SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Muran Xoogan oo ka jira Dooda Axdiga Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya ee Shirka Nabadaynta Soomaalida Kenya.

Canab Mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com

shirka nabadaynta soomaalida ee ka soconaya dalka kenya ayaa maalinba maalinta ka dambaysa galaya marxalad cusub.maalintii shalay ahayd ayaa la dhaariyay oday dhaqameed gaarayay 50-60 kuwaas oo ka kala socday beelaha soomaaliyeed qaar tirada guud ee is diiwaan galisay ayaa ahayd 103 balse aan soo wada xaadirin dhamaantood iyadoo qaar ka mid ah ugaasyada ay diideen in ay dhaartaan iy ayagoo sheegay in ay sax yihiin.

Dooda Axdiga federaalka ah oo lagu waday in maanta la bilaabo ayaa baaqatay sababo la xiriira muran ka dhashay siyaasiyiinta qaarkood oo ka maqnaa madasha shirka.qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo jeediyay in la sugo inta kale ee maqan iyadoo arintaas lagu kala qaybsamay balse gudiga farsamada igad ayaa go,aansaday in dib loo dhigo ilaaa inta uu dhamaanayo murankan.gollaha SRRC da ayaa ku hajabay in ay shirka ka baxayaan shir gooni ah oo ay yeesheen kuna tilmanay ka maqnaanshaha shirka siyaasiyiinta kale mid aan xal raadis ahayn.hadii shirku sidaan kusii socdana ay iskaga baxayaan gabigiis, gudoomiyaha shirka kiplagad oo la kulmay gollahaas ayaa sheegay in barri dib loo guda gali doono dooda axdiga cidii qabta doodna ay ka sheegaan madasha shirka si loo wada xaliyo.

G8,(sideeda hogaamiye oo) shirkii dooda maanta banaanka ka joogay ayaa sheegay aan lala socodsiin isla markaana aan wax tixgalin ah lasiinin iyadoo lala socdosiiyay sida ay ku warameen qaybaha kale.

inta badan ergada shirka ayaa u badan taageerayaasha SRRC dad badan ayaa ku macneeyay hadii la galo dooda dastuurka in qodobada ay diidan yihiin dhinacyada kale looga shuban karo maadaama la raacayo go,aanka ergada ku sugan madasha shirka kadib marka cod loo qaado.

moliid macaane oo ka hadlayay xafladii qanyare ayaa maalin sheegay in jabuuti ay dhashay dowlada kmg ah itoobiyana SRRC ay dhashay balse G8 aanay jirin cid dhashay.

Dooda axdiga oo si weyn loo sugay waayadan ayaa dhowr jeer baaqatay,chaterkan cusub oo ah kii shanaad ayay soo baxayaan dhaliilo badan oo la xiriira diyaarintisa iyadoo ilaa hada ay isweydiinayaan dad badan cida soo gudbisay maadaama lawada diiday afartii kale ee ka horeysay oo ay soo kala diyaariyeen hogaamiyayasha,gudigii A/B iyo prof.Abdi Ismail Samatar.

Canab Mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com

somalitalk/kenya.

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

Idaajaa oo Qoraal Taariikhi ah Kasoo Saaray Federaalnimada Soomaaliya
Axmed Faarax Cali "Idaajaa" ayaa qoraal kasoo saaray ujeedada Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]