SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Korontadii oo usoo laabatay meelo ka mid ah Bariga Canada iyo USA

SomaliTalk.com | August 14, 2003

Daawo Warka Kornto La'aanta Canada & USA.. ABC.TV

Dadkii oo lugaynaya kaddib markii korontadu tagtay
SAWIRKA: CBC.TV [Aug 14, 2003]

Korontadii ayaa tartiib-tartiib ugu soo laabaneysa meelihii ay saamaysay koronto la'aantu ee kuyaal bariga Canada iyo Maraykanka.

August 14, 2003 markii ay saacadu bariga Canada ahayd 4:15 galabnimo ayey korontadu ka tagtay badanaa bariga Maraykanka iyo Canada. Koronto la'aantani waa tii ugu weyneyd ee saamaysa Woqooyiga Ameerika muddo ku dhow 40 sano. Waxay Koronto la'aantani saamaysay magaalooyinka ugu waaweyn bariga W/Ameerika, sida Detroit, New York, Ottawa iyo Toronto.

Ra'iisul wasaaraha dalka Canada, Jean Chrétien, qoraal uu soo saaray fiidkii Khamiista ayuu kusheegay in dawlada Canada ay la shaqayneyso gobolka Ontario iyo USA sidii korontada loosoo celin lahaa.

Raysul wasaaraha Ontario, Ernie Eves, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta koronto la'aantu ay kasoo bilaabatay gobolka New York.

Duqa magaalada Toronto, Mel Lastman, waxa uu sheegay in korontadu ay si dhaqso ah usoo laaban doonto, waxana uu qiyaasay in ilaa subaxdii ay si buuxda usoo laaban doonto.

Duqa magaalada New York, Michael Bloomberg, waxa uu shegay in koronto la'aanta ay sababtay kaddib markii Niagara Mohawk ay xamili kari weydey baaxada korontada ee loo baahanyahay. Niagara Mohawk waxay kutaal gobolka Ontario ee dalka canada.

Warka labada duq ee magaalooyinka Toronto iyo New York waxaa ka muuqda in aysan isku raacsanayn waxa sababay koronto la'aantan.

Madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, waxa uu dadka Maraykanka u xaqiijiyey in arintan koronto la'aanta aysan la xiriirin wax argagixiso ah.

Waxaa la xiray wadada dhulka hoosteeda marta (tunnel) ee isku xirta Detroit (USA) iyoWindsor (Canada).

Koronto la'aantani waxay saamaysay ilaa 50 million oo qof, waxaana lagu qiyaasay koronto la'aantii ugu baaxada weynayd ee soo martay Woqooyiga Ameerika.

Koronto la'aantii ugu ballaarayd ee tan ka horeysey waxay dhacday sannadkii 1965, taas oo waagaas saamaysay bariga Canada iyo woqooyiga USA, waqtigaas waxaa korontada lagu soo celiyey 13 saacadood.

Waxaa lagu soo waramay markii koronto la'aantu bilaabatay in ay istaageen gebi ahaanba adeegyadii wershedaha (Industry), hay'adiha dawladda (government) iyo isgaarsiintii (transportation). Wadooyinki waxaa is xiray gawaari maadaama ay uu waqtigu yahay gal ay dadku kasoo laabanayaan shaqooyinka.

Warar  uu hadda weriyey TV-ga ABC ee Maraykanka ayaa sheegay in koronto la'aanta aan loo tirinayn wax argagixiso ah, balse ay u muuqato mid u dhacday si caadi ah.


MAGAALOOYINKA AY SAAMAYSAY KORONTO LA'AANTU:
SAWIRKA: CBC.TV

Warar ayaa sheegay in laga yaabo waxa sababay ama ka qayb qaatay koronto la'aanta ay tahay dab ka dhacay wershedda Con Edison oo kutaal New York. Laakiin warkas waxaa lagu soo waramay in wax dab ah uusan halkaas ka dhicin, sida laga soo xigtey duqa magaalada New York.

Sida ay werisey shabakada CBC-Canada ma cada in sabata koronto la'aantaan dhalisay ay ka mid tahay wershda korontada qaybisa ee Niagara-Mohawk (oo kutaal gobolka Ontario, canada) in uu xamuulkii ka batay.

Waxaa lagu soo waramay in tareenada dhulka hoostiisa mara (Subway) ee New York uu istaagey iyo in wax basas ah aysan ka shaqaynayn magaalada, TV-ga ABC wuxu tusay sawiro muujinaya dadkii oo raxan raxan u socda. Sidoo kale TV-ga CBC waxa uu weriyey in ay istaageen tareenada dhulka hoostiisa eeToronto.

Tareenka dhulka hoosiisa mara ee New York  waxaa lagu qiyaasay in rubuc million qof  ay ku safraan tareenadaas xilliga shaqada laga soo baxo oo ahayd markii ay koronto la'aantu dhacday.

Waxa kale oo lagu soo waramay in aan telefoonadu shaqaynayn.

Waxaa kale oo lagu soo waramay in garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka ay koronto la'aantu saamaysay la amray in aan diyaaradaha hadda fadhiya aysan ka kici karin, balse loo ogol yahay diyaaradaha hadda hawada kusoo jira ay soo fariisan karaan.

Duqa magaalada New York, Mayor Michael Bloomberg waxa uu sheegay in laga yaabo arintan koronto la'aanta ah in ay kasoo bilaabatay Niagara Mohawk taas oo xamili kari weydey adeega korontada ee loo baahnaa, kaddibna ay matooradii is-damiyeen (automatically). Waxaana uu sheegay in korontad lasoo celin doono. Waxana uu Duqa New York oo warbaahinta ka hadlayey uu dadweynaah u shegay in ay si dejiyaan.

SomaliTalk.com | Canada

ISHA CBC.TV  | ABC.TV.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Faafin: SomaliTalk.com | August 14, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD