SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

 

  • Musuq maasuq soomaali waa meheradeediiye
  • Hadba midab horleey kuula iman maalin daa'ime
  • Malahmalahda iyo baanahaa mowdku ka adeegi.
  • Ina Cabdile Xasan

 

RAAS

W.Q.Wiilwaal | toldulloobay@hotmail.com

Waxaa i soo booqday eedaday Birmad curadkeedii. Ima soo booqane waxaa ii soo baahday ninkii Raas ahaa. Anigoo gurigayga markaa ka soo baxay, gacan bac ku sita, gacanta kalena sawir gacmeed aan u siday kuwa gallery lahaa, ayuu Raas iga hor yimid.

  • "Qarni haye" buu yiri isagoo is atooraynaya.
  • "Haye" baan iri.
  • "Maxaad haysaa?"
  • "Maxaan hayn lahaa?"

Meel baan ka daahsanahay mana doonayn ninkan hadalka badan inaan u furo. Wuu arkayaa inay taydu ahayn maalin fudud oo wakaa fiicnidiisa inta alaabadaan siday ila qaaday, talaabada ila qabsanaya. Baabuur ma lihi oo baskaan rabaa inaan alaabtayda la raaco. Raas baase diidan. Waxaan qaadanay baabuurkiisii quruxda badnaa ee sida lagu sheekaysto uu ku dhaartay hadduu arko qof soomaali ah oo mid u dhigma ama ka qaalisan kaxaynaya in uu kiisa qashinka ku dari doono: "isaga macal furahiisa."

Baabuur bas ma aha ee Rays baa sidiisaba wuxuu sameeyaba soomaalida ku xumeeya. Nolashiisoo idil nacab buu ka wadaa. Hadduu kabbaa ugu yare gadanayo waa inay ahaadaan kuwa ayna soomaalidu gashan, goyna karin. Sigaarka oo kale kan Kuubaanka ee kuuskuusan buu cabaa. Qaadka ma cuno. Waxaase qaanadda ugu rastaysan qamriga sooyaalka qaaliga ah. Waa ninkii ciyaaraha barafka u bartay soomaalida waa laga badiyaa. Iska daa wax kalee wuxuu dalxiis u aaday dalal aynaan maqal iyo magaalooyin aan maabkaba ku ool. Nasiibdarro kuwo dacaayadaynaya waxay lahaayeen mar uu Kosta Rika tagay kuwa ilma’adeeradiisuu ku soo arkay. Waxaan hubaa, lama helayee, haddii la oran lahaa soomaalidoo idil waa la janaynayaa in Raas uu jahanama rabbigii weydiisan lahaa.

Markaan dantaan maalintaa lahaa soo dhamaystay, dhowr meelood oo aan u baahdayna aan isku marnay, wuxuu noo hor kacay meel aan wax ka cunno. Magaaladii buu naga saaray, mar aan isleeyahay muxuu soo wadaana wuxuu na geeyay Giriig resturanti. Hadda ko hor inaan imid meelmeeshaanoo kale ah iyo in kale ayuu i waydiiyay. Waxaan u sheegay inaan imid. Muuna jeclaysan jawaabtayda.

"Kuuriyaanka kibistooda macuntay?" buu i su'aalay markaan tagnay miiskii naloo tilmaamay.

"Ma cunin" baan iri ilaah baa ilehe.

"Isku day baan ku oran lahaa, hadana waxaan xasuustay inaad arday ahayd. Bariiska shiinaha ku ekow. Isagaad awoodaan. Mar baanse rabbaa inaan kuu kaxeeyo maqaayad ay leedadahay naag Fiidnaamaysa oo waa dhexdaasa wax naga dhexeeyeen. Waxaad ka helaysaa hilib fardood oo si fiican loo soo kariyay. Farahaagaad goosanaysaa haddaad i raacdo. Farduhu waa dynamic."

Ina adeerkay eraygaa aad buu u adeegsadaa. Wuxuuna ugu jiraa halka kalmada hawraarsan soomaalidii hore ugu jirtay. Wax walba wuxuu dhahaa waa dynamic.

Gabar Giriig ah baa aniga iyo Raas waxaan rabno na weydiisay. Doofaar buu dalbaday.

