SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hooballo Gaajaysan!

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

I  I  D  H  E  H

KAAH

Gaajada waxaa kale oo la yiraahdaa ”baahi”, haddii ay rafaad iyo silic kale weheliyaanna waxaa la dhahaa ”diihaal”. Waa ereyo aan fasiraad inooka baahnayn, maxaa yeelay waxaaba iska yar qof soomaali ah oo aan gaajo ama dhibaato xun la soo saxariirin. Adduunka meelo ka mid ah, sida dalalka reer galbeedka, lagama yaqaan hoobal caan ah oo gaajada uu maqaalkaani ka hadli doono la ildaran, laakiin taariikhda soomaalida lama arag hoobal soomaali ah oo xayaato nuuraysa ku nool.

Xagga haybadda iyo xagga duruufahaba waxay hooballada soomaalidu roonaayeen intii aan dowladnimokusheegta la samaysan ee ay dadku xoolodhqatada u badnaayeen.

Inta aynaan baahida hooballada soomaalida shakhsiyaddooda iyo noloshooda luufluufisay ka faalloon ayeynu xoogaa bidhaaminaynaa macnaha uu ereyga hoobal leeyahay. Waxyaalaha lagu luuqiyo ama miisaanka iyo habdhaca leh dadka dareenka gaarka ah u leh, oo sida gaar ah u dhedhemin kara, ayaa hooballo lagu tilmaami karaa, wuxuuna qofka hoobalka ahi jecel yahay in uu ka shaqeeyo wax ku saabsan hirarka hadalka iyo hirarka wax yaalaha la islahelo, sida sacabka iyo wixii kale oo la tumo, ama waxyaalaha lagu luuqiyo sida maansooyinka.

Qofka uu dareenka hoobalnimadu ku jiraa wuxuu kale oo karti dheeraad ah u yeelan karaa arrimo laxamada iyo luuqaha ka baxsan, oo haddii ay labo qof meel hadal ka wada jeediyaan wuxuu dareemi karaa midka uu codkiisu xagga mugga, xagga jejebinta iyo xagga haraaciga ku fiican yahay. Halkaas waxaa ka cad in hadalka caadiga ahi xataa uu qaababka codaynta iyo hoobinta ku kala tayo iyo xallad badan yahay.

Waxaa jira hadallo badan oo ereyga ”hoobal” ku saabsan, oo dadkeennii hore laga sheego, waxaynuna hadda isdeeqsiinaynaa mar uu ereygaasi ku jiro gabay uu tiriyey nin mabda’ adkaa oo uu magaciisu aad ugu faafay geyiga soomaalidu degaan. Waa Cali-Dhuux Aadan!

Inta aynaan arrimaha Cali-Dhuux iyo gabayga uu ereyga ”hoobal” u jiro gudagelin ayeynu xusaynaa in ay ummadda soomaalidu hagar weyn ka galeen gabyaagaan oo runtii ahaa nin xagga aragtidheerida iyo xagga kal-adayga aad uga duwanaa dadkii la xilliga ahaa oo wax laga hayo dhammaantood. Marka aynu dhammaantood leenahay waxaynu uga jeednaa intii ay asaga isku mowduucyada ka maansoon jireen, waayo waxaa jira dad aysan asaga isku jadwal ahayn.

Sababta gabyaagaan looga garan waayey dadka uusan la heerka ahayn waxaa laga yaabaa in ay tahay aragtigaabni iyo caaqnimo bulshadeenna dilootey, waxaa kale oo laga yaabaa in ay jiraan xaasidnimo iyo cuqdado aan qofkii karti sare leh loo qiri karin ama lala tartansiiyo dad uusan sina ula sinnayn.

Aniga oo dabeecadaha noocaan ah dadka kula yaabban ayaan maalin dhaweyd waxaan furay bog ka mid ah bogagga internetka, waxaana daaray waraysi lala yeeshay askariga Puntland u nabaaddiinoxira, oo wax laga weydiinayey arrimo ay ka mid ahayd sababtii asaga oo kacaankii horay u xiray oo mucaarad hubaysan kula jirey uu xabsi ugu tuuray Mingistu oo uu dagaal horay u dhexmaray Maxamed Siyaad. Jawaabtii uu su’aashaas ka bixiyey ayuu ku daray hadal la moodo in uu jawaab u yahay sababta Cali-Dhuux loo hagraday, wuxuuna hadalku ahaa: ”Ninna ma uu jecla nin kal adag oo mabda’ ku socda!”.

Cali-Dhuux wuxuu ahaa nin qur’aanka Alle aad u jecel, waxayna taasi ku kalliftay in uu xaruntii Daraawiishta u xerayso, hase yeesho ee wuxuu xertaas ka baxay markii uu arkay in aan meesha qur’aan iyo aqoon lagu hayn ee in geel la dhaco la isugu gashaanbuursanayey.

