka federaaliga ah oo uu la tacaalo sida federaalku ugu haboonyahay ama sida uusan ugu haboonayn bulshada Soomalida oo tix-raac iyo daliil ku dhisan. Sidaa bil-caksigeeda ayuu “idaa! jaa” qoray oo wuxuu noo soo taxay silsilad dheer oo taariikhi ah oo ku xoojinayo tuhunka iyo shakiga uu ka qabo cadowga wirwirka iyo dhalanteedka ah (khiyaaliga ah) ee Itoobiya. Tuhunka Itoobiya laga qabo waa mid marka loo kuur-galo lagu tilmaami karo mid laga bad-badiyay oo la buun-buuniyay. Waa tuhun beenoowi kara marka la lafa-guro xaaladaha bulshadeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Itoobiyada maanta jirta. Maxaa yeelay Itoobiyada maanta jirta ma aha tii Xabashidii qarniyaal ka hor Soomaalida kula jirtay colaadda xagga diinta ah. Ma ah mid taliskii “Dirge” ( Dirge waxaa loogu yeeri jiray taliskii Mingistu) uu talada hayo. Itoobiyada maanta ma aha tii Imbaraatuurkii Amxaarada ee dhul-ballaarsiga ku hamiyay ee Haile Selaassie uu ka taliyo. Haile Sel! aassie wuxuu ahaa nin waayadii uu noolaa ku dhaqan aha, wuxuu! na weligii ku taamayay in uu la wareego dhammaan dhulalka ay Soomaalidu degto (horay buu Galbeed ula wareegay) ee Geeska Afrika oo uu ka dhigo qayb ka mid ah Imbraatuuriyaddii Amxaarada si la mid sidii uu ka yeelay Eritrea oo uu dhulkeeda la wareegay sannadkii 1962-dii.

Itoobiyada maanta ma aha mid quwad wayn ah oo warshadaha (sancada) ku horumartay oo awood dhaqaale iyo ciidanba u yeelan karta in ay liqdo (dhunjiso) Soomaalida.

Itoobiyada maanta waa tii uu qoraa wax ka qora arrimaha wadaniyadda (nationalism) ku tilmaamay (Prison House of Nations)-Guri xabsi ah oo ay ummado ku taxaabanyihiin-. Wuxuu qoraha ula jeeday oraahdiisa in Itoobiya ay tahay dawlad xoog, juujuub iyo muquunin ay dawladnimadeedu ku dhisantahay oo ay halis joogto ah ugu jirto in ay si fudud u dunto. Waayo waxay ka koobantahay qowmiyado kala jaad ah (kala nooc ah, kala duwan) oo wada maleegaya (shir-qoolaya) (marka laga reebo kuwa wadajirka ka manaafacaaday) sidii ay uga boodi lahaayeen gidaarka ( derbiga) xabsiga.

Marka, waxaa la oran karaan tuhunka iyo shakiga lala beegsanayo Itoobiya waa mid aan ku fadhin sal caqli-gal ah oo lagu misaali karo qof hooskiisa ka baqay. Bal u mar kale u fiirso xaaladda dhaqaale ee Itoobiyada maanta. Itoobiyada maanta waxay meesha ugu hoosaysa kaga jirtaa liiska (taxda) Warrbixinnada lagu cabbiro (qiyaaso) horumraka beni’aadamka (eeg oo akhri Human Development Reports). Waa dalka adduunka ugu saboolsan (faqiirsan) oo lagu garto muuqaallada, abaarta, macalusha iyo gaajada oo dadkiisu quudin kari waayay.

Bal eeg sida dalka yar ee shalay ka qayb ahaa Itoobiya ee Eritrea uu iska caabiyay Itoobiya markii ay labada dal isku dhaceen oo uu dhex maray dagaal xagga xuduudda ah. Itoobiya dagaalkan xoog way ku soo af-jari waysay, waxaana loo baahday ciidan caalami ah oo kala dhex gala labadan dal. Ma Soomaliya oo qarannimadeedii soo ceshatay ayaa ka taag-darnaan karta Eritrea oo aan iska caabin karin fara-gelin ay Itoobiya soo fara-geliso qarannimadeed?. Jwaabtu waa maya.

