SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
C/QASIM IYO HEESTII,'NIN CEYRI WALIGII CEEB KAMA FOGAADEE...'

Qore: A.Dirir

burashadley@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

12kii Agoosto, lurkii carte iyo C/qaimna xag sharci ahaan ayeey u dhamaatay laakiin su'aasho
waa taariikhdu Carte halkee bay ka gali doontaa?

Anigu waxaan qabaa in Carte ay horayba u gashay taariikhdu, haboon tahayna in lagu qoro buugga
rikoorada ee giiniyus sababaha soo socda darteed:-

1. Waa dawlad ku sheegii ugu beenta badneed ee dunida soo marta oo maleeshiyada qabiilka
C/qaim ku sheegtay tii qaranka Somaliyeed.
2. Kooxdii magaca dawladnimada dhaawacday intii dunidu jirtay sida iyadoo maanta
waxay yiraahdaan maalin ka dib beeniya hadana ka soo noqda , taas oo aad ka garan kartid sida
ay u dhaqmi jireen intii ay ka bayacmushtarayeen magaca somaliyeed.
3. Wax dawlad la yiraahdo ee Somaliya soo maray tii ku baryoontantay in Itobiya u saxiixdo dhulka
Somalida maqan .
4. Kooxdii dawlad aan jirin xoolo ku soo hela oo iskaba dhaaf wax kallee hunguriyeeya in damaanad
ahaan lacag ugu qaataan hoteeladii dawladda ee burburay sida Jubba laakin Liibiyada aan xisaabtamin
xataa aay diiday.

Gabogabadiina, Somalida oo dhan waxay isku raacsan yihiin in Beelaha USC ay geysteen dhibkii ugu badnaa ee Somaliya ka dhacay inkastoo beelaha kalena ayan maradoodu ayan cadeen sida waqooyiga oo
oo dagaalkii labaad ee ugu darnaa ka dhacay, PL oo iyaguna C/qasim uu madaxa iskugu dhuftay iyo waliba Mirifle oo dhibkii loo geystau ku darsaday in ay dagaalaan.
Sidaas oo ay tahay ayaa hadana Somalida + Mudulood waxay qabaan in garbkii Ceydiid ay dadka oo dhan ay dambi ka galeen.

Haddaba, kooxdii dambiilayaasha lagu qiray ee Caydiid ayaa sheega in ayan isku mid aheyn balse beesha
hoose ee C/qasim ay ahaayeen kuwii falay inta badan dambiyada ay galeen.
Marka soo ma oran karo, aniga oo fiirinay C/qasim iyo Cartaba in xaalkoodu uu taagan yahay,
"Nin Ceyri Waligii Ceeb Kama Fogaadee Maantay u Darantee Xagee Baan Xuskadaa"
Jawaabtuna Waa Meelna...........

A.Dirir

burashadley@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]