"Adeer ka waran?" buu yiri markuu dhowr fargeeto goostay.

Adeerkay Afdiir isbitaal buu ku jiraa. Ayaan dhexdaas ah baa la dhigay. Raas markuu iga waraysanayo wuxuu rabaa inaan Suubban soo haddal qaadno.

  • "Adeer ka waran?" buu ku celiyay.
  • "Meeshiisii"
  • "Suubban Afdiirna?"
  • "Sideedii"
  • "Ma gudnaan maqlee?"

Waan ka aamusay. Wuu dareemay inaan doonayn inaan ka hadlo. Dabadeed wuxuu guda galay dantuu iga lahaa. Xafiiskii uu furtay (Somali Community and People) ee uu ku faani jiray ayuu ka cabsi qabaa in laga qaado---naag laga cabsado oo Raas iyo ragga kalee xafiisyada furtay ay ku xantaan waa Carraweelo ayaa kormeere ku soo maqan. Waxaa la rabaa in la ogaado wuxuu hayo iyo dadkuu u hayo; in la arko islaamuhuu afka baray, caruurtuu ciyaarsiiyay, dagaalkuu la galay gudniinka, dadkuu dajiyay, waraaqahuu turjumay, dharkii barafka ee u bixiyay, dhalinyaraduu shaqaalaysiiyay; in la hubsado lacagtay galiyeen meeshuu geeyay. Waa go'aan dowlad gobaleed.

"Qarniyoow inaad laga roone tahay, xafiiskayga ma timaadid, waxaan lagu oran adeerkay baa ku dhalay. Hadana cuqdad kuuma qaadi karo oo adigiyo Ina Kariyaba waxbaad barataan. Midse ii sameeya. Beri waxaa nala balansan naag dhib badan. Waxay baaraysa waxaan bulshado u qabano. Waa naag xun, niman soomaalidaas kale ah baana igu soo diray. Waxaan adiga iyo Kariye, iyo Suubbanba idinka rabaa inaad meesha ii soo camirtaan. Gaar ahaan adiga waxaan rabaa inaan kugu daro dadka aanu sheegayno inaan shaqaalaysiinay."

"Sug saaxiib"ayaan la soo badaaday markay ii muuqatay meeshuu wax ku wado. "Waxba ha'iga qorin. Way igu adagtahay inaan waxaad gaar ahaan iga rabto sameeyo."

"Ma saas baa?"

"Haa" baan iri"dadweynaha imaanayase inaan noqdo waxba kama qabo."

"Shirkeennu bulshadoo idil buu u banaan yahay. Taayadu ma aha xero qabiil. Imow beri todabadiyo barka. Ha soo daahin sida soomaalida."

Markuu intaa yiri wuxuu ku celiyay inayan tiisu ahayn "xero qabiil", wuxuuna xusay hebel iyo hebel Soomaali Maxamed ahi inay xafiiskiisa ka xamaashaan, meesha niman ilma’adeeradiis ahi ay intaa arji u soo qoranayaan. Raas beentiisii buu u riyaaqay. Anse kama akhrisan.

II

Shirku wuxuu ka dhacayay dhulka hoostiisa. Waana loo dhammaa. Ardaaga kore waxaa tubnaa anna i soo tilmaamay gabdho dharkii "hidiyo dhaqanka" wata, calamada labada wadanna warfinaya. Qolkii weynaa ee dadka badan qaaday ayaan soo galay anoo kaligay socda, dadka qaarkii muuna iman qaarna wuu imaanayaa anoo arkaya. Meeshu waa meel hanaansan dad hormar doonayana ay soo habeeyeen. Olale weyn baa ii muuqda. Gidaarada waxaa laga simay sawiro soomaalida Kanada ku saabsan oo laga

qaaday dadka xafiiskani uu wax u qabto. Waxaa kaloo darbiyada ku daadsanaa halhaysyo aan wado hayno, sidaa `aqoon la aani waa iftiin la aan` ama `aan is weheshano walaalayaal` iyo ugu danbayntii `dugsi ma leh qabyaaladi`. Meesha mudanayaasha la maaganaa inay fariistaan waxaa barbarkeeda babanayay labadii calan oo cirka lala simay.

