SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 Aabe dhalay mid ka mid ahaa dadkii lagu tuuray xeebaha yemen oo ka codsaday maamulka Puntland inay dhagar qabayaasha soo qabtaan.

Cabdi Xasan Cali | Muqdisho
abdi172@hotmail.com


Kuulow Cabdi abokor oo ah aabe dhalay marxuun la oran jiray Aweys Kuulow oo ka mid ahaa dadkii sida naxariis darada ahayd loogu tuuray xeebaha dalka yemen ayaa maanta isagoo lahadlayaa saxaafadda waxuu maamulka puntland ka codsadey in lasoo qabto kuwa sida bahalnimada ah dadka maatada ah ugu haligay xeebaha,

Kuulow oo ay ka muuqatay murugo aad udaran sitayna sawirka wiilkiisa 23 jirka ahaa ayaa yiri,reer bariyow soomaali way istaqaan oo waa taqaaniin badmaaxayaasha iyo doonta oo waa dadkiina hebel iyo hebel baad utaqaaniin ee kuwaas intay dadkayaga waxay lacag haysteen ka furteen dabadeedna ku tuuray gunta hoosee badda,ee fadlan ha u hiilinina dulmiwadayaashii noo keena aanu la tiigsano sharciga islaamkee,war dowladda aad sheeganaysaan ma afka baarkiisa ayuu yiri isagoo qaylinaya Kuulow Cabdi Abokor.

Mogadishu: City of guns, money and death
Mail & Guardian, South Africa 
"The high rate of unemployment in Mogadishu is the main cause of insecurity," said Mogadishu-based politician Abdinur Ahmed Darman, the leader of the United Somali Republic Party
More... 30 August 2003

Somali presidential hopefuls jockey for right to rule region

LATEST NEWS FROM SOMALIA |

Kuulow oo ka waramayay sababaha geeyay wiilkiisa ayaa yiri wiilkayga Aweys waxuu ahaa murug maal ka shaqaysta farsamada looxaanta(NIJAAR) caanna wuu ka ahaa magaalada udhashay ee Afgooye,balse muddo hadda laga joogo bil iyo bar ayaa gabar aan dhalay oo ka mid ahayd dadkii mareykanku ka qaadeen xeryaha qaxootiga ee keenya ayaa waxay usoo dirtay lacag 1000 doolara kuna tiri layn baan kuu hagaajinayaaye imow wadanka Yemen,marka lacagtii 500$tuugadaas(Doon wadayaasha) ayaa ka qaadatay inta kalena jid marbuu ugu talagalay,wixii koofur ka dhacayay wali ma aanu arag dad ganacsato isku sheegaya oo dadka intay furtaan haddana xasuuqaya ee waxaanu arki jirnay mooryaan isbaaro utaal oo laga beyro,laakiin kuwa doonyaha iyo xeebaha ka qawlaysta waa amuur cusub ayuu yiri aabahaas curadkiisii ku waayay xasuuqi ka dhacay dhawaan xeebaha yemen oo dad doomalay soomaaliyeed intay dadka lacag tahriib ah ka qaataan haddana xeebta ku turaya

Waxaa laxaqiijiyay in badi dadkii ku haligmay dhacdadaas naxdinta leh ay u badnaayeen dad udhashay koofurta soomaaliya oo doonayay inay galaan dalka yemen iyagoo rajeynayay inay helaan nolosha ay ku noolyihiin mid udhaanta,balse mid kamid ah dadkii ka badbaaday aafadaas ayaa yiri war janno idinkama soo horeysee aamina minankiina.


Cabdi Xasan Cali | Muqdisho

abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]