Hadalladii markii uu xarunta ka tegey afka Cali-Dhuux laga maqlay waxaa ka mid ahaa: ”Intii aan nin iga liita geel u dhici lahaa maan naftayda u dhaco?!”. Hadalkaasi wuxuu ahaa baraarujin uu Cali Aadan soomaalida uga digayey kaboqaadnimada iyo in ay dadku qof burcad ah u shaqeeyaan ayaga oo isu qaba in ay fiican yihiin, oo ay diinta ku suubban yihiin. Waxaa laga yaabaa haddii uu Cali noolaan lahaa markii uu shirkii Carta socdey in uu oran lahaa:

  • Carta iyo wixii raacay iyo, muran carruur baa leh

  • Caqli foolxun ina Geellihii, camaqsanaa baa leh

Digniintii uu maalintaas Cali-Dhuux soomaalida siiyey ilaa maanta ma ay fahmin, waayo waxaa ku shaqaysta oo ay difaacaan hoggaamiyeyaal sidii Maxamed Cabdulle Xassan dhiigga waddaniyiinta bannaystay, oo hantida soomaalida booba, laakiin laga yaabo in ay xagga afxumada ku dhaamaan, waayo ilaa hadda ma aanan maqal qabqable soomaaliyeed oo hadalladiisii oo kale banii’aadan kula dhiirrada. Asaguna hal wax ayuu ku dhaamey dagaal-oogayaasha maanta jooga qaarkood, maxaa yeelay gobolka Jubbada hoose lo’dii ku dhaqnayd wuxuu Cabdiqaasim Salaad Xassan badankeedii dhoofiyey intii uu haystey dekadda Kismaanyo. Lo’da keli ah meeshaas lagama dhoofiyo ee xoolaha kale oo dhan waxaa la saaraa badda, laakiin xayawaanka dhaddig oo uu Cabdiqaasim marsadaas ka daabulo waxaa ugu badan lo’. Xoolaha nool waxaa ka daran dhirta inta dhuxusha laga dhigo sida degdegta ah loo xaalufiyey, oo uusan Cabdiqaasim quraca iyo geedaha la midka ah ku ekaanin ee uu canbaha xataa dabka qabadsiiyo.

Maxamed Cabdulle Xassan xoolaha waa uu dhici jirey ee ma uu dhoofin jirin, dhir iyo degaan uu xaalufiyeyna taariikhda laguma hayo, laakiin wuxuu laayey soomaali ku soo labajibbaaranta intii ay Cabdiqaasim iyo kuwa la midka ahi xasuuqeen. Isla markaas xagga kufsiga dumarka waa uu ku dhaamey kuwaas, waayo koofurta soomaaliya waxaa muddadii danbe ka jirey kufsi si nacasnimo ah Afgooye, Marka, Baraawe, Kismaanyo, Baydhabo iyo Baardheere loogu mabay oo ay xataa wadaaddada qaarkood raalli ka yihiin, waayo waxay taageeraan nimanka fufsigaas dhallinyarada qooqan u fasaxay, oo uu ka mid yahay Cabdiqaasim Salaad Xassan, oo ah karbuuno ay bateriga ku guraan Ismaaciil Cumar Geelle iyo dalalka carbaha qaarkood sida Masar.

Ina Cabdulle Xassan iyo dagaal-oogeyaashaas casriga ah in aynu isku dhererinno maqaalku kuma uu saabsana, ee waxaa inala galay dadnimada suubban oo uu Cali-Dhuux ilaahay u mannaystay. Kartiyaha dheeraadka ah oo abwaankaasi waa ay ka baaxad weyn yihiin in qoraal yar lagu taxo, oo waxay soomaalidu u baahan yihiin in loo soo bandhigo buug weyn oo lagaga boganayo baaritaan ku saabsan in uu Cali-Dhuux ahaa dayax soomaali u soo baxay, oo ilaa uu dhacay ay bulshadu indhaha isku haysteen iyo iftiin aan sidii habboonayd looga faa’iidaysan.

Hadda danteennu waxay ahayd in aynu maqaalka u cuskanno ereyo muujinaya in uu Cali-Dhuux ahaa halyey ay sharaftiisu ka weynayd in uu cunto ka fakaro ama u xisho. Ereyadaas oo ay kalmadda ”hoobal” ku milan tahay wuxuu abwaanku yiri:

  • Mar haddaan hiyiga soor ku xiro, waan halwanayaaye.

  • Dabadeedna waa la i horayn, Halac sidiisiiye

  • Haweenkiyo carruurtaa i oran, haadun baa yimide.

  • Waa la igu wada hooballayn, heesta dhaantada’e.

