SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN
 45 Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo Looga Cabsi Qabo in ay Dhinteen, Kaddib markii Xoog Looga Daadiyey Doontii ay Saaraayeen

Tarjumadii SomaliTalk | ISHA: Guardian  | Aug 26, 2003

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 45 qof oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo saarnaa dooni loox ka samaysan looga cabsi qabo in ay geeriyoodeen kaddib markii si khasab ah badda loogu daadiyey, waxaana sida warku sheegay falkaas geystey dadkii doonta wadey, kuwaas oo khasab dadkii ay wadeen u daadiyey badda kaddib markii ay kusoo dhowaadeen xeebta yemen, sidaas waxaa shalay sheegay dad ka soo badbaadey.

WARARKA SOOMAALIDA DUBAI

Kulankii Abdul Rahman Ghanim Al Mutaiwee, the Director General of Dubai Chamber of Commerce & Industry ee UAE iyo H.E. Mr. Hussein M. Bullalah, Somali Ambassador ee U.A.E. oo uu la socdey  H.E. Mr. Mohamed Bro Abukar Meou, oo ah Consul General,  Somalia... Aug 20, 2003... GUJI

Sida ay maanta Muqdisho kasoo werisey hay'adda AP, oo ay kasii xigatey jariidada Guardian  ee Ingiriiska kasoo baxda, waxaa dadka doonida looga tuuray khasab iyo qori caaradiis, ayadoo lagu khasbay in ay doonta ka daataan, sidaas darteedna waxaa laga yaabaa in sidaas ay dad badani badda ugu qaraqmeen (ama baddu laqdey), sidaas waxaa sheegay Cali Siidow Qaaddi oo soo dabaashay saddex mile ilaa uu ka soo gaarey dekedda Shabwa ee dalka Yemen, halkaas oo ninkaas lagu soo badbaadiyey Sabtidii.

Doontaas oo sidey 80 rakaab ah waxay khamiistii kasoo baxday Merer oo ah xeebta Woqooyi-Bari ee Soomaaliya, ayadoo kusii jeeyey Gacanka Cadmeed dhanka Yemen. Waxaa warku intaas ku daray in laba doonyood oo kale oo sida 200 qof oo raba in ay shaqo ka raadsadaan Yemen  ayaa ayaguna maalin ka hor iyo maalin ka dib soo baxeen.

Cali Siidow Qaaddi waxa uu sheegay in uu bixiyey lacag dhan  $50 doolar  si uu ugu talaabo Yemen, kaddib markii uu muddo saddex toddobaad ah dhulka kaga soo safray Koonfurta Soomaaliya.

Hussein Hajji Ahmed Mohamud, qusulka safaarada Soomaalida ee Yemen, ayaa sheegay in dadka soo badbaadey ay u sheegeen in ay arkeen lix meyd oo badda sabaynaya, waxaana hadda yemen lagu aasay meydkii toddoba qof oo xeebta kusoo caariyey.  Dadka soo badbaadeyna waxaa lagu wareejiyey hay'ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee Yemen. 

Waxaa warbixinta Guardian intaas ku dartay in boqolaal qof ay dhinteen ayagoo kusii jeeda yemen ilaa intii Soomaaliya ay qulquladuhu ka bilaabmeen ee xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991kii.

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 26, 2003 

ISHA: Guardian

 

Kulankii Booliiska Ottawa ay kula kulmeen Qoyskii Bashir Salah oo Toddobakii hore lagu diley Ottawa... ENGLISH


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]