Anoon wali qolkii qof ahaan ka bogan ayaa waxaa soo saftay guddigii dowladda gobalku soo dirsatay. Waxay ka kooban yihiin haweeneey ookiyaal xiran iyo laba nin oo xanaaqsan. Waxaa la socdo nin soomaali ah oo turjubaan iyo la taliyeba u ah. Dhanka Raas iyo raggiisa way dhan yihiin. Waxaan arkay hebel iyo hebelkii uu ku faanayay. Waxaan kaloo arkay hebel iyo hebel uu ka kala tagay. Saf waxaa ku jiray dhowr islaamood oo isugu jiray eedooyinkiis iyo habaryarihiis oo buuggaag cusub babinaya, qalimo markaa loo qaybiyayna si qalad ah u haya. Laba nin oo si si ila ahna inta dhar nadiif ah loo xiray ayaa golaha dhexdiisa la fariisiyay. Mid baan gartay; wuxuu qabaa Raas walaashiis Sanyar. Hooyo soomaaliyeed iyo caruurteediina waa diyaar.Waxaa kaloo goobta joogay arday soomaaliyeed oo sidii ubaxii kacaanka dhar isku eg lagu dhex riday, si qaabdaranna u qaadayay heesta calanka Kanadiyaanka.

Raas isaga rabsho kama muuqato. Wuxuu qabaa dhar qaali ah iyo jaakad sidaan jeclahay talyaaniga lagu soo tolay. Qoorta waxaa u suran qool uu ka sii laalaado qalin qurux badan. Ilama aha inuu i arko. Dadkuu kala duwayaa, marna kala hagayaa, haddana kala habaynayaa.. Qof walbana wuxuu rabo Raas buu waydiinayaa. Mar wuxuu u tagayaa odayaasha tolka, marna islaamo eedooyinkiisa ah. Qofkii soo galaba wuu salaamayaa gacalnimuuna intaa gudbinayaa. "Dynamic" taasuu hayaa.

Waxaa shirka furay, faataxadana noo akhriay wiil reeraha ah. Markuu dhameeyay Raas ayaa u mahadnaqay Mursal, intaana ku daray in diinta iyo dhaqanka ay yihiin laf dhabarka dadkeena. Isagoon hadalkii ku sii dheeraan wuxuu soo dhaweeyay guddigii dowladdu soo dirsatay.

Waxba mayna didine waxay islaantii ookiyaalaha wadatay dooddii ku soo ooday in ayada uu tuhun ka galay xafiiskan, ayna rabto inay ogaato sababtuu u furan yahay iyo wuxuu soomaalida u qabtay. Waa la yaabay. Qofna muuna filayn inay si toos ah oo qayaxan weerar u soo qaadi doonto. Ninkii soomaaliga ahaa baa la wada eegay sidii uu isagu soo diray.

Raas ma ahayn nin la handadi karo. Intuu soo qabtay buu tiriyay:"durmarkan idin hor fadhiya" buu yiri intuu eedooyinkiis oo wali buugtii babinaya farta ku fiiqay "xafiiskan ka hor eray ingiriis ah mayna aqoon maantana way ku murmaan." Wuxuu markuu intaa yiri u tagay labadii nin ee golaha dhex fadhiyay." Labadan aad arkaysaan" buu yiri isagoo isku kalsoon "wax waalan bay ahaayeen ilaa aan wax u qabanay."

Markuu dhowr tusaale oo meesha taagnaa soo qaatay wuxuu eedeeyay gudigii gaalada ahaa, wuxuuna codsaday in caawimaadda loo soo kordhiyo. Waxaad wadaan buu yiri waa hoo oo ku dhimo. Waxuuna madax adaygiisa u turjumay maahmaahdii gabadhu tiri mana wasni warna i raac. Mudday qaadatay in loo micneeyo murtida ka danbaysa oraahdaa iyada ah. Markiise lagu guulaystay, gaaladii, waliba haweenaydii ookiyaalaha wadatay, way ka heshay, waxayna soo qaadatay qoraa Kanadiyaan ah oo soomaalida suugaanteeda amaantay. Raas wajigiisa farxad baa soo fuushay, wuuna furfurmay. Wuxuu iska dhigay nin maskiin ah oo loo tashtay, isagoo naftiisa difaacayana wuxuu doodiisii ku yiri:

"Soomaali haddaan nahay been waan sheegnaa beense kuma maahmaahno."