”Hiyiga” wuxuu ka wadaa ”qalbiga”, soorna wuxuu uga jeedaa ”cunto”, halwasho wuxuu uga jeedaa ”dhacdhac”. Ereyga ”haadun” waxaa laga yaabaa in ay dadka qaarkood ”haatuf” ku beddelaan, laakiin runtu ”haadun” bay u dhow dahay, waana ”qof ama dad aan risaaqad uu ku xasilo heli karin”. Ereyga maqaalka hoggaaminaya ee ”hoobal” halkaas ayuu Cali-Dhuux geliyey, waxaana la moodaa in uu maskaxdiisa kaga jirey meesha uu hadda maskaxda soomaalida kaga jiro oo ah ”qof hees qaada”.

Sidaas uu Cali-Dhuux uga taxaddarayey oo uga digtoonaa in uu qalbigiisa wax la cuno raaciyo ma ay la wada qabeen dadkii xilliyadii hore maansoon jirey? Maya, hase yeesho ee in aynu cuntojacayl dad hore lagu eedeeyey baarno qoraalkaan ulama aynu jeedno, waxaynuna ereyada Cali-Dhuux u soo xiganney in aynu helno hadal duug ah oo kalmadda ”hoobal” xanbaarsan iyo in aynu halkaas ka garannay in waagii hore hoobalkii ama odaygii cunto baadigoobkeed u warwareega heeso lagu dhalliilayo lagu hooballayn jirey.

Gaajada hooballada soomaalidu waxay aad u soo shaacbaxday waagii uu kacaanku soomaalida ku mashquuliyey heesaha, siiba sannadihii danbe oo uu kacaanku wareersanaa. Muusigga keli ah xilligaas shacabka laguma mashquulin, ee qaxii Sabbalaale iyo Kuturwaarrey laftiisu wuxuu ahaa madaddaalo, laakiin waxaa ka sii madaddaalo badnaa aasitaankii qabiilka, oo shacabka la xiri jirey haddii afkooda magac qabiil laga maqlo. Agow oo ciidamada Hangash iyo Koofiyadcas isku beel qur ah bay ka koobnaayeene. Ololihii farta soomaaliga xataa mashquulin baa ku jirtey, laakiin wuxuu ahaa wixii ugu roonaa oo shacabka lagu maaweeliyey, waxaase mashquulkii ugu weynaa la gaarey markii hardida lagu bilaabay maamulkii Xayle Maryan si shacabka loo illowsiiyo wax kasta, isla markaas saraakiisha intooda la neceb yahay dagaalka dhexdiisa loogu soo warjeefo. Hugunkii dagaalkaas waxaa loogu gabbaday in wixii karti lahaa ciidan iyo rayidba dhiiggii socdey dhiiggooda lagu daray, si loo kala gaasiro dadka ay ka suurowdo in ay xukuumadda dhalliilaan.

Heeshuhu waxay kacaanka ka caawin jireen marinhabaabinta iyo handaddaada dadka, waxayna ayaga iyo dagaalkii Mingistu lala galay ahaayeen labo maaweelo, hase ahaato ee dagaalku waa uu cimrigaabnaa oo heesaha ayaa waxay ahaayeen biyo lagu rusheeyo habaaska mucaaradka iyo baraarugga dadweynaha.

Inta aynaan noloshii hooballada miiska soo saarin ayeynu sheegaynaa in ay magaalomadaxdii hore ee Soomaaliya xilligaas ku noolaayeen labo kooxood oo yaab lahaa. Marka aynu ”labo kooxood” leenahay waxaynu hooballada u aragnaa in ay isku koox ahaayeen maddaama ay isku xirfad iyo isku xiiso yihiin. Kooxda kale ayaa hooballada ka nolol xumayd, oo waxay ahaayeen dad rag iyo haween ka kooban oo ku noolaa xeebta liido.

Raggaas iyo dumarkaasi waxay ahaayeen boqollaan u go’ay balwad oo meeshaas isugu uruursaday in ay balwaddooda, sheekaysigooda iyo wixii kale oo ay rabaan ku gutaan.

Hal arrin ayey kooxdaasi kaga fiicnaayeen hooballada waxayna ahayd in ay lahaayeen guddoomiye adag oo xagga xoogga iyo xagga maamulka kooxdaba ahaa nin hawshiisa ka soo dhalaali karey. Rootiga, khamrada iyo qaadka asaga ayaa magaalada uga soo gadi jirey, oo xagga dhaqaalaha wuxuu ahaa nin aysan dadkiisu gaajo u le’an. Hantida ay dadkaasi ku noolaayeen waxay ka koobnayd dhac iyo shaxaad, waxaase laga yaabaa in meelo kale oo aynaan ogayn wax ka soo geli jireen.

Aagga xeebta ah oo ay kooxdaasi degganaayeen qofkii galaa in uu dhinto ayey u badnayd, waayo billaaweyaal iyo qarshooyin bay haysteen. Dadkaasi nadaafad iyo afgobaadsi waa ay ka fogaayeen, oo waxaa laga yaabey in meeshaas lagu arko dumar aan dhawr bilood firan oo diracyo jeexjeexan keli ah qabey, kuwaas oo goomanka nabarro ku lahaa oo ay caydu ka soo horraysey. Degaanka ay isku uruursadeen waxaa ka buuxey daasado iyo dhalooyin, habeen iyo maalinna dadku ma ay seexan jirin ee yabaq baa ka yeeri jirey.