80-ka Malyuun ee Itoobiyaanka ah ee uu “daajaa” soo xigtay ma is waydiiyay imisaa muslim ka ah? Imisaa Oroomo ah?. Imisaa Cafar ah? Itoobiyada ay qowmiyadda ugu tirada badani Aroomadu tahay miyay Soomaalidu halis u aragtaa marka la oddoroso halista Itoobiya?.

Aroomada iyo Cafartuba waa dadka adduunka ugu dhow Soomaalida marka laga eego dhinacyada isirka iyo afka oo xitaa lagu doodi karo in ayaga iyo Soomaaliduba wada yihiin laamihii ama faracii geed wayn. Waxaa hubanti ah in hadii Itoobiya laga abaabulo doorashooyin xalaal ah oo aan lagu shuban oo ku dhisan dimuqraadiyad, xorriyad iyo hannaan doorasho oo aan ahayn mid cod khasaariye ah ay talada iyo xukunk Itoobiya ka wareegayso labada qowmiyadood ee Amxaarada iyo Tigreega ee taariikhiyan xukunka kala dhaxlayay (hadda Tigreega ayaa dhaxaltooyada haysta) oo talada si fara-maroorsi ah muddo qarniyaal ah si gooni gooni ah u kala haystay oo ay awoodda ugu sarraysa ee fulinta gacanta u galayso qowmiyadaha leh aqalabiyadda xagga! tirada.

Waxaa ayaan darro ah in diidmada nidaamka federaaliga ah iyo ku haboonaan la’aantaiisa ee Soomaalida uu “idaajaa” bud-dhige uga dhigo cabsi iyo baqdin nafsaani ah iyo hebel baa sidaa yiri oo waayo doodaha noocaas waxay gef ku tahay garaadka Soomaalida, maanka fayowna ma qaadan karo.

Ma Itoobiyaa awood Maraykan iyo mid u dhowba yeelan karta mustaqbalka dhow? Ma is barbar-dhigga Itoobiya iyo Maraykanka, Mexico iyo Soomaaliya ayaa ah tusaale loo miidaan dayay ah?

Gebegebadii iyo gunnaanadkii waxaa Soomaalida la haboon iny muraayad isku eegaan oo aysan dal kale u eersan qaran dunkii ku dhacay. Waayo Soomaaliyoo mid qur ah oo ah qaran walaalo ah sinna Itoobiyadan saboolka ah ee taagta daaran uma moosi karto hirka iyo mawjadda qaranka Soomaalida si kasta oo ay iskuga daydo (Eritrea ayay mucaarad iyo qaabab kale u adeegsatay carqaladaynteeda balse way ku hungoowday). Soohdimaha siyaasadeed (ma aha kuwo bulshadeed) ee ay askarta (ciidamada) Itoobiyaanku ka soo tallaabaan wax waaraya ma aha ee waa sida cayayaan-roobeedka ookale oo markuu roobku joogsado la arko ayagoo dhulka tuban oo wada bakhtiyay.

Si kastaba arrintu ha haatee waaxaa la wada ogsoonyahay in badi dalalka adduunka ee ay dagaallada sokeeye ka dhaceen ay dagaalladooda ka dib abuurteen qaab-dawladeed u horseeday nimco iyo naruuro xagga siyaasadda ah, waayo waxay ka cashar qaateen sababihii dhaliyay dagaalladooda ahliga. Haddaba waxaa la oran karaa daagaalka sokeeye ee Soomaliya waa mid dhaliyay fursad loogu guuri karo marxalad iyo waa cusub oo lagu dhisi karo qaran cusub oo casri ah oo ay awoodaha dawladdu kala firdhisanyihiin oo aanay qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliduna isu arag in ay dulmanyihiin oo ay ku jiraan xabsi-qarameed.

Maxamed Xaaji Caddoow

London, England

Emai: mohamedadow@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Idaajaa oo Qoraal Taariikhi ah Kasoo Saaray Federaalnimada Soomaaliya
Axmed Faarax Cali "Idaajaa" ayaa qoraal kasoo saaray ujeedada Guji...

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]