Maadaama u si fiican u turjumay tanna gaaladu way la garatay. Meeshaasay ahayd inuu maahmaahyaha uga haro. Muuna yeeline mid dabin ah buu dalaq yiri:

"Maahmaah kalaa jirta ee marka hore aan afsoomaali ku sheego. Soomaalidu waxay kaloo tiraahdaa gaal dil gartiisana sii."

Wuu galay. Ninkii soomaaliga ahaa ee dowladda la talinayayna waa diyaar. Raas waxaa laga rabaa inuu maahmaahdaas turjumo. Asba wuu gartay markay afkiisa ka soo baxday inuu dabin galay. Wuxuu bilaabay inuu balaayaduu keenay bixiyo. "Gaal" wuxuu ku fasiray qof aan Ilaaheenna aqoon, wuxuuna yiri waa la dilaa, dabadeedna waxaa loo sheegaa buu yiri sababtaad u dishay. Ajnabigii baa argagaxay. Way garan waayeen siduu wax u wado. Dilkana maxaa keenay bay is yiraahdeen. Ku noqaa la yiri. Raas baa ku noqday. Markan ma`aqaan meeshuu ka keenaye "gaal" wuxuu ku macneeyay qofkaan

soomaali ahayn ee dagaal lagu qabto. Way u socon waysay. Ninkii soomaaliga ahaa baa isku dayay. Wuxuu yiri, isagoo dadaalaya, "dil qofkii aan muslin ahayn wuxuu doonayana sii." Gaalkii garabka ka fadhiyay ayaa si xun geeska uga eegay. Gaaladii way soo taagan yihiin waxayna kaga dhagtay maahmaadaas dhacday. Mid baa ani i waydiiyay waxa la isku dilayo, qof dhintayse sidee buu gar u qaadan karaa. Waa yaabe waxay is yiraahdeen sir baa fakatay, oraahdaas aragtida ka danbaysa hadaad ogaataan soomaali waad ka sal

gaaraysaan.

Raas iyo raggiisii dib bay isugu noqdeen. Dhowr islaamood oo eedooyin ugu aadanaa way ku ag wareegayaan. Raas wuu qalqalayaa wuuna og yahay hadduu sadexdaa qof qancin waayo in xafiiskiisa la xirayo. Anigu waxaan ka mid ahaa kuwii uu goonida ula baxay si ay xujadaa iyada ah xal ugu helaan. Maadaama aan jaamacad jiray waxay iga filayaan inaan ina’adeerkay fakiyo. Nasiibdarro, luqadaha ma baran, Maxamed Kariyena ma'ahi. Ayadoo madaxa aan iskula jirno ayaa Raas oo aan is ogayn maahmaah kale

adeegsaday. Wuxuu nagu yiri "hadal nin si u yiri; ninna si u qaaday." Habaryartiis Culus baa afka qabatay:

"War meel joog" bay tiri "maahmaahdanbana yaan lagaa maqal, middii horaa kugu maqane."

Eedadiis rumaa ku raacday "Balaayaduu keenaan bixin la' nahay markaasuu buur kale koraayaa." Waa lagu wada kacay

"Meesha ma waxaad mooday googaalaysi iyo in gabayo la isku tirinayo. Gaalaa ku sugaysa."

"Ka qaadqaad adaa qaladka keenaye."

"Dabakanaax, ma barwaaqadii buu eeday?"

Raas wuu waalan rabaa. Mar wuxuu eegaa islaamihii haaraamayay marna ajnabigii sugayay. Wakhtigu wuu ku socdaa dadkuna way wareeriyeen. Talaa ku cad, tusaalaana laga raacay. Goor danbe oo nala daahsaday ayaa gaaladii loo noqday. Labo sidoodii bay u fadhidaa midkoodna intuu sigaar soo dhamaystay buu la saftay. Dowladdu waa diyaar. Markay dhowr qof oo aan ka mid ahay hadalkii qaateen maahmaahdii way sii qaabdaraatay."War dynamic ku day" qof gadaal ka yimid baa soo qayliyay. Balaayaa na haysata. Naftii baa naqabatay. Cid maahmaahdii micnaysa ceebeey nalaka waa. Maalingaal bay tani ahayd."Balooyo kuu maahmaahatay" eedadiis oo leh baan maqlayay anoo sii baxaya "bal maxaa ku watay."