Qaar kooxdaas ka mid ahi waxay ka soo jeedeen qoysas madax ama maalqabeenno ah, laakiin waxay ku qanceen in ay bulshadaas yaabka leh ku biiraan. Waxaa laga yaabaa xagga kharashka in cawino laga heli jirey dad taajiriin ah oo ay eheladoodu kooxdaas ka mid ahaayeen.

Aad ayey kooxdaasi u mashquulsanaayeen, dhibaatooyinka dalka ka jirey ayaana dhankooda ka haysatey. Kacaan iyo kacaandiid mid ay ahaayeen lama garan karin, waxaase kacaan ahaa hooballada badankooda. Kooxda hooballadu kooxo ayey u kala baxdey, laakiin innaga hal koox bay inoo yihiin, oo noloshooda iyo gaajadooda guud ayuu maqaalku ku saabsan yahay.

Akhristuhu waa in uu qalbiga ku hayo in aynu horay u soo fasirnay waxaa uu hoobal yahay, maxaa yeelay waxaa jirta aragti liidata oo ah in uu ”hoobal” yahay qofkii hees ku luuqiya, qofka heesta allifana ”abwaan” la yiraaho. Aragtidaasi waa male aan macne ku salaysnayn! Abwaan waxaa la dhahaa ruux waayo arag ah oo dad gaar ah dhaqankood aad u yaqaan. Waxay soomaalida qaarkood moodaan in uu abwaan kastaa maanso tirin karo ama uu qof kasta oo maanso hal-abuuri karaa abwaan yahay. Aragtidaasi waxay la mid tahay in qof kasta oo isbaaro burcadnimo dhigtaa uu siyaasi yahay.

La iskuma hayo in uu qofkii codka heesaha ka xareedin karaa magaca ”hoobal” qaadan karo, laakiin ”abwaan” iyo ”mu’allif” ama ”hal-abuure” waa ay kala duwan yihiin. Qofku abwaan waa uu noqon karaa asaga oo mu’allif ah, balse labada erey waa ay kala macne geddisan yihiin.

Hooballadii hore oo reermiyiga ahaa xagga nolosha waxay la mid ahaayeen dadkii ay la noolaayeen. Kama ay xayaato liidan bulshada, kamana ay nolol sarrayn, ee sida dadka caadiga ah ayey sabool iyo tanaad u dhexeeyeen, mana ay jirin hanti gaar ah oo hoobalnimo lagu helo ee markii ay dadka madaddaaliyaan ama kiciyaan ayey danohooda raacan jireen. Saaqidnimo ama dawdarnimo ay danohooda illaawaanna ummadda kagama ay duwanayn, mana ay jirin hoobballo sida xertii meel isku uruursada ama ay ka muuqdeen calaamado iyo duruufo ay dadka kaga soocanaayeen.

Xilligii uu gumaysigu dalka joogey waxaa dhaqankaas iska beddeley xoogaa, siiba ayaamihii ugu danbeeyey. Xagga siyaasadda guud waxaa la yiraahdaa ”Dalka Soomaaliya dhammaantiis wuxuu soo maray gumaysi”, hase ahaato ee runtii gumaysigu meelo gaar ah ayuu toos u maamushay, waxaase jira dhul badan oo uusan wax gumaysi ahi ku habsan, oo aysan dadka degaa kaba warqabin in uu gumaysi dalka soo galay.

Waxyaalihii uu gumaysigu dalka keenay waxaa ka mid ahaa khamro badan oo lagu soo fatahay magaalooyinkii ay gumaysteyaashu caasimadaha ka dhigteen iyo meelihii ay ciidamada gumaysigu ku xeraysnaayeen. Dhulalkii ay ka dhawaayeen ciidamadii Daraawiish oo uu samaystay Maxamed Cabdulle Xassan khamrada lagama aqoon, sidaas awgeed waxaa la oran karaa faa’iidooyinka yaryar oo uu ina Cabdulle Xassan soomaalida u soo jiidey waa in uu meelihii joogey iyo inta ka shishaysa ka horeeyey khamradii iyo qaadkii faraha badnaa, oo ay ummadda inteeda kale la dawakhsanaayeen. ”Shay la helay” ayaa khamrada looga baxshey magaalooyinkii woqooyi iyo koofur ka asaasmay kuwa ugu waaweynaa.

”Shay la helay” iyo qaadku meelihii ay ku bateen waxaa ka abuurmay hooballo saaqidiin ah oo intay jaadka afka ka buuxsadaan khamro isaga dejin jirey. Hoonalnimada awal waxaa lagu cayaari jirey sacab iyo durbaanno dhaqan, laakiin markii uu gumaysigu ”Shay la helay” dalka ku soo afuufay wuxuu ku garabwadey qalab ay hooballadu kaga raysteen haamihii iyo sacabkii, oo waxaa heesaha loo helay muusig iyo alaabo kale.

