SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Bismillaah:

Maxaa sababay Somaliyi inay Federal qaadato ?

Axmed Moxamud   moxamud19@hotmail.com

A/C dhamaan akhristayaasha,ka bacdi waxaan maalmahan arkayey
Dad xiiqsan xunbo qawlalada(afka dhinacyadiisa) ka tuuraya ama aan si kale u idhaahdee abbur afka ka tuuraya waxay ka soo horjeedaan nidaamkan cusub ee Somali lagu badbaadinayo,waxayna kun doodayaan waxa la burburinayaa ama la kala dhantalaya midnimadii iyo wada jirkii dal weynihii la odhan jirey xiligaa(1960- 1991) jamhuuriyada dimuqradiga ee Somaliya ,iyagoo lugta ku duubanaya itobiya,hadaba itobiya wixii ka horeeyey 91 waxay ahaan jirtey dawlad maamul dhexe leh - -> markay qaadatay nidaamka Federalka miyey daciiftay mise dawlad qiimo leh bay noqotay? akhristow ka jawaab.

Dadkanxiiqsani macnaha ay u qaylinayaan waa la wada garanayaa Somali iyo Ajinebiba yayse khaldi karayaan ma Somali mise Ajaanib iyagoo u badan kuwii Somali kala geeyey kana shaqeeyey in Somali reer reer isu cunto ,iyagoo ahaa kuwii ka midka ahaa xukuumadii kacaanka nidaam ahaana taageersanaa in burburkan yimaado , iyagoo hadeerna ku dhuunta ururada diinta kana tirsan xukuumadii burburtay ee Carta lagu soo dhisay mabdaoodiina uu ku base gareesan yahay kii kacaankii ayna raadinayaan wixii waaga ay arki jireen iyo qabqablayaal ilaa hada aan ogolayn in wax dawlad la yidhaado Somaliyi hesho , kooxdan waxaa ka mida qabqablayaasha dagaalka ee caasimada qaarkood.

Arintaasoo ay cadeeyeen khubaro ajinebiya oo ku takhasusay cilmiga barashada dadka iyo dhaqamadooda uuna ka mid yahay professor I M lewis, professor Lewis wuxuu dersay dhibaatada Somalida min bilowgii dhibtii Somaliya ilaa hada isagoo ku qeexay nimanka qabqablayaasha caasimadda qaarkood ,inay yihiin niman aan ka badinayn waxay iskood u urursadaan una diidan Somali inay u soo dhawaato caasimada, dawlad loo dhan yahayna timaado caasimada , waxay saas u yeelayaan si aan loola xisaabtamin, waxayna ku jiraan ganacsi khariban waxay dhacaan ayna iib geeyaan wax kasta oo Somaliyi leedahay Hanti guud iyo mid gaarba.

Hadaba waxaa is weydiin mudan , dhawrkan suaalood ee soo socda (1) maxaa keenay ama sababay burburkii J.D.somaliya?
(2)burburkii Somaliya ku dhacay ma rabbaani (wax alle Somali maagay )ayuu ahaa , mise sabab buu lahaa yacnii Somali iyadaa keensatay masiibada?
(3)maxaa ina gaadhsiiyey in dibeda la inoogu gar naqo inagoo Somaliya?sidoo kale maxaa sababay inay 13kii shir ee hore inay dhicisoobaan?
(4)maxay Somaliyi isu aamini weydey ?waayo?
(5)ma xaqbaa inaynu dawlado kale eedayno,iyadoo Somaliyi eeda leedahay khaasatan kuwa ay ka degi la dahay caasimadu?
-->iyo suaalo kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.


Hadaba raad arooryo dib looguma noqdee ruux kasta oo Somali ah wuu og yahay wixii soo maray dalkiisii iyo ummadiisii uu ka midka ahaa ,hadaanu is yeelyeeleen (yacnii isdhaafsiinayn ama isdiidsiinayn) sikastaba ha ahaatee xaaladadahaas iyo dhacdooyinkaas isla fahamnay in Somali kastaa ogyahay. suaalahaas kore aan soo xusay iigamana baahna jawaab iyo sharaxaad iyo tafaasiil dheeraada waayo akhristow adaa isugu filan inaad isu jawaabtid markaad akhriyeysid suaal walba.

Hadaba suaashan aan cinwaanka u soo qaatay aan isku dayo inaan xoogaa(waxyar) iftiimiyo. waxa lagaadhay waqtigii Somalidu wax u qaybsan lahayd sida dad horu maray - iyadoo la joogo waqtigii Federalka Somaliya . run ahaantii waxaan marnaba suurtogal aan sinaba ku noqonayn ama aan soo noqon doonin dawlad dhexe isku wada haysa maamultuulo,ilaa maamul degmo, ilaa maamul gobol ilaa xarunta gobolada caasimada guud sidii tii ugu danbeysey ee kacaankii .


Waqtigan ayaa la odhan karaa Somaliyi xoogaa wey ka bogsatay dhibkii badnaa ee dhexdeeda soomaray inkastoo meelaha qaarkood wali Somali kale ay xaq daro ku haystaan ,hadana intooda badan ayaan ka hadlaynaa, wixii soo maray ee dhibaato ahaana ilowday , weyna isu hilowday isuna soo qiirootay, loona bislaaday in Federal la isugu yimaado.

Waxaa sababay inay Somaliyi u guuxdo oo qaadato Federal ka, waxaynu odhan karnaa Somaliyi wey qaan gaadhay xaqiiqdii, waxayna ka qaan gaadhay maamul xumo,hanti qaran boobkeed , xukun eex ku dhisan,dagaal sokeeye,dhac iyo xad gudub , sidaa darteed waa xiligii la wada huwan lahaa magaca Somali oo Federal ah iyo dawlad Federal ah iyadoo laga faaiidaysanayo taariikhda iyo wixii khalad la soomaray oo dhan,dhinaca kale hadii wali kuwaan qaangaadhin ay isku dayaan inay carqaladeeyaan Somaliyina isla wada garan weydo Federalka oo taasi suuroobi weydo waxay ku danbaynaysaa dawlado iskood ukala madax banaan intii is ogolba israacdo, oo ay ku kala dareeraan wixii la odhan jireySomali , illaahay kama dhigo in lagu kala dareero Somaliya aaaamiiin!!!!!!!!!!.

Axmed Moxamud   moxamud19@hotmail.com

 QORAALKII HORE EE AXMED MAXAMUD...


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]