 W.Q.Wiilwaal | toldulloobay@hotmail.com

*****

AARLIBAAX

W.Q. Wiilwaal | toldulloobay@hotmail.com

Anoo arday ajnabi ah ku dhex jira, wiil Falastiiniyaan ah oo dadkiisa ka faanana uu sheeko noo wado, ayaa waxaa i arkay Faarax Badal. Ma inkiri karoo hadhow baa la oran Qarni oo gaalo ku dhex jira ayaa nin ina adeerkiis ah inkiray. Waa gacaldiid bay siddii Maxamed Kariye suuqa ii galin. Ardaydii baan inta iga raali ahaada iri u tilaabsaday meeshuu taagnaa.

Waa nin xoog badan oo inkastooy murqihiisu go'nayn haddana dhirir iyo lixaad u dhashay. Waa tiiri tunkiisana lama taaban karo. Garbaha ku yaala waad yaabaysaa. Gacantiisa midig ilaahoow dhaha intay na dharbaaxdo aynaan dhulka galin. Dadka intiisa kale wuu ka dheeryahay dhulkuna uma dhawa. Cagihiisana weynankooda kabaha lalama wadaagi karin. Bidhaantiisa baabuurtan faraha badan wuu ka dhex muuqdaa. Wuxuu qabaa shaar ku dhagan iyo funaanad qoorta ka haysa. Ninkan aad arkaysaan wuxuu ku abtirsadaa geesigii dirirta ba'anaa, halyeygii dadkiisu wali hadalka hayaan. "Aarlibaax" ayaa awow u ah. Waa Aarlibaaxii ay codowgiis uga cowdeen "inta aarlibaax aan arkayo aarsan kari maayo." Isagan iyo walaalihiis oo wada waaweyn qurbahay qaabdaran yihiin.

  • "Maxaad haysaa?" buu yiri markaan hoos istaagay.
  • "Waxba" ayaan iri.
  • "Odaygii ka waran?" Odaygu waa adeerkay Afdiir, caaqilka cidaha.
  • "Suubban baa haysa."
  • "Waan kuu baahnaa" buu yiri.
  • "Maxaan kuu sameeyaa?" baan ku iri.
  • "Dhaqtar baan rabaa inaan arko, cid iiga afcelisana waan rabi lahaa."

Waxba kama qabaan iri. Markaan waydiiyay inuu dhaqtar gooni ah leeyahay iyo in kalena wuxuu ii sheegay inaanu waligiis jiran, waayadan danbese uu isku arkay wadne xanuun uu garan waayay. Wuxuu markuu taleefoonkiisa qoray igala dardaarmay inaan u balamiyo dhaqtar nin ah oo usan doonayn inay dawayso qof dumar ahi. Wuu igu adkeeyay. Wadaad ma aha. Waranlayaal buu ka soo jeedaa. Wuxuu dumarka ku diidayose ma weydiin.

II.

Waxay gabadhii kalkaalisada ahayd ee ay ka muuqatay inay meesha ku cusub tahay noo hor kacday qol meeshan ah oo balaqan. Way furtay waxayna tiri is fududeeya. Waxaan jeleecay Faaraxaan u turjumayay. Qolku waa ku ciriiri qaabdaradiisuuna soo saaray. Meeshuu gacanta saaraba waxbuu ganbiyaa. Cabsi aynaan caado u lahayn baa ka muuqato. Waxaa nabad ugu danbaysay markuu daarta soo galay. Anagoo sidii isu dhexdaadsan ayaa waxaa dalaq soo yiri dhaqtarkii. Waa qof dumar ah. Waa qof da' yar oo aan qurux yarayn.Waxaan waydiiyay maxaa ku dhacay Morriskii aan la balannay. Wuu bukaa bay tiri.