”Talo isuma kaa sheegto” ayey soomaalidu ku maahmaahdaa, oo hooballadii waxay gafeen in ay dadka heesaha ka dhegaysta lacag ay ku noolaadaan ka qaadaan. Sidii hore ayey bilaash ugu raaxeeyeen dadkii dhegaystayaasha ahaa, taasina waxay keentay in hooballadu ay qaadka iyo khamrada shaxaad ku helaan. Gaajo iyo baryo ayey hooballadaas casriga ahi ku noolaayeen, laakiin waxaa bulshada ku soo kordhay xiisaha loo qabey hooballaynta iyo heesaha.

Si kasta oo ay dadka hooballaynta xiiseeyaa u soo bateen waxba iskama ay beddelin duruufihii gaajada oo ay hooballadu u liiteen. Hurdo fiican hooballadu ma ay seexan jirin oo sida badan qaad ay shaxaad ku heleen baa afka ugu jirey, waxayna siteen daasado iyo dhalooyin ay ka cabbayeen ”Shay la helay”.

Waxaa samaysmay hooballo aan timaha shanlaysan oo aan dharka dhaqan, isla markaasna aan sida badan qubaysan. Har iyo habeen waxaa socdey afar arrimood oo kala ahaa hees, muusig, qaad iyo ”Shay la helay”. Ganacsatada siiba kuwa makhaayadaha leh ayaa isu xilqaami jirey in aysan hooballada gaajo naftu uga bixin ama aysan qaad iyo khamro waayin, hooballaduna waxay ahaayeen dad adduunka ugu jecel xiisahooda oo aan jiif fiican iyo haybad kale midna u soo jeedin.

Taariikhda hooballada halkan laguma soo koobi karo, laakiin kacaankii baa wuxuu hooballada u qaabbilay si la mid ah sidii qaxootigii Joguslaafiya looga qaabbilay dalka Jarmalka. Ekis Carwo oo ku till caasimaddii xukuumaddaas waxaa lagu xereeyey hooballo badan oo aan xilligii uu qaadku mamcuuca ahaa haddii uu xeradooda galo laga badageli jirin.

Hooballada dhammaantood Ekis Carwo kuma ay noolayn, laakiin 90% intii oggolaanshaha la siiyey halkaas ayey u hoyan jireen. Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu la yaabo ereyga ”oggolaansho”, laakiin wuxuu hadalku ku kooban yahay sidii siyaasiyiin badan siyaasadda looga mamnuucay ayaa hal-abuurro badan looga mamnuucay in afkooda laga maqlo wax ay allifeen. Oggolaanshaha iyo mamnuucu waxay sida badan cuskanaayeen hab qabiil, oo kacaanka hadafkiisa iyo xeerkiisu qabyaalad buu ahaa.

Meesha dadkaasi ku xeraysnaayeen qofkii galaa wuxuu u malayn karey in uu inta dalkii ka dhoofay ummadu kale u galay, waxaase yaab leh shakhsiyaadka sidaas u nolol ku foolxumaa ay ahaayeen kuwa ugu magacdheer ummadda soomaaliyeed oo ay carruuraha miyiga joogaa xataa magacyadooda wada yaqaanneen.

Xagga degaanka kacaanka ayaa meeshaas ku xereeyey, isla markaas xagga duruufaha kale hoobbaladu waxay ku jireen rafaad adduun. Waxyaalaha ay dadka ku madaddaaliyaan waxay isugu jireen heeso run ahaantii ay sida loo qaado u guulaysteen marka la eego aqoontooda iyo taariikhnololeedkooda, laakiin waxaa yaab lahaa sida ay u liiteen riwaayada ay dadkaasi soo bandhigeen. U malayn mayo in ay adduunka ka dhaceen riwaayado ka talo xun kuwii ay dadkaasi abuureen oo ay jileen. Haddii la damco in wax laga sheego dhalliilihii riwaayadhaas waxaa lala mid noqonayaa qof dhooqo ama duddumo mayraya oo raba in uu nadiifiyo!

Sababta keentay in ay sidaas u xumaayeen riwaayaduhu waxaa laga yaabaa in ay siyaasad ahayd, oo dadkii idanka haystey ay ahaayeen dad aan fakrad farshaxan weyn leh qaabin karin. Waxaa kale oo laga yaabaa in ay aqoondarro iyo horumar la’aan ahayd.

Maqaalku xagga gaajada ayuu ku saabsan yahay, ee baaritaan xalladda khuseeya ma uu aha, waxaynu hadda ugu nasanaynaa qiso yar oo ka turjumaysa gaajada haysey hooballada iyo xaqdarrada lagu hayey. 1973 ayey dhawr nin oo hooballada ka mid ahi waxay jeclaysteen in ay madaxweynaha maalin la qadeeyaan, oo ayaga oo la jooga sawir laga wada qaado.

