Waxyaalaha laga xusuusto taariikhda Isku darkii labadii gobol ee gobanimada ka qaatey Ingriiska iyo Talyaaninga Wadaageyna
Calanka ay xidigta shanta geesleh oo ee astaanta u tahay shantii qaybood
ee walaalaha gumaystuhu kala qoqobay ayaa ahayd abuurkii geedkii himilad ee isla
baadidoonka qaybahaas oo dhan.
haddaba dadka ay baadidaasi ku maqanayd ee ay ugu horreyso Ethiopia
ayaa ka hor xornimada Goboladii Waqooyi waxay ka codsadeen dawladdii
ingiriiska in ay gobloda waqooyi ku cadaadiso in aanay ku biirin koonfurta
ee ay noqdaan dawlad gaar ah, nasiib wanaag arrintaas wax uu doonaba ha
uga dan lahaadee Ingriisku dhegaha ayuu ka furaystey.
kadib markii la soo garay gaobanimadii Djiboiti ayaa sideedii dawladdii Ethiopia
iyadoo markaan ay la socoto dawladdii Kenya waxay geed dheer iyo mid gaabanba
u fuuleen in ay Faransiiska ka raa-ridaan in aanu u oggolaan in Xeebta DJabbuuti
ku biirto somalidii xorta ahayd.
Dabcan waxaa jirey sababo kale: sida iyadoo uu wakhtiga socdey dagalkii
qaboobaa somaliyana ay xiriir la lahayd midowgii Sofyeeti, ayaanu Faransiisku
doonayn in ay Djabouti Gacanta u gasho Midowgii soofyeeti.
Haddaba goonni isu taggii Djabouti ayaa wuxuu guul usoo hoyey Dawladihii
Ethiopia iyo Kenya. geedkii himilada ee isla baadidoonka walaalaha kala
maqanna laamihii ka jartay.
Markaa miyaanay guul tii ugu dambaysay u noqoanayn Ethiopia iyo Kenya
haddii ay somaliya maanta u kala baxdo labo qaybood. noqonaynna mid
geedkii awalba laamaha la'aa xiddidda u saarta. Nabadeeeeeeeey.
markaa haddii aad la socotay iyo haddii kaleba marna maankaaga yey gelin
Ethiopia iyo Kenya ayaa daacad kuu ah doonayana in shir somali isugu
timaaddo ay ka soo baxdo dawlad loo dhan yahay oo wada gaarta idil
ahaanba geyigii jamhuuridda somaliyeed loo aqoon jirey...
Bal u fiirso
1. Ethoipia waxay doonayasaa in madasha shirka ay kooxaha soomalidu aad
ugu sii kala fogaadaan iyadoo qarkood garab siinaysa qaarkoodna geeska
gelinaysa halkii ay isaga soo dhowaan lahaayeen.
bal eeg siday u qaybisay TNG. ama kooxdii carta (sidaa doonto) iyo SSRRC.
2. Ehiopia waxay doonaysaa in shirka ay ka soo baxdo dawlad aan loo
dhammayn oo ka sii liidata tii Carta si ay ugu raalli geliso dawaladaha
lacagaha faraha badan ku bixiyey qabsoomidda shirka.
3. Ethiopia waxay doonaysaa in markii dawladdaa liidata ee shirka ka
soo baxdaa ee la filayo in aanayba soomliya soo gaarin ay adduunka
ka codsato in Somaliland ay markaan xaq u leedahay in la aqoonsado,
oo aanay maxbuus u ahaan dad cawaan ah oo aan weligood dawlad noqanayn(koonfur).
Taas macaneheedu ma aha in Itoobiyaanku ay jecel yihiin reer somaliland
ama ay qaba'ilka somaliyeed kala jecel yihiin
balse waxaa u rumoobaysa himiladeedii ahayd in aan soomali dambe oo
shan ah la maqal halkaana ay ku xalaalaysato
dhulkaa somaliyeed. """"ku Jar-hadalka sow noqonamaysa"""
Halkaana ay ka dhashaan labo dawladood oo yar yar oo iyagu isu col ah,
oo u tartama itoobiya si uu midba midka kale uga xigsado.
iyaduna maalinba midkey doonto dhex mushaaxda argagixio ku soo gabbataa
ama cabsi gelin u timaadaaba.
ma ogtahay in dawladda Itoobiya ay Somaalida kale u sheegto Mudnimida
somaliya waa muqaddas. Madaxda somaliland ku dhiirrigeliso in ay
mawqifkooda goonni isu taagga ah ku adkaystaan shirkana aanay ka soo qayb gelin.
Dheg ha u dhigin siyaasi hadalkii, sida kii wasiirka warfaafinta itoobiya oo ka
hadlayey aqoonsiga soalialand,dadka qaarkiina ku kedsoomeen..
mase ogtahay in aqoonsiga somaliland uu horseedi doono dagaal aan
weligii dhammaan lagun hoobto oo dhexmara Somaliland iyo Puntlnad.
Dawladda wadaagga (Fedaraalka)
innagoo og in aan inta badan somali dan ugu jirin
innago og aqoon la'aanta ummaaddeena ka haysta waxay arrintaani tahay
innagoo og in ay ku dhumeyso waddan jacaylkii oo meesha soo geleyso gobol jacayl.
innagoo og in ay adkaanayso sida loo helaa gobollo is doonaya.
ayeynu haddana ku khasbannahay in aynu qadanno Federaalka, waayo?
ma jirto wax ka yar oo lagu qancin karaa walaalaha somaliland ee aan ahayn in
ay ka mid noqdaan dawlad fedaraal ah oo ay arrinmaooda hoose u madax
bannaanaadaan magacooda iyo dawladdooduna u jirto.
haddiise maanta la yiraahdo waxaad dib ugu noqnaysaan,Waqooyi galbeed,
Togdheer iwm. runtii in ay ku dagaalamaan una dhintaan ayey duyaar u yihin.
haddii aad booqato somaliland ama aad si fican ula sheekaysato
wax-garad ama aqoon-yahan reer somaliland ah waad arki.
Gunaanadkii
1.dhammaan somalida waxaa ku waajib ah in ay qayb libaax ka qaataan in shirku guulaysto dawlad
loo dhan yahay oo laga raalli yahay oo aan ahayn tan itoobiya doonaysaana meesha ka soo baxdo.
2.waxaan codakayuga ku biirinyaa Profesor Xuseen Axmed Warsame
in Cabdi qaasimn iyo ragga shirka ka caroodayba ay shirka dib ugu noqadaan.somaliyina maanta
maalin ayn hiil uga baahi weyn tahay ma jirto.
3. in dadka doonaya in shirka aan cidna loo hakin ee hore loo socdo in ay ka fiirsadaan
meesha ay u socdaan.
4. in la iska daayo is cambaaraynta
Mohamed Salah
Murdoch university, Australia
30262721@student.murdoch.edu.au