"Keebaa labadiina la hayaa" bay tiri intay waraaqihii ay wadatay dib ugu noqotay.

Faraax Badal gabadha markuu arkay wuu baydaday. Gadaal buu u gurtay. Wuxuu u ekaa xayawaan la soo xiray oo dadkuna xasadnimadood daawanayaan. Wuu isla dirirsanaa, wuxuu damacsanaa inuu oodda jabiyo. Nasiibdaro, qof dumar ah baa ilinkii isku gudubtay. Waan u gudbiyay in ninkan ina adeerkay ah la hayo, anna aan afhayeen u ahay. Waxay fiirisay Faarax. Wuu arkaa in la eegayo. Way ku soo durugtay. Dib buu u siqday. Darbigaa soo celiyay. Anuu i soo dayay. Kama sii dayn.

"U sheeg" bay tiri "inuu shaarka iska bixiyo."

Waan u sheegay. Wuu ashahaatay. Markuu arkay inay talo ku caddahay, intuu dhinac kale u jeestay uu dhabarkiisii baaxada lahaa na soo aadiyay, ayuu bilaabay inuu dharkii iska bixiyo. Oogadiisa waxa dhogar saaran.

"Soo jeeso dheh" bay tiri. Wuu soo jeestay. Wuu dhididayay.

"Jir qurux badan baad leedahay" bay si toos ah Faarax Badal ugu boorisay.

Muuna maqal. Wuu naxsan yahay. Naf baa haysa. Waxay farta ugu fiiqday inuu fariisto. Wuu yeelay. Markuu fariisto madaxay ugu joogtaa. Intay u soo dhawaatay bay kalyaha ka taabatay. Xabadkana bir ay u baratay intay ka saartay bay tiri "haah dheh" Wuu dhahay. Faro cadcad bay wajigiisii fiicnaa saartay. Dabadeedna afkay fur tiri. Wuu furay. Way ku falaadaysaa.

"Aah dheh" bay tiri sidii ilmahii. Wuu yiri isagoo ilmayn raba.

Faarax Badal gacan bay gabadhu ku dhigtay. Aniguna sidii tiir baan soo taagnahee turjumaadayda waa horaa laga tanaasulay. Aadmigu sida la og yahay inta badan oogaduu ka hadlaa. Faarax way aragtaa inuu fiigsan yahay. Sidii faraskii buu dagaalamayaa. Hadba boggay ka soo marta mooyee bogga kaluu isugu bataa. Waxay u dhiibatana sidii owr dhib badan wuu ku tuntaa. Mar ay thermoomatarkii afka u galisay ilkihiisii is garaacayaa gooyay. Gabadhu way yaaban tahay; tannoo kalene mayna arag. Markii ay is mari waayeen ayay turjubaankii meeshan joogay ku soo jeesatay.

"Waxaan u baahnahay" bay tiri "saxaradiisa."

Runtii waan naxay. Waxaan ku hadlaan garan waayay. Faarax Badal inaan dhaho kaadidaada iyo xaarkaaga koonbo ku soo shub kuma dhaco. Ilaah baa ilehe waa arin aan la turjumi karin---gogol baa ka imaan karta. Gabadhiina way iga afdhowraysaa. Faaraxna wuu i dhowrayaa oo wuxuu sugayaa waxaan soo wado. Talaa igu cad. Mar danbaan isku dhiiriyay waa la dhimane wax un dheh. Siddan baan nin doorkii u dareensiiyay waxay inantu ka doonayso. Ina adeerkay markuu ogaaday wuu argagaxay. Dharkiisii buu bilaabay inuu xoog u xirto. Wuu na dardaray. Albaabkii furnaana orad buu ugu baxay. Galabtaasaa iigu danbaysay

Faarax Badal wuxuu mootan yahay sanad iyo dhowr bilood. Dadku waxay dhahaan amar ilaahay buu u dhintay.

W.Q. Wiilwaal | toldulloobay@hotmail.com

 

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

Idaajaa oo Qoraal Taariikhi ah Kasoo Saaray Federaalnimada Soomaaliya
Axmed Faarax Cali "Idaajaa" ayaa qoraal kasoo saaray ujeedada Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]