Dadka qaar baa iska jecel in la arko ayaga oo la sawiran qof madax ah ama caan ah, laakiin kuwaasi waa dadka aan fiilasoofiyiinta ahayn.

Nin ay madaxweynaha isku shushuban jireen bay hooballadaasi markii ay soo tashadeen waxay ku yiraahdeen ”Saaxiibow madaxweynaha naga waastee”. Ninkaas iima cadda in uu Idaajaa ahaa iyo in uu Shareeco ahaa, laakiin kolley Maxamed Siyaad waa uu oggolaaday dalabkii yaabka lahaa oo ka yimid Ekis Carwo.

Muddo dheer ka dib ayada oo wadaqadayntaas loo ballamay loo fadhiyey ayuu Maxamed Siyaad wuxuu ka sheekeeyey sheeko uu ula jeedey in lagu qoslo. Shakhsi ahaan wuxuu Maxamed Siyaad ahaa nin aad u jecel in hadal kasta oo afkiisa ka soo baxa loo bogo oo ama la qoslo ama la qiiroodo. Sheekadu waxay ku beegantay markii ay hooballadu qadadii afka saareen. Dadkii meeshaas joogey badankoodii qosolkii uu madaxweynuhu rabey bay la dhixdhix yiraahdeen, waxaanse qoslin labo ama saddex uu ka mid ahaa mudane Maxamed-Hadraawi Ibraahim.

Raggaas aan qoslini waxay dabadeed sheegeen in aysan qosol la’aanta xumaan uga jeedin, ee ay sheekada madaxweynuhu ku soo beegantay mar uu qaarkood afka hilib uga buuxey, qaarna aysan sheeko u oollin ee ay risaaqadda hortooda taal qalbiga ku hayeen. Si kastaba ha ahaato ee in aysan raggaasi qoslini waxay u soo jiiddey xabsi dheer, oo tusaale ahaan waxaa Hadraawi lagu xiray Qansaxdheere.

In kasta oo Hadraawi gardarradaas foosha xun lagu xiray, oo sidaas loo dulmiyey haddana markii uu xabsiga ka soo baxay madaxweynuhu raalligelin ayuu u sameeyey. Waxaa la yaab leh in ay Faarax Gololey iyo Hadraawi xabsigaas ka dib la siiyey fursad ay sidii ay rabaan kacaanka wax uga sheegi kareen, oo aan la xiri jirin. Xataa waxay Hadraawi iyo saaxiibbadiis maansooyin isku maagmaageen kuwo aad kacaan u ahaa oo xukuumadda difaacayey. Markaas ayaa waxaa cabbaar socdey heeso aan dhibaato u soo jiidin raggii tiriyey, oo uu qofkii kacaanka yaqiin la yaabi karo in sidaas kacaanka loo duray oo uu Siyaad iska saamaxay.

Markii heesahaas la tirinayey waxaa bannaanada ka jirey mucaaraddo, laakiin Hadraawi uma uu baahnayn in uu debedaha wax ka soo mucaarado, waayo waxaaba loo oggolaa in uu caasimadda dalka sidii uu rabo wax uga dhalliilo. Isla markaas mucaaraddadu waxay ahaayeen qabaa’il oo wuxuu sugayey inta uu qabiilkiisu mucaarad noqonayo, sidii bayna noqotay oo markii uu qabiilkiisa tuhun mucaarad ka dareemay ayuu dalka Itoobiya u tallaabay.

  • ”Haddaanan haddaanan

  • Hargaysa xoraynin”

Ayuu Hadraawi dhaar ku bilaabay markii uu dalka ka baxay, waxaana si kaftan ah ugu jawaabey saaxiibbadiisii uu caasimadda uga soo tegey, oo ay kala qabiilka ahaayeen. Ficilada iyo qabyaaladdu soomaalida aad bay had iyo jeer u kala geeyaan, waana arrinta asaaggood ka reebtay. Heestii dhaarta ahayd oo Hadraawi waxay saaxiibbadiis kaga jawaabeen.

  • ”Hadraawi Hadraawi

  • Adoo Harar jooga

  • Hargaysa xoraynta

  • Marduuf la hadaafka

  • Adoo halka joogoo

  • Kacaanka u heesa

  • Ayaa ka hagaagsan”

”Marduuf la hadaafka” waxay ula jeedeen in uu Hadraawi Itoobiya qaad u doontay maddaama uu kacaanku jaadka joojiyey xilliyadaas mar u dhaweyd. Macquul ma aha in uu qaad keli ah dalka uga baxay ee haddii aysan meesha dacaayadi ku jirin waxaa cad in uu Hadraawi u hiillinayey jabhaddii ay qabiilkiisu kacaanka kala horyimaadeen ee SNM.

Muddadii uu halkaas joogey wuxuu tiriyey maansooyin uu beesha SNM ku dagaalgeliyey iyo kuwo uu ku garaacay Maxamed Siyaad iyo kacaankiisii. Maansooyinka wuxuu ku daray dadkii dagaalkaas galay intii wadnaha u ahayd magacyadoodii, gaar ahaan raggii beesha dagaalladaas kaga geeriyoodey oo xulka ahaa.

Dabadeed wuxuu mudane Hadraawi maansooyinkiisii oo dhan ku uruuriyey diiwaan magaciisa la yiraahdo ”Halkaraan”. In kasta oo uu diwaanka humaaggiisu SNM yahay haddana wuxuu Hadraawi ku guulaystey in aan marna afkiisa laga maqal magac qabiil. Maxamed Gacal Xaayow iyo Hadraawi waa ay ka xishoodaan in ay maansooyinkooda magac qabiil ku daraan, laakiin waxay ku kala duwan yihiin in uu Hadraawi si aan magacaabid ahayn qabiilka u sheego.

Markii aan diiwaanka Halkaraan akhriyey waxaan dareemayey in aan ku jiro bay’ad beel gaar ah, haddana marna magac qabiil kuma arag. Aniga oo dareenkaas qaba ayaan nin maansooyinka xiiseeya diiwaanka u dhiibey si uu maansooyinka u akhriyo, markii uu soo akhriyeyna wuxuu asaga oo qoslaya sheegay in uu diiwaankii ka akhrisan waayey sida uu Hadraawi ugu celceliyey magaca Togdheer, oo uu ii sheegay in uu qiyaastii boqol meelood magacu diiwaanka ku soo noqnoqday!

Markii uu boqol igu yiri ayaan waxaan soo xasuustay in uu tusbaxa lagu wardiyaa boqol iniinood iyo saddex raatib ka kooban yahay. Wardigaasi kolleyba qabyaalad kama uu saan la’a, waayo caasimaddii dalka diwaanka magaceedu uguma uu badna sida ay degmooyinka woqooyi ugu badan yihiin, waayo ”Fal aan laabta jirin faro wax uga daran” ayey soomaalidu ku maahmaahdaa. Isla markaas ikhyaarta dagaalladii kacaanka lala galay ku geeriyoodey oo diiwaanka ku qorani waxay ka kooban yihiin beesha SNM oo qur ah, waxaana liiskaas ragga geeriyoodey aha loola danlahaa in aysan duugoobin godobtii ay beesha Hadraawi ka galeen qabiilooyinkii kacaanka ahaa. Cabdulle Raage oo malaha ah ninka ikhyaarta casrigaan qabiilka ka gabya ugu daran maansooyinkiisa aad buu ugu yar yahay magaca ”Shabeellada dhexe”.

Intii kacaanka la ridayey hooballadii mucaaridka ama kacaanka u heellanaa dhammaantood wax weyn kama ay samayn dhibaatada markii uu kacaankii dhintay beddeshey. Waxaa laga yaabaa in ay dadku ku qanceen in ay beelohoodii kacaankii iska cayriyeen oo ay degmooyinkoodii u xoraysteen sidii Hadraawi ugu dhaartay in uu xaggooda xoreeyo, taasina ay ku filan tahay oo aysan wax kale ka maqnayn.

Arrintaas oo jirtey ayaa waxaa beryahaan laga sharqamiyey saddex hoobal oo dalka iyo debedaha ka wada olole ay nabayn ku tilaameen. Hadraawi iyo Baxsan waxaa laga sheegaa in ay dalkii safarro nabadeed ku kala bixiyeen, halka ay Maryan Mursal dalka Australia ku marayso socdaal nabadayn ah. In ay nabadda saddexdaas abwaan wax ka tari karaan iyo in kale lama yaqaan, laakiin in ereyga ”nabad” la sheegsheego ayaaba iska fiican maddaama loo baahan yahay.

Socdaallada Baxsan iyo Maryan Mursal oo nabadaynta ku saabsan lagama sheegin laanta afka soomaaliga ee BBC, hase ahaato ee safarka Hadraawi waxay laantu maalin kasta sheegaysey intii uu ku jirey Kismaanyo iyo Beledweyne dhexdooda, markii uu xagga bari Hiiraan u dhaafayna way joojiyeen in ay sheegaan hadba halka uu marayo.

Haddaba su’aashu waxay tahay ”Maxay BBC u qarisay socdaallada Baxsan iyo Maryan Mursal oo ay aad ugu buunbuunisay safarka Hadraawi intii uu ku jirey Jubbada hoose iyo Hiiraan dhexdooda?”. Jawaabtu waa ay fuddahay oo waxaa BBC ka shaqeeya labo nin oo ay Hadraawi saaxiibbo yihiin, waana Axmed Hassan Cuuke iyo Cabdisalaan Hereri. Sidaas darteed laantu waa meel kasiino (casino) ah oo ay saaxiibbadu isku ballansadaan ee socdaal nabadeed in la baahiyo ujeeddada labadaas weriye ma ay aha.

”Bartiyaqaan bari uma koroddo” ayey soomaalidu ku maahmaahaan, oo dadku in ay socdaallada nabadaynta u kala eexdaan waa xin iyo xamaasad aan gobannimo ahayn. Waxaa jirta qiso eex ku saabsan oo waa hore Soomaaliya ka dhacday. Garoonkii ugu weynaa oo dalka ayaa waxaa lagu qabtay cayaaraha gobollada, waxaana weriyeha cayaaraha sheegaya ahaa Axmed Xassan Cuuke. Markii ay cayaaruhu soo gaareen in ay gobolkii uu weriyuhu ka yimid iyo gobol kale wada cayaaraan ayey meeshii ceebi ka dhacday. Waxaa kubbaddii in uu gooldhaliyo u dhawaadey wiil ka mid ahaa kooxdii ay Cuuke isku gobolka ahaayeen, wuxuuna Cuuke asaga oo makarafoonkii afka ku haya yiri: ”Annagaa wadanna, annaga ayaa wadanna!”. Xataa wiilkii goolka dhalin lahaa ayaa naxay, waxaana dhacday fadeexad ka darnayd midda uu maanta Cuuke sameeyey oo ku saabsan in uu u kala eexday abwaannada iyo hooballada sameeyey socdaallada nabadaynta. Ceebtaas ka dib ayuu Maxamed Siyaad wuxuu Cuuke ku yiri: ”Maandhow bal mar danbe wax gobollada kala duwan iyo tartan ku saabsan ha sheegin, ee aniga weriye gaar ah ii noqo oo meeshii aan aado ii raac, wax kastana sidii aan rabo u sheeg”.

Socdaalka Hadraawi dano daban oo ay eexdaasi ka mid tahay ayaa lagu gaarey. Ugu horrayntii danihiisa gaarka ah ayuu wax uun ka faa’iidey, oo wuxuu iska soo marmaray ganacsato iyo ururro magaciisa ayiin, wuxuuna cagta mariyey meelo badan oo uusan Cali-Dhuux cagta mariyeen.

Midda kale asaga oo niyadda ku hayey in uu Qansaxdheere aado ayey taageerayaasha Cabdiqaasim Salaad waxay u afduubeen Kismaanyo. Wuxuu magaalladaas Cabdiqaasim horay ugu qabsaday malayshiyo qabiilkiisa ah, oo uu u fasaxay in ay kufsadaan dumarka ka dhashay beelihii degaanka weligood ku dhaqnaa. Xasuuqa, dhaca iyo kusiga Kismaanyo keli ah Cabdiqaasim kuma uu sameeyo ee Marka, Baraawe iyo meelo kale oo badan ayuu ku habsadey oo uu ka adkaaday beelihii ku dhaqnaa. Soomaalidu waxay ku maahmaahaan: ”Maroodi inta uu geedaha ka gooyo maroorkiisa ayey ka go’an tahay”.

Weriye nagnagle ah oo BBC warar eex ah u soo tebiya, oo kufsigaas iyo dhibaatooyinkaas Cabdiqaasim ku taageera ayaa markii Hadraawi Kismaanyo loo afduuday raacay si uu uga beensheego xaaladda ay ku sugan yihiin maxastii iyo shacabkii ka dhashay beelaha uu Cabdiqaasim ka xoog batay oo uu ku amarkutaagleeyo.

Beelaha uu jaalle Cabdiqaasim Salaad dhiiggooda, maalkooda iyo karaamadooda xalaalaystay waxay Hadraawi ku eedeeyaan in uu digasho ula jeedey socdaalka uu ku dultamashleeyey ayaga oo kufsi iyo toogasho muddo dheer lagu hayey. Waxaa kale oo ay beelahaasi ka hadlaan wararka beenta ah oo ay Cabdiqaasim iyo Xassan Bariiso ku bannaysteen socdaalka loogu magacdaray nabadaynta, laakiin ay maxasta halkaan lagu silciyaa u bixiyeen sodaalkii digashada.

In dadka maansooda oo aan awoodda lahayn la iska eedeeyo, oo haddii ay dhacdhac yar sameeyaan uurka wax loogu qaado waa laga qurxoon yahay. ”Miskiin baa misko la fuulo leh” ayey Soomaalidu ku maahmaahaan, oo in Hadraawi la eedeeyaa waa in aysan beelaha koofurta Soomaaliya lagu dulmiyaa awoodin in ay Xassan Bariiso iyo Cabdiqaasim Salaad oo ah raggii kufsiga iyo dilka ula bareeray iska dulqaadaan ee ay xamanayaan hoobal gaajaysan, oo reer Burco ah!